Sign in to follow this  
Deeq A.

XAAF oo si cajiiba uga hadlay xil ka qaadista ay ku sameeyen Xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in Xildhibaanada maamulka ay maanta ku sameeyen.

Xaaf oo goordhow la hadlay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay.

Xaaf waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista, isagoona sheegay in xildhibaano yar oo ku shiray Cadaado aysan xilka ka qaadi karin.

“Adeer xildhibaano aan dhameystirneyn anigu xil igama qaadi karto, waxa shirayna waa Xildhibaano tiro kooban oo aan gaarin lambarkii xilka aan ku weyn lahaa”

Hogaamiye Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada dhexe ay fara galin ku hayso maamulka Galmudug, Sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa uu marayaa meeshii ugu adkeyd.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this