Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaqaalaheeda kusoo rogtay amar la xiriira magaalada Muqdisho (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Puntland ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta heshiiskii madaxda maamul goboleedyada, wada heshiisiinta shacabka Sool iyo qodobbo ku saabsan Somaliland, Al Shabaab iyo Daacish.

Xukuumadda Puntland oo ka mid ah maamul goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhaqan galineyso heshiiskii ka soo baxay shirkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha wasiirrada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha xukuumadda Puntland ka mamnuucay iney ka qeyb galaan shirarka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland ahna wasiirka xiriirka goleyaasha, Cabdullaahi Quraan ayaa sheegay in goluhu uu taageero buuxda u muujiyey go’aannadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo.

“Shirkii Kismaayo oo uu horayba uga qeyb galay madaxweynaha ayey Puntland si buuxda u taageertay, waxaa kale oo laga hadlay sidii loo wajihi lahaa cadawga faraha badan ee ay Puntland leedahay, sida Al-Shabaab, Daacish iyo Somaliland.” Ayuu yiri Quraan Jecel oo la hadlay BBC-da.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan warmurtiyeed ay ka soo saareen Kismaayo ku sheegay iney hakiyeen xiriirkii xukuumadda dhexe, taasoo qeyb ka ah khilaafaad u dhexeeya labada dhinac ee in dhawaaleba soo jiitamayay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this