Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Khasaarihii ka dhashay qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax_Degmada_Hodan_Xarunta-1.jpg?resizeMuqdisho (PP) ─ Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen Qarax culus oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay oo maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodan ee Xamar.

Qaraxan oo ahaa mid laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha xarunta degmada, isla mrakaana loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Puntland Post in Qarax uu geystay khasaare aad u xooggan ayna burburtay inta badan xaruntii degmada Hodan, iyagoo ku dray intaas inay jiraan khasaarooyin aad u fara badan.

“Waxaan arkay maydadka lix qof oo goobta ku naf-waayay, dhaawacyo ayaa sidoo kale waxaa goobta ka qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri Goobjooge ku sugan agagaarka halka uu qarxu ka dhacay.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa isagana u sheegay warbaahinta in gaariga uu ku qarxay gudaha xarunta degmada oo ay shaqo maalmeedkii caadiga ahaa ka socotay, khasaare badan ayaana ka dhashay.

“Baaritaanno ayaa weli socda, waxaase hordhac ahaa u sheegi karinaa inay dhinteen lix qof, toab ruux in ka badanna ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan booliiska oo diiday inuu magaciisa sheego.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qarax ku weerartay xarunta Degmada Hodan ee Muqdisho, ayna tani qayb ka tahay dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka Somalia, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Axaddii aynu kasoo gudubna ay sidan oo kale Al-shabaab qarax ula beegsatay xaruntii degmada Howl-wadaag, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo aad u fara badan.

Qarax_Degmada_Hodan_Xarunta-2.jpg?resize Qarax_Degmada_Hodan_Xarunta-3.jpg?resize

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Khasaarihii ka dhashay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this