Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Furaya Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah 10-09-2018 lagu wadaa in uu furo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaan  furitaanka ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Farmaajo uu qudbad ka jeediyo islamarkaasina uu ka hadlo wax qabadka Dowladiisa.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariimo war galin ah in kulanka Furitaanka Maanta Baarlamaanka uu jiri doono u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar ay heshay Puntland Post islamarkaasina ay ka heshay qaar kamid ah Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaasina ah Xildhibaan Sharafeed oo ka soo qeyb gali doono Shirka Maanta.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Fasax galay 10-kii bishii July ee Sanadkaan 2018-ka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo Furaya Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this