Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Nabad-sugidda DF oo laga qaaday darajoojinkii ciidan, iyadoo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka_Nabadsugidda_Somalia.png?resizeMuqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,” ayaa lagu sheegay wareegtada.

Ugu dambeyn, Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Sabti, 8da bishan Sebteembar, 2018 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

PUNTLAND POST

The post Taliye Ku-xigeenkii hore ee Nabad-sugidda DF oo laga qaaday darajoojinkii ciidan, iyadoo… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this