Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu qaaday saldhiga Booliska Garoowe iyo faahfaahin laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) –  Israsaaseynta ayaa timid kadib markii saakay ay Saldhiga Booliska Magalada Garoowe weerareen maleeshiyaad hubeysan,kuwaas oo horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Saldhigga ay soo weerareen Saraakiil iyo askar booliska ka tirsaneyd balse horay Shaqada looga ruqseeyey.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta ayaa la sheegay in ay wateen hub iyo Gaadiid dagaal, islamarkaana ay dhaawaceen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne  ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen oo ka Gadoodsanaa shaqo fariisn lagu sameyay.

Faraweyne waxaa uu sheegay in Shaqo joojinta ay timid kadib markii ay ka soo bixi waayeen Waajibaadkii loo igmaday.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo kamid ahaa ciidamadii iska difaacay ragii soo weeraray .

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ragagan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ,waxaan uu Hay,adaha amniga uu ku amray in la soo qabto .

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this