Sign in to follow this  
Deeq A.

Nicholas Haysom oo badalaya Micheal Keating

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa guud ahaan dhamaatay waqtigii xil heeynta xog-hayah gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya  Micheal Keating.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobaya ayaa soo magacaabay shaqsigii badali Lahaa Mr Keating.

Nicholas Haysom oo  66-sano jir ah una dhashay dalka Koonfur Afrika Ayaa badali doono Micheal Keating .

Nicholas Haysom ayaa ahaa ErgeygiiQaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Sarkaalkan cusub oo ah Qareen ayaa ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta, iyada oo la sheegay inuu ku soo fashilmay arrimaha Suudaanta Koofureed oo xilligan colaada iyo xaalado bani’aadanimo ka jiraan.

Sarkaalkaasi ayaa  lagu wadaa in uu dhowaan soo gaaro Muqdisho si uu badalo Micheal Keating

Keating oo xafiiska Qm ee Soomaaliya la wareegay January 2016-kii ayaa horay u badalay Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Nicholas Haysom oo badalaya Micheal Keating appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this