Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Sidee DF maanta loogu weeraray Kismaayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, ayadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada MIdoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mudnayaal ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka dalka.

Daahfurkii shirka waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa soo dhaweynta madaxda kadib ka sheekeeyay ahdaafta loo aasaasay golahan, isagoo xusay in goluhu u taaganyahay iskaashi iyo wax wada qabsiga dowlad goboleedyada.

Waxa uu aad ugu dheeraaday arimaha dastuurka oo uu xusay in kulamada wadatashiga ee dib u eegista dastuurka aan loo marin wadadii la rabay, waxa uu sheegay in haddii dastuurku noqon waayo mid loo dhanyahay in ay ka dhalan karto dhibaato.

Dhinaca kale, dowladda ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay fulinta go’aamadii kazoo baxay  shirarkii kala duwanaa ee ay wada qaateen dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha madaxda ay ku mideysan yihiin maamulada ahna madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay iska wareysanayaan waxyaabaha ka dhaqan galay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Wuxuu soo hadal qaaday mushaar la’aanta, daryeel la’aanta iyo ka warqab la’aanta ciidamada dowlad goboleedyada oo aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho, sida u hadalka u dhigay.

Gaas ayaa sidoo kale hadlay arrimaha doorashooyinka soo socdo ee dhacaya 2020, wuxuuna rajo ka muujiyay in doorasho ka dhacdo Somalia, balse loo baahan yahay inay la socdaan doorashada dhaceyso oo qolo gaar ahaaneed aysan soo diyaarin.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna guddoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada  Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Soomamaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal muuqda, balse waxa uu walaac ka muujiyay xaaladaha dhanka siyaasadda ee dalka, isagoo sheegay in ay maanta mareeyso meel Qatar badan oo dib dalka ugu celin karta dhibaatooyinkii lasoo maray.

Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha Koofur Galbeed wuxuu hadalkiisa u muuqday mid siyaasadeysan, umana hadlin sidii ay u hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare.

Dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirto ayuu ku sheegay dhanka amaanka, wuxuuna ku baaqay in laga fekero dib u eegista waxyaabaha u qabsoomay madashooda iyo waxyaabaha ka qaldamay.

Wuxuu si cad u sheegay in madaxda maamul goboleedyada aysan isku aragti ka aheyn sida loola dagaalami karo Al Shabaab, loona baahan yahay in marka ugu horeysa madaxda maamul goboleedyad ay isku aragti ka noqdaan sida Al Shabaab looga saari karo dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la isku hagrado la dagaalanka Al Shabaab, wuxuuna dowladda ku eedeeyay inay xitaa ugu yaraan ka taageerin rasaasta, cunnada iyo daawada ay u baahan yihiin ciidamada la dagaalamaya Al Shabaab.

20189463671646973881227840747812_1205219

Maamul goboleedyada ayuu ku eedeeyay inaysan sax u aheyn in nidaamka federaalka ay ku hayaan kaliya caasimadaha oo looga baahan yahay inay gaarsiiyaan deegaanada kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isna goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday  muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiinta, wuxuuna sheegay in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qeyb galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna.

Wuxuu sheegay inuusan helin qof kaga mahadceliso dadaalkii uu sameeyay laakiin badalkeeda madaxda dowladda ay ku abaal mariyeen sidii isaga xilka looga qaadi lahaa oo aanan suuro galin, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xaaf, wuxuu rajo xumo ka muujiyay dhameynta dastuurka Qabyada ah iyo xaaladaha amaanka ee ka jira dala Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Xaaf, ayaa sidoo kale sheegay in lagu mashquulay oo kaliya xil ka qaadista dadka aysan dooneyn madaxda maamul goboleedyada taasi oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya.

Guddiga Adeega Garsoorka ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku taliyay in madaxda maamul goboleedyada ay  la yimaadaan afar xubnood oo ay si wanaagsan u eegeen tayadooda, afarta kalana ay keento dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa shirka lagu soo dhaweeyay oo khudbad ka jeediyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo dhawaan xafiiska baneyn doono, isagoo ka sheekeeyey isbadallada muuqda ee dalka ka jira, waxa uu kula dardaarmay madaxda Soomaalida in ay wax walba ka tashadaan, kana shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo midnimada.

Mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka ayaa goobjoog ahaa kulanka, mana jirin cid dowladda dhexe ku mataleeysay.

Shirkan ayaa socon doona mudo afar Maalmood ah, waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this