Sign in to follow this  
Deeq A.

MADAXWEYNE FARMAAJO: Al-shabaab caqbaad weyn ayay ku tahay Horumarka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo_iyo_Ping.jpg?resize=818%2C512&sBeijing (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka Madasha iskaashiga Dalalka Afrika iyo Shiinaha ayaa ka warbixiyay fursadaha maal-gashi ee Somalia iyo muhiimadda ay u leedahay hindisaha Shiinaha ee kaabayaasha dhaqaalaha.

Farmaayo, ayaa sheegay in Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somalia ay wax badan ka baran karto guulaha Shiinaha, isaga oo xusay in guulahaas lagu gaari karo madallaha ay ka mid tahay Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, taasi oo kor u qaadaysa isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo iskaashiga guud.

“Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wadahadallada, heshiisyada iyo dib u eegista qorshayaashii hore, taas oo keentay in qodobbo waxtar leh ay ka soo baxaan shirkan. Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal iyo qorshe-hawleedkii Beijing,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay horumarka baaxadda weyn ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si dalku u gaaro nabadgelyo, xasillooni iyo horumar.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa Tilmaamay in Caqabadaha Caalamiga ah ee ay Somalia wajahayso sida argagaxisada iyo isbeddelka Cimiladu ay Carqalad weyn ku noqon karaan horumarka dalka, laakiinse lagaga hortagi karo kor u qaadista dowladnimada, horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo xoojinnta maalgashiga ilaha dhaqaalaha.

Ugu dabeyn, Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa ugu Hambalyeeyay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping – Qorshayaasha dib u habayneyd iyo dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan horumarinta shacabka Shiinaha iyo dhaqaalaha dalkooda.

PUNTLAND POST

The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Al-shabaab caqbaad weyn ayay ku tahay Horumarka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this