Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isul wasaare KHEYRE oo xil sare u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa xil cusub loogu magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Macalin (Baadiyow).

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska ayaa waxaa Baadiyow loogu magacaabay La-taliyaha sare ee Ra’isul wasaaraha Somalia ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wareegtada ku magacaabay Baadiyow kadib markii uu tixgaliyay Baahida loo qabo in la magacaabo La-taliye sare oo Khibrad u leh Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta.

Warqada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this