Sign in to follow this  
Deeq A.

Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
shika-keating-iyo.jpg?resize=600%2C399&sKeating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta magaalada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ka qabsoomay guriga martida ee Kismaayo wuxuuna gogol xaar u ahaa shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo furitaankiisii dib u dhacay beri.

Kulankan ayaa la sheegay in looga wada hadlay doorka Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan maamulada, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo aan la shaacin, balse lagu sheegay muhiim.

Michael Keating Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sharfay in uu maalinta beri ah khudbad ka jeediyo shirka Kismaayo, madaama muddo xiliyeedkii uu sii dhamaanayo.

Madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya ayaa saluugsan hanaanka ay hadda u shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this