Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada DFS oo Xukunno ku ridday xubno ka tisran Ururka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda_CQS_Somalia.jpg?resize=834%2CMuqdisho (PP) ─ Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, ayaa Maanta xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab oo ay ku jirto haweeney.

Eedeysanayaasha ay maxkamaddu xukunnada ku ridday ayaa tiradoodu waxay ahayd afar qof oo isugu jiray saddex rag ah iyo qof haweeney, iyadoo soo qabashada saddex ka mid ah eedeysanayaashan uu fududeeyay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo ay ciidamadu qabteen bishii Afraad ee 2018-ka.

Afarta eedeysane ee la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Maxamed C/llaahi Maxamed Caddoow, Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Caddaawe.

Xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa waxay sheegay in dhammaan eedeysanayashan ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo mid ka mid ah uu sheegay inuu kooxdan ku biiray sannadkii 2015-kii.

Eedeysanaha ka dambeeyay in saddex kale ay gacanta maxkamadda soo galaan oo lagu magacabao Maxamed C/llaahi Maxamed Caddoow, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 1000 dhallinyaro ah oo dhawaan shaqeeleysiiyay maamulka gobolka Banaadir, uuna xogta u gudbin jiray Al-shabaab.

Sidoo kale, Xogta uu gudin jiray eedeysanahan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen liiska ganacsatada bixiya lacagaha canshuuraha ee Dowladdu ay ka doonayso iyo magacyada shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo dhalisay in Al-shabaab ay beegsato. Isaguna uu qirtay inuu jaajuus u ahaa Al-shabaab.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyadana loo heysta in ay ahayd ruuxa hubka kala duwan u haya Al-shabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxay sidoo kale caddeysay in Al-shabaab ay ku biirrtay 2011-kii oo hubka gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay ceelasha iyo Muqdisho.

Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo haystaa ka mid ahaansiyada Al-shabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay u soo dagaallameen kooxda, iyagoo ahaa guutada weerarrada dhabbo-galka ah.

Intaas kaddib, Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa eedeysanayaashan ku xukuntay xabsiyo kala duwan, waxaana Maxame Cabdullaahi Maxamed Caddoow ayaa lagu xukumay 15- sano oo xabsi ah, halka Waris Maxamed Cumar lagu xukumay lix sano oo xabsi ah, Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Caddaawe ayaa iyagana midkiiba lagu xukumay min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Col. Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) ayaa sheegay in eedeysanayaashan ay haystaan fursad ay xukunkan kaga dalban karaan rafcaan muddo soddo maalmood gudahooda ah.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada DFS oo Xukunno ku ridday xubno ka tisran Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this