Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Halkee ayuu ka yimid gaarigii isku miidaamiyay xarunta HOWL-WADAAG?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in gaariga loo adeegsaday weerar noociisa uu ahaa gaariga loo yaqaan (Leela Calaawi), kaas oo lagu dhex diyaariyay gudaha magaalada, sida aan kasoo xiganay illo wareedyo ka tirsan maamulka Degmada.

Illo wareedka degmada ee qeybta ka ahaa baaritaanka ayaa sheegaya in Gaariga maalin un ka hor laga keenay duleedka magaalada Muqdisho isla markaana lagu hayay guri ku dhow Masjidka Sheekh Cali Suufi oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Alshabaab qeybahooda aan ishu qaban.

Gaariga ayaa waxaa qaraxa ka hor la xaqiijiyay inay la socdeen laba maleeshiyo oo uga soo dagay meel aan ka fogeyn xarunta degmada Howl-wadaag kuwaa oo markii danbe kamid ahaa dadkii ku xoomay Xarunta qaraxa kadib, sida aan xigta ku helnay.

Degmada Howl-wadaag ayaa kamid ah degmooyinka ahmiyada u leh Alshabaab waxaana xusid mudan in kaalmaha koowaad ay uga jirto goobaha ay ka dhacaan dilalka.

Degmada ayaa sidoo kale saaran qeybo kamid ah wadada Makka Al-mukarama waxaana inta badan lasoo mariyaa gaadiidka ismiidaaminta ka geysta wadada Makka Al-mukarama.

Sidoo kale, xarunta degmada Howl-wadaag ayaa noqoneysa degmada keliya ee lagu fuliyay weerar ismiidaamin ah, marka laga soo tago degmada Wadajir oo gudaha loo galshay gaari ay wadada ka qabteen ciidamada ilaalada wadooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili waayadan ay soo baxayeen digniino ku aadan dhanka amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this