Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha wasiirrada oo ansixiyay xeerka xayiraada lacagaha oo awood aan caadi ahayn siinaya DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

281A1553.jpeg 281A1576.jpeg 281A1585.jpeg 281A1596.jpeg 281A1569.jpeg 281A1566.jpeg 281A1552.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this