Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenka Shabeellaha Hoose oo ka badbaaday qarax lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin kale ayaa ka soo baxaysa qarax gaari lagu xiray oo shalay galab ka dhacay degmada Dharkaynleey ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Shabeellaha Hoose,Cabdifitaax Xaaji Xaaji Cabdulle oo qaraxan gaarigiisa loogu xiray ayaa ka badbaaday,halka laba askari oo ka tirsan ciidamada amnigu ay ku dhaawacmeen,sida ay xaqiijiyeen saraashiisa Booliiska Muqdisho.

Mas’uulka la beegsanayey ayaa la sheegay in uu gaariga ka degay,si baaritaan loogu sameeyo kadib markii uu ka shakiyay,laakiin gaariga ayaa qarxay iyadoo la isku dayayo in la kala furo miinada lagu rakibay,taasi oo ay ka dhalatay dhaawaca askarta.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan sida lagu daabacay mareegaha iyaga taageera,waxaana ay sheegeen in hadafkiisu ahaa in la khaarajiyo guddoomiye ku xigeenka Shabeellaha Hoose, Cabdifitaax Xaaji Xaaji Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye ku xigeenka Shabeellaha Hoose oo ka badbaaday qarax lala eegtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this