Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo gaadiid dagaal soo tubtay xadka Somalia iyo cabsi xoogan oo ka jirta

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay gaadiid dagaal nooca gaashaman soo tubtay xadka ay la wadaagto Somalia.

Gaadiidkan oo aad u badan ayaa lasoo warinayaa in xiliyada qaar ay gudaha usoo galaan deegaanada Soomaalida halkaa oo ay ka sameeyan howlgalo.

C/llahi Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Kenya ay hubkii ugu cuslaa soo dhigtay xadka kuwaa oo xiliyada qaar ay ku dul ridaan ciidamada.

C/llahi, waxa uu tilmaamay in gaadiidka dagaal ee lasoo duldhigay ay yihiin kuwo ku cusub oo horay aysan u arag, waxa uuna carab ***** inay lasoo daristay walaac hor leh.

“Ma garankarno waxa ay Kenya ula gol leedahay gaadiidka dagaal oo ay soo tubtay xadka, xiliyada qaar waxa ay nagu dul ridaan hub culus, balse waxaa nagu maqaal ah inay jirto cabsi ku aadan weeraro ku fool leh”

“Waxaa dhacda in xiliyada qaar ay gudaha magaalada soo galaan gaadiid iyo ciidamo ka tirsan Kenya oo dhibaato noo geysta cid aan uga dacwoono ma jirto”

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa ugu baaqay inay dhagaha u raariciso waxa kasoo yeeri doona xadka Somalia iyo Kenya oo lasoo dhigay ciidamo iyo gaadiid hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, arimahaani ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlada Kenya ay todobaadkii hore ka digtay weeraro kaga imaada Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this