Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hay’adda NISA oo loo bixinayo magac cusub (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inay socdaan qorshooyin isbeddelo loogu samaynayo Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (HSNQ) ama National Intelligence and Security Agency (NISA).

Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen Caasimada Online, isbeddelada ayaa waxaa ka mid ah in hay’adda laga beddelo magaca NISA, dibna loo soo celiyo magaceedii hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka (HNQ) ama National Security Service (NSS).

Magaca National Security Service (NSS) ayaa hay’adda loogu yeeri jiray xilligii dowladdii milatariga intii u dhaxeysay 1970-kii illaa 1990-kii, hase yeeshee magac NISA ayaa loo bixiyey markii hay’adda dib loo aas-aasay bishii Janaayo ee sanaddii 2013.

Isbeddeladan ayaa waxaa wada xubno uu ka mid yahay agaasime ku xigeenka cusub ee hay’adda Fahad Yaasiin, oo qorshaha socda uu ka mid yahay in dhowr bilood kadib uu isaga un la wareego hoggaanka hay’adda.

Waxaa sidoo kale qorshahan wax ka wada Zakariye Ismaaciil Xirsi, oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, iminkana la shaqeeya hay’adda, kaasi oo isna laga yaabo in agaasime ku xigeen loo magacaabo marka lasoo dhamaystiro isbeddelada cusub.

Isbeddladan ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan ay hay’adda hareeyeen carqalado iyo khilaaf dhexdeeda ah, oo xubno sare xilka looga qaaday, ayada oo maantana ay haya’dda xubinnimadii ka saartay taliye ku xigeenkii hore Jeneral Cabdalla cabdalla.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this