Sign in to follow this  
BOB

Dar-Daaran.

Recommended Posts

BOB   

This gabay is written by Ciyaalka Xaafada and i hope those of you who are fluent in Somali will enjoy it Insha Allah as much as i did.

 

 

Dar-Daaran:

 

Diiftan inaga muuqatiyo daryeel xumada naheysata

Dad dalkoodii laga ceyrsadoo Dibadda joogaan nahay

Dayac beynu nahay maantoo laheyn ciidan daafaca

Duur cidla ahiyo dugaagbaa inagu wada hareersan

Dabeylahan ba'an aanan heysan meel ay kaga dugaashadaan

Daqar baa ina wada gaaroo dhiigeenaa daadanaya

Dadkeenuna ma gartaan darxumada ay dal la'aantu keentay

Dulligii qabiil ahaa baa loo daadinayaa dhiiga

Dumarkiyo caruurtiina lagasoo saar daarohoodii

Doonibaa lagu guroo lagu wada daadiyey badweynta

Dacwadii rabbigeeniyo la nac maacankii Diinta

Dalal shisheeye iyo kuwo naga wata dan gaar ah

Dowlado aanan ina rabin iyo kuwo diidan magceena Soomaaliyeed

Duqeydeenii iyo caaqilkiiba maanta ka daba wareegaan

Kaniisado la dawarsadiyo maxaa noosoo arkay xidiga David?

Danbaa la moodi Amxaarka iyo dahabka ceyriine

Deegaankii shanaad miyaa maanta dalkii loogu daray?

Dar-daarankii Gureey iyo mujaahidkii Daraawiish

Daartii Fardoowsa Allah haku Daryeelee

Diintii iyo dalkeey nafta macaan uhureen

Damiir laawe iimaankii ka duulaybaa

Dalkii inuu iibsado Soomaaliyeey diida

Daadiya hubkoo joojiya dhiigeenan daadanaya

Daacad isu noqdoo Aakhiradiina danbe udadaala

Dayaxaa tegitaankiisaa dunidu maanta ku tartameysaa

inagana nala kala dilyoo dariiq dariiq naloo qeybsaday

Ducada rabbigeena inaan badinaa Soomaaliyeey iga dardaaran ah.

 

 

Happy 40th Indepence Day....

 

 

Peace,Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this