Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo laba arrin oo xasaasi ah ku dhawaaqday xilli uu Farmaajo joogo Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale dib usoo nooleeysay ka hadlidda lacagtii ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay markii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli ay taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Madaxweyne Farmaajo, Khere iyo Jawaari.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan lacagtaas lasoo marsiin wadadii sharciga aheyd waxayna ku dooday inay aheyd  wax aan lagu wargelin in lacag intaas la eg diyaarad lasoo saaro waqti xasaasi ah.

Dr. Anwar Gargash  oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay laba arrin oo xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka kala dhaxdeyo Soomaaliya xilli uu Farmaajo joogo Asmara.

Midda koowaad ayuu  Dr. Anwar Gargash  ku sheegay inay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan raagelin.

Wuxuu sheegay in lacagta 9-ka Malyan ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ay aheyd mid loo waday Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwii ay iyaga tababari jirtay oo hadda la kala diray.

Isagoo Khudbad ka jeedinayey  Xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London  ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan qiratay  khaladka ay ka gashay Imaaraadka isla markaasna ay hadda ka sugayaan raali gelin buuxda.

“Waxaan ka sugeynaa dowladda Soomaaliya inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” ayuu yiri wasiirka

Midda labaad Wuxuu ku sheegay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka labada dowladood oo soo jiitamayey muddo badan.

Ma uusan sheegin cidda ama Dowladda dhex dhexaadintaas ka dhex sameeneyso Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya balse waxaa loo badinayaa inay tahay dalka Eratariya oo uu Safar ku joogo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn saartay midda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar.

Khilaafka ayaa cirka sii galay markii dowladda Imaaraadka Carabta ay garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada taaso  keentay inay dowladda Soomaaliya gasho jahwareer siyaasadeed oo miisaankeeda ka badan.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this