Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo ka hadlay fagaaraha Barxadda ee Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,Xassan Cali Khayre oo hadal kooban  barxadda magalada Garoowe uga jeediyay kumanaan shacab ah oo u soo baxay soo dhoweyntiisaa ayaa si weyn ugu mahadceliyay dowladda iyo dadweynaha reer Puntland ee maanta  aan u kala harin soo dhoweyntiisa.

Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre ayaa ku ammaanaya Puntland in ay xuddun u ahaan jirtay halgankii gobannima-doonka Soomaaliya ee Daraawiishta,islamarkaana bulshadeedu qeyb laxaad leh ka qaadatay xorriyadda iyo qarannimada dalka Soomaaliya.

Mudane. Khayre wuxuu sidoo kale bulshada reer Puntland ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin il-baxnimada,xasiloonida iyo horumarka guud ahaan dadka Soomaaliyeed,isagoo xusay in shacabka Puntland ay fahamsan yihiin,sida loo xoojiyo dowladnimada iyo tiirarkeeda loogana ilaaliyo wax kasta oo maja-xaabinaya hanaqaadkeeda iyo horumarinteeda.

Wefdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan loo gelbiyay dhinaca xarunta madaxtooyada Garoowe,halkaas oo isaga iyo madaxweyne Gaas ay saxaafadda si wadajir ah ugula hadli doonaan.

Socdaalkaan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaare Xassan Khayre ku yimaado degaannada Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan  ayaa sida warar ku sheegayan ku qotoma u kuurgalka xaaladaha ka jira Puntland iyo sidoo kale ka qeybgalka sannad-guurada 20 aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland sannadkii 1998.

Sidoo kale wararka ku xeeran safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dhagax-dhigidoono deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaasoo maalintii shalay ahayd la geeyay ciidamo xooggan oo horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka daawo hadalka Kheyre

1-2.jpg?resize=600%2C450 2-1.jpg?resize=600%2C450 3-1.jpg?resize=600%2C450 4.jpg?resize=600%2C450 Barxada.jpg?resize=600%2C450 FB_IMG_1532858818144.jpg?resize=600%2C45

Faahfaahinta:- kala socoPuntland Post

The post Kheyre oo ka hadlay fagaaraha Barxadda ee Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this