Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa nooga baxay kulanka Xasan Sheekh & CC Shakuur ku dhexmaray magaalada Ankara?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada oo aheyd mid labada mas’uul ay ku balansanaayen ayaa waxa C/raxmaan C/Shakuur Warsame ku doonaayay inuu ku xoojiyo garabkiisa mucaarad, isagoo magaca uga faa’iideysanaayay Madaxweynihii hore.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, ayaa booqasho ugu tagay Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku wada tartameen doorashadii Muqdisho ka dhacday 8dii february taasoo uu ku guuleystay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo bartiisa Facebook kusoo qoray qormo kooban ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada ahdleen Xaalada Dalku marayo iyo sida ugu Haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo.

Nuqul kamid ah haddalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ahaa “Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.”

C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxyaabaha sida gaarka ah uu kala hadlay Xasan Sheekh waxaa kamid ahaa in badbaado degdeg ah loo sameeyo dalka iyo in laga hortago wixii dhibaato ah ee kadhacaya dowlada hadda jirta, waxaana la garaneynin biyo dhaca labadaani qodob oo muujinaaya wajiyo qarsoon oo labada mas’uul mideynaaya.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Siyaasad ahaan aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka shaqeynayaan qorshooyin lagu caburinaayo dowlada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa la hadal hayaa in is aragooda uu caqabad hor leh u yahay dowlada Somalia oo cayaareysa Siyaasad ka duwan dowladihii hore.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin, isaga oo halkaa kulamo gaar gaar ah kula qaadanaayay dhinacyada mucaaradka.

Dhinaca kale, kulankan labada Mas’uul ayaa ku soo aaday, xilli mowjado siyaasadeed uu dalka ka jiro, iyo olole ay wadaan isbaheysiyo mucaarad ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this