Deeq A. Posted July 28, 2018 Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea maanta gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay dhigiisa Eriterea Isias Afawerki, waxaana intaa kadib loo galbiyay aqalka looga arimiyo dalka Eriterea. Madaxweyne Isias Afawerki iyo dhigiisa ayaa kawadahadlay arrimaha Siyaasada, Amniga, Xiriirka,Dhaqaalaha, La-dagaalanka argagixisada iyo Qowmiyadaha labada dal ee ku kala nool magaalooyinka Asmara iyo Muqdisho. Isias Afawerki, waxa uu dhigiisa Somalia u sheegay inuu aad uga mahadcelinaayo aqbalaada casuumada uu u fidiyay, waxa uuna sheegay in Eriterea ay tahay dal u taagan hormarka Somalia iyo in leyska caawiyo amniga iyo dhaqaalaha. Isias Afawerki, waxa uu Madaxweyne Farmaajo sidoo kale uga mahadceliyay sida wanaagsan oo soo dhaweynta ay ugu sameeyan shacabka kasoo jeeda dalkiisa ee ku sugan Somalia, waxa uuna sidoo kale u sheegay in dalka Eriterea ay ku noolyihiin Soomaali badan. Isias Afawerki iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa intaa kadib isla fahmay inay muhiim tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhinacyada Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka. Farmaajo iyo Isias Afawerki, waxa ay sidoo kale soo wada dhaweeyen in dib loo soo nooleeyo xiriirka oo muddo badan ahaa mid aan wanaagsaneyn, waxa ayna isla qaaten inay muhiim tahay in la sameeyo iska warqab. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu booqdo Xarumo dhowr ah oo ka tirsan kuwa dowlada Eriterea iyo goobaha dhaqanka. Geesta kale, labada mas’uul ayaa lagu wadaa in si wada jira ay ula hadlaan Saxaafada iyadoo la sharixi doono waxyaabaha ay ku heshiiyen labada Madaxweyne ee Somalia iyo Eriterea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites