Duufaan

Dablaydii Moqdisho weererka kageystay oo baxsaday?

Recommended Posts

Duufaan   

DF oo caawa xabsi dhigtay saraakiil lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha weerarkii Otto Otto

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa Xabsi la dhigay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Somalia. Saraakiisha caawa xabsiga la dhigay oo tirro ahaan lagu sheegay 14 Sarkaal ayaa lagu tuhunsan yahay inay kaalin weyn ka qaaten weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo tan amniga.

Saraakiisha la xiray ayaa la xaqiijiyay inay taliyayaal ka ahaayeen Koontoroolada laga soo galay Xaruntii la weeraray iyo waddooyinka ay soo mareen gaadiidka loo adeegsaday ismiidaaminta.

Saraakiisha caawa u hoyday Xabsiga ayaa maamuli jiray Isgoosyo ay kamid yihiin Dabka iyo tan ka timaada degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir,waxa ayna isugu jiraan Boolis iyo Nabadsugid.

Waxaa ku jira Saraakiisha la xiray kuwo maamuli jiray barahakoontarool ee Isgooska Bakaaraha kuwaa oo la sheegay in lagala sii dardaarmay gaadiidka ismiidaamiyay.

Saraakiisha xiran qaarkood ayaa lagu helay cadeymo kadib markii la dhageystay Teleefanada ay sida gaarka ah u isticmaalayeen.

Sidoo kale, Amaraka lagu xiray Saraakiisha ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Ducaalle oo tan iyo markii uu dhacay Qaraxa hayay baaritaan.

Geesta kale, Xariga Saraakiisha ayaa imaanaya 24 Saacadood kadib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo ku taalla Otta Otta ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

A man-made problem 14 innocent people were killed and many more were wounded. For anyone involved it is the cost of doing business. and maintaining the status quo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

At least they arrested some people this time but they have to face the justice. Mohad Salad will ask their release no time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.