Sign in to follow this  
Deeq A.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

RW-Somalia-Xasan-Khayre.jpg?resize=810%2Addis Ababa (PP) โ”€ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

Kulankan oo ahaa mid miro Dhal ah ayaa qodobadii labada Raโ€™iisul wasaare ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo xubno ka socda Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ku wehliyay Raโ€™iisul Wasaare Khayre kulanka uu la qaatay Raโ€™iisul wasaaraha Ethiopia.

Ugu dambeyn, Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Raโ€™iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Dr. Abiy Ahmed noqday Raโ€™iisul wasaaraha dowladda Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this