Allamagan

Nomads
  • Content Count

    3,070
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Allamagan


  1. Dahabshiil_Dhiigshiill-620x330.jpg

    Tartan xaasidnimo ku saleysan oo u dhaxeeya shirkadaha u abaabulan qaabka qabiil ee sheega in ay ganacsi horumar leh dalka ka hirgaliyeen ayaa shacabka marasta ah ee dagaalada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ay la dageen waxa ay ka kulmeen caqabad balaaran.

     

    Shirkadda Dahabshiil sida ku xusan profile-keeda waxaa ay dhaq dhaqaaqa ganacsi bilowaday 1970-kii waxaana mudda badan ay ku shaqeyneysay nidaam qarsoodi ah oo aan sharci aheyn, laakiin wixii ka danbeeyay burburkii ayey la soo shaac baxday dar dar xoog leh.

     

    Soomaalida dhexdeeda waa arrin iska caada ah in lagu arko qorshaha ku dhisan qabiilka iyo qabiileysiga, waxaana shirkadan ay mudadii ay jirtay dhex maquuraneysay nidaamka ku saleysan qabiileysiga, wallow ay dhanka kale ay gacaan saar la leedahay sirdoonka caalamka.

     

    Walaac kii ugu xooganaa waxa uu la darsay Dahabshiil bartamihii sanadkan kadib markii Shirkada Hormuud oo ku caan aheyd bixinta adeegyada kale duwan ee telfoonka ay Dalka geysay nidaam dunida laga adeegsado kaasoo ah Mobile money transfer, waxaana adeegan culeys uu ku keenay adeegii xawaaladeed ee Dahabshiil.

     

    Soomaalidu waxay tiraahdaa Bahal Ceyriin ma daayo nina caadadii ma baajo, taasoo ay uga gol leedahay Soomaalida in aanu Shaqsina dhaqankiisa is doorineyn, Shirkad xawaaladeedkan waxa ay ka baxday nidaamkii ku saleysan tartanka dhaqaale, waxaana ay magansatay awood beeleed.

     

    Axmed Cabdi Aw-Max’ud Godane waxa ay heeb wadaag yihiin madax sare oo ka tirsan Shirkadda, waxaana taasi ay fududeysay in Waraqad digniin ah ay ka soo saarto kooxda Godane adeegii Hormuud ee Mobile Money transfer oo shirkadaasi ay uga magac dartay “ZAAD” oo afka Soomaaliga marka loo rogo ah Sahay.

     

    Warqadda kooxda Godane ay ku diiday isticmaalka adeega ZAAD ayaa waxa ay soo baxday bartamihii bishan waxaana ku xardhanaa erayo ay ka muuqdaan dagaal qabiil iyo nidaam lagu difaacayo dano beeleed isla markaana beel kale lagu curyaaminayo, waxaa lagu xusay warqadda in adeegaasi loogu shaqeeyo Maraykan ama Yahuud isla markaana la farayo shirkadda iyo macaamiishaba in muddo ku siman 3 bilood ay ku soo afjaraaan adeegsigiisa.

    Hadaba aynu Eegno xiriirka Sirdoonka Caalamka iyo Dahabshiil

     

    Xogo la helay waxa ay sheegayaan in Shirkaddan ay ka talaabtan sharci ahaan nidaamka xawaaladaha caalamka loo jaangooyay, kaasoo ah in xawaalad aanay awoodin kala gudbinta in ka badan 2 Milyan oo Doolar, laakiin shirkan waxa ay xawishaa lacagaha ay adeegsadaan sirdoonka Caalamka kuwaasoo cadad ahaan aan la qiyaasi Karin, waxaana taasi ay muujineysaa in xiriir adag oo ay sirdoonka la leeyihiin inuu jiro.

     

    Dhanka kale shirkadani waa tan lagu xawilo lacagaha madax furashada loo siiyo burcad badeeda caalamka, waxaana taasi sahlay shirkadda oo gacan saar la leh mukhaadaraadka aduunka sida kuwa fura wada hadalada u dhaxeeya burcad badeeda iyo milkiilayaasha Maraakiibta la qafaasho.

     

    Dad badan oo isticmaalka adeega ZAAD ee Hormuud la jaanqaaday waxay eedeyn aan ka fiirsi laheyn dusha uga tuuraan kooxda GODANE oo ay la tahay iyagu in ay iska maageen shirkadda Hormuud isla markaana adeega ZAAD ay iska joojiyeen, laakiin waxaa hareer marsan shacabka in yabooh lacageed oo balaaran in la siiyay kooxda, isla markaana uu jiro dhalasho iyo qaraabo-nimo hoose. Oo ka dhaxeysa kooxda iyo Shirkadda

     

    Soo shaac bixii talaabada lagu soo saaray amarka lagu diiday adeegii ZAAD waxa ay noqotay furaha soo ifbixidda xiriirka ka dhaxeeya Shirkadda Dahabshiil ee magaca ganacsi huwan iyo kooxda Godane oo iminka ka dagaalanta guud ahaan gayiga Soomaaliya.

     

    Waa suurta gal in dad badan oo macaamiil lalahaa shirkaddasi isla markaana ku keedsan jiray lacago in ay ka aamin baxaan sabab la xiriirta iyagoo cabsi ka muujnaya in lacagahooda ay ka mid noqdaan kuwa lagu hurinayo dagaalada ka socda Dalka ee marasta lagu dhibaateynayo.

     

    Inkastoo shirkada ganacsi oo badan isla markaana maalka shacabka ku taajiray la aaminsanyahay in ay ku lugleeyihiin dhibataada dalka ka socota,hadana tani waxay noqotay tii ugu horeysay ee cadeyn buuxda loo helo isla markaana ka ganbanweysay laablakacnimada ku dhisan awooda qabiil.

    Aragtida Qoraalkan - Dr. Warsame Ali (Fiisiko) - fiisiko_warsame@hotmail.com

     

    .: isha :.


  2. ^You never know what's in store for most of somalis, rumor has it that the guy has his sight on the next presidential election. Waraa ku moog!!

     

    Anyway, Yusuf Garaad is a controversial figure, however, no one can deny that in terms of moderation and the quality of this service is far better off compared to his predecessors approaches.


  3. Xariif Xassan is wrong this time and is gambling away all of his xiniinyo by sticking to his secret voting, a move never happened in previous times incl. Galaydh's era. On the other hand it looks like that XAriif Xassan wants in wax loo soo tuur-tuuro xilibaanadiisa oo dhowr bilood qatanaa bilaa mushaara busaaarad xumina aay hayso u rabaa in Sh shariifka wax loogo soo gooyo ileen PM Farmaajo wax uu u tuur-tuuro ragaan mahayo’e madaxweyne Shariif ma rabo inuu jeebka gacata gesho halkaa weeye meesha la isku mari la yahay si kastba arbacada waxaa dhici karta tii budhka iyo feedhka la isla dhici jiray haddii midkoodna ka soo debcin meesha aay taagan yihiin.


  4. ^ I hope he rot in jail but I suspect he will soon be out. There will be some sort of arrangments btw Saudi Arabia and UK.

     

    By the way, I hate this minion & submissive mentality that many black people have by nature. From the slavery time to modern times they seem not to have learned their lessons, still the same... no even passive resistance (the sligthest resistance), its like they just doing what they were programmed for. Black man Illaah aa u maqan!

     

    His trial at the Old Bailey sent a strong message that a Saudi prince and a pauper are the same in the eyes of the law in Britain, and
    that British justice is superior to the Saudi court system
    , which claims to uphold Islamic standards.

    Very true!


  5. ^ Alloow Ale, warya caqligaada isticmaal. Haddii al Shabab timaado yaa kaaga futoxun ayad u malaneysaa? Dont you know that Somaliland is on the same boat as the TFG? According to Al Shabab manuals, the minute Al Shabab overuns the TFG and 100% takes over all the southern regions is when it automatically triggers the countdown to the demise of Puntland and Somaliland. So instead you should work with the TFg and pray for peace down there. Think outside the box, boy!


  6. ^ ha ku darsadee u daaya niyada ka dhistee smile.gif

     

    Blah blah you ignorant lot, you talk like you write history as you wish by mixing hate with jealousy. All your rantings here are irrelevant, this guy made history so you better go and reflect on that history. And please make a favor for yourself and try to deal with your strong sense of inferiority you displaying here all the time, I am sure there is still hope and light at the end of the tunnel.

     

    @Jimcaale, ma maqli jirtay tuug intadan tuug dhihin ayuu tuug ku dhahaa! dont play saint here adeer... waanu is naqaana