Dabxire

Nomads
  • Content Count

    37
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dabxire

  1. ***Safar*** (2)Safar dheer Intaan tegay Sow socaal ma keeninoon markaan gaaray sabadii sow suleekha dumariyoo sahra imay cajabinooo (2)Iyadoy sasaba tahay Iyadoy sasaba tahay sow salaanta iidhiib sow dheer jeer kumaan celin (2)Sow imay haa haaa Hoo saluugineee sacabada iguma qaban taan usaaqmay awgeeed *** *** *** *** (2)Suuraddeeda wacaniyoo Sanqaroorka jaahiyo Sunnayaasha lagu jaray Tinta sagalka moodee Dhexda loogu sibig tiray (2)Iyadoy sasaba tahay Iyadoy sasaba tahay sow salaanta iidhiib soddon jeer kumaan celin (2)Sow imay haa haaa Hoo saluugineee sacabada iguma qaban taan usaaqmay awgeeed By Cumar Nuur Cabdulle...Aabihii Heesaha Dareenka...May Allah bless His Soul (Amin) ***END***
  2. ***Tiiraanyo*** (2)Tiiraanyo Cudur iyo Nimey Towfi haysaa Illeen taah ma daayee (2)Waxan tabanayaabaaan Weli Tiigsadaayon soo taabi waayeee (2)Itaageer Allahayow Arrinkeygan kala saar/qaad Adaa Toosin karayeee *** *** *** (2)Turuqiyo Laxaadiyo Tamara iyo xooggey Jaceyl iga tanroonbaaa (2)Igu tiirshay geedoo Xarig igu xirxirayee/tigtigayoo Waanigan Tasoobee (2)Itaageer Allahayow Arrinteydan kala saar/qaad Adaa Toosin karayeee *** *** *** (2)Tabaalada Adduunkee Cid/Nin kastaba utaalaa Anigey ituruqdooo (2) Tagoogaha Ijebisoo Ka tallaabsan waayoo waan Tiicayaayeee (2)Itaageer Allahayow Arrinteydan kala taal Adaa Toosin karayeee *** *** *** (2)Taariikhda Dunidaa iyadoo isdabataal Ninba meel kutuurtee (2)Aniguna Tusmeystoo Qeyrkey Halkuu tagey U tabaabusheysteee (2)Itaageer Allahayow Arrinteydan kala taal Adaa Toosin karayeee *** *** *** By Axmed Mooge Liibaan ***END***
  3. ***Wajiyaal isxasuusta*** (2)sida waxyaha jiidhka yaha jiidhkaa wadnaha iyo beerkaaa Halbawlaha is waraabshan U wadaagnay jacayl (2)Markuu kaaga warraaqshey Ee wadeeca ku taabtey Inaaan kaaga wareegoo Waaqla kaaga dhaqaaqo (2)Hadii uu wakhti keenay Nin wax saarle miyaan ahay ani *** *** *** (2)Wiyiishaa ubadkeeda ubadkeedaa Waxa jooga adduun Iyadawla wanaagsan Kolka waayuhu liicsho (2)Dani ay ka wadaayee Hadii aynu isweyno Walaac waa ku dilaayoo Waa wareerka adduuuun (2)Hadii uu wakhti keeney Nin wax saarle miyaan ahay ani By Xarago ***END***
  4. ***Sibiq*** (2)seetiyo waxbadan baan iska jiray sinsaaree sibiqdii intaan galay miyaa sacaba ley tumay (2)Makii sababay qeysee cilmi sahashanaayaa igu xiray silsilad biraa (2)Waanigaan sahwiyayee Allahayow isamabixi Illeen wey isadataa *** *** *** (2)Haddii aan waxbadan siday Caashaqa sdiisaba ama kali isaarnaa sahal kuma dhigaayeee (2)Haysaafo caashaqu Haygooyo seedaha sintana hayga dhaawaco (2)Waanigaan sahwiyayee Allahayow isamabixi Illeen wey isadataa By Omar Dhule The Legend of somali soul ***END***
  5. ***Naftu Doqonsanaa*** (2)Naftu doqon sanaa damac waalanaa waxay doonto beri kudiri ogaaa dantu ka adagaaa durba celin ogaayeeey (2)Labadeys dardaray dadka dhibi ogaa labadays dardaray dadka dhibi ogaaaa (2)Riziq Eebbe kuu diiday Kaa durugsanaa Nimuu duunyo siinaayo deeqi udhowaaa (1)Taa waxaa daliil u ah Haadka samada duuliyo diinkuba usiman calaf (2)Midna Caysha daayacan aanu daal usoo marin kama helo daleedaa daleedaaaaa (2)Sidey Diintu nagu tiri Dayaxana ha dhaaftee Dadkaa derejaduu helay Rabbi kaama daahine dadaal gaari doontidee *** *** *** (2)Naftu doqon sanaa damac waalanaa Dabeylaha cirkey hadba kugu dartaa durdur kaa fogbey dhar uxiro kuu tiraahyeee (2)Dahab adan lahayn kutiraa daldalo dahabadan lahayn kutiraaa daldalo (2)Haka dayrin weligaa Noloshaaa laderistahay Ha udoodin abidkaa Tu kaloo kudayashaa (1)Taa waxaa daliil u ah oo Nooga digi kara xadiith baa kusoo degay (2)Marun laysma garab dego dad ma wada sinaan karo Adduun waa isdaba maal isdaba maaaaaaaaal (2)Sidey Diintu nagu tiri Dayaxana ha dhaaftee Dadkaa derejaduu helay Rabbi kaama daahine dadaal gaari doontidee By Cabdinasir Macalin ***END***
  6. ***Heego*** (2)Hilaac baxay habeen Hiyiguu kacshaaa Hablahana middii Heybad iyo qurux Ku hagoogan baa Ku Hogaamisee (2)Anna waan hubaaa Inaan kaa heloo Hiyigeygi baa Kuu heelanoo Hankeygi baa Ku hamuumayeee (2)Heegoy hadmaad igu hoorisaaa Heegoy hiiftiyo Iga bi'in haraad haraad haraad Iga bi'i haraad iga bi'i haraad ~~Heegoy *** *** *** (2)Halacsiga indhaha Lama hayn karoo Marka Goray haldhaa Tallaabada habsami Hooshaariyeee Dhaqaaqoo Hullado (2)Anna waan hubaaa Inaan kula hayoo Hiyigeygi baa Kuu heelanoo Hankeygi baa Ku hamuumayeee (2)Huunoy adaan kuu heesayaaa Huunoy hiiftiyo Iga bi'i haraad haraad haraad Iga bi'i haraad iga bi'i haraad ~~Heegoy By Xasan Adan Samatar a self made legend...a never fadin' star in the somali music industry...Long live mr samatar ***END***
  7. ***Qareenlaay*** (2)Kala qaxa qarenlaay Hadiyo jeer is qoontaay~ Qaldaneey dareenlaay Kol is wada qaniintaay (2)Jirka qaran u dumayeey Qilaaf lagama waayaay ~Waligeed ma qanacdaay (2)Haddaad kala qabweyntoo Qabyaaladina wacantahay ~Bal qoyskiini soo hadha Ha xukumo qabuudhaha *** *** *** (2)Qisaas iyo qudhgooyiyo Qiiro iyo qamuunyaay~ Bulsho kala qoqobaneey Danta qiil uweydaay (2)Qorshihii marqaankeey Qaadiradu lumisaay ~Gebigeed qalibaneey (2)Haddaad kala qabweyntoo Qabyaaladina wacantahay ~Bal qoyskiini soo hadha Ha xukumo qabuudhaha *** *** *** (2)Qallooc iyo dhib badaneey Nabad kuma qaboobaay~ Tii kala qalootee Qaarba meel ku oodmaay (2)Qarqar iyo xanuuniyo Qaska tii ku madhataay ~Ummad wada qafifitaay (2)Haddaad kala qabweyntoo Qabyaaladina wacantahay ~Bal qoyskiini soo hadha Ha xukumo qabuudhaha By Lafoole... The New star of somali blues ***END***
  8. *** Bukaan Socod*** (2)Nimanyahoow dad lama beero mana baxo sidii geedo ~ma ogtahiin barbaarteenu beec iyo xaraash maaha (2)Naf hadaad bilaash moodeen dhul batrool ku jira maaha ~macdan buur dusheed taala qiimiga in badan dheere (2)kaligeey hadaan booyo hadii aan baroor diiqo ~baaqa yaa ila garan doona waxaan ahay bukaan socod *** *** *** (2)Nimanyahoow bulshada eega Qubuurahana soo booqda ~inta wiil laxaad beeley bukaan socodka tira kooba (2)waloon beeni soconeeynin beelina wax tari mayso ~xukun baadil lagu raadshey dhibta looga bixi maayo (2)kaligeey hadaan booyo hadii aan baroor diiqo ~baaqa yaa ila garan doona waxaan ahay bukaan socod *** *** *** (2)Nimanyahoow Alle ayaa boqora cilmi iyo awood badan leh ~Bismilaahibaa dawo ah Booga daya kitaabkaa ah (2)badrad iyo anaa xoog leh iyo baawir lagu faano ~Bukaase iyo Namruud iyo Illeeyn hawl ku bogan waaye (2)Kaligeey hadaan Booyo hadii aan baroor diiqo ~baaqa yaa ila garan doona waxaan ahay bukaan socod By Lafoole...The New star of somali blues ***END***
  9. ***Sidii Geeli Hawd Jiray*** (2)Sidii Geeli Hawd jiray Inanyahay Garaadkii Kol haddii lagaa gubay (2)Naftu kaa galgalatoo waxaa jira gayaankale Ay gacalo moodee (2)Kaa Guuray aniguye Hadan layga kaagadan Maxaaaad iga raad gureysaaa *** *** *** (2)Dadku garasha weeyee jacaylkii Igalay beri mar haddii uu gaagaxay (2)Geedi waxan ku ahayoo Ay Gogoshu iitaal Guryasamo agtoodee (2)Kaa Goostay Aniguyee Hadan layga kaagadan Maxaaaad iga raad gureysaaa *** *** *** (2)Berya Hadalka gunudee Gudbisaa sideedaba Fariin gaara qaadoo Inantaan u Golangolay Tii laygu guud furay Gaarsii warkeygoo (2)Waxba Adiga oon guban aan maseyrna kaa gelin Gobaad waxaad tiraahdaa Usheeg Inay Gidaaradan Dhaxanta iyo Guuruhu Darteed igu garaacaan By Omar Dhule The Legend of somali soul ***END***
  10. *** Saylac*** (2)Qarnigii sagaalaad sagaalaad surinkuu jaceylkani jaceylkani soomaali kagaga yimid sow seylac ma ahayn (2)aa isku sooh melaba geed isa sudhey kalgacalkuye sifahoodii weeyee (2)sabanadii hore hore dadku sahal uu ku dili jirey wuxuu soo socdaba soo socdaba anna saaka ima helin ana saaka ima helin *** *** *** *** (2)saldhigii labaadee labaadee ku sugnaadey caashaqu caashaqu sabaadii berbera iyo sow saaxil ma ahayn (2)aa isku seegay laba ruux ku sadqiyey cilmiba hodan sifahoodii weeyee (2)sabanadii hore horee dadku sahal uu ku dili jirey wuxuu soo socdaba soo socdaba anna saaka ima helin By Xasan Adan Samatar ***END***
  11. ***Ma Soomaali baad tahay*** (2)Timahaaga Sarartiyo Gaaraaya Sinahee Sangihiina cawryeen Sangihiina cawryeen (2)Sanqaroorka dheeriyo Sunnayaasha kala rogan (2)Indhahani siraadkaa Midabkaaga suulkaa yeey (2)Sida aad u egtahay saka taan ka qaadee ma somali baad tahay ma somali baad tahay *** *** *** (2) Sabahaad Kudhalatiyo Seerahad kunooleyd Sahal maaha Inanyahay sahal maaha inanyahay (2) Simaney la wada arag ragna waan sakootiyey (2)Siddig maaha heestuye sooryo weeye qaaliya (2)Sida aad u egtahay saka taan ka qaadee ma somali baad tahay ma somali baad tahay By Xasan Adan Samatar ***END***
  12. ***Asma*** (2)Asmaay daa'uus la mood Daraan dare dhaayihii Dukhriga kuu eegayoo Dareemey markey arkeen indha deerada ehee (2)Sidii dahab maar ku jira Ama dab la shidey habeen Dadkey ka dhex muuqatee Allow ka du' mid u daran (2)Waxaan kuu daba socdaa Hadaan aqal deyr laheyn Ogow daadkaa u gala Waxaan kuu daba socdaa Hadaan raggu dumar laheyn Dibjir buu noqon lahaa *** *** *** (2)Asmaay daa'uus la mood Dabeecada fiicaniyo Badh weeyaan diintuyoo Waxaad tahey ruux duniyo Dulqaad meel loo dhigee (2)Hadii dunidaba dhamaan Dumar isu qurux dhigtaan ileyn dayax baad tahee Adaa lagu daawan laa (2)Waxaan kuu daba socdaa Hadaan aqal deyr laheyn Ogow daadkaa u gala Waxaan kuu daba socdaa Hadaan raggu dumar laheyn Dibjir buu noqon lahaa By Xasan Adan Samatar ***END***
  13. ***Muna*** (2)Haddii Maayad Xoogliyooo Mawjadii iqaadoo Mawjadii iqaadoo Badda an maquurto maydhmi maayo caashaqu (2)Waxad tahay Middii qura Naftu ay Umuhateee Milga iyo xishoodiyo Qurux/adab lagu maneystaay (2)Munaaay kalgacalbad Maankeyga gelisoo Ma ilaawi karayeeee ma ilaawi karayeee *** *** *** *** (2)Maalinteynu Kulanaaa Caashaq igu maleegmoo Caashaq igu maleegmoo Maankii ku raacaaa Kaa Maarmi Karinooo (2)Marwonimo/Malabnimo Uhadalkiyo miisaanka Socodkiyo Masha Alle Quruxbaa Mawle kuugu deeqoo (2)Munaaay kalgacalbad Maankeyga gelisoo Ma ilaawi karayeeee ma ilaawi karayeee By Jubba ***END***
  14. ***Xarakaat*** (2)Xarafkeena Quraankiyo Qur'aankiyo Xukun Diinta Udaa... (2)Xaqna waalid udaa Gu' Xareed Udaaa Geelna Xoorta geelna Xoorta udaayeeeeey (2)Xarrakaadka Adduunkana La'badii Isu Xalaaleeee Ruuxba Ruux ka xishoodiyoo Xaas wanaagsan wanaagsan wanaagsan Xaas wanaagsan udaaaa udaaaaaayeeeeeeeeeeeey *** *** *** *** (2)xakiim deeqda u daa haaa haaaaaaaaaaaaaa xabaashii nabigeeniyo (2)xaj udgoonka udaa xariir muuq udaa jaceyl xiiso jaceyl xiiso udaaaaa (2)Xarrakaadka Adduunkana Laabadii Isu Xalaaleeee Ruuxba Ruux ka xishoodiyoo Xaas wanaagsan wanaagsan wanaagsan Xaas wanaagsan udaaaa udaaaaaayeeeeeeeeeeeey By Jubba ***END***
  15. ***Ayaan*** Inkastoo ay Ayaan ayaan Aqal kale gashooy Ubad yeelatooy Tahey oori kale Anigoo ogsoon kama Aamusee Waa amar Allee! Bal maxey indhuhu kaa eegayaan Bal muxuu afkuna Kuu amaanayaa. *** *** *** *** Barigii aad ogeeyd ogeeyd Jacaylkaan afkiyo Uurkaba ka jarey Igusoo noqdee Isagoo markale Oodihii situu Aniga i hayaa Bal maxey indhuhu Kaa eegayaan Bal muxuu afkuna Kuu Amaanayaa By Hassan waddo ***END***
  16. ***UgaasoY*** (2)Ma Ogideeee Ugaasoy ma ogideee Uuurkaad Naruuriyooo Oontirtaa anfacacoo Indhahaad utahay Nuur aragtida Ukaamilane ma ogtahay (2)Ma Ogide Qalbiguna agtaaduu Udgooneey Kunagiyoo Unugyada dareenkaaa haaa ammarkooda haysaaye ma ogtahay (2)Anigana afkeygiyo addimada is eegoo aramidu iridateeee Ololbeyga baxayee hoo ubaxa hoo ayaankeen samaayee hoo ubaxa hoo *** *** *** *** (2)Ma ogidee Ugaaseey Ma ogidee Si aaaaan baladka lagu arag inaan kuu aroosoo aynigaad usidataaa u ordaa had & jeere ma ogtahay (2)Ma Ogide Awlaad Jacayliyooo Ugbaad caashaq lagu dhalay inaad ii xanbaartaan ilaahey ka tuugaaye ma OGtahay (2)Anigana afkeygiyo addimada is eegoo aramidu iridateeee Ololbeyga baxayee hoo ubaxa hoo ayaankeen samaayee hoo ubaxa hoo By Cawaale ***END***
  17. ***Qaali*** (2)Qoraxduba Iftiinkey bar ka qaadaneysoo Ubaxyada Qudhoodaa Qooraansanaayo~ Qooraansanaayoooo Inta Qalanja Dumaroo Ku Qancaan adduunyadu Qalbigeyga meeluu Ku Qaboobayaayo~ Ku Qaboobayaayooo (2)Dabcigu-waa Mid Qaaaliya Quruxna waaaa Middaan rabay Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa *** *** *** *** Indhahaaa Qiyaasli'i uga Quusan waayoooo Qeybahaa Jirkeygaa kaligeed Qadariyo~ Kaligeed Qadariyoo Qacda Aragtideedan Naxariis Qaboobaaa Ma Tusaale qoran iyo qoys oomiyaadbaa qoys oomiyaadbaa (2)Dabciguu waa Mid Qaaaliya Quruxna waa Middaan rabay Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa By Kastum ***END***
  18. ***Guunyo*** HorDhac Naagaha Ma guursado Ninkii Guunyo waayee Mana Geyo sidookale Kolkii uu Gacan marnaadee ---------------------------------------- (1)-Naagaha Ma guursado Ninkii Guunyo waayee ManaGeyo sidoodaba Kolkii uu Gacan marnaadee (2)Gardaran Nafteydaaay Geed dheer ha fuuline Gaagaabso yaad noqon galoof olol aan daynine *** *** *** *** Markaan kaaga garaabay arrimo aadan garaneyn kugu siiyey gacantaad tacbaan maran imoodey (2)Gardaran Nafteydaaay Geed dheer ha fuuline Gaagaabso yaad noqon galoof golol aan daynine *** *** *** *** (2)Aniguna Garaadkey Kaa Gaabsan waayeee Adna Garashadaadii Igaraabi weydeeeeee (2)Dhibta aan galaayana Igargaari meyside waa loo garaabaa ruux Gaabinaayeee ee eeee Dhaxantayo Guuraa By Cumar Nur Cabdulle ***END***
  19. ***Istar*** Hanaan socodka laafyaha Hagar li'i wax qabashada Hindisihiyo faalada Soo cel celiska sheekada Hadaan caano lagu habin Aman hooyadeed korin Mahayseen asluubtiyo Hidihiyo xishoodkee Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey Waxa kugu haboonaa haboonaa istareey Adoo xaafadii hodan Jidka fooqa hoosmara Hareerihiisa ubaxa leh Habeen ciida ay tahay Adigoo hidaha xiran Hudheelkii taleexbaan Heedhe kugu casuumaa Hal irmaan sidig iyo Haleel aad ku maashaa Dhalinyara Hobshaysiyo Hablo kuu ciyaaraan istarey *** *** *** *** Sida geel hilaac baxay Hoodiyo danood helay Oo horseed u maqan yahay Higsanaaya goor wacan Hiyigiyo naftaydii Adaa hebed ka dhigayoo Hilbahaygi saafoo Haween iiga laacee Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey Hareeraha nugaaleed Kayn wada hareeriya Marka roobku uu helo Oo xareedu haradiyo Hoos jiifto geedaha Hoos jiifto geedaha Hal irmaan sidig iyo Haleel aad ku maashaa Dhaliyara hobshaysiyo Hablo kuu ciyaaraan istarey By Cumar Nur Cabdulle ***END***
  20. ***Canbaruud*** Adigoo Caruuroo Cadalool Ciyaariyo Cimrigaagu maal celis Cashadii ugaaray Cabburkaagu qoortiyoo Cabbaaryeystay luquntee Naaskaagu Caarada Cirifyada Lasoo baxay Caynka Xaba barsheedkiyoo Cirshigii sabaadkiyo Caynka Xaba barsheedkiyoo Cirshigii sabaadkiyo Canbaruud la moodyeeey Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee *** *** *** *** Cirka waxan ka Imanoon Dhulkan caan ku Noqonbaa Carrabkeygu Sheegaa Sida Caalim weliyahee Adoo Ceel Gallaan daray Haddaan Caadil kuuba qorin Camankaaga waxa gala Cunahaaga dhaafine Caynka Xaba barsheedkiyoo Cirshigii sabaadkiyo Canbaruud la moodyeeey Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee *** *** *** *** Markuu Galay Ciriirigaa Collaadii shisheeyaha Nabigiiba Cumariyo wulla? ilaahey Caawana Halkaan Degay Xiddigtii Cirjiiddeeee Loo Diray Cadceedee Culumaduba Yaabtee Caynka Xaba barsheedkiyoo Cirshigii sabaadkiyo Caynka Xaba barsheedkiyoo Cirshigii sabaadkiyo Canbaruud la moodyeeey Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee Caloosheyda Taadan Cid walba Uga go'ayee By Cumar Nur Cabdulle ***END***
  21. ***Muna*** (2)waxaad tahay dhamays huban dhaleel aan lahaynoo rabi kala dhantaaline (2)naftan igu dhex nooleey dhaawac inuu ku gaadhin dhibaan kaa dhibaan kaakaa dhibaan kaa ilaashaa dhiiga haaba jidhkeygiyo dhanka uu wadnuhu xigo aadigaa adigaa adigaa u heley baxar (2)kuma dhaafi karayee dhab jacayl iga hoo hoo dhabtaada isaar haydhigin dhabtaada isaar wacaney dhabtaada isaar dhabtaada isaar munaay dhabtaada isaar *** *** *** *** (2)dhabaanada hilaacey quruxdaada dheeheey xubnahaaga kala dhigan (2)dhan kastoon ka eegaba waad dhugasha wacantoo dheemankaad dheemankaa kaa dheemankaad la midab tahay (2)dhaqankiyo asluubtana dumar lagugu dherarshoo kuu dhiganta kuu dhigann kuudhiganta malahee (2)kuma dhaafi karayee dhab jacayla iga hoo (2)hoo dhabtaada isaar haydhigin dhabtaada isaar wacaney dhabtaada isaar dhabtaada isaar munaay dhabtaada isaar By Jooqle ****END****
  22. ***Ma Ogtahay Daraadeed*** Ma ogtahey daraadeed Riyo inaan ku daaloon Aan bad wayn dabaashoon Ka baafiyey daruuraha Adaan doog jacayl iyo Kalgacayl ku daarine Miyaan duniba joogaa Daymada jaleecada Sida geel dar loo horey Soow kumaan dunuunicin *** *** *** *** Ma ogtahey danteeydiyo Wuxu caashaq ii direy Inay tahey Da'deedaba Inan aan ka doorbidey Aan daydayaayaan Udib jirey habeenadan Mawluhu ha daayee Daymada jaleecada Sida geel dar loo horey Soow kumaan dunuunucin *** *** *** *** Ma ogtahey dabiib iyo Dawadayda in ay tahey Oo aanan daynayn Oo la iigu daw galey Adaan doog jacayl iyo Kalgacayl ku daarine Miyaan Dunidaba joogaa Daymada jaleecada sida geel dar loo horey Soow kumaan dunuunicin ***END***
  23. ***Ismoog*** (2)Ushiyoo Markaan amarkaba dhammaan ehey kugu ireen Kali aynidaa kaa ishaartayyy Bal maxaad ibtilo la abaabushoo irdha kuugu wacannnnn Anoon kugu gafin Ololkiyo maxaaa maxaa keenay afxumadaa (2)Haddii aaaan Ismoog kaa aarsanlaaa Aayaha danbiyo Rajaan eegayaaaa eed waxaad fashayna Ubadkaad Dhashaan ku illaawayaaa Caqli iyo dulqaad Ilaah iidhashaan Kuugu arxamaaaaaaa (Raganimo Ilaah ani iidhashaan kuugu arxamaaa) *** *** *** *** (2)Ujeediyo siduu uurkeygu rabo Alle waa ogyeee Aadmigu marnaba ma abbaari karooo Qofba aragtidii haddii loo akhriyo waa ayaan darreee Aqoongabni iyo kaskaagoo irmaan ayaad ayaad ehee ku anbateee (2)Haddii aaaan Ismoog kaa aarsanlaaa Aayaha danbiyo Rajaan eegayaaaa eed waxaad fashayna Ubadkaad Dhashaan ku illaawayaaa Caqli iyo dulqaad Ilaah iidhashaan Kuugu arxamaaaaaaa (Raganimo Ilaah ani iidhashaan kuugu arxamaaa) By Cawaale ***END***
  24. ***Wada Noolaada*** (2)Weheliyo walaal Guri wadarahoo wiilal iyo gabdha leh waayaha adduun warwarli'i kumara kumaraa walaal (2)weynaha waxaad waydiisataan haka waayinina (3)Wada noolaadoo Nabad ku waaraa wada noolaadoo Nabad kuwaaraaa *** *** *** *** (2)Anaguna watiin Duca waafiyaaa yaan idiin wadnee Ayadaha waxyiga Yaan idiin wadnee weynaa idinka yeel (2)weynaha waxaad waydiisataan haka waayinina (3)Wada noolaadoo Nabad ku waaraa wada noolaadoo Nabad kuwaaraaa By Legend Dhule ***END***
  25. ***Waa Adi Daraadaa*** Daahdahoo aroortii Adaa doogsanaayo meel roob dibnaha dhigey dhirtu digil madow tahay adaa daawanaayoo kalidaa dakeeyee inta haad duushiyo shimbiraha la darisee caashaq igu daleelsadey warqadaan ku daabacey doodeeda iga qaad deeq waxad tidhaahdaa inankii dayowyoo ma xasuusto dunidee waa adi daradaa dakharkiisa caashaqa waxa uu la doogtee maruun soo calool dabac *** *** *** *** Daahdahoo aroortii Deeqdii ilaahey adaa doonanaayoo cidi daarad kugu hayn meeshii il-doogleh adigaa u deexdee waxa kastoo lagu diro deeqsiiye hadalkee Caashaq igu daleelsadey Warqadaan ku daabacey doodeeda iga qaad deeq waxaad tidhaahdaa inankii dayowyoo ma xasuusto dunidee waa adi daradaa dakharkiisa caashaqa waxa uu la doogtee maruun soo calool dabac By Qalinle ***END***