
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Boosaaso: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaalo geystay qasaare isugu jira dhimasho dhaawac kuwaasi oo maanta ka dhacay Tuulada Galgala ee gobolka Bari iyadoo maamulka Puntland uu guulo ka sheegtay dagaaladaasi. Dagaaladaan oo bilaawday waabarigii horay ee saaka ayaa waxaa ay ka qarxeen nawaaxiga togga loo yaqaan Sugurre oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ah Maxamed Saciid Atam, kawaasi oo dagaal kula jira ciidamad Puntland. Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen Ciidamada uu hogaamiyo Max’ed saciid Atam, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal culus oo qaatay in ka badan 5 sacadood. Dad goob joogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka la isku adeegsaday hub cul culus oo ay ka mid yihiin madaafiicda ka dhacda qoriga Pm-ka kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlayay Magaalada Boosaaso ee Xatunta gobolka bari, waxaana dagaaladu marka ay qarxeen ay ku faafeen deegaano kale oo ku dhow dhow buurta Galgala. Ciidamada dagaalka ku jirey ee Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland Janaraal Yuusuf Axmed Kheyr kuwaasi oo la filayo in saacadaha soo aadan ay saxaafada la hadlaan islamarkaana ay ka warbixiyaan dagaalada. Saciid Cabdi Faarax oo looyaqaan Tuutaweyne oo ah taliyaha Ciidamada Darawiishta Puntland oo la hadlay warbaahinta Garoowe, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ciidamada amaanka ee Puntland ay ku gacan sareeyeen, isagoo sheegay inay bur buriyeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada Max’ed Saciid Atam. Waxaa uu sheegay in dagaalkaani uu yimid kadib markii la tashiyo ay sameeyeen Masuuliyiinta Puntland kuwaasi oo uu tilmaamay inay garwaaqsadeen inay la dagaalamaan ciidamada Max’ed Saciid Atam, isagoo intaasi ku daray in dagaalka ay uga geeriyoodeen sedax askari islamarkaana ay uga dhaawacmeen 7 kale, waxaana uu sheegay in dhinacii ay la dagaalameen ay ka dileen ilaa 15 dagaalyahan islamarkaana ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Atam sida uu hadalka u dhigey. Majiro wax war ah oo ka soo baxay hogaamiyaha dagaalka kula jira Maamulka Puntland oo ku aadan ka hadalka dagaalka Maant iyo sheegashada Maamulka Puntland oo ah inay guulo ka gaareen dagaalkii maanta ka dhacay Puntland. Dadka goobjoogayaasha ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 10 ruux oo dhamaantood ay sheegeen inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, waxana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale kuwaasi oo qaarka mid ah dhaawacooda la geeyay isbitaalka Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari. Dagaalada ayaa waxaa ay saameeyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii ka jiray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana maanta yaraa isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada Boosaaso.
-
Dagaalki Masaajidka Gaoowe laga iclaamiyey oo Bilowday
-
Let's not hijack the thread here ....... it is not about Ceerigaabo ,,
-
..... hadaan gartee iska daa ,,, lol Horta imikaaban dhergay ,,,, waanan hamaansanayaa
-
This Libahe guy is off the hook ...... anagaa ceerigaabo haysana uun bay kaga dhegtay xataa hadii aakhiro laga sheekaynayo ,,
-
Whats the update on Puntlanders death and Maakhirian deaths?
Jacaylbaro replied to ceelayohoyoo's topic in Politics
Ma adigaa isu jawaabay -
EASSy Cable Open For Business - Good for Somaliland
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
We will teach them how to do it ,,,, soon -
New admin: Dhakhistan ...
-
Dagaal Xoogan Oo Saaka Barqanimadii ka Qarxay Buuraleyda Galgala Iyo Baabuur Laga Gubey Puntland Wararka kaa imanaya buuraleyda Deegaanka Gal Gal ayaa sheegay in saaka barqanimadii uu ka bilowday dagaal xoogani oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta ee uu hogaaminayo maxamed saciid Atam iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo weliba ciidamada PIS-ta iyo weliba kuwa puntland oo dhinac ah ... Wararka ay ka helauyso shabakada afnugaal ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal laga gubay Ciidamada puntland iyo kuwa PIS-ta kuwaasoo saaka barqanimadii weerar xoogan ku waaday deegaanka gal gala ee gobolka bari Sidoo kale qaar ka tirsan dadka shacabka degmada Galgala oo khadka telafoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay in dagaalku socdo waloow ay sheegeen in gawaari tikniko ah laga gubay ciidamada puntland islamarkaana ay ciidamada Mujaahidiinta ee uu Sheekh Atam horkacayo ay Jilibka u laabteen oo ilaa iminka la maqlayo Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan. Axmed weli oo kamid ah dadka deegaanka gal gal oo war siinayey warbvaahinta uqdisho ayaa sheegay Inay 5 Gaari gacanta ku dhigeen ciidamada sh ,atam oo kaashanaya dadka deegaanka halka Mid kamida gaadiidkaasi uu gubanyahay, qaar ka tirsan ciidamada puntland ahna ay ku go,doomeen buuraleyda gala gala Dhinaca kale Odayaasha deegaanka Galgala ayaa saxaafada u xaqiijiyay in madaxweyne Faroole uu si cad u diiday Wadahadallo lagu doonayay in lagu dhax dhaxaadiyo labada dhinac, ciidamada Faroolena uu ku weeraray deegaanada ku dhaw dhaw Galgala ayaa dhawaanahanba lagasoo daad guraynayay Garowe oo ah halka ay saldhiga ugu weyn ku leeyihiin ciidmada PIS –ta
-
Armuu adiga ahaa kaasi ,,,
-
EASSy Cable Open For Business - Good for Somaliland
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
With the cable coming to Berbera ,,, it means business when we sell it to Somalia & Ethiopia. -
^ ^ Interesting development
-
EASSy Cable Open For Business - Good for Somaliland
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
We not talking about TV here ,,,,, -
Burco Buuhoodle Delegations Meet in Xadhadhanka
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Nothing wrong with the talks and the grass-root negotiations but the elders should not interfere the National Army issues. This is where the problem came from. -
Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso. Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan. Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa. Laasqoray.NET
-
Burco Buuhoodle Delegations Meet in Xadhadhanka
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Af-hayeenka Madaxtooyada Oo Shir Jaraa'id Qabtay Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah Madax dhaqameedka beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle kaga hadleen arrimaha nabad-gelyadda ee deegaamadooda, waxaana sida la sheegay shirkaasi ay odayaashu isku afgarteen qodobo ay u arkeen in ay n abad gelyada deegaamadaasi caawinayso. Waxa kale oo ay kaga hadleen sida ay warbaahinta u sheegeen qodob ay ku soo qaadeen ciidamadda Qaranka. Kaasi oo sida muuqata dheeraad ku ahaa oo aanay xaq u lahayn in ay ku darsadaan go’aamadooda. Xukuumadda Somaliland oo sideedaba u taagan sugidda qaranimada Somaliland iyo adkaynta nabad gelyadda waxa ay mabda ahaan soo dhawaynaysaa dhaq-dhaqaaq kasta oo u adeegaya Nabad gelyadda iyo wada hadallada heer kastaba leh ee la xidhiidha arrintaasi nabad gelyada min qoys ilaa Qaran. Waxa kale oo ay xukuumaddu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidamada Qaranku aanay ahayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood midna ka talin karaan ee ay tahay arrin u taala Dawladda Somaliland. -
Hargeysa (HWN):- Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga bilawday degaanada Karin iyo Galgala oo dhaca gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland, oo beryahanba saasaan colaadeed ay ka jirtay. Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa weerarka lahaa ciidamada Puntland oo beryahanba abaabul ballaadhan ku jray, halka kooxda Sheekh Atam-na jilibka aasteen, iyagoo u muuqda inay haystaan kalsooni buuxda oo dhan walba leh. Dagaalkan oo ilaa amintan socda ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay khasaare badan, oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxaana saakaba Cisbitaalada Boosaaso la keenay Askar badan oo dhaawac ah, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan ciidanka Puntland. Gurmad isugu jira Ciidan fara badan, Saraakiil sarsare, Wasiiro iyo Gaadiidba ayaa goor dhawayd gaadhay goobahan ay dagaaladu ka qarxeen. Waxaana gulufkaa gurmadka ah hoggaaminaya madaxweyne faroole-na u xilsaaray kuxigeenkiisa Gen Cabdisamad Cali Shire. Ciidamada Puntland oo weerarka lahaa ayaa halkaasi kala kulmay iska caabin ba’an, waxaanay wararka qaar sheegayaan in halkaasi lagaga gubay gaadiidka dagaalka, tiro kalena laga qabsaday. Labada dhinac ee kala ah Maamulka goboleedka Puntland iyo Kooxda ay dagaalamayaan ee uu gadhwadeenka ka yahay Sheekh Maxamed Saciid (Atam) ayaan wali soo saarin wax war ah oo ku saabsan dagaalka haatan ka socda degaanadaasi aan soo sheegnay. Colaadda dagaalkan ayaa si rasmiya u bilaabantay Labo todobaad ka hor markii Maamulka Puntland weerar ku qaaday kooxda Sheekh Atam, balse weerarkaasi noqday mid ka dhicisoobay Maamulka Faroole. Dagaalka maanta ayaa isaguna bilawday kadib markii Madaxweyne Faroole uu ku gacan saydhay waawaan ay beryahanba wadeen madax-dhaqmeedyada degaanadaasi, oo lagu dhex dhexaadinayey Maamulka Puntland iyo Kooxda Sheekh Atam.
-
Didn't know u have a question on this ,,
-
Already corrupted .......
-
Dagaalkii Galgala oo La Sheegay in Lagu Kala Baxay Sida la saadaalinaayey waxaa saakey goor hore dagaal culus uu ka bilowdey deegaano ku dhaw magaalada Galgala ee ku taala buuraha dhanka koonfur galbeed Bosaso kaga beegan, dagaalka ayaa ka bilowdey togga loo yaqaan Sugurre halkaas oo ahayd goobta uu yaaley difaaca u horeeya ee Malayshiyada uu wato Shiikh Attam, dagaalkaas ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u culus, waxaana labada dhinacba soo gaarey khasaarooyin. Saraakaal u hadley ciidanka Puntland ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in ay soo afjareen dagaalka Islamarkaana ay cagta mariyeen malayshiyadii Shiikh Attam, waxaana uu sheegay in hadda ay ku jiraan ururinta frixadkii isla markaana goor dhaw ay qaban doonaan shirsaxaafadeed. Dhanka kale warar aanu ka helnay Isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ayaa masuul sare oo ka tirsan Isbitaalka waxa uu xaqiijiyey in la soo gaarsiiyey 12 nin oo dhaawac ah iyo laba nin oo meyd ah kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka Dawladda Puntland. Xiriir aan la samayney meelo kala duwan ayaa la xaqiijiyey in dagaalku hadda qaboobey isla markaaana xabaddu ay ka dhacayso meelo ka durugsan halkii lagu dagaalaamay. Ma jirto cid u hadashey malayshiya ka amar qaata Shiikh Attam kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Puntland isla markaana sheegay in ay goobahaas ka dhigayaan Dawlad Islaami ah. Magaalada Bosaso ayaa ah mid dhaqdhaqaaqeedu yar yahay, waxaana magaalada ka baxay ciidamo badan oo gurmad ah, kuwaas oo ka tirsan Dawladda Puntland, waxaana wararka qaarsheegayaan in ciidankaas uu la socdey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ah masuulka u sareeya ee hawlgalka ciidamada Puntland ka wadaan buuraha ku teedsan Galgala. Dagaalka ayaa ahaa mid la filaayey in goorkasta uu qarxi doono, waxaana meesha ka baxay dedaal ay wadeen Odoyaal ka soo jeeda deegaanada Sanaag Bari.
-
I'm meeting with the Doctor's seeddi galabta ,,,
-
Boosaaso: (Sh. M. Network) - Waxaa saakay buurta Tuulada Galgala ee gobolka Bari dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kuwa uu hogaaminayo Max’ed Saciid Atam iyadoo dagaalku uu ilaa iyo hadda socdo. Wararka laga helayo Tuulada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu dib uga qarxay Dagaal culus kadib markii Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku lahaayeen dagaalanyahanada uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Max’ed saciid Atam. Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dhawaqa rasaasta cul culus ee la is weydaarsanayo laga maqlayaa qeybo ka mid ah goobaha ku dhow dhow Tuulada Galgala. Dagaalka oo aan la ogeyn qasaaraha uu geystay ayaa ka soo cusboonaaday Tuuladaasi saakay aroor hore, waxaana uu yimid maalin kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku hanjabay in uu dagaal ku qaadayo Max’ed Saciid Atam iyo Ciidamadiisa. Dagalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili la sheegay in maalmo ka hor dowladda kMG Soomaaliya ay Maamulka Puntland u dirtay Saanad Militari oo lagu sheegay in lagu xoojinayo dagaalka Maamulkaasi Puntland uu kula jiro Ciidamada uu hogaamiyo Atam ee ku sugan qaar ka mid ah buuraha gobolka Bari.
-
Had Muqmad (oodkac) last night ,, full of Subag. Now i'm still full and enjoying my coffee. 2 more hours and i'll be off for the day ,,,
-
Afternoon ....... Been on bed the whole day yesterday ,,,,, now i have to pay the price ,,
-
Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dagaal aad u culus ka qarxay aagagii ay isku horfadhiyeen ciidanka Puntland iyo Malayshiyaadka Shiikh Attam, dagaalka ayaa la sheegay in uu yahay mid culus oo la isu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la ogyahay 11 nin oo ka mid ahaa ciidanka Dawladda Puntland oo ku dhaawacmey dagaalka ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee Bosaso, waxaana sidoo kale Horseed Media loo xaqiijiyey in dhimashada ciidanka dawladda soo gaarey ay dhantahay 2 nin. Saraakiil ka gaabsadey magacooda in toos loo xigto ayaa sheegaya in ay dhanka kale ka dileen 10 nin, dhaawac baddana qabteen kuwaas oo ay sheegteen in dhawaan la soo gaarsiin doono magaalada Bosaso. Dhanka kale mid ka mid ah saraakiisha malayshiyadda Shiikh Attam oo shir saxaafadeed telefonka ku qabtey ayaa dagaalka guulo ka sheegtey. Waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee dagaalku geystey, saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ka hadlayaan marka uu soo dhamaado, waxayna xaqiijiyeen in dagaalku socdo. Dagaalka ayaa ahaa mid la filaayey in uu halkaas ka qarxo kadib markii maalintii Jimcadda Madaxweynaha Puntland uu sheegay in aysan is horfadhiyeyn iyaga iyo malayshiyada Shiikh Attam, kuwaas oo ka soo horjeeda Dawladda Puntland.