qumane

Nomads
  • Content Count

    55
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by qumane

  1. 16 September, 2005 Today the 60th UN General Assembly as well as the 5th anniversary of the UN Millennium Development Goal (MDG) meeting was concluded. Where thousands of world leaders gathered at the UN headquarters in New York to address the most complex issues facing our planet: - Poverty and hunger eradication: to free mankind from hunger and diseases. - Sustainable management of the environment and its resources. - Halting the spread of AID/HIV. - Gender Equality. - The creation of Human Rights Council that will replace the existing HR Commission. - The reform of the Peace and Security of the UN and the creation of a Peace-Building Commission. Etc. Tonight, the President appointed, Mr. Yusuf was scheduled to address the GA and he missed the opportunity to speak as a LEADER. http://www.un.org/webcast/summit2005/statements.html# Instead the Minister of Foreign Affairs, Mr. Ismail replaced him on the last minute. This is bad news for the TFG – bad protocol. In general, the speaker who addresses the GA on behalf of his people is the highest officer of the country who is present at the GA platform. There was no excuse for the absence of the President at the speakers’ podium. Mr. Ismail speech was garbled and he did not tackle the issues and the purpose for which the 60th UN General Assembly was convened. He spoke of the TFG’s national/internal problems and the dispute between its Institutions, which was irrelevant. The speech was so narrowed and it was “politically incorrect†to speak of internal problems between Jowhar and Mogadiscio to a worldwide audience. Mr. Ismail confirmed that the TFG of Somalia is a PROVINCIALLY RUN GOVERNMENT. “.As we speak now the new State Institutions are operating from within Somalia, from Jowhar temporarily, the provincial capital of the lower Shebelle region, situated only 90 kilometers from Mogadishu, the capital city of Somalia….†Here is the text of his speech and by tomorrow you can view the video. http://www.un.org/webcast/summit2005/statements16/som050916eng.pdf It seems that the TFG Executive Branch and its cabinet are out of touch of the world and out of touch of their own people. It is evident that the Somali people are living in a world full of structural violence, poverty, drought and famine, inner confinement, destruction, and helplessness and on top of that we are still divided and we are distancing ourselves from the world. Somalis needs good leaders who can bring them out of poverty and perpetual violence. We need a government that provides: safe drinking water, delivers public goods and services, protects the most vulnerable groups of the society and promotes reconciliation between communities and clans. WE NEED A GOVERNMENT THAT APPEALS TO THE WORLD TO ERADICATE POVERTY, POLIO, INJUSTICE AND DISEASES THAT ARE AFFECTING OF OUR PEOPLE. Somalis need to build a society that seeks remedy to the injustice done to thousands of unarmed civilians, a society that does not tolerate impunity and a society that does not honor men like warlord Abdullahi Yusuf. How can this warlord who start killing, looting and murdering people 60 years ago in the Mudug region be given an opportunity to speak to civilized people around the world
  2. why Ethiopia landscape expose us Somali land. We have beutiful landscape too.
  3. Soddoh Siyaasad Gashay Wax Malaga Sheegi Karaa? Caalamkan aan ku noolahay dharaarba cayn weeyo, caaddo hore kuugu taaliyo cisho hore xeerkeed, gees cusub laga eeg. Ceeb wixii shalay ahaa manta caynad kale yeelay. Caqligoo la kaashadiyo, cilmi qoto dheerbaa arrin lagu cibbaaro saraa. Caaddo inagu cusubaa caynka laga yeelayo caawa lagaaga fadhiyaa. Dhaqankeenii hore in ninka reer kiisa iyo Soddoh wax laga sheegaa waxay ahayd mid reeban. Soddohuna fagaarayaasha siyaasada iyo malxalada way ka reebanaayeen. Haddii isbadal dhacay oo la yidhi dumarku xuquuqbay leeyahiin, geed kastoo ninku ka boodo iyo golo kasta ha istaageen, haddii la yidhi guurtida sare iyo golayaasha wakiilada albaabadooda ha loo furo, haday wasiiro noqdeen. Inta warka qaadiyo warbaahintu inay wax ka sheegto gef miyay noqonaysaa?. Wararka iyo dhambaalada waxa inagu soo gaadhay dhibtii Faysal Ali Waraabe ka gaadhay su’aashuu ka keenay, dhagax dhigii marwada kowaad ee cisbitaalka Gabilay iyo sideetan kun oo ay ugu deeqday. Waxaynu ognahay in Haatuf maxkamad lagu taagay qoyska iyo marwada madaxwaynahay wax ka sheegooda. Qoraalkana waxa igu dhaliyay aniga oo maqlay dhawr jeer suldaanka ******** ee beesha ay ka soo jeedo marwadu oo leh “soddoh in wax laga sheegaa ma bananaâ€. Hadaba su’aasha taagani waxay noqonaysaa 7 xubnood oo dumara ayaa u sharaxan Gollaha wakiilada ee Somaliland tolow side bay xubnaha ay isla tartamayaan ay wax uga sheegi doonaan?. Haddii se ay ku guulaystaan oo ay golaha soo galaan cidi wax ma ka sheegi kartaa?. Mise soddoh weeyaan oo lama soo hadalqaadi karaa la odhanayaa? Gole lagu hirdamayo ninkii soo galay inuu dadka wax la qabaa miyayna ka haboonayn? Gabagabaddii jawaabta su’aashan iyo waxa laga yeelayo ma ka sii afeef dhigteen ururka warbaahinta Somaliland.
  4. Salaam all Qofkii dal aqoon ahi wuu garanayaa inanay sawiradani Puntland ahayn. Fish and chip kana loo sheegi maayo
  5. Maxaa u sabab ah dhibaatada Soomali haysata La’haanshe: Maxaynu wada leenahay maxaynu kala leenahay? Akhristow markaad aragtid ciwaanka qoraalkaygan waxa laga yaabaa in jawaabta suaashan aad fudaydsatid oo aad istidhaahdid ma cusla. Waxaan jeclahay inaan halkan kugu tuso sida ay suaashani sal ugu tahay dhibaatada Somali haysata meelkasta oo ay joogto iyo maamulkasta oo soo mara. Akhristow si aad ii fahmi kartid nuxurka sheekadan waxaan jeclaan lahaa inaad qadar daqiiqado ah maskaxdaada i amaahisid (daymisid) si aynu safar taarikheed (time travel) aynu u wada galo hana ku dag-dagin inaad go’aan gaadhid ilaa aad qoraalkan dhamaysid. Dhamaadkii sanadadii sideetameeyaddii ayaan daawaday film lagu sameeyay Koonfur Afrika oo ka sheekaynayay nolosha dadka madow ee ku nool lamadagaanka Kalahari ee u dhaxeeya Koonfur Afrika iyo Namibia. Wakhtigaa film kani waxa uu ila ahaa filin komadii ah oo qosol iyo is dhex yaac farabadani ka muuqdo. Sanadkan ayaan mardanbe isla filmkii daawaday balse imika waxa aan ku arkay indho ka duwan kuwii uu iigula muuqday wakhtigii hore. Fikraddii uu habeenkaa I galiyay filinkaasina waa ta igu dhalisay aragtida aad halkan hoosta ka akhriyi doonto. Filinkan magaciisa la yidhaa “ The Gods Must Be Crazy†Waxa uu ku socdaa ninka la yidhaa Xi (Soi) oo isaga iyo reerkiisu ku noolyahiin lamadagaanka Kalahari. Reerkani waligood magaalo may arag wax kasta oo ay haystaana waxa ay ka helaan deegaanka ku xeeran Ilaahayna cirka waxa uu uga keenaa roob ay ku qabowsadaan. Reerkan ah qolooyinka loo yaqaan “Bushmanka†ee uu Xi odayga u yahay wax lama kala laha waxkasta oo uu qof soo qaatona ka kalana wuxuu heli karayaa shay la mida deegaanka ku xeeran, noloshooda wax la kala leeyahay iyo wax la isku qabsado midna kuma jiro, wax wada wadaag iyo farxad ayay ku dhisantahay, tan iyo intay diyaarad yar oo dulmaraysay reerkan nabdoon, bayloodkii watay uu quraarad(dhalo) uu kooke ka cabay uu samada kaga soo tuurayo. Xi iyo reerkiisii waxa ay la yaabeen shaygan cajiibka ah ee uu Ilaahay samada uga soo dajiyay. Balse quraaraddii kookahu waxa ay reerkii u soo jiidaysaa in markii u horaysay uu shay cusubi ku soo biiro oo la kala yeesho. Shaygan qof waliba waxa uu doonayaa inuu ujeedo gaar ah u isticmaalo mana jirto meelkale oo laga soo heli karo waayo maaha shay dabiiciya sida wixii hore ee ay u haysteen dhamaanba ay dabiiciga u ahaayeen. Reerkii waxa ku dhacaya markii u horaysay in ay is layaan dadku is qabqabsadaan oo qof waliba uu doono in uu dhaladan (quraaradan) isticmaalo, farxaddii ayaa reerkii ku yaranaysa, cadho iyo cuqdad ayaa soo kala dhex galaysa. Odaygii reerka Xi wuu garan waayayaa sababta uu Ilaahay awal roob buu samada uga keeni jiraye shaygan layaabka leh uu ugu soo diray “Ilaahay muu waashay ayuu iswaydiinayaa muxuu waxan samada noogaga soo riday†Waxa uu go’aansanayaa inuu Ilaahii bahashan aanu garanay ku saliday uu ku celiyo. Xi waxa uu odhanayaa waxaan gaynayaa halka uu dhulku ku dhamaado oo aan ka ridayo, si Ilaahii lahaa uu nooga qaato oo reerkeena wax wadaagii iyo nolosheenii caadga ahayd ay noogu soo noqoto. Safarkii uu Xi kaga soo baxay dunidiisii xidhnay ee aan waxba la kala lahayn dadku is jeclaa wax wada wadaagayay si uu shayga qudha ee la isku qabsad uu uga soo tuuro, waxa uu noqonayaa mid la gala duni dadku ay wax walba gaar u kala leeyahiin, la is dilayo, la kala xidhanyahay la iswada haysto, oo lagu magacaabo dunida hore u martay (So call Civilized world). Halkaa ayay sheekada filunku ka sii soconaysaa ……. Maskaxdaada ka soo saar filimkaa waxaad u kaxaysaa qarnigii 17 naad ama 18 naad. Awoowgaa iyo aabahaa waxay ku noolyahiin dhulka deeganka quruxda badnaa ee safaanaha ah ee Somaliya waxa uu dhaqdaa geel fara badan iyo adhi, marka laga reebo dhawr shay oo magaaloyinka fara ku tirska ahaa laga soo iibiyo inta badan waxa uu reerku haysto oo dhan waxa laga soo guraa kaymaha dabiiciga ah ee reerku daganyahay. Deegaanku waa cabsi dugaaga (Libaax, shabeel, maroodi, Wiyil IWM) ayaana kaga badan dadka ku nool. Awoowgaa si uu cabsida iyo nolosha adag ee uu ku noolyahay uu uga baxo, waxa uu wax la wadaagaa reeraha ay ehelka yahiin (Tolka). Wax kasta waxa uu kaga xidhan yahay tolka oo ay dhib iyo dheef ay wax wada wadaagaan. Dadku waa reer guuraa dhulka lama kala laha geela iyo xoolahana tolku in kasta oo ay ku kala magacaabanyahiin hadana way wadaagaan. Haddii geeliina la dhaco Tolka ayaa u dagaal gala oo soo dhiciya ama geel kale soo dhaca oo kaasaad wada yeelataan. Haddii aad dhagar, xaal ama eed kale uu awoowgaa uu galo tolka ayaa ka bixiya oo u geel gura. Reerkiinu meesha uu u guurayaa waxa ay ku xidhantahay hadba meesha uu roob ka da’o, oo dhulka waa la wada daaqaa, waayadan dambe ayuu maqlaa in meelo ceelal ah ( raad raac gabayadii wakhtigaa baxay) ay reeruhu kala sheegteen waayo wakhtiga biyo yaraanta ah ayaa si wayn loogu baahan yahay. Inta badan waxkasta oo deegaankiina yaala Tol ku wuu wada leeyahay dadka kale ee aan Tolka ahayna waxa idinka dhexeeya inaydun wax kala dhacdiin ama aydun xeer wadaagtiin oo uu xeerkasi idinkala xadeeyo balse intaydun isa soo gaadhiin ayaan badnayn. Xaaladiinu iyadoo sidaas tahay oo waxa noloshiina ugu mihiimsani uu yahay Tolka iyo geela oo uu aabahaa aabihii uu ku dardaaro Tolku waa Tolanee waligaa ha ka bixin ayuu gaal cadi idiin yimid. Gaalkii waxa uu idin yidhi magalada ayaan guryo ka dhisayaa guryahaas iyo waxa dhex yaala anigaa leh, dhulbuu xidhay oo uu beero ka samaysta oo uu yidhi anigaa leh, awoowgaa waxay ku noqotay layaab nin aanu afgaranayn oo leh waxan anigaa leh oo aan tolnimo waxba lagula wadagayn ka xoog wayn oo aan waxba laga dhici karayn. Gaalkii waxa uu yidhi keena aan carurta wax idiin barro sidaas ayaydun wax ku fahmaysiine. Aabahaa ayaa iskuul la geeyay waxa la baray tacliintii gumaystahu ay la yimaadeen. Inkasta oo uu aabahaa tacliin korodhsaday oo uu wax faa’iiday hadana maskaxdiisa waxa ku jira dardaarankii aabihii iyo xusuustii miyiga (Tolnimaddii iyo wax wada wadaagii). Aabahaa markuu wax kala fahmay ayuu gaalkii yidhi “orod oo naga tag wadanka anagaa lahayn waxan dhexyaalana waa waxayagiiâ€. Gaalkii wuu ka tagay wuxuuna meesha kaga tagay wax uu noogu sheegay Dawlad. Inkasta oo aabahaa iyo asaxaabtiisii ay iskuulka ku wad jireen ay si wad jira uga soo hor jeedeen gumaysiga dawladna u wada dhaliyeen hadana waxay ka soo kala jeedaan Tolol kala duwan midkastaana wax uu helo tolkii ayaa la wadaaga sidii uu dhaqanku uu ahaa. Suaasha aabahaa iyo saaxiibaddii ku wareegaysaa waa bahashan Dawlada ah ee uu gaalku ka tagay sidee loo qaybsanayaa ilayn awal wax la kala leeyahay may jirin wax kasta deegaanka kugu xeeran ayaad ka helaysay geelana tolka ayaa wada wadaagayay marmarna waa la kala dhacayay. Dawladnimada ma sidii geelii baa loo kala dhacayaa? Sideed u wada yeelanaysiin kuwii aydun shalay geela kala dhacayseen?. Dawladii waxay yeelatay wasiiiro iyo madax sar sare, baabuur, guryo iyo lacag fara badan. Aabahaa sidii uu awoowgii uu ku dardaaray waa inaanu Tolka ka go’in mar haddi isaga wasiir laga dhigayna tolkii wax badan ayay ka sugayaan ilayn wasiirku waxa uu la mid yahay geelii tolka guryaha wasaaraduna waxba kama duwana ceelkii Caynabo ama Doolow ee uu tolku ka wada cabayay umadaha kalena uu ka xigsanayay. Aniga Aabahay ayaa madaxwayne looga dhigay dawladii, sidii aabahaa oo kale ayaa awoowgay uu aabahay ugu dardaray qiimaha uu Tolku leeyahy iyo sida uu ugu qasbanyahay inuu tolka wax la wadaago. Reer tolkay dawlada uu aabahy ka madaxda yahay ugama duwana geelii ay wada lahayeen raali kama aha in reer tolkaa oo ay geela ay kala dhici jireen in uu aabahay geelan cusub ee uu gaalku ka tagay uu wax ka siiyo aabahaa oo ay isku iskuul, asaxaab iyo isku xisbi yihiin. Inkasta oo uu aabahay iyo aabahaaba ay ku socdaan tacliintii uu gaalka cadi baray ayna garanayaan in dawladu ay tahay wax dadku ay wada leeyahiin, hadana, taladii tolka kama tagi karayaan oo qayb maskaxdooda ka mid ah ayaa u sii jiidmaysa xaga tolka. Haddii u aabahaa shaqadiisa uu si fiican u qabsan waayo oo uu ka cawdo qof kale oo aan tolkaa ahyni oo uu yidhaa “wasiirka waxbarashadu waxba nooma qabto lacagtii iskuulada ayuu cunay†reer tolkaa mid kasta oo ka mida waxa ku waajib ah in ay wasiirkooga difaacaan oo ay yidhaahdan “sideed wasiirkayaga wax uga sheegaysaa anagu ma wasiirkaaganu caynayâ€. Adeeradaa iyo Tolkaaga kale isma waydiiyaan waxa uu wasiirkan waxbarashadu uu caruurtoda uu u qabtay waxa ay ku faraxsan yahiin in bahashii dawlada ahayd ee uu gaalku ka tagay ay wasiir ku leeyahiin. Reer tolkay qudhoodu dawlada dhanba waxay u haystaan inay iyagu leeyahiin oo ay dadka kale ka xigaan, haddii aabahay uu ka yeelayona wasiirada iyo waxa meesha yaalaba iyaguu wada siin lahaa. Dawladnimaddii uu gumaystuhu inagaga tagay waxay noqotay siduu Hadraawi ku sifeeyay maansadan. Hal la qalay raqdeedaa Lagu soo qamaamoo Qalalaasihii baa Nin ba qurub haleeloo laba waliba qaybteed Qorraxday ku dubatoo Qoloftiyo laftiibaa Lagu liqay qallaylkee Qosol wuxuu ka joogaa Qubannaa danbeeyee Weli qaba hamuuntee Buuraha qotada dheer Ka arkaaya qiiqee Qarka soo jafaayee Lahaanshihii kumuu joogin oo qudha dawladdii ee sidii gumaysigu uu beeraha u xidhay ee uu dhulka u yidhi anigaa leh ayaynu bilownay inaynu dhulkii kala yeelano. Dhulkii uu wagii hore awoowyadeen is daba guuri jireen ee dugaagu kaga badnaa wuu xaalufay oo nabaad guurbaa ku dhacay. Mar haddii biyihii iyo baadkiiba ay yaradeen waa in dhulka intii sii qoyanayd la kala xidhaa oo la yidhaa reer hebelbaa halkaa dagi jiray oo beero ku lahaa anaga geelayagu wabiga ayuu barri ka soo cabay oo dhulka ilaa wabiga ayaanu leenahay aya reeraha qaarkood ku doodeen. Intaas laguma joogine waxa la yidhi magaalooyinkii ay carabta iyo gaalku ay dageen waynu kala leenahay oo meehsa geelayagu dul daaqo magaalada ku dhow anagaa leh ayaa la isku qabsaday. Inkasta oo ilaa imika la isku haysto lahaanshahii iyo qaybsigii qabiiloyinka hadana haddii taa lafteeda lagu kala baxo waxa bilaabmaysii tii kala lahaanshaha reeraha hoose iyo tii lahaanshaha gaarka ah oo iyaduna aakhirka noqonasa wax inagu cusub oo iyana dhibteeda wadata. Hadaba akhristow maanay u muuqan in Lahaanshuhu (property) uu yahay shayga qudha ee dhibaatada ina haysataa ku salaysantahay tan iyo intii uu gumaysigu ina dhex dhigay wax la yidhaa dawlad oo hab dhaqankeenii ku salaysnaa Tolnimada iyo xeerwadaaga khalkhalka galisay. Ma odhan karo sidii ninkii odayga ahaa ee filimka bushmanka dawladnimada gaalkii inoo keenay aynu dib ugu celino, balse waxa cad ilaa inta ay Somalidu kala baranayso Lahaanshaha Gaarka ah iyo Lahaansha Guud (qaranka) ee ay meesha ka saarayso Lahaanshaha Tolka in dhibteenu joogayso.