Wiil Cusub

Nomads
  • Content Count

    1,063
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Wiil Cusub


  1. u_115778d_2013-11-12-16-35-1f_duufaan.jpg%20UUU.jpg

    Wararka ka imanaya degaanka Cali Xaydh ee degmada Baki ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhufteen duufaan ku lamaanayd roobab mudo dhawr maalmood ah ka da?ayay degaankaasi isla markaana ay ka dhasheen qasaare

    Roobab mudo dheer da?ayay ayaa waxa ay mar kaliya isku badaleen dabayl xoogan oo afarta jiho iska qabsatay isla markaana xawli xoogan ku socotay, dabayshan ayaa jiingado badan ka qaaday guro dhisnaa, sidoo kalena waxa ay burburisay guryo kale oo cooshado u badnaa oo degaankaas ku yaalay, dabayshaas xoogan iyo burburkaasi guryaha ayaa waxa ay sababeen in 2 qof oo rag ah ay dhaawacyo fududi soo gaadhaan, halka ay qofka kale oo haween ah ay ku jirto KOMA isla markaana uu xaalkeedu yahay mid halis ah? sidan waxa yidhi Sul. Abshir.


  2. malistar2012;985322 wrote:
    Somaliland in Panic mode

     

    First oil Companies evacuated due security issue Now Ethiopia has just banned issuing Visa , then you have
    cold war between
    the ruling party and the opposition several assassination attempt. Khatuum state will be nail in the coffin . It was a wise choice by SFG to cancel Talks.

    you talking about cold war in Hargeisa politics what do u thing about this

     

    Madaxweyne_Xasan_&_Ra'iisul_Wasaare_Saac


  3. GaadhHaye;985348 wrote:
    If you really analyse President Hassan’s thank you speech to the Turkish people in the ninetieth anniversary

    of Turkish republic day ceremony last month, you must conclude one thing from it: SNM Gang leadership were

    supposed to show themselves in Ankara on the 8th of the current to sign a contrite promises and to agree to

    cease and desistopposing the Somali Federal Constitution and to start courting the Awdal region to form a federal member state as the triangle area where their clan reside doesn’t comprise of full two regions (a constitutional

    clause requires for a federal member state to come into being to have two or more regions of Somalia’s 18

    administrative regions to merge). The SNM Gang’s clan reside in Waqooyi Galbeed region in full (more or less)

    and in parts of Togdheer. Thus, they cannot meet the two-region condition. Their best bet is to start talking to the

    people in Awdal region and not waste time and resource for the madness they have been dreaming of or they will end up under direct control of the central government as per the law of the land.

    Which planet are you from mars or what :confused:


  4. Xaaji Xunjuf;985280 wrote:
    Will cusub dont jump the gun saaxib the Mogadishu government has no interests to work with the likes of Khatumo and galaydh. This was posted by haatuf. We need to verify this news.

    One thing is not need to verify that Culusow is man with allot of hate toward Somaliland and he isn't trustworthy. He is not bridge-builder, look what he did in Kismanyo early in this year, how he deal with Baydhabo and how match hate toward Pl


  5. 47kkk.jpg

     

    Madaxweynaha Dawlada Xamar Oo Cali Khaliif Kula Taliyey Inuu Maamul Goboleed Ka Dhiso Taleex, Sahay $1 Milyan Ahna Kusoo Ambabixiyey

     

     

    Waxa Uu Ka Dhaadhiciyey In Dawladiisu Joojinayso Wadahadaladii, Somaliland-na Ay Kala Xidhiidhayso Cida Ogol Inay Xukuumada Fadaraalka Hoos Yimaadaan Oo Kaliya

     

     

    Muqdisho, November 10, 2013 (Haatuf) –

     

    Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh kula taliyey inuu u kicitimo dhinaca Somaliland oo uu halkaas ka dhiso maamul goboleed ay xaruntiisu tahay Taleex.

     

    Shir saacado dheer qaatay oo todobaadkan labada nin ku dhex maray Madaxtooyada Muqdisho ayaa Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Cali Khaliif ku qanciyey inuu boodhka ka tumo mashruucii Khaatumo ee hore uga fashilmay, sida ugu dhakhsaha badana uga amba baxo magaalada Xamar, isagoo gacanta ka saaray sahay hal milyan oo dollar ah isla markaana u balanqaaday inuu ka soo daba diri doono taageero dhaqaale oo intaas ka badan iyo taakulayn dhinaca Milatariga ahba. Siday dad goobjoog ah xogogaalna ahi ay Haatuf u xaqiijiyeen, Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu Cali Khaliif ku qanciyey in xukuumadiisu ay joojinayso wadahadaladii ay Somaliland la lahayd isla markaana in wixii hadda ka dambeeya ay Somaliland kala xidhiidhi doonto cida ogol midnimada iyo inay hoos yimaadaan dawlada Xamar ee uu Madaxweynaha ka yahay oo kaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaantii bishii ina soo dhaaftay sidan oo kale lacag aad u tiro badan ku taakuleeyey nin reer Puntland ah oo la yidhaa Cali Xaaji Warsame si uu ugu iibsado doorashada madaxtinimada gobolkaas ee la filayo inay halkaas ka dhaco bisha January ee sanadka 2014-ka.

     

    Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somalia oo ay ahayd inay dalka Turkiga dib uga bilaabmaan 8-dii bishan ayaan qabsoomin kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxda Turkiga u cawday in wada-xaajoodkaasi aanu dan u ahayn midnimadii Somalia isla markaana ka codsaday inay joojiyaan martigalinta wadahadaladaasi.

    Dhinaca kale xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo laga joogo dhawr biloow waxay taageero maaliyadeed oo marka la isku geeyo lagu qiyaaso $50 Milyan ka heshay maalqabeeno waaweyn oo xubno ka ah ururka Akhwaanul Muslimiinta ee dalka Kuwait iyo Xukuumada Qatar iyadoo tani aanay ahayn markii u horaysay ee Xasan Sheekh Maxamuud taageero dhaqaale ka helo labadaas meelood balse ay jirtay in dhawr jeer oo hore ay lacago uga yimaadeen iyadoo ay ka mid ahayd lacagtii uu ku iibsaday doorashadii 10-kii September 2012-kii uu madaxweynaha ku noqday.

     

    Sida la ogsoon yahay lacagaha ay Akhwaanul Muslimiinta Kuwait usoo diraan Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo mariyaan urur samafal ah waxaanay kusoo hagaajiyaan Wasiirka madaxtooyada Somalia Faarax Cabdulqaadir oo xidhiidh iyo wadashaqayn hore la lahaa kooxda Akhwaanta Kuwait, halkay dawlada Qatar ugu soo dhiibto Wariyaha Aljazeera Fahad Yaasiin iyo nin la yidhaa Cabdiraxmaan Caynte oo isaguna ka mid ahaan jiray shaqaalaha Aljazeera, haatana agaasime ka ah madaxtooyada Muqdisho, isla markaana sheegta inuu yahay Madaxa xarun cilmi-baaadhisteed oo la yidhaa Heritage taas oo xafiiskeedu ku dhexyaalo madaxtooyada. Sida la ogsoon yahay Madaxweynihii Masar ee la casilay Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Akhwaanul Muslimiinta Masar ayaa waxa uu taageerada dhaqaale ee ugu balaadhan ka heli jiray dawlada Qatar halka dawladaha kale ee Khaliijka oo uu hogaaminayo Sucuudigu ka soo horjeedeen Mursi iyo xukuumadiisa. Inkastoo aan Qatar laga ogolayn asxaabta siyaasada iyo ururka Akhwaanul Muslimiin toona hase yeeshee waxa dawladaasi u dhaqan ah inay la safato cid kasta oo aanay isku wanaagsanayn dalka Sucuudiga iyadoo mararka qaarkood ay Qatar fashilaad iyo dhibaatooyin ka soo gaadhaan habdhaqankeedaasi ay kula xintamayso dalka weyn ee ay jaarka yihiin. Xasan Sheekh Maxamuud oo intii aan Mursi talada laga tuurin ku faani jiray in ururkiisa Damul-Jadiid uu ka mid yahay xarakada Akhwaanul Muslimiin ee caalamiga ah ayaa waxa isaga Qatariyiinta ka wasteeyey oo isku xidhay Murshidka Akhwaanul Muslimiinta Masar Maxamed Badiic kaas oo haatan ku xidhan xabsi ku yaala dalka Masar. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaawinooyinka uu ka dalbado Akhwaanul Muslimiinta Kuwait waxa uu inta badan ku sababeeyaa inuu ku qabanayo hawlo la xidhiidha xoojinta xukuumadiisa iyo faafinta mabaadiida siyaasadeed ee Akhwaanul Muslimiinta taas oo uu ku tilmaamo istiraatijiyad uu ku soo xero-galinayo dawladiisana ku hoos geysnayo dhamaan deegaamada lagaga hadlo Afsomaliga ee ku yaala Bariga Afrika oo Somaliland ka mid tahay.


  6. 47kkk.jpg

     

    Waxa Uu Ka Dhaadhiciyey In Dawladiisu Joojinayso Wadahadaladii, Somaliland-na Ay Kala Xidhiidhayso Cida Ogol Inay Xukuumada Fadaraalka Hoos Yimaadaan Oo Kaliya

    Muqdisho, November 10, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaasiga Cali Khaliif Galaydh kula taliyey inuu u kicitimo dhinaca Somaliland oo uu halkaas ka dhiso maamul goboleed ay xaruntiisu tahay Taleex.

    Shir saacado dheer qaatay oo todobaadkan labada nin ku dhex maray Madaxtooyada Muqdisho ayaa Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Cali Khaliif ku qanciyey inuu boodhka ka tumo mashruucii Khaatumo ee hore uga fashilmay, sida ugu dhakhsaha badana uga amba baxo magaalada Xamar, isagoo gacanta ka saaray sahay hal milyan oo dollar ah isla markaana u balanqaaday inuu ka soo daba diri doono taageero dhaqaale oo intaas ka badan iyo taakulayn dhinaca Milatariga ahba. Siday dad goobjoog ah xogogaalna ahi ay Haatuf u xaqiijiyeen, Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu Cali Khaliif ku qanciyey in xukuumadiisu ay joojinayso wadahadaladii ay Somaliland la lahayd isla markaana in wixii hadda ka dambeeya ay Somaliland kala xidhiidhi doonto cida ogol midnimada iyo inay hoos yimaadaan dawlada Xamar ee uu Madaxweynaha ka yahay oo kaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaantii bishii ina soo dhaaftay sidan oo kale lacag aad u tiro badan ku taakuleeyey nin reer Puntland ah oo la yidhaa Cali Xaaji Warsame si uu ugu iibsado doorashada madaxtinimada gobolkaas ee la filayo inay halkaas ka dhaco bisha January ee sanadka 2014-ka.

    Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somalia oo ay ahayd inay dalka Turkiga dib uga bilaabmaan 8-dii bishan ayaan qabsoomin kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxda Turkiga u cawday in wada-xaajoodkaasi aanu dan u ahayn midnimadii Somalia isla markaana ka codsaday inay joojiyaan martigalinta wadahadaladaasi.

    Dhinaca kale xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo laga joogo dhawr biloow waxay taageero maaliyadeed oo marka la isku geeyo lagu qiyaaso $50 Milyan ka heshay maalqabeeno waaweyn oo xubno ka ah ururka Akhwaanul Muslimiinta ee dalka Kuwait iyo Xukuumada Qatar iyadoo tani aanay ahayn markii u horaysay ee Xasan Sheekh Maxamuud taageero dhaqaale ka helo labadaas meelood balse ay jirtay in dhawr jeer oo hore ay lacago uga yimaadeen iyadoo ay ka mid ahayd lacagtii uu ku iibsaday doorashadii 10-kii September 2012-kii uu madaxweynaha ku noqday.

    Sida la ogsoon yahay lacagaha ay Akhwaanul Muslimiinta Kuwait usoo diraan Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo mariyaan urur samafal ah waxaanay kusoo hagaajiyaan Wasiirka madaxtooyada Somalia Faarax Cabdulqaadir oo xidhiidh iyo wadashaqayn hore la lahaa kooxda Akhwaanta Kuwait, halkay dawlada Qatar ugu soo dhiibto Wariyaha Aljazeera Fahad Yaasiin iyo nin la yidhaa Cabdiraxmaan Caynte oo isaguna ka mid ahaan jiray shaqaalaha Aljazeera, haatana agaasime ka ah madaxtooyada Muqdisho, isla markaana sheegta inuu yahay Madaxa xarun cilmi-baaadhisteed oo la yidhaa Heritage taas oo xafiiskeedu ku dhexyaalo madaxtooyada. Sida la ogsoon yahay Madaxweynihii Masar ee la casilay Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Akhwaanul Muslimiinta Masar ayaa waxa uu taageerada dhaqaale ee ugu balaadhan ka heli jiray dawlada Qatar halka dawladaha kale ee Khaliijka oo uu hogaaminayo Sucuudigu ka soo horjeedeen Mursi iyo xukuumadiisa. Inkastoo aan Qatar laga ogolayn asxaabta siyaasada iyo ururka Akhwaanul Muslimiin toona hase yeeshee waxa dawladaasi u dhaqan ah inay la safato cid kasta oo aanay isku wanaagsanayn dalka Sucuudiga iyadoo mararka qaarkood ay Qatar fashilaad iyo dhibaatooyin ka soo gaadhaan habdhaqankeedaasi ay kula xintamayso dalka weyn ee ay jaarka yihiin. Xasan Sheekh Maxamuud oo intii aan Mursi talada laga tuurin ku faani jiray in ururkiisa Damul-Jadiid uu ka mid yahay xarakada Akhwaanul Muslimiin ee caalamiga ah ayaa waxa isaga Qatariyiinta ka wasteeyey oo isku xidhay Murshidka Akhwaanul Muslimiinta Masar Maxamed Badiic kaas oo haatan ku xidhan xabsi ku yaala dalka Masar. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaawinooyinka uu ka dalbado Akhwaanul Muslimiinta Kuwait waxa uu inta badan ku sababeeyaa inuu ku qabanayo hawlo la xidhiidha xoojinta xukuumadiisa iyo faafinta mabaadiida siyaasadeed ee Akhwaanul Muslimiinta taas oo uu ku tilmaamo istiraatijiyad uu ku soo xero-galinayo dawladiisana ku hoos geysnayo dhamaan deegaamada lagaga hadlo Afsomaliga ee ku yaala Bariga Afrika oo Somaliland ka mid tahay.


  7. Malistar :

     

    Ninbaa cisbitaal jiif oo jiran ayuu nin u soo booqday ku yidhi " Ilahay ha ku caafiyo" kii jiranaa baa ku yidhi "Ilahay ha i caafiyo markaan soo bogsado hadaan ku dili waayo" Kii kalaa ku yidhi "bal waxaad tartid aan aragnee horto soo bogso"

     

    That is your situation: Turkey is spoon feeding you, Bantu is guarding you and still you said we will finish your dream ;);) Soo barbaar Kid


  8. *Ibtisam;984728 wrote:

    Sa'ad is going to burn out- SDF is already big and complex, not to mention all the committees he heads.

     

    He is an asset to Somaliland people, and by extension the government.

    SDF and implant of NDP is more important than this commercial tam-tam.

     

    Xaaji Sa'ad is an asset for Somaliland not for Kulmiye. Where are commercial and aviation minsters, they are too busy for Kumiye problems and who will be new party leader (Samaale or Biixi)