General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Northerner, I am well brother. I am disapointed at NGOON, but hey what do we expect from a secessionist?
-
Nairobi: Madaxweyne Yuusuf: "3-jeer ayaan maqlay warbaahinta oo leh Madaxweynuhu waa dhintay, hada waa i kane sow ma nooli" Shir jaraa'id 7. December 2007 Nairobi(AllPuntland)- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay isbitaalka Nairobi Hosbital ayaa ka war bixiyay xaaladiisa caafimaad isagoo beeniyay warar ay maalamahan baahinayeen qaar ka tirsan warbaahinta caalamka oo sheegayay in uu si aad ah u xanuunsan yahay Madaxweynaha oo la dhigay cusbitaal ku yaal magaaladda Nayroobi ee wadanka Kenya. "Ilaa iyo sadex jeer ayaan warbaahinta ka maqlay inaan dhintay aniga oo nool,markaa waan yaabay hadeer waad ii jeedaane war sow ma nooli, mise waaba dhab oo waan dhintay...? "ayuu yiri Madaxweynaha oo isaga iyo wariyayaashaba ay qoslayeen, Hadaba baahiya inaan noolahay oo aan caafimaad qabo ileyn waad ii jeedaane ayuuna sii raaciyay. "Waxaan aamin sanahay inaan dhimanayo xilliga uu waqtigeygu dhamaado oo ALLAH xagiisa ay iiga dhamaatana ley oofsan doono,balse ogaada qof ku neceb kuma dili karto,kuwa ku jecelna kuma nooleyn karaan,waxaana idiin sheegayaa inaan soo aady baaritaan caafimaad si aan ula tashto taqaatiirtayda"ayuu cod xayi ah ku yiri Madaxweynaha oo 2 shir-jaraa'id u kala qabtay Suxufiyiinta shisheeye oo uu kula hadlaya afka Ingiriiska iyo kuwa Soomaaliyeed oo uu ugu dheeraaday Af Soomaali. Madaxweyne Yuusuf ayaa geba-gebadii Shirkiisa jaraa'id warbaahinta ka codsaday inay dembi tahay Beenta la baahinayo saxaafaduna ay qeynuun leedahay gaar ahaan kuwa Soomaalida ay ALLAH xagiisna ay xaaraan tahay isagoo cadeeyay inuu dhawaan tagayo magaaladda London si uu Baaritaankiisii sanadlaha ahaa u soo sameeyo iminkana uu ka baxayo isbitaalka baaritaanka loogu sameynayo, iyadoo warar danbe ay sheegayaan in Madaxweynaha uu galabtaba ka baxay Isbitaalka. Hadalka maanta ee Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba meesha ka saaraya hadaladii dhawaan ay sheegayeen qaar ka tirsan warbaahinta gudaha iyo dibaddaba ee ahaa in Md. Yuusuf uu xanuunsanayo isla markaana cusbitaal ku yaala magaalada Nayroobi loola cararay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
President Yusuf since october 2004 in pics..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Aniga oo Nool oo Aduunka Damaashada Noloshayduna Xayi Tahay ayaan Maqlay Sedex Jeer Waa Dhintay C/laahi Yuusuf, Waan is ka Qoslay hade, Balse Ogaada Alle Dilaa Dhinta Qof ku Nicib kuma dili karo mid ku jecelna Kuma Noolayn KAro Alle Weyne Ayey Geeridu Gacantiisa ku Jirtaa...." -
PM of Somalia calls for dialogue, will the defeated groups listen?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu la wada xaajoonayo mucaaradka Islaamiyiintu hoggaamiyaan “Wareysi uu Siiyay Tetelfin Kenya laga leeyahay” NAIROBI, Dec 2 (Reuters) – Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) oo u warramayay telefin laga leeyahay dalka Kenya oo lagu mkagacaabo NTV news ,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada xaajood uu la galao cadowga dowladiisa ee Islaamiyiintu hoggaamiyaan,taas oo qeyb ka ah dadaalka ku aadan in lasoo dhameeyo rabshadaha ka taagan dalka Soomaaliya. "Waxaanu diyaar u nahay in aan wada hadal la yeelano kooxda Asmara ee dowlada diidan,waase hadii ay iyagu diyaar u yihiin in ay miiska wada hadalka nalasoo fariistaan”ayuu yiri ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo goor dhoweyto u warramayay NTV news . Isagoo soo hadal qaaday kuwa ku sugan dalka Eritrea ayuu ra’isul wasaaruhu yiri "Cidna kama magacaabeyno hoggaamiye yaasha mucaaradka Asmara,laakin waxaan diyaar u nahay wada hadal dhaxal gal ah”isagoo xusay in dowladiisa dhaliil iyo talo celin intaba loosoo jeedin karo. Warkan ayuu ra'isul wasaruhu siidaayay goor dhoweyto,waxaana si kooban u qortay Reutres oo aanu kasoo xiganay. http://africa.reuters.com/wire/news/usnL02325222.html Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com -

1.Xil.Maxamed Cali Xirsi R/Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta 2. Xil.Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf R/Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka 3. Mr.Maxamed Cali Xaamud Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga caalamiga 4. Mr.Cabdiraxman Cabdi Xuseen (Guul Wade) Wasaaradda Warfaafinta 5.Xil.Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda 6.Xil.Maxamed Yusuf Weyrax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 7.Xil.Ismaaciil Axmed Nuur Wasaaradda Gaashaandhigga 8.Xil.Muuse Nuur Amiin . Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
-
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo soo magacaabay Golihiisii Wasiirada Axad, December 02 (HOL) - R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta soo magacaabay golihiisii wasiirada. Magacyada Cusub ee kuwii hore ku soo biiray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda oo loo magacaabey Maxamed Cali Xaamud iyo Cabdiraxman Cabdi Xuseen oo isna loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta. Labadan wasiir ayaan laga soo dhex saaran Baarlamaanka Dowladda Federalka. Wasiirada Xil. Saalim Caliyow Ibrow Deputy Primer Minister /Ministry of high R/W/X Wasaarada Hidaha & Tacliinta Sare Xil. Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf RWX Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xil. Maxamed Cali Xirsi Wasaaradda Howlaha Guud & Guriyeynta Xil. Cali Maxamed Maxamuud Xareed Wasaaradda Dalxiiska Xil. Khadiija Maxamed Diiriye Wasaaradda Haweenka Mr. Cabdiraxman Cabdi Xuseen Wasaaradda Warfaafinta Xil. Ismaciil Maxamuud Hure Wasaaradda Waxbarashada Xil. Xusseen Ceelaabe Faahiye Wasaaradda Qorsheynta Xil . Drs. Qamar Aadan Ali Wasaaradda Caafimaadka Xil. Ismaaciil Axmed Nuur Wasaaradda Gaashaandhigga Xil. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda Xil. Maxamed Cabdulaahi Kaamil Wasaaradda Warshadaha Xil. Xassan Maxamed Nuur Wasaaradda Amniga Qaranka Xil. Maxamed Nuuraani Bakar Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Xil Ibrahim **** Yarow Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mr. Maxamed Cali Xaamud Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga C Xil. Maxamed Ibraahim Xaabsade Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xil. Madoobe Nuunow M. Wasaaradda Dhallinyada & Isboortiga Xil. Cabdi Mohamed Tarah Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Xil. Axmed Jaamca Jengeli Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xil. Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasaaradda Gadiidka Badda & Dekedaha Xil. Cabdiraxmaan Jaamac Abdalla W/ Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xil. Maxamed Yusuf Weyrax Wasaaradda Maaliyadda Xil. Cabdullaahi Yusuf Maxamed Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta Xil. Cabdirisaaq ***** Biixi Wasaaradda DibU dhiska iyo Dib U Dejinta Xil. Maxamed Maxamuud Guuleed Wasaaradda Arrimaha gudaha Xil. Abdulaahi Axmed Afrax Wasaaradda Ganacsiga Xil. Xassan Dhimbil Warsame Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda Xil. Cabdulqaadir Nuur Caraale Wasaaradda Beeraha Xil. Cali Cabdulaahi Cosoble Wasaaradda Dib U heshiisiinta Xil. Muuse Nuur Amiin Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasiiru- Dawlayaasha Xil. Sh. Aden Sh. Maxamed Deer Wasaaradda Dib U heshiisiinta Xil. Cali Maxamuud Cabdi (Langare) Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib U Dejinta Xil. Maxamed Maxamud Xeyd Wasaaradda Gaashaandhigga Xil. Barre Ugaas Wasaaradda Warfaafinta Xil. Maxamed Axmed Kulan Wasaaradda Beeraha Xil. Ibrahim Maxamud ***** Wasaaradda Qorsheynta Xil. Axmed Cumar Gaagaale Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Xil. Saalax Ismaaciil Sakaawe Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xil. Maxamed Xuseen Caddow Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xil. Bootaan Ciise Caalin Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka Xil. Cabdikariin Cige Guuleed Wasaaradda Maaliyadda Wasiir Ku-xigeenada 1. Xil. Fahma Axmed Nuur Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Xil. Xassan Ibrahim Maxamed Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare 3. Sh. Jamac Xaaji Xuseen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 4. Xil. Axmed Ciise Cawale Yare Wasaaradda Dhallinyarada & Isboortiga 5. Xil. Maxamed Ismaciil Bulbul Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha 6. Xil. Caasha Cabdullahi Ciise Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska 7. Xil. Cabdirahman Ismail Dirir Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta 8. Xil. Maxamed Cabdi Cawad Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Dib u Dejinta 9. Xil.Maxamed Cali Daheeye Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta 10. Xil. Xassan Buraale Maxamed Wasaaradda Garsoorka 11. Xil. Sharif Cali Maxamed Abukar Wasaaradda Warshadaha 12. Xil. Cabdi Kaafi Xassan Wasaaradda Ganacsiga 13. Xil. Cabdi Xaaji Yariis Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka 14. Xil. Khaliif Sheekh Cabdullahi Wasaaradda Beeraha 15. Xil. Maxamud Cabdi Xasan (Bekos) Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta 16. Xil. Amiin Axmed Sheekh Wasaaradda Maaliyadda 17. Xil. Cali Maxamed Nuur Wasaaradda Degaanka 18. Xil. Xassan Cabdi Guure Wasaaradda Dib U heshiisiinta 19. Xil. Cabdullahi Axmed Cabdille Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka 20. Xil. Cabdirahman Sh. Ismaaciil Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 21. Xil. Maxamud Axmed Kulalihi Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga C 22. Ms. Jamila Siciid Muuse Wasaaradda Qorshaynta 23. Xil. Maxamed Maxamud Indhageel Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta 24. Xil. Cabdulaahi Bile Nuur Wasaaradda Waxbarashada 25. Xil. Ciise Weheliye Maalin Wasaaradda Caafimaadka 26. Xil. Salaad Cali Jeelle Wasaaradda Gaashaandhigga 27. Xil. Cumar Adan Xassan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 28. Xil. Maxamed Sh. ***** Abaadir Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha 29. Xil. Xirsi Adan Rooble Afrax Wasaaradda Warfaafinta 30. Xil. Maxamed Xassan Ibraahim (Qoone) Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda 31. Xil. Bashir Maxamed Aden Wasaaradda Amniga Qaranka -
Jendayi Frazer “Mareykanku waxaa uu rajeynayaa in Kenya ay kasoo qeyb gasho wada hadallada ka bilaabmaya Adis Ababa,maadaama ay tahay in lagala tashado xal u raadinta Soomaaliya”. Kaaliyaha xog hayaha umuuraha dibada ee dalka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha qaaarada Africa Jenydayi Farzer ayaa goor dhoweyto sheegtay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in madax ka socota dowladda Kenya ay kasoo qeyb galaan wada hadalada Loogu Magac daray “Rice talks” ee maalinta Arbacada ah ka bilaabmi doona magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya oo si weyna diirada loogu saari doono arrimaha Soomaaliya. “Mareykanku waxaa uu rajeynayaa in Kenya ay kasoo qeyb gasho wada hadallada ka bilaabmaya Adis Ababa,maadaama ay Kenya tahay in lagala tashado xal u raadinta Soomaaliya”.ayay tiri kaaliyaha xog hayaha umuuraha dibada mareykanka ee arriaha Africa Frazxer. Frazer ayaa hadalkan ka sheegtay caawa shir jaraa’id oo ay ku qabatay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee dalka Mareykanka,iyadoo ka war bixineysay socdalka Rice ay todobaadkan ku imaan doonto magaalada Adis Ababa, waxaana wada hadalladu ay ka dhici doonaan xarunta Midowga Africa ee dalka Itoobiya. Kaddib wada hadallo ku saabsan rabshadaha ka taagan gobalka Harooyinka waweyn ayaa Rice waxaa ay hadana ka qeyb geli doontaa wada hadallo heer wasiir ah oo ku saabsan Soomaaliya,waxaana ku lug yeelan doona dalalka gobalka geeska Afrika,waxaana dalalka ka qeyb qaadanaya ka mida Somaalyia, Kenya,Uganda, Djibouti, Ethiopia, the United Nations iyo African Union. "Waxaanu rajeyneynaa in wada hadaladu ay ahaan doonaan kuwo wada tashi ah oo diiraa lagu saarayo sidii guul looga gaari lahaa geedi sodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,doorashooyinka la qorsheynayo sanadka 2009-ka in ay ka dhacaan dalka Soomaaliya iyo sidii loo hakin lahaa rabshadaha ay kooxaha argagixisadu ka wadaan magaalada Muqdisho”ayay tiri Fazer. Waxaa kaloo wada hadaladan diirada lagu saari doonaa sidii dalalka Afrikaanku ay usoo de dejin lahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta ee loo qoon deeyay Soomaaliya sida ay Frazer caawa shrikeeda jaraa’id ku sheegtay. Xigasho Daily Nation. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer, if you take the secessionist seriously then thats you. I dont much care about them and their isolation. The cabinet is capable and represents a cross section of Somalia. Most are commmited long time supporters of the government. The new PM needs the old guards in order to move things, its up to him to lead from the front. Remmeber in Geedi's cabinet we had, Musa Sudi, Qaynyare, Hussain Aydeed, Bootaan Cise Calin and many others they are all gone. We also lost Sharif Xasan Shiekh Adan, the incompetent speaker. Today we have the man Yey, Nur Cade and Adan Nur these men can work together and this will change everything. Ethiopian muscle and the US dollars are making a great deal of difference, dont forget the Chinese support or that of all our neighbours. -
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
LOOL. The secessionist are the weakest group in Somalia even in Las Anood its no more than a local issue. As we have seen the TFG does not attack anyone but when it responds its enemies cry foul and run of to Asmara. The secessionists are afraid and hence all this effort, but dont be afraid we are not interested in the traingle, not yet. -
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Why do secessionist care so much now? A simple question from Duke -
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This new cabinet has a new PM who will hopefully allow each ministry to do ist job. The new members will also contribute. I am glad there is no room for Sudi, Qaynyare, nor have the clowns in Asmara been given any position. The TFG represents all Somali clans and has now a great chance to restore law and order to the country. -
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’isul wasaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde oo galabta ku dhawaaqay golaha wasiirarda. Kaddib waa tashiyo in mudo ah soconayay ayaa ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya,Nur Xasan Xuseen wxaa uu goor dhoweyto ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirra,waxaana dowladan cusub ku jira aqoon yahanno dibada baarlamaanka laga soo magacaabay iyo mudanayaal barlamaan. Kaddib waa tashiyo in mudo ah soconayay ayaa ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya,Nur Xasan Xuseen wxaa uu goor dhoweyto ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirra,waxaana dowladan cusub ku jira aqoon yahanno dibada baarlamaanka laga soo magacaabay iyo mudanayaal barlamaan. Galabta abaara 4-tii galabnimo ayaa masuuliyiinta dowladda iyo wariyeyaashuba ay ku wada xaroodeen xarunta amdaxtooyada, waxaana la adkeeyay amaanka goobta iyo dhamaan wadooyinka soo gala,iyadoo qaar ka tirsan xubnaha golaha wsiirardana lagu dhawaaqay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde) xukuumada cusub ee uu galabta soo bandhigay waxaa ay ka kooban tahay 73 xubood oo isugu jira wasiiro,ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal,waxaana ay u muuqataa in aanay wax badan ka duwanayn tii hore ee Dr Geeddi,iyadoo xubnaha wasiirada qaarkood aan laga badalin xilalkoodii hore Sida gacma dheere iyo kuwo kale,salaad Jeele,Xasan Dhimbil iyo kuwo kale. Wasiirada cusub waxaa ku jira kuwo laga keenay dibada baarlamaanka,iyadoo riingaha xukuumada cusubna aanay ka dhex muuqan rag horay wasiirro u ahaa,magacyaa xubnaha golaha cusubina waa kuwan sida ku cadayd qoraal kasoo baaxay xafiiska ra’isul wasaaraha oo saxaafadana loo qeybiyay. -
Shir arimaha Soomaaliya laga hadlayo oo lagu qabanayo dalka Ethiopia Washington (WNT)- Kuxigeenka xoghayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka ee arrimaha Afrika Jandeya Frazer ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatey magaalada Washington waxay ka sheegtay in magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu ka dhici doono kulan caalami ah oo si gaar ah loogu eegi doono arimaha Soomaaliya. Kulankaasi ayey ka qayb gali doonto xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka Condoleezza Rice oo iyadu booqan doonta dalka Ethiopia. Mss Frazer ayaa carabka ku adkaysay kulankaasi lagaga hadli doono sidii loo heli lahaa waddo siyaasadeed iyo dib u heshiisiin dhabaha oo loogu googol xaarayo doorashooyin xor ah oo ka dhaca Soomaaliya sanadka 2009-ka. Shirkaan ayey sheegtey Jandai Frazer waxay daboolka kaga qaadey shirkeeda jaraa’id in shirkaasi ay ka soo qayb gali doonaan hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya, Djibouti, Ugandha iyadoo ay shirkaasi ay ka qayb gali doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha DFKMG ah. Jandeya Frazer sidaas oo kale sheegtay in xoghayaha amuuraha dibada Mareykanka Condoleezza Rice in ay arimaha Soomaaliya ay kala xaajoon doonto wakiilka qaramada midoobey Ahmadu Ould-Abdallah, Gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konari, Ra’isalwsaaraha iyo wasiirka arimaha dibada Itoobiya, iyadoo kala hadli doonta arimaha amaanka Soomaaliya iyo taaba galinta qorshaha dib u heshiisiinta. Warar aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro hindise qarsoon oo Mareykanku ku doonayo in wadahadal laga dhex furo madaxda DFKMG ah iyo kooxaha Isbahaysiga Asmara, walow saraakiisa Mareykanka ay ka gaabsadeen waxaa soo baxaya war sheegaya in ay dhici karto in Mss Rice ay booqato magaalada Asmara oo saldhig u ah kooxaha dawlada ka soo horjeeda. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
-
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’isul-wasaare Nuur Cadde, oo ku dhawaaqay xubnaha Xukuumadiisa cusub Muqdisho Axad , December 02 2007 SMC Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Kornel Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, ayaa waxa uu caawa ku dhawaaqay Xubnaha Xukuumadda Cusub, oo ka kooban 31-Wasiir. Munaaasabad ballaaran ayaa waxay haatan ka socotaa Xarunta Madaxtooyadda ee magaalladda Baydhabo, iyadoo ay Munaasaabadaasi ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Xildhibaano, Wasiiro, Mas’uul;iyiin iyo marti sharaf aad u badan. Mar aan isku daynay inaan la xiriirno Weriyeheenna ku sugan Xarunta lagu magacaabayo Wasiiradda Cusuub, wey inoo suurtoobi weyday, iyadoo Weriyayaasha oo dhan laga damiyey Telefoonadda ay wateen. Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyadda DFKMGS, Md. Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuub-sireed” oo aan goor dhow la xiriirnay, ayaa waxaan wax ka weydiinay Magacyadda Wasiiradda la magacaabay, wuxuuna sheegay in Wasiiradda la magacaabay badankooda yihiin kuwa ka tirsanaa Dowladdii hore ee uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Prpf Cali Maxamed Geeddi. -
PM of Somalia calls for dialogue, will the defeated groups listen?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Will the child bombers and those who hide behind women and children listen? Will those who claim to speak for the clan listen? Will the refugees in Asmara listen? -

Raisal wasaare Nuux Xassan( Nuur Cadde ) oo ku dhawaaqay golihiisii wasiirada. Raisal wasaaraha Somaliya Nuur Xassan ayaa ku dhawaaqay golihii wasiirada ee xukuumadiisa oo intii mudaa siwayn loo dhawrayay tan iyo intii la magacaabay raisal wasaaraha Somaliya. Golaha wasiirada ayaa caawa looga dhawaaqay xaflad siwayn loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Somaliya iyadoo wasiirada la magacaabay ay gaarayaan 31 wasiir. Wasiirada oo aanaan wali si buuxda u helin magacyadooda ayaa waxaa wasiirada qaar loo daayay xilalkii ay horay u hayeen sida wasiirka arimaha gudaha Mudane Gacmo dheere oo loo daayay wasiirka arimaha gudaha. Wasiirada Arimaha dibada iyo gaashaan dhiga ayaa lagu badalay rag cusub iyadoo wasiirka arimaha dibada lo magacaabay nin aqoon yahan ah oo banaanka laga soo magacaabay kaasoo aan ka tirsanayn barlamanka Somaliya. Sidoo kale wasiirka Gaashaan dhiga ayaa laga badalay ninkii horay u hayay iyadoo loo magacaabay Mudane Bankax iyadoo wasiirka maaliyadana laga badalay xilkiisii. Hadaba wasiirada magacyadooda oo buuxa waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararka yaga dambe inshaa allaah. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba. -
Adeer these groups who held vast areas of Somalia for 17 years, airstrips, ports, markets and whole regions have now been diminished to the extent that they are being hunted, killed, arrested their media outlets closed their businesses bankrupt. If thats "frustrating the TFG" then let them continue, for at this pace they will all be gone in a year or so. looooool. The only avenue left for them is Hargaysa and thats were they come in from Asmara.
-
Baydhabo: Madaxda dowladda Soomaaliya oo Todobaadkan ukicitimaya Magaalada Addis Ababa. 2. december 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen iyo Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ay maalinta Khamiistaa ku sii jeedaan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Labada Masuul ayaa kaga qeybgalaya halkaasi Shir Caalami ah oo diirada lugu saarayo xaaladaha qalafsan ee dalka Soomaaliya ,waxa ayna si gaar ah uga wada hadlayaan Arimaha dibu heshiisiinta iyo Dhexdhaxaadinta dowlada Soomaaliya & Kooxaha Ka soo horjeeda. Dowlada Soomaaliya Madaxdeeda ayaa lafilayaa in ay halkaasi ka soo jeediyaan Warbixino ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo sida ay udoonayaan in ay wada hadal la furaan kooxaha ka soo horjeeda DFKMGS oo inta badan qirta in ay ka danbeeyaan dagaalada dhuumaaleysigaa ee lugu qaado ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Saaxiibadooda taageeraya ee Itoobiya. Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa Shabakada AllPuntland usheegay in ay Maalinta Arbacada ah lugu dhawaaqayo Dhamaanba magacyada xubnaha golaha wasiirada ,markaasina ay labada Masuul diyaarad ka qaadeyso Magaalada Baydhabo geyneysana Magaalada Addis Ababa. Shirkaan ka dhacaya Magaalada Addis Ababa sida la qorsheeyey waxaa soo qabanqaabisay dowlada Mareykanka waxaana ka soo qeybgalaya dalal fara badan oo iskugu jira Africa ,Yurub iyo Reer galbeedka dhamaantiisana waxaa lugu falanqeeynayaan Arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya ,ayagoo laga yaabo in ay cadaadis xoog leh ku saaraan dhinacyada Soomaalida in ay wada hadalaan kana tashadaan aayahooda. Dowlada Itoobiya sida laga soo xigtey waxa ay sheegtay in shirkaasi ka danbeeyey , ka dib markii ay dowlada Itoobiya codsatey in laga wareego howlgalka nabad sugida ah ee ay ciidamadeedu ku joogaan dalka Soomaaliya ,inkastoo aysan jirin cid ka tirsan dowladda Soomaaliya ama Itoobiya oo xaqiijisay marka laga reebo hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Condoleezza Rice oo kusoo fool leh dalka Itobia Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 02-Desember-2007 Xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka C.Rice ayaa ku sii jeeda magaalada Adis Ababa si ay ugu qeyb gasho kulan wadamada harooyinka waa weyn ee africa ku yeelanayaan halkaasi. Kulankaasi oo ay ka qeyb galayaan wadamada harooyinka waa weyn ee africa ayaa ka sokoow arimaha nabadda oo lagu falaan qeynayo ayaa waxaa si gooni ah loo gorfeynayaa arimaha dalka Soomaaliya . Kulankaasi ayaa dhacaya shanta ilaa lexda bishaan , iyadoo Mrss. Rice lagu waramayo in ay xanbaarsan tahay hindisayaal xal loogu raadinayo dalka Soomaaliya oo ay ragaadiyeen fatqalalooyin siyaasadeed iyo kuwo amaan . Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in madaxweynaha dowlada KMG ah C/lla Yuusuf iyo Ra`isul Wasaare Nuur Cadde ay ka qeyb galayaan kulankaasi maadaama arinta Soomaaliya si weyn diirada loo saarayo. Mss.Rice ayaa waxaa la leeyahay kulanka waxa ay hor dhigi doontaa barnaamijka Mareykanka uu xanbaarsan yahay ee la dagaalanka argagixisada kaasi oo dalalka ka qeyb galaya ay ku boorineyso xoojinta la dagaalankiisa . Madaxada dowlada KMG ah ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan codsiyo la xariira taageerida dowlada KMG ah ee Soomaliya . Xigasho:http://www.alarabonline.org/ Maryama Xuseen Amed seymuun@hotmail.com
-
Baidoa: PM NAMES Cabinet , no room for Mogadishu warlords looters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’iisal wasaare Nuur Cadde oo ku dhowaaqay golihiisa xukuumadda Ra’iisal wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde ayaa kudhowaaqay golihiisa wasiirada. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu ku dhowaaqay 31 wasaaradood oo ay qaar ka mid ah ay xilal ka hayaan wasiiro horey uga mid ahaa xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geedi. Hase yeeshee waxaa ku jira wasiiro ku cusub xukuumadda waxaana ka mid ah wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda oo loo dhiibay, Ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare Saalim Caliyo Ibrow