General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Daawo xafladii afur sharafka ee safiirada Mareykanka u sameeyeen madaxda... Habeen hore waxaa guriga uu ka degan yahay magaalada Nairobi safiirka dawlada Mareykanka ee dalka Kenya afur sharaf uu ugu sameeyey masuuliyiin kala duwan oo Soomaali ah oo xubno ka kala ah Dawlada Kenya, DFKMG ah iyo maamul Goboleedka Puntland.
  2. They will keep coming, these are new troops lads. Soon Mogadishu will be as quite as Asmara & Nairobi. The fake Shiekhs will be there as quite as they are in the hotels in Asmara.
  3. Ciidamo horleh aadna u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa ku soo fool leh Magaalada Muqdisho. Isnin 15. 09. 2008 Somalia - Ciidamo horleh aadna u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa ku soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, kuwaasoo kayimid dalka Itoobiya. Ciidamadan ayaa wararku waxay sheegayaan in ay dhan yihiin 5,000 kun oo ciidan. Ciidamadan waxa ay tababaro ku soo qaateen dalka Itoobiya, waxa ayna dhawaan soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya waxa ayna Muqdisho ku soo galayaan Safar dhinaca dhulka ah ayagoo lugeynaya. Ciidamadan shalay ayaa dagaal ku qabsaday deegaanka Leego, waxa ayna dagaaladaasi sababeen in ay ciidamadaasi xalay oo dhan ay joogaan goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen. Saraakiisha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidamadan qeyb ka noqonayaan ciidamo loo diyaarinayo amaan sugida dalka Soomaaliya, gaar ahaana ciidamada lafilayo in ay dhawaan qaadaan howlgalo culus oo laga sameynayo Magaalada Muqdisho. Ciidamadan waxaa la socda 21 Baabuur oo ah kuwa dagaal oo xambaarsan hubka waa weyn sida kaaraha, waxa ayna gaadiidku yihiin kuwii ciidamadan ka soo qaaday dalka Itoobiya. Warar hoose oo laga helayo Taliska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ay ciidamadan dagi doonaan Xeryahaha ay degan yihiin ciidamada dowladda Itoobiya.
  4. Muqdisho: Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo baaritaano ka fuliyey Muqdisho. 16. september 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo taageero gaadiid ka helaya ciidamada Itoobiya ayaa maanta qaaday howlgalo ay kusoo qabteen hub & Dadkii watey. Howlgallada ciidamada dawladda ayaa bilaabay saakadii hore & saqdii dhexe ee xalay markii ay soo bilowdeen dagaalo lugu soo qaaday xarumo ay leeyihiin ciidamada Milateriga ee dawladda Soomaaliya, waxaana degmooyinka ay ka dhaceen ay kala ahaayeen Wardhiigleey & Hodan oo ay labadaba xalay ka dhaceen dagaalo. Ciidamadu waxa ay wadada Maka Al-Mukarah ka saareen ilaa 4 Miino oo lugu aasay, kuwasoo aysan qarxin Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna ciidamadu qabteen qalabkii lugu qarxin lahaa Miinooyinkaasi oo laga cararay. Sarkaal sarre oo ka tirsan Milateriga dawladda kana gaabsaday sheegida Magaciisa ayaa usheegay AllPuntland in ay qabteen 4 qof oo ay aad ugu tuhunsan yihiin in ay ka dambeeyaan falalka amaan daro ee ka dhaca Degmooyinka. Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa saaka howlgaladoodu waxa ay ka duwanayeen kuwii horey looga bartay, waxa ayna iskugu jireen sadex qeybood, qaar wadooyinka xiray, kuwa Guryaha baarayey & Miinoo saarayaal dhawaan tababaro sare soo qaatey. Howlgaladan waxa ay bilow fiican uyihiin howlgalo dhawaan ay qaadeyso dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwasoo lasheegay in lugu xasilin doono amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland
  5. Baaritaano culus oo maanta Muqdisho laga fuliyay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 16-September-08 Baaritaano culus oo aan horay looga baran magaalada Muqdisho ayaa waxa ey saakay waaberigii ka bilaabmeen degmooyinka Hodan, Waaberi iyo Xamar-jajab, halkaasoo ey soo buuxdhaafiyeen ciidamo isuga jiro kuwa xoogga iyo bolis. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gawaarida dagaalka oo aad u tiro badan ayaa waxa ey marqura saakay kusoo jarmaadeen degmooyinkan, iyagoo baaritaanadoodu la sheegay in ey kusoo qab-qabteen dad iyo hub sharci daro oo u yaalay goobo ganacsi iyo xaafadaha qaar. Howlgalkan maanta dhacay oo aan bilooyin lagu arag Muqdisho ayaanan la ogeyn sababta ka danbeysa, waxaase warar aanu ka helnay ilo ku dhow-dhow gudiga amnigu sheegayaan in howlaganki qorsheysnaa kuna wajahbaa goobaha had iyo goor weerarada laga soo qaado. Goobaha kale ee hubka laga soo qabtay maanta marka laga soo tago goobaha ganacsi ayaa waxa ey yihiin hoteelada deegaanadaasi sida hotel Shaamo iyo Saxafi oo qoryaha fud-fudud oo dhowr ah laga soo qabtay. Sidoo kale howlgalkan ayaa waxa ey ciidamadu kusoo qabteen tiro dad ah oo ey guryohoodu ugu galeen kuwaasoo lagu tuhunsanyahay in ey qeyb ka yihiin weerarada ka dhaca xaafadahan. Ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin saraakiisha ciidamada oo ku aadan howlgalka maanta. Calanka.com:- Isha wararka xaqiiqda.
  6. Muqdisho: Ciidamo cusub oo ka socda dawladda Soomaaliya & Itoobiya oo soo galay Muqdisho. 16. september 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee dhawaan ay tababaradu ugu soo xirmeen dalka Itoobiya ayaa qeybtoodii labaad ay soo gaartay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Ciidamadan oo si gaar ah loo soo tababaray ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku soo jirey dagaalo ay kala kulmayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi ku heysteen wadada dheer ee isku xirta Muqdisho & Baydhabo. soo galidii Ciidamadan ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemay, waxa ayna dageen Xeryihii ay horey usoo galeen ciidamadii ayaga kaga soohoreeyey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Wariyaha AllPuntland ee Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegayah in ay ciidamadan badaleen jawiga guud ee Magaalada, ayna ku soo galeen si degan mana jirin wax weerar ah oo lugu qaaday markii ay soo galayeen Magaalada Muqdisho. Ciidamadan waxaa la socda Milateri fara badan oo ka socda dawladda Faderaalka ee Itoobiya oo taageero Milateri oo xoog leh siisa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ay Beesha Caalamku aqoonsan tahay, waxa ayna si wada jir ah uqaadi doonaan talaabooyin dib loogu soo celinayo amaanka Caasumada Soomaaliya. Tirada ciidamadan cusub waxaa loo diiday dhamaanba in ay Saxaafada ogaato, waxaase ay sheegayaan Dad ku sugan Xeryaha ay degeen in ay ciidamadan ka badan yihiin ciidamadii dhawaan tababarada ku soo qaatey dalka Itoobiya oo tiradoodu kor udhaafeysay 4000 Kun. Dawladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa imika ku faraxsan cudada milateri ee ay heysato, waxa ayna wasaarada Gaashaandhiga ee dawladda Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamadu diyaarinayaan talaabooyin ay qaadaan ciidamadan oo amaanka Caasumada Soomaaliya lugu sugi doono. F. C. Geylan AllPuntland
  7. ay sameysay carmooyin.com oo lagu ogaaday sababaha ku xambaaray Alshabaabku in ay yiraahdaan waxaanu xidheynaa garoonka diyaaradaha. Baaritaan ay samenyesay shabakada carmooyin.com labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaanu ku ogaanay sababaha ku kallifay maliishiyada Shabaabku in ay yiraahdaan waxanu xidheynaa garoonka diyaaradaha Aadan cade ee Muqdisho,taas oo ah dhaqaale doon. Baaritaan ay samenyesay shabakada carmooyin.com labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaanu ku ogaanay sababaha ku kallifay maliishiyada Shabaabku in ay yiraahdaan waxanu xidheynaa garoonka diyaaradaha Aadan cade ee Muqdisho,taas oo ah dhaqaale doon. Baaritaanka ayaanu ku ogaanay in shirkadaha diyaaradaha Muqdisho ay xiligii nidaamkii maxkamdaha bixin jireen lacago aad u farabadan oo ku dhici jiray gacanta saraakiil maxkamaduhu u xil saareen taas oo walina sideedii ugusoo dhacda waxna aan laga siinin shabaabka,maadaama y nqodeen urur ka madax banan maxkamadaha. Xaqiiqda aanu helnay ayaa waxaa ay tahay in saraakiil shabaabka ka tirsani ay u tageen shrikadaha diyaaradaha oo markii ay lacago weydiisteena loo sheegay in lacagtaasi ay ku dhacdo gacmihii horay u qaadi jiray,sidaa daraadeedna ay shaaciyeen bayaan ay sheegeen in ay ku xidhayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho si ay ugu cadaadiyaan madaxda shirkadaha diyaaradaha in ay lacagaha laga doonayo bixiyaan. Arrin kale oo shabaabka ku xambartay sidaa in ay yeelaan ayaa waxaa ay tahay in garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay ku dhawaaqeen in uu furan yahay aanay wali cidi kusoo dagan oo diyaaradihii ku dagan jirayna ay haatan yimaadan magaalada Muqdisho waxaana ay ka tahay gro gortan siyaasadeed oo dahsoon laakin aan meel mar u noqon doonin sida muuqata.
  8. Dowladda federalka oo sheegtay in ay difaaceyso garoonka diyaaradaha. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab kulul ka bixisay hadal dhawaan kasoo yeedhay ururka Al shabab oo ay ku sheegeen in ay xirayaan garoonka diyaaradaha Aadan cade ee magaalada Muqdisho. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab kulul ka bixisay hadal dhawaan kasoo yeedhay ururka Al shabab oo ay ku sheegeen in ay xirayaan garoonka diyaaradaha Aadan cade ee magaalada Muqdisho. Wasiirada aminga iyo arrimaha gudaha Muuse Nuur Amiin iyo gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay dowladu balan qaadeyso garoonku in uu sii shaqeynayo,waxaana ay dhaliil u jeediyeen ururka Al shabaab oo ay sheegeen in hadalkii dhawaan kasoo baxay uu qeyb ka yahay cuna qabateyn dheeraada oo ay jeclaan lahayeen in shacabka Soomaaliyeed ay saaraan. “Ciidamada amaanku diyaar ayay u yihiin in ay difaacaan sii shaqeynta garoonka,Alshabaabna waxaan ugu baaqayna in ay ka waanbtoobaan wax yaabahaas oo kale”ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Muuse Nuur Amiin intii uu socday shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Baydhabo. Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Xaabsade ayaa isna sheegay in shirkadii diyaaradeed ee u hogaansanaata warka Al shababa ayan dowladdu u ogolaan doonin adeegsiga garoomada dalka. Warka kasoo baxay dowladda federalk ayaa kusoo beegmaya iyadoo ururka maxkamaduhu uu dhaliilay hanjabaada AL shabaab uuna sheegay in uu ugu baaqay shabaabku in ay go’aankoodii hore ka laabtaan.
  9. ^^^Have they denied the "false claims"? Anyone yet. Their supporters claim and their silence is telling.
  10. Puntland oo sheegtay in uu dhaw yahay waqtigii la soo saari lahaa Shidaalka Puntland Wasiirka Macdanta iyo Bartoolka Puntland- Xasan Cismaan Alloore Jimco, September 12, 2008(HOL): Maamulka Puntland ayaa rajo ka muujiyay la soo bixidda kheyraadka ku jira meelo faro badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, xilli Maamulka uu sheegay in la gaaray waqtigii shidaalka Puntland banaanka la keeni lahaa. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka DGPL Xasan Cismaan Alloore ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhamaan shaqaalihii bilaabi lahaa hawsha soo saarista shidaalka Puntland. Waxaa iminka baarista Shidaalka ay si toos ah uga socotaa meelo ka mid ah Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan shirkadda Qodaysa shidaalka Puntland oo lagu Magacaabo African Oil. Wasiir Xasan Cismaan Allore ayaa ka codsaday shacabweynaha Puntland in laga shaqeeyo amniga, si loo helo buu yiri horumar dhab ah oo ay gaaran shacabka Puntland. Waqtiyadii la soo dhaafay waxaa soo if baxayay hanjabaado loo jeedinayo Shirkadda qodeysa Shidaalka Puntland , waxaana Maamulka uu tilmaamay in arimahaasi uu duudka u ridan doono. Ugu danbayntii Arimahaan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli la rajeynayo isbadal ku dhaca Xukuumada Puntland, iyadoo ay soo dhawdahay doorashadii guud ee Puntland, waxaa doorashooyinka dhici doona isu soo taagay Musharixiin doonaya isbadal dhan walba ah oo ay ku sameeyaan Puntland Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online cabaade@gmail.com Garowe,Somalia
  11. Al-Shabaab wax lug ah kuma laha Magaalada Kismaayo waxaa qabsaday Beel ka mid ah Beelo ku dagaalamayay Magaaladaasi Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ka hadlay xaalada Kismaayo xarunta Jubada Hoose iyo cida ay aaminsan tahay in ay qabsadeen Magaalada Kismaayo. Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa shaaca ka qaaday in ay Magaalada Kismaayo ku dagaalameen qabaa’ilo mudo isku hayay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in Qabaa’ilkii qaar ka mid ah Magaalada laga saaray. Wuxuu Safiirkan siweyn uga horyimid in ay Magaalada Kismaayo galeen Kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan wax lug ah Al-Shabaab ku laheyn Xaalada Kismaayo. “ Al-Shabaab wax lug ah kuma laha Magaalada Kismaayo waxaa qabsaday Beel ka mid ah Beelo ku dagaalamayay Magaaladaasi tan iyo markii ay dhacday dawladii Hore ee Soomaaliya, lugumana sheegi karo qabsashada Kismaayo in ay qabsadeen Kooxaha Mayalka Adag” Ayuu yiri safiirkaasi. Safiirkan oo la hadlayay Idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay Kooxaha Magaalada Kismaayo qabsaday in ay nabad dhowraan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay magaalada amaankeeda sugaan ayna ilaaliyaan amaanka guud ee Magaaladaasi. Mr. Michael wuxuu soo qaaday arimaha Burcad Badeeda, wuxuuna ugu baaqay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland in ay talaabo isku mid ah ka qaataan arimaha Burcad Badeeda ayna la dagaalamaan. Isagoo sheegay Qaraarkii ay soo saareen Golaha amaanka ee QM ahaa mid siweyn xaalada wax uga badaley, wuxuuna cadeeyey in ay Bulshada caalamku mawqif mideysan ka qaadatey arimaha Burcad Badeeda. Hadalkan ka soo baxay Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ku soo beegmayah xili xaalada Magaalada Kismaayo ay degan tahay, ayna sidoo kale Kooxihii Magaalada laga saaray wadeen dadaalo ay ku doonayaan in ay ku helaan ciidan iyo saanad ay dib ugu qabsadaan Magaalada Kismaayo.
  12. Nayroobi: “Al-Shabaab ma qabsan Kismaayo” Safiirka Mareykanka ee Kenya 12. september 2008 Nayroobi(AllPuntland)- Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ka hadlay xaalada Kismaao xarunta Jubada Hoose & cida ay aaminsan tahay in ay qabsadeen Magaalada Kismaayo. Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa shaaca ka qaaday in ay Magaalada Kismaayo ku dagaalameen qabaa’ilo mudo isku hayay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in Qabaa’ilkii qaar ka mid ah Magaalada laga saaray. Wuxuu Safiirkan siweyn uga horyimid in ay Magaalada Kismaayo galeen Kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan wax lug ah Al-Shabaab ku laheyn Xaalada Kismaayo. “ Al-Shabaab wax lug ah kuma laha Magaalada Kismaayo waxaa qabsaday Beel ka mid ah Beelo ku dagaalamayay Magaaladaasi tan iyo markii ay dhacday dawladii Hore ee Soomaaliya, lugumana sheegi karo qabsashada Kismaayo in ay qabsadeen Kooxaha Mayalka Adag” Ayuu yiri safiirkaasi. Safiirkan oo la hadlayay Idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay Kooxaha Magaalada Kismaayo qabsaday in ay nabad dhowraan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay magaalada amaankeeda sugaan ayna ilaaliyaan amaanka guud ee Magaaladaasi. Mr. Michael wuxuu soo qaaday arimaha Burcad Badeeda, wuxuuna ugu baaqay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & dawladda Puntland in ay talaabo isku mid ah ka qaataan arimaha Burcad Badeeda ayna la dagaalamaan. Isagoo sheegay Qaraarkii ay soo saareen Golaha amaanka ee QM ahaa mid siweyn xaalada wax uga badaley, wuxuuna cadeeyey in ay Bulshada caalamku mawqif mideysan ka qaadatey arimaha Burcad Badeeda. Hadalkan ka soo baxay Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ku soo beegmayah xili xaalada Magaalada Kismaayo ay degan tahay, ayna sidoo kale Kooxihii Magaalada laga saaray wadeen dadaalo ay ku doonayaan in ay ku helaan ciidan & saanad ay dib ugu qabsadaan Magaalada Kismaayo. F. C. Geylan AllPuntland Warar La Xiriira
  13. lool. Bunch of excuse making clowns. A man was killed because he was doing his job for the nation. He was murdered in cold blood outside a Masjid and these fools still want to talk. Twin horns summed it up... Abtigiis &Tolka, Mark Twain once said; "It is better to be silent and be thought a fool, than to speak and remove all doubt."-I suggest you take that advice, saaxiib. Waad ogtahay, hada kohor sidaan busta kaaga kiciyey, hadana waxaaa ii muuqato inaadan wali tii hore ku cibraqaadan, oo wali aad soo mutaxantahay. A&T, saaxiib, hada waxaan ku leeyahay Al Shabab, Al Shaydhaan, Al Sheekhul Marduuf, Al Shuuko- Xaluushe, Al Bililiqo; intaaso oo dhan dana gaar ah, oo ee leeyihiin, ayey u dagaalamayaan...bal Mr Caano Boorow yaad u diriri, yaase ka diriri, dalkaagi majoogtid ee?
  14. ^^^Adeer no its because of the Gas that resonates from the website. They should re name it Hiiraale's Gas.net..
  15. Puntland: Puntland oo rajo wanaagsan ka muujisay Soo saarida Shidaal laga soo saaro deegaanada Puntland. 12. september 2008 Puntland(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in la gaaray waqtigii banaanka la keeni lahaa Shidaalka ku jira ceelal badan oo kuyaala deegaanada Puntland. Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in ay qabaan rajo wanaagsan oo ku aadan helida Shidaalkaasi, waxaana warkan sheegay Wasiirka Wasaarada Macdanta & Shidaalka ee Puntland oo ku sugan deegaanada Puntland. Xasan Cismaan Alloore wuxuu sheegay in looga baahan yahay dadka Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada & Horumarka ayna ilaaliyaan qorshayaasha lugu hormarinayo deegaanada Puntland. Alloore wuxuu qabaa rajo ah 100% in la heli doono Shidaal, wuxuuna tibaaxay in laga bixi doono Shaqaale la'aanta baahsan iyo Sicir bararka saameynta ba'an ku reebay dadka oo Reer Puntland ah. Sababaha imika hadalkan ka soo yeersiiyey Puntland ayaa ah, markii ay bilaabatay qodida dhulka oo ay bilaabeen qalabka loogu talagalay qodida Ceelasha Shidaalka. Warkan ka soo baxay dawladda Puntland ayaa ku soo beegmayah xili ay dad badan dhowrayaan hirgalinta Doorsahada Puntland, taasoo ay dad badan utaagan yihiin Madaxweyne-nimada Puntland, dad badan ayaa doonaya in uu dhaco Isbadal mug weyn oo ka dhaca Hogaanka Maamulka Puntland. F. C. Geylan AllPuntland
  16. Wasaarada macdanta PL oo ka wabixisay halka shidaal baaristu marayaso Baaritaanka dhidaal barista ka socota deegaanka dharoor valleyayaa lagu soo waramayaa in ay meel fiican ay marayso taas oo ay wado shirkada African Oil Company heshiis la gashay DGPL waxaana fadhi u ah oo ay degan degan tahay barxada weynee labo ruggoodlle oo ku taal meel aan sidaas uga fogayn degmada Ufayn ee Gobolka bari. baraaritaankan ayaa waxaa iska kaashanaya wasaarada macdanta iyo tamarta Dgpl iyo hayada African Oil Company haatan ayaa lagu soo waramayaa in saan saan helitaan shidaal ay ka muuqato deegaankaas sida. uu SBC u sheegay wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Dgpl mudane xasan cismaan alloore oo xallay u waramayey barnaamijka Caweyska SBC ee ka baxa idaacada SBC waxuu xusay in hada si wanaagsan ay wax u socdaan isla markaana rajada la qabo ay tahay mid yada diilo leh. Wasiirku waxuu kaloo sheegay in rajada shidaal la soo saaro ay tahay wax qarka saaran maadaama Riigii uu howl galayo. waxaana shallay soo gaaray madaqadaan puntland masuulka ugu sareeya riiga Qodaya oo lagu magacaabo Baul taasina waxay sii taaba gelinaysaa rajada la qabo ee helitaanka shidaalka. howsha baaritaanka shidaalka ayaa ah mid ay dad badani ka shaqeeyaan goobta baaritaanku ka socdo iyadoo la fili karo hadii la soo saaro shidaalkana ay shaki laaan ay tahay in dad badani shaqo ka heli ka helli doonaan . waxaa kaloo hubaal ah hadii shidaalka laga soo saaro deegaanada puntland ay noqon doonto mid ay kaga bixi karto faqriga sicir bararka iyo shaqo laaan ragaadisay dadka reer puntland. inkastoo rajadaas weyn ee wax ku oolka ah la qabo hadanawaxaa la isweydiin karaa soo celinta laas caanood waxa hortaagan doorashadii Dgpl xili kooban ayaa inaka xiga ma dowlada hada jirta ayaa la dooran . doonaa oo waa ay sii ambqaadaysaa howshaan shidaal barista ay wado mise mid kale aydhalandonta oo waxay la imaan doonto aragti cusub iyadoo aan og nahay in kalfadhigii ugu danbeeyey barlamanka puntland la xiray si loogu googol xaaro barlaamaan cusub . Axmed Shaam SBCInternational- Boosaaso
  17. Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyada oo Booqday degaamada Gobolka Mudug. Monday, 08-Sep 2008 Gaalkacyo,Puntland:Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Puntland Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab} ayaa waxay socdaal howleed kutageen Degmooyinka Jariiban iyo Goldogob. waftiga oo ay kamid ahaayeen Danjiraha Dowladda Fadaaralka kumeel gaarkaa ah ee Soomaaliya u jooga dalka Shiinaha.danjire Maxamed Axmed Cawil. Wasiir kuxigeenka Amaanka Puntland Faarax Cabdi Doorshe,Guddoomiyaha Gobolka Mudug,Ganacsato iyo xubno kasocda Wadamada Shiinaha iyo Sacuudiga. waftigaan ayaa waxaa deegaamadii ay booqdeen ku soo dhaweeye Madaxda Degaamadii ay booqdeen. waxayna socdaal kooda kabilaabeen Tuulooyinka Balibusle, seemade, Jariiban iyo Tuulada xeebta kutaal ee Garacad, iyagoo booqday Garoonka Diyaaradaha ee Garacad iyo guryahii loodhisay dadkii kuwaxyeeloobay Sunaamidii.2004. waxay sidoo kale tageen Degmada Galdogob waxayna siimareen tuulada Bayra,Bursaalax, Riigomane iyo qasaxle oo si weyn loogu soo dhaweeyey.waftigaas.
  18. Lool. People calm down the pirates got another $1.1 million in pay... damn.
  19. Adeer, thus you excuse the killings of fellow Muslims in Ramadan because of such actions? You do not seem to understand the faith at all. Anyhow imuch work to do lads, enjoy your holly month, oops holy
  20. ^^^Ok saxib if that makes you happy, cyber Jihadis' make a meal of every little point.
  21. Zack adeer, dont break your fast making such comments. The holy clan militia warriors. Those who point fingers usually have deep doubts, thus ask yourself lads.
  22. People here mask failure with hypothetical daydream. For example over the past four years the warlords have been defeated, the clan courts routed the capitals port and airport are nationalized. Now they run around villages and kill and maim. They had most of the country once, now stop day dreaming, you are not getting anywhere lads. Spare the kids and women you pretend to defend. Juje you must love the Mogadishu elections? Change you can believe in right,