General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Prof Fajac oo ka tirsan Murashaxiinta ugu Cad Cad xilka Madaxtinimada Puntland oo Saagaarey Galabta Gelinkii Dame Magaalada Bosaso Ee Xarunt G/Bari Bosaso:-Waxaa Galabta si Diiran loogu soo DHowayey garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Bosaso Murashaxa madaxtinimada Puntland Mudane Prof farjac oo ka mid ah Masuuliyiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimada Puntland ,Waxaan ku soo Xaadiray Garoonka Diyaaradah Magaalda Bosaaso Malaayiin Ruux oo si daacada u taageersanayd Murashaxaasi u tartamaya xilka Madaxtinimada Puntland Prof Farjac waxaana si diiran uga qayb qaatay soo dhowayntiisa qaybaha kala duwan ee Bulshada Ururada dhalinyarada iyo Guud ahaanba Qaybaha shacabka Reer Puntland oo ay ugu Horayaan isimada iyo Culimaa udiinta Magaalada Bosaso. Prof-Farjac ayaa galabta Markii uu ka soo Degay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso Hadalkooba ka siiyey Weriyaasha isagoo sheegay inuu dilka u yimid sidii uu uga qayb gelilahaa Hogaankiisa isla markaasina diyaar u yahay inuu la shaqayo Hadii xilka Madax timimada ay ku guulaysto cid kale oo ka tirsan Murashaxiinta Reer Puntland. Prof Farjac ayaa ****olka ka qaaday in loo baahanyahay in la siiyo Murashaxiinta Reer Puntland Gobolada Sool iyo Sanaag Madax waynaha Puntland taas oo uu ku macneeyey Baaxada Puntland inay qayb ka tahay isla markaasina ay dadka Goboladaasi degani Xaq u leeyihiin in Markooda la siiyo Madaxtinimada Puntland . Farajac ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Puntland looga fadhiyo Sidii wax looga bedeli lahaa Maamulka Haatan hagraday Dad waynaha Daacad ah iyo Waxqabad la,aanta baahsan ee ka jirta Degaanada Puntland. Farajac ayaa waxa uu wacad ku maray inuu hadii uu hanto xilkan talaabo sharciga waafaqsan ka qaadayo kooxa Burcad Badeeda ah ee ka qowlaysta Xeebaha geyigha somaliya gaar ahaan Xeebaha Nugaal iyo Bari Ee Dowlad Goboleedka Puntland. Maxamed Axmed Ciise
  2. ^^^Yup insha Allah all will be well. May Allah get rid of all bad ideas starting with destroying the unity of beloved Somalia.
  3. Nice one old Bashi 2009 will be a great year for Somalia insha Allah.
  4. ^^^The only Somali who could talk down an Ethiopian official ha? Anyhow he got rid of Gabre, who is no longer in Somalia .
  5. Ganacsatada gobolka Mudug iyo Musharaxa Nuuradiin Aadan Diiriye oo ay ka wa Ganacsatada gobolka Mudug ayaa waxay qado sharaf u sameeyeen Mushrax Nuuradiin iyo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminay oo beryahanba booqasho ku joogay gobolka Mudug. Qado sharaftaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Gaalkacyo. Musharaxa Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa qadadii kadib, wuxuu halkaasi si xeel dheer oo ay aqoon ku dheehan tahay u qaadaa dhigay burburka baahsan ee nabadgelyo, dhaqaalle iyo siyaasadeed ee la soo gudboonaaday Puntland. Wuxuu kaloo musharaxu halkaasi ku soo bandhigay barnaamijkiisa isbedel doonka ah. Musharaxa ayaa wuxuu ku ammaanay ganacsatada doorka ay ka qaateen dib u dhiska dalka. Wuxuu musharaxu sheegay in ganacsatada reer Puntland ay si wadaninimo leh u bixiyaan canshuuraha, laakiin nasiib daro uusan maamulka haatan dalka ka jiraa waxba u qaban. Musharax Nuuradiin ayaa wax laga murugoodo ku tilaamay in maanta aysan Puntland, 11 sano kadib aasaaskeedii, aysan ka jirin nidaam dhaqaale taas oo dhiiri galinkarta ganacsatada dalka, isla markaasna soo jiidan karta maalgellin in lagu sameeyo dalka. Musharaxa ayaa wuxuu u sheegay ganacsatada inuu gabi ahaanba dib u habayn ku samayn doono hannaanka canshuuraadka dalka, isla markaasna uu samayn doono siyaasad dhaqaale iyo mid dhisid kaabayaasha dhaqaale oo la isku halayn karo. Wuxuu kaloo sheegay in marka uu hogaanka dalka la wareego uu dajin doono nidaam xisaabtan iyo sharciyo lagu xakamayn karo kuwaas oo lagu ogaan karo canshuuraha dalka meesha uu k a soo galo iyo meesha lagu baxsho. . "Waxaa hubaal ah in uu aad u khaldan yahay qaabka qaadidda canshuuraha ee DGP..Waad ogtihiin lama garan karo dhaqaalaha soo gala Puntland, lamina xaddidi karo, waxaana taasi kuu caddaynaya in madbacadaha daabaca Foojarada canshuuraha lagu qaado maaha kuwo dawladda hoos taga oo leh sumad iyo tixraac xiriirsan (serial number)… waxaan kaloo ogahay in xataa qaar ka mdi ah warqadaha canshuuraha lagu qaado in ay ilaa iyo hadda ku qoran yihiin af-Talyaani…Dowladii masuulka ka ahayd hantida iyo maaliyada dadka u dhaxaysay, oo laga sugayey in ay si fiican u maarayso ayaan sixun ugu takri fashay taasina ma ahan wax shacabka reer Puntland ay aqbali karaan…walaalayaal waxa na haysta maanta ma aha dhaqaalle xumo, ee waa aqoon darro, caddaalad xumo iyo maamul xumo is biir saday, haddii aan wax ka qaban waynana anaguna is cafin mayno, ubadkeenuna ina cafin maayaan, ilaahayna na cafin mayo……." Mar wax laga waydiiyey musharaxa barnaamijkiisa, gaar ahaan ka ku aadan ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa wuxuu sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono inuu si deg deg ah gacanta ugu soo cellin doono nabadgalyo iyo ammaan ay isku halayn karaan dhammaan inta ku nool Puntland, inta ka ganacsata iyo inta soo booqata iyo hantidooda. Nidaamkaasi wuxuu noqon doonaa mid ka hortagi kara dhibaato kasta inta ayasan dhicin. Mar uu si gaar ah uga hadlayey horumarinta ganacsiga dalka, wuxuu musharaxu sheegay in Puntland ay noqon karto xarunta ganacsiga Soomaaliya, Gaalkacyo ay noqon karto xarunta ganacsigaas. Waxaa ayaguna Qada sharaftaas ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug iyo waxgarad kale, waxaana ka mid ahaa Ganacsade Nabadoon Yaasiin C/samad Cumar oo halkaasi ka jeediyay Tix gaaban uu ku soo koobayey dhibaatooyinka hareeyey Puntland iyo sida wax qabad deg deg ah loogu baahan yahay wuxuuna ku booriyey ka soo qayb galayaashii qado sharafta inay u istaagaan badbaadinta dalka hooyo. Waxaa asaguna goobtaas ka hadlay maamulaha Amal Bank-GaalKacyo Cali Faarax waxaaana uu sheegay in loo baahan yahay in lahelo madax cadaalad ah oo maaaraysa wadanka oo aan maanta loo baaahnayn mid kala qayb qaybiya dadka. Sidoo kale waxaa halkaaas kahadalay Nabadoon Xasan Xuseen Aw-Maxamuud (Alloore) waxaana uu ugu duceeyay musharaxa in uu in uu ku guulaystay xilka uu isu taagay. Nabadoon Aloore ayaa waxa uu tilmaamay in musharaxa maalinnimadii shalay la geeyay degmada Goldogob halkaasna laga soo caleemo saaray. Xafladaasi ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u heer sarreeysa waxaana dhamaan dadkii ka soo qayb galay ay balan qaadeen in ay tageero siin doonaan mushraxa Nuuradiin Aadan Diiriye.
  6. Ciyaaraha Soomaliya: Karkaar iyo Nugaal oo ay dhexmartay ciyaartii ugu kululeyd (Daawo Sawirada) C/weli Xasan Gooni Horseed Media Garowe, Puntland IIyadoo weli ay ka socnayaan Caasimada Puntland ee Garowe Ciyaaraha Kubadda Cagta ee ay isku arkayaan Qaarkamdi ah Gobolada Somaliya ayaa Waxaa Ciyaar aad u xiiso badan ay shalay dhex martay Gobolada Nugaal Iyo Karkaar. Ciyaartaan oo Durbadiiba ku bilaabtay Dardar xoog leh ayaa waxaa markii ugu horeysay sida ay ii sheegeen Qaar ka mid ah Gudiga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxa ay aheyd Ciyaartii ugu xiisaha badneyd ee Ciyaarihii mudada soo socday. Waxaa Ciyaartii ay ku dhamaatay iyadoo Gobolka Karkaar ay heleen 7 gool halka Gobolka Nugaalna ay la yimaadeen 3 gool, Halkaas oo ay guushu ku raacday Karkaar. Ciyaartii markii ay dhamaatay ayaa waxa Mar qura garoonka Kubadda cagta ee Mire Aware laga maqlayey Sawaxanka Taageeryaasha Gobolka Karkaar oo mar qura ku soo yaacay kudaha Garoonka iyaga oo ruxayey Marooyin iyo calanka gobalka
  7. ^^^Adeer the country is no1 failure because of past history and the fact its a very young nation state. Keep up the research saxib, and I promise I will continue to educate and enlighten you as best as I can.
  8. Farax: Adeer you can insult your President as much as you like, we all have a right to our opinions and prejudices. What we do not have is a right to our own facts. Yusuf is a remarkable man, and a figure of great weight in Somali history, that’s a fact. Have a nice day and I welcome your research and effort on Gen Dukes threads. Keep it up
  9. Farax: Don’t foam from the mouth old boy, President Yusuf has out maneuvered all his enemies. He is the founder of the successful Puntland state that is choosing its fourth leader, that has prospered from a region of “no consequence” to some to a power house. Even the TFG his singular courage has made it survive against all odds. While you get angry he makes history. As for the Duke’s remarks one is not a soothsayer, but one has been correct more than wrong. But alas who will research Farax Browns old remarks. He is not that important after all.
  10. ^^^Adeer again you rush in to highlight your ignorance. President Yusuf has made mistakes, and thats for the historic record to decide. The above two points, one he fought for his country in its two major wars 1964 and again in 1977. He fought Siyad Barre from 1978 on wards and was based in Kenya and then Ethiopia and so were every rebel movement. Much like how Melez was based in Mogadishu in that period fighting "his" own nation. Not even a nice attempt from Farax Brown.
  11. Another candidate anotehr visit. Musharah xilka madaxtinimada puntland Xasan Nuur Faarax ayaa manta si weyn loogu soo dhaweeyem Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar. Talaado 25. 11. 2008 source
  12. Gaalkacyo: Musharax Nuuridiin Aaden Diiriye oo noqday Musharaxii ama Siyaasigii ugu horeeyey oo Puntland ah lana kulma Madaxda Galmudug State ee Koonfurta Gaalkacyo. 25. november 2008 Nice move from the man.
  13. ^^^Bur Salah is quite small, but its developing fast. They should have had more pick sof Goldogob town.
  14. As the author noted all of the secessionist including JB and Norf could not add anything other hot air. Who did he insult? The man is more than what you believe him to be, a tough disciplined soldier who has been a massive figure in contemporary Somali history. Your squirming and mouse type noises has made the point, you have no facts Abwan adeer, are you still surprised by the oratory skill and mannerism of the President, maybe you need to listen to his older archived press conferences, the man is not only witty he has a tremendous ability to make laymen such as yourself confused.
  15. Musharaxa madaxweynenimada Puntland Prof. Cumar Farjac oo bari kusoo fooleh magaalada Boosaaso (Dhagayso Wareysiga Farjac) Posted to the MOL November 24, 2008, 3:39 pm audio link for Pro Farjac Dhagayso Waraysiga uu layeeshay Farjac Rabiile Cabdikariin Gabanow
  16. Bursaalax, Puntland: Waxaan ballan qaadayaa in ilmo kasta oo ku nool Puntland uu lacag la'aan ku helo waxbarashada asaasiga ah Isniin 24. 11. 2008 Nofeembar 23, 2008 Musharaxa madaxtinimada Puntland mudane Nuradiin Aadan Diiriye ayaa booqasho aan la sii shaacin wuxuu ku tagay degaanka Bursaalax iyo Riig Oomane oo ka dirsan Gobolka Mudug shalay oo taariikhdu ahayd 23/11/08. Markii uu musharaxu soo gaaray Bursaalax ayaa waxaa halkaas ku diyaar ahaa dadweyne farabadan oo ayagu subaxnimadii hore isu soo baxay isuna diyaariyey soo dhawaynta musharaxa iyo wafdigiisa. Soo dhawaynta oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hor kacayey maamulka degaankaas, waxaana halkaasi hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Beesha Nuur Cabdi Cali. Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay Nabadoon Cabdil Cabdille Boos iyo Nabadoon Cabdi Xasan Qalaad oo musharaxa uga mahadceliyey booqashadiisa. Musharaxa ayaa asguna dhankiisa ugu mahadnaqay reer Bursaalax sida sharafta leh ee ay asaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen Musharaxu wuxuu ugu horeyn booqday Dowlada Hoose ee Bursaalax waxaana uu halkaas hadal kooban uu uga jeediyey maamulka mgaalada iyo dadweynaha. , wuxuuna warbixin ka bixiyey barnaamijkiisa ku aadan badbaadinta Puntland, wuxuuna ka codsaday inay ku taageeraan ololihiisa isla markaasna loo guntado sidii maanta Puntland looga badbaadin lahaa dhibaatooyinka balaaran ee ka jira. Intii uu ku sugnaa musharaxu Bursaalax waxaa u suurtagashay in uu booqdo Dugsiga Hoose Dhexe ee Cirro, Bursaalax halkaas ay wax ku bartaan laguna quudiyo in ka badan 800 oo ilmood. Wuxuu kaloo soo indha-indheeyey meesha uu marayo dhismaha dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax. Dugsiga sare ee Cirro, Bursaalax ayaa waxaa maalgalinayey Jaaliyadda Qurbaha ee Bursaalax. Musharaxa ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay furaha nolosha isla markaasna marka uu ku guulaysto hogaanka Puntland uu siin doono waxbarashada asaasiga ah oo lacag la'aan ah ilmo kasta oo ku nool Puntland. Musharaxu wuxuu ku booriyey masuuliyiinta gacanta ku hayey howsha dhismaha in la dar dar geliyo howsha wuxuunau sheegay in mashruucaani wax wayn ku soo kordhin doono mustaqbalka dadka reer Bursaalax iyo ubadkoodaba. Guud ahaan Mudane Nuuradiin oo maalmahan booqasho ku marayey Gobolka Mudug ayaa wuxuu kala kulmay dadweynaha reer Mudug soo dhawayn aad u wayn meel kasta uu tago, waxaana si weyn loo dareemayaa inuu ku guulaystay taageerada dadweynaha iyo waliba tan wakiilada Mudug uga soo gala baarlamaanka Puntland. Siciid Cali Nugaal Madaxa Xiriirka Bulshada Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye Kala Xiriir Nuradin Dirie online www.nuradindirie.com Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan Allidamaale@hotmail.com Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com