General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Kulan Sagootin ah oo maanta loo sameeyay maamulkii Hore Ee Puntland Xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ka dhacay Kulan aad u balaarayn kas oo ay ka soo qeybgaleen madaxda cusub ee Puntland iyo madaxdii hore iyo golahoodii wasiirada kuwaas oo la shaqeyn jiray ayagoo ay goob joog ahaayeen Kulankan isimada iyo waxgaradka . Kulankani ayaa waxa looga hadlayay arimo ku aadan amniga iyo Wada shaqeynta Dowlada Cusub iyo tiihore uga talin jirtay Puntland ayadoo la isla soo qaaday Xaalada Gobolada Sool Nagaac iyo Ceyn iyo sidii wax looga qaban lahaa faragelinta Maamulka SoomaaliLand , waxaa intaasi u sii dheeraa Iscafis iyo Wliba Isu Hambalyen xukuumadiihore iyo Tan hada cusub oo maalin nimadii shalay si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxnimada Puntland . Madaxweyanah Haatan ee Puntland oohadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa uga mahad celiyay xukuumadii hore wada shaqeynta iyo habkii ay u soo dhaweysay, waxaa asna halkaasi ka hadlay madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cade ooisna tilmaamay in xukuumadan cusub ay la shaqeyn doonaan maadaama Maadaxweynaha la doortay uu karti iyo aqoon u leeyahay maamulka Puntland islamarkaana uu horay xilal uga soo qabtay. Isimada Puntland ayaa iyana ku sii sagootiyay Duco maamulkii hore kuwa cusubna ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan maslaxada dalka iyo Dadla reer Puntland iyo guud ahaan Umada Soomaaliyed . Dhinaca kale waxa maanta wareegtadii ugu horeysay madaxweyanaha cusub Ee Puntland Mr Faroole Taas oo ku saabsaneyd magaaabid Agaasimaha guud Ee Madaxtooyada oo loo magacaabay Cali Bare Jaamac Gibin Agaasimaha guud Ee Madaxtooyada ka dib markii Madaxweynaha uu u fiiriyay Dastuurka Puntland Qodobkiisa 54aad Farqadiisa 19naad Aqoontiisa iyo weliba Xilkasnimadiisa Maamul asagoo si toos ah Wada tashiyo ula sameeyay Madaxweyne Ku xigeenka waxaana wareegtadan ku saxiixna magaca madaxweynaha C/raxmaan max’ed Max’ud Faroole. C/naasir Yaasiin SBCInternational- Garowe
  2. Maantay iyo Garowe: Xilwareejintii Cadde iyo Siyaasadda Cusub Faroole (Faallo) Sunday, January 11th, 2009 at 5:49 pm Faroole: Puntland waxaa lagu hogaamin doono siyaasad cusub Madaxweyaha cusub ee DGPL Dr. C/raxmaan Faroole waxa uu ugu horeyn ugu mahadceliyey intii ka soo shaqeysay munaasabadii xilwareejinta, isaga oo sidoo kale salaan iyo mahad celin u diray Madaxweyne Gen. Maxamuud Muuse Xirsi iyo weliba Madaxweyne ku xigeenkii hore Xasan Daahir Afqurac. C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in Maamulka Cadde Muuse ay ka dhabeeyeen sidii ay xilka ugu wareejin lahaayeen cidii la doorto isaga oo Faroole hadalkiisa ku daray in Gen. Cadde uu yahay nin ka dhabeeyay Balanta uu qaaday. Dr. Faroole aya waxaa uu in badan hadalkiisa ku celceliyey sida uu mahadcelin ugu dirayo Madaxweyne Gen. Cadde Muuse oo uu sheegay in uu kazoo baxay mas’uuliyadii saarneyd . Cadde Musse La Taliye? Faroole waxaa uu sheegay in Cadde Muuse uu la taliye uga noqon doono dhanka Baarista Shidaalka iyo Kheyraadka Puntland iyo weliba wixii kale oo uu Gen. Cadde Muuse horey bilaabay. Madaxweynaha cusub ee DGPL Faroole waxa kale uu sheegay in Madaxweyne Cadde Muuse uu daacad ka yahay jirtaanka iyo weliba Mustaqabalka Puntland sida hadalkiisa ka muuqatay. Faroole waxa uu hadalkiisa ku sii daray in Gen. Cadde uu kala tashan doono dhammaan wixii uu ku guuleystay iyo wixii uu ku guuldareystay maadaama uu yahay waayo arag Madaxweyne Puntland in badan ka soo ahaa. Faroole waxa uu sheegay in Puntland lagu hogaamin doono siyaasad cusub taas oo ah in Puntland loo bahan yahay in laga badbaadiyo dhamaan dhibaatooyinka ku soo fool leh. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin soo ururinta Ciidamadii Nabadgelyada oo ay Beelaha la aadeen goboladii ay ka soo jeedeen.
  3. Issimo jawaab siiyay maamulka Somaliland Monday, January 12th, 2009 at 4:54 pm Horseed Media Garowe Issimada maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa waxaa ay jawaab ka bixiyeen hadal ka sooyeeray maamulka Soomaaliland. Issimadaasi waxa uu kulankoodu maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe. Waxa ay si gaar ah uga jaabeen hadal shalay ka soo yeeray wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo uu ku sheegtay gobollada sool iyo Sanaag. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka tirsan issimada ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa sheegay in dhulkooda iyo dalkooda aysan ahayn dhaxal Ingiriisku bixin karo. Waxa uuna sheegay inaanu jirin meel ay Somaliland wax isugu darsadeen. Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo goobta shirka ka hadlay ayaa isagana sheegay in Somaliland ay jawaab ugu filan tahay shirka maanta Issimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku yeesheen magaalada Garowe. Hadal haynta deegaamada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa soo baxday ka dib markii madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud uu ugu baaqay Somaliland inay shidada ka dayso gobollada aan laga oggoleyn.
  4. The picture is great, Yusuf, Cade are not above the law
  5. Somalia: Puntland's new leader frustrates Somaliland 11 Jan 11, 2009 - 9:47:40 AM HARGEISA, Somalia Jan 11 (Garowe Online) - The newly elected leader of Somalia's Puntland regional government has demanded that Somaliland separatists withdraw their forces from the disputed regions, Radio Garowe reports. Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," the new Puntland president, told the BBC Somali Service that the people of Puntland and Somaliland are brothers. "I especially know that the people of Puntland mourn the extra suffering inflicted upon Somaliland," President Farole said, while indirectly referring to the bombing of Hargeisa and Burao by the Gen. Barre regime in the late 1980s. Puntland's new leader urged the Somaliland public not support separatist government's agenda to spoil the upcoming election in Somaliland. Puntland Pres. Farole and VP Shire/GO "I urge you [somaliland people] not to support the administration as it attempts to win the election [in March] by bringing troops and election boxes to regions where Somaliland has no support," President Farole said. He challenged the Somaliland leadership, saying: "Where are the community and traditional leaders of the regions [sool and Sanaag]? They are all here in Garowe," he answered, referring to the capital of Puntland. "I request the Somaliland administration to stop the hostilities and to immediately withdraw from Sool [region] and to respect good neighborliness among the brotherly peoples who will always need each other," President Farole added. Somaliland unilaterally seceded away from the rest of Somalia in 1991 but remains international unrecognized. The separatist republic's leaders have cited the bombings in Hargeisa and Burao by Somali government warplanes as fuel for secession.
  6. Puntland elections were amazing, and the new PM has made some good statements. The true winner here was Cade Muse Hersi who came out as a big man and a true hero. All in all things are looking up back in Puntland state Somalia.
  7. Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la wareegay xilka 11 Jan 11, 2009 - 2:06:42 AM Waxaa saakay Hoolka Baarlamaanka ee magaalada Garowe ka dhacday munasabad uu xilka kula wareegayey Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Puntland, taasoo si wanaagsan loo soo agaasimay. Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyinta maamulkii hore, kan cusub iyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudomiyaha Golaha Wakiilada C/rashiid Cali Xirsi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xil wareejinta uu Madaxwenihii hore sameynayo, isagoo dhinaca kale ku booriyay maamulka cusub in uu u istaago wax ka qabashada xaaladaha ka jira PL, isla markaana uu ka mira dhaliyo balankiisa waxqabadnimo. Cadde Muse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isna halkasi khudbad gaaban ka soo jeediyay isagoo ugu horeyntii xilka ku wareejiyey wareejiyay xilka, wuxuuna ka waramay waxqabadkiisa isagoo sheegay in wax badanna qaban. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in qaladka ugu weyn ee xukuumadiisa aheyd ciidamada oo la dayacay, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha cusub inuu u istaago horumarinta ciidamada, isla markaana uu kula dardaarmay in noqon kuwo beeleed oo ay noqdaan kuwo dhisan oo wax ka qabta xaaladaha ka jira Puntland. Xildhibaanada Puntland oo ka qayb galey xil wareejinta. "Waxaan ku dadaalay inaan sameeyo dhaqaale, shirkaddo ayaan heshiis la galay waana diyaar, dowladdaan ku wareejiyay, wana sii wadayaa howsha, awal Canada aad baan is-lahaa, laakiin Boosaaso ayaan tegayaa" ayuu yiri Cade Muuse wuxuuna intaa raaciyay in uu la shaqeynayo Madaxweynaha cusub oo uu sheegay in C/raxman Faroole uu yahay qof howsha ka soo bixi kara. "Inaga kolba naga kala daadatay, waxaan rajeynayaa in iyagana aysan ka kala daadan" ayuu sii raaciyay Gen. Cadde Muuse oo u rajeeyay maamulka cusub in howsha hortaal dhabarka u xertaan. Masuu'liyiinta xilalka lakala wareegey. C/raxmaan Maxamed Faroole isagana ka hadlay Munaasabadaasi oo xilkii uu kala wareegay Madaxweynihii hore, wuxuuna u mahad celiyay Cadde Muuse isagoo ugu hanbalyeyay sida gesinimada leh ee uu ugu soo baxay balantisii aheyd in doorashada ay dhici doonto xiligii loogu talagalay. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in Cade Muse uu yahay wixii maanta ka danbeeya la-taliyihiisa gaarka ah ah kalana shaqeyn doono hormarinta dalka, kana qaadan doono talooyinka muhiimka ah. Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka qayb qaadanaya xil wareejinta C/raxmaan Farole wuxuu sidoo kale u mahad celiyay intii ka soo shaqeysay habsami u socdka doorashadii Puntland ee sida wanaagsan u dhacday. Madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa kaloo uu ka hadlay xaladda dalka Soomalia waxuuna baaq u diray Shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay jogaan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha , sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo hey'addaha samafalka in ay ka taageeraan maamulkiisa horumarina bulshada, waxbarashada iyo sidii amaanka Puntland. Waxaa uu soo dhoweeyay C/raxmaan Faroole shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo cararay ee soo doontay nabadgelyada ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay in ay la qeybsanayaan dhibaatooyinka heysta, isla markaana sameyn doonaan wixii ay ku taageeri karaan. Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo aan wax hadal ah ka jeedin. RADIO GAROWE
  8. Dagaalo si xun loogu hoobtey oo saaka ka qarxay degmada Guri Ceel Wararka ka imaanaya degmada Guri Ceel ee Gobolka Galguduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo qaraar saaka hiirtii waaberi ay ka qarxeen gudaha degmadaasi, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad fara badan oo u badan dhinacyadii dagaalamayey. Dagaalkan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa wuxuu dhexmarey maleeshiyaad kala taabacsan AL-Shabaab iyo Ahul Sun Waljameeca, waxaana dagaalkaasi sida aynu ka helay ilo xog ogaal ah la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka iyo waliba gaadiidka dagaalka. Dirirtan oo socotey saacado fara banada ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyoodey ugu yaraan 31 qof, waxaana ku dhaawacmey 53 qof oo kale, iyadoo dadka dhintey iyo kuwa dhawaacmayba ay u badan yihiin labada firqo diimeed ee dagaalamaya. Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalkaasi saaka ka dhacay degmada Guri Ceel uu yimid ka dib markii maleeshiyaadka AL-Shabaab ay duulana xoogan ku soo qaadeen fariimo ay ku leeyihiin duleedka degmada Guri Ceel xoogaga Ahlu Suna Waljameeca, iyadoo dagaalkasi uu qarxay saaka abaara afartii aroornimo. Dagaalka maanta ka dhacay degmada Guri Ceel ayaa keenay in gabi ahaanba hawada laga saaro isgaarsiinta Guri Ceel iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka Galguduud, iyadoo sidoo kale mudo gaaban ay hawada ka maqneyd isgaariisnta degmada Dhuusamareeb wallow goor dhaw ay hawada ku soo laabatey. Iska horimaadyadan lagu hoobtey ee ka dhacay degmada Guri Ceel ayaa wuxuu ku xiriirsan yahay dagaalo soo noq noqdey oo degmada ka oognaa laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii December kolkaasi oo ay la wareegeen degmada gacan ku haynteeda maleeshiyo diimeedka la magac baxcdey Ahlu Suna WalJameeca, kuwaasi oo ay haatan cadaawad xoogani u dhaxayso dhaqdhaqaaqa kale ee hubaysan ee AL-Shabaab. Cabdi Jamaal Macalin Axmed SBC International Dhuusamareeb
  9. Qarax dhimasho iyo dhaawac sababey oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Magaalada Mudisho. (Mogadishu, Axad, January ,11, 2009,(Hornafrik Media) Hal qof ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii xalay Bam lagu weerarey goob maqaaxi ah oo kutaala deegaanla suuqbacaad ee degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa Bamgacmeed ayaan la ogayn ujeedada loogu weerarey dadka rayidka ah waxaana uu ka dhacay xalay fiidkii deegaanka suuq Bacaad halkaasoo dadku ay kala carareen markii uu qaraxu dhacay. Inta la xaqiijiyay ku dhaawacmey qaraxaan 11 ruux oo qaar kood halis yihiin waxaana dhimashadu ilaa hada gaaraysa 1 ruux oo ka mid ahaa dadkii Maqaayada fadhiyay. wararka ayaa sheegaya in maqaayada la weerarey lagu ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin qabaarka iyo turubka. Weerarada nuucaan ah ayaa ku soo badanaya dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada koofureed lamana yaqaano dadka falalkaan ka dambeeya iyo ujeedada ay ka leeyihiin bartilmaameedsiga dadka rayidka ahi. wararkii Hore
  10. Qasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo saakay aroor hore ka bilowday degmada Guriceel oo sii kordhaya iyo Halkaasi oo ay la wareegeen Ahlusuna Wal Jameeca. Posted: 1/11/2009 7:28:00 AM Shabelle: GURICEEL In ka badan 30-qof ayaa ku geeryootay tiro 50-qof ka badana dhawacyo ayaa ka soo gaaray dagaalo saakay aroor hore ka biloowaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo bilowday abaari 4-tii Aroornimo ee saakay ayaa waxaa uu ka bilowday bartamaha degmada Guriceel kadib markii ay xoogaga hubaysan ee Ururka Al Shabaab weerar ku soo qaadeen fariismo ciidamada Ahlu Sunna waljameeca ay ku lahaayeen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaal oo haatan u muuqada mid qaboobay ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay ee soo kala gaaray labada dhinac waxana cusbitaalka degmada Guriceel la soo gaarsiiyay dhawacyo ka badan 50-ruux waxana weli xaafadaha iyo goobaha ay dagaalada ka dheceen laga soo daad gureeynaayaa dadkii ku dhawacmay dagaalkaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamay. Saraakiisha labada dhinac oo aan xiriir kala sameeyanay dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay ayeeynan noo suurto galin iyagoo ka gaabsaday in ay wax war ah ka bixiyaan. Dagalka ayaa markii uu in mudo ah socday waxaa hawada laga saaray dhamaan isgaarsiintii degmada Guriceel iyadoo sidoo kalena la sheegayo in isagaarsiintii laga saaray degmada Dhuuso Mareeb ee isla gobolkaasi Galgaduud oo iyana laga cabsi qabo in ay dagaalo ka dhacaan. 29-kii bishii la soo dhaafay ayay aheeyd markii ciidamada Al Shabaab laga saaray degmada Guriceel oo ay gacanta degmadaasi la wareegen ciidamada Ahlu Sunna waljameeca. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkaasi kala soco shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  11. Adeer Fahiye, nothing bravado about it adeer open any map and you will see these regions of Puntland are both large and those who know them beuatiful. As for the election my candidate Gen Ilka-Jiir lost not because of clan but that he did not excel at the arm twisting and traditional campaigning that Faroole was master of . For a fact Faroole got maybe more votes out of SOOL& CAYN than he did Mudug or Karkar, why? He met with Garad Salebaan and others early, he cut a deal with them with regards to getting their support. This is why Ilka-Jiir lost, it was not beacuse of clan for Farjac would have got more than 0, if it was clan. Nuridin would have come second if it was about that Trinity. Thus your whole premise my old friend is nonsense, you are just pointing fingers at a whole clan not because they planned anything but that some of their members from a vast regional area who speak distinct dialects won elections. PS: Your last point about SOOL, CAYN & SANAAG is unfortunate and quite weak, a coward talks that way and uses such defeatest rhetoric, I never knew you was like that
  12. ^^^Adeer Puntland formula is not perfect and it works in the transition to popular elections. The most important fact is not about clan, but that Cade & Yusuf were armed rivals and yet the system allowed for a rebel to be President. The fact that Faroole a bitter opposition figure has now defeated the powerful incumbent with the money and the state's resources shows you that Puntland system works. As for the proportions go explain to the people of Borama why they are so small in the SNM's eyes.
  13. Xidigo, adeer one is glad you found your backbone at least. The Aedal movement is on course indeed, we your unionist brothers in Puntland are ready to support, in peaceful ways though..
  14. Fahiye, adeer the President came through an open election and those who competed never complained about the result. Its thus outsiders and those who have no real say who seem to be complaining. Your point is well taken old boy. Puntland will survive insha Allah and get stronger the three bedrooms beauty will be extended to the other parts of the mansion. As for the clan talk in here, I have no time for suCh nonsence. The people of Puntland have chosen through their Parliment a new President and we all like Gen Ilka-Jiir, must work with the new admin.
  15. Fahiye old boy you was never a political nemesis of the Duke, hence one knows his London folks even if they change shirts for reasons of their own. As for the power sharing let me wake you up from your day dreams. Yusuf was from Mudug, Cade from Bari/Karkar and Faroole is from Nugaal. Thus three men from different regions are being made out to be from the same town, which you all know is not the case.
  16. Only in Puntland do you get ex president giving advice to a new one audio