
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Wadadii Cadayd Cagta Saarnayoo Na Caraabisee, Haay Haay Udubay Hay February 5th, 2009 Waxaa maanta lagu soo gebo gebeeyey caasimada Jamhuuriyada Somaliland shirkii golaha dhexe ee Udub garabka Riyaale, shirkaasi oo ka goblamiyey dhamaan wixii la odhan jiray dimquraadiyada qariibka ku ah Somaliland. Hadii aynu in yar dib u jaleecno waxa loogu yeedho geedi socodka Dimquraadiyada Somaliland oo gebi ahaan isugu soo biyo shubatay xero madhan. Waxa waxbo la’aan laga joogay dhamaan doorashooyinkii aynu galay hadii ay yihiin qaar Gole deegaano, Madaxweyne ama Gole wakiileed kuwaasi oo inoo dhalay Goleyaasha fadhiidka ah degaanada oo aanay jirin Degmo mahadisay, :confused: Madaxweyne aynu cod ku dooranay oo carjuuqdheh,cajugleyn iyo aniga mooyee cidkale ma jirto yidhi, Xildhibaano debed wareeg iyo buuqa dhexdooda ka dhamaanwaayey lana xisaabtami Karin xitaa wasiirada iyo madaxda amniga qaranka. Sidoo kale waxa fadhiga ka kici la’ Seddexda xisbi qaran, ee dastuurka jahowareerka badini ku jiraa inagu jideeyey, haba sii kala daraadaane, oo Udubta maataanta X.H.K.S ee sankii 1976 dib ugu taraartay ha ugu hoosaysee. Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Riyaale waxa dalka ka soo ifbaxayey raadad la mid ah kuwii xukunkii tababaray isaga iyo badiba wasiiradda: Maxkamada Degdeg ah ee dalka ka jira oo xabsiga dhiga muwaadiniin badan. lunsiga hantida umadda oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee cagliga Ibnu Aadamku cabiri karo. Cadaalad daro, oo cadaalada dalkeena maanta waxa ku xidhantahay Hantidaada ama saaxiibadaada siyaadadeed ama inta aad qaraabo ku leedahay maamulka. Maamul xumo maanta dalkeenu wuxuu gaadhay derejadii ugu saraysay ee maamulxumada aduunka. Waxa hog lagu riday rejooyinkii umadda guud ahaa gaar ahaan dhalinyaradii taasi oo keentay inay isku guraan baddaha, badhna u badheedhaan kuna leedaan saxaaraha Africa. Maantase waxa inbadan oo ay ka daahneyd u cadaadtay in aan Riyaale cidna u joojinay, saarayna cagaha wadadii cadayd ee Keligii taliyihii Maxamed Siyaad.Mar hadii ragbadan oo udubta kaadidooda u soo cabay sife sharciga xisbiga iyo xeerarka dalkaba baalmarsan, ay daba boodhka ka tunteen. Waxaa la duuduubay hamigii laga qabay in dalka ay doorashooyinka ka qabsoomaan, hadiiseba ay qabsoomaan waxa iminkaba la sii ogyahay maxsuulkooda iyo cawaagibka ka dhalankaraba. Hadaba dadweynaha reer Somaliland oo hore uga gilgishay Keligii taliyihii waxa in la waydiiyo mudan horta maxaynu Siyaad Barre kula dagaalanay? Mar hadii kii dalka qabta iyo Noolow noolow, haay haay iyo qaar kaloo badan aynu la **** ciirayno, jiibta iyo sawaxankana aynu wada takhasus ku noqonay!!!!. Gebo gebadii abwaan reer Somaliland ah ayaa beri yidhi: Arlo dhabaqdaybay s-tii meel ka dhurantaa ye, Intay arintu dhaw dhawdahaa dhego adagaygtaanee…………… Mohamed Ali London..Fake name and in a safe location source
-
Building the city of Bandar Siyaada [Qaw], Duke's holiday home
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Duke's villa concept for the home in Bandar Siyaada, Bari, Puntland -
^^^Which i a posative thing I would assume, age does not mean competence.
-
^^^he is older than the Sharif so how is that a problem?
-
^^^LOL. Moving mountains aside, how old is he?
-
So, when will Puntland start with projects like these?
General Duke replied to inspector22's topic in Politics
This is better than all of those and its real. -
So, when will Puntland start with projects like these?
General Duke replied to inspector22's topic in Politics
inspector22, adeer they had this type of idea a while back, you might enjoy this. http://www.hafza.com/ -
So, when will Puntland start with projects like these?
General Duke replied to inspector22's topic in Politics
Not bad, imagine it and it can be done. But I am not a fan of this type of architecture. Its too western. -
^^^I have no idea, Juje maybe you can do some research on the man, you might have more access to him than most. Even in Puntland his name alone will not mean getting the support of the state.
-
Waxaa ayaga ku sugan magaalada Jabuuti Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Xukuumada Carta oo ay kamid yihiin Prof.Cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cabdi Yusuf, iyo Xassan Abshir oo la hadal hayo inay daneenayaan xilka Ra’iisul Wasaaraha Walow aysan ayaguna waxna shaacin. Maslax Maxamed Siyaad oo asagu jegada Madaxweynaha wareegii ugu danbeeyey kula tartamay Shiikh Shariif ayaa asaguna hadal hayaa, walow warar ku dhow dhow ay sheegayaan inuusan xilkaasi diyaar u ahayn. Waxaa asaguna xilkaasi la sheegay u ololeenaya Maxamed Cismaan Aadam Edsan oo kamid ahaa musharaxiintii u taagnaa Madaxweynaha horeyna usoo ahaan qunsulka dalka Kenya, Edsan ayaa hada ku sugan magaalada Bosaso oo uu xalay kula kulmay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, ma jiraan illaa iyo hada cid la sheegay in dowlada Puntland ay si gaar ah u taageerayso. Balse waxaa jira xubno kale oo si weyn loo hadal hayo oo ayagu aan horey uga soo mid ahayn dowladihii hore oo uu kamid yahay Omar Abdirashiid Cali Sharmaake oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Abdirashiid Cali Sharmaake isla markaana la hadal hayo inuu kamid yahay xubnaha ay Beesha Caalamka sida weyn u daneenayso isla markaana taageero baaxadleh ka heli kara gobalada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Omar Abdirashiid ayaa ah nin da’a ahaan ay isku soo dhaw yihiin Shiikh Shariif, kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalalka Waqooyiga Afrika, isla markaana leh xiriir dheer oo diblumaasiyadeed oo dibada ah. Xildhibaanada ayaa qaarkood sheegay in Omar noqon karo nin siyaasad cusub kusoo kordhiya xukuumada cusub ee Shiikh Shariif. Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka oo Horseed Media u waramay ayaa sheegay in si weyn loo hadal hayo Omar Abdirashiid oo ay ku tilmaameen shaqi isku soo dhaweyn kara garabyada ka maqan Dowlada hada oo ay ku jiraan Puntland iyo waliba Somaliland. Waxaa ayaguna jira xubno kale oo badan oo la hadal hayo inay jegadaasi u ordayaan ayadoo aan la xaqiijin karin cida xilkaasi qabaneysa illaa uu ku dhawaaqo Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed
-
Another day another new name. Gadaale is not in the radar, Galayr is, and so is Edson and Ina Abdirashid [former president of Somalia].
-
^^^You have no leg in this saxib, you can neither make nor deny anyone from Puntland getting the PM position. Stick to Hiiraale, Maslah and others.
-
^^^Dont mind ME, he does not know what he is most of the time, let alone make a comment on the Duke. I agree with Emperor, no one should be picked because he is a Puntlander
-
I agree with Somali-Pirate and others on this one. Why would you invite someone, let it be known and then kill him? Would you not be the main culprit. This is proves that Al Shabaab did not do this act and there is some other group behind it. Its a high profile hit and would generate anger and excitment against Al Shabaab. It does not make sense.
-
NABAD: It could be GADAALE. Shiekh Mohamed Sheikh Osman has been mentioned, two other names include a dude from Mudug, and one who is based in Libya all Puntlanders.
-
^^^lool. You got the wrong website this is not the same as Xubsireeds. The rumours are swelling for a Puntlander as PM.
-
Warbixin Gaabn: Adis-ababa,Djibouti, Garoowe.Ra'iisalwasaaraha soomaliya oo ka imanaya Puntland. Isniin 03. 02. 2000 London(allidamaale.com)Warar ku dhow xaqiiqda oo laga soo xigtey dad ay wada shaqeeyaan Maaxweynha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa cadeeyey in uu Shariif damacsan yahey inuu Ra'iisalwasaare u magacaabo nin aan magaciisa la sheegin oo Reer puntland ah,ninkaan ayaa ah nin madexweynihii hore Mudane Cabdulaahi Yusuf ay isku beel yihiin,Wararkaan ayaa laga soo xigtey Adis-ababa iyo Jabuuti maanta, sidoo kalena waxaa arinkaan suurta gal ku tilmaamay ilawareedyo ku sugun Magaalada Garoowe. wararku waxeey intaas ku darayaan in xiriirkii hore oo u Madaxwyne Shariif la sameyay Maamulka Puntland fashil ku dhamaaday, balse markuu tagay Adis-ababa loo kala dabqaaday,asgoona horay usii kaxeestay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo kasoo jeeday Puntland. ilo xogo gaal ah oo warbixin naga siyay qaab doorosheedkii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa noo sheegay in u jiray loolan dheer iyo hardan kadhex dilaacay xubnihii baarlamnka Somaliya kuwaaso kala watay Ra'sul wasaarihii hire ee Dowlada Federaalka Somalia Nuur Cade iyo Sheekh Shariif oo isagu hagaaminayay Mucaaradka lagu balaariyay Baarlamaanka, waxaana sidoo kale qeeyb ka ahaa loolankaasi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallaha oo ku hanweynaa inuu soo boxo Nuur Cade,ayaa dhinac kalena Gacnta Qarsoon ee walaaqda Somalia ay riixayeen Sheekh Shariif. isku soo wada duuboo Madaxweyne shariif ayaa xiriirkiisi ugu horeeyay doorashadiisi ka dib la sameeyey Puntland,waloow markii koowad surta gali wayday ayaa hadan warar hoose sheegayaan in wadahadalkii labaad waxyaabo badan isku afgarteen isaga iyo puntland, waloow ay jiraan shuruudo la hordhigay Shariifka,ayaa hadana waxaa cadaadis adagi u ka heystaa Shariifka rag badan oo ay isku xisbi ahaayeen balse ay wixii ka danbeeyay doorasdhada kala shaki soo kala dhex galay. Qorshaha madexweynaha ayaa ah inuu sameeyo qorshe balaaran oo isbadal weyn keena iyo tanaasulaad badan,wararka qaar waxey sheegayaan in madexweynuhu uu xitaa xiriir la sameeyey Alshabaab oo ay wadahadalo u socdaan. sidoo kalena uu rag u drey grabka casmara, balse lama saadaalinkaro waxa kasoo bixi kara isku dayadaasi.
-
Xisbul Islaam. a new organisation is created, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Raaskambooni group + Asmara wing of Cumar Imaan + Canoole = Xisbul Islaam. Chairman.Cumar Imaan [Xasan Dahir's man] Deputy Chief. Xasan Turki. Xiin, adeer the Sharif is taking an opposite position to these folks. Xasan Dahir has already made it clear its war and so have those in Kismayu and thus this is another setback. What madness.