
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Qarax Ismiidaamin oo dilay 10-qof 24 May 24, 2009 - 7:29:31 AM Ugu yaraan 10-qof oo 6 ka mid ah ay yihiin askarta dowlada ayaa ku dhintay gaari miinaysan oo ku qarxay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo ku yaala xaafada Xamar-jajab, iyadoo qaraxaas laga maqlay inta badan Muqdisho. Gaariga qarxay oo la sheegay inuu ahaa TOYOTA SURF, waxaana uu qaruxu yimid markii askari ka mid ah kuwii albaabka xeradaas ilaalada ka hayay uu xabad ku dhuftay ninkii gaariga waday kadibna uu gaarigu qarxay. "Lix askari oo ka mid ah ciidankeena ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee lala beegsaday xeradan, waxaana ku jiray askarigii xabada ku dhuftay ruuxa isqarxiyay iyo dhowr askari oo waardiye ahaa" ayuu yiri Col. Cismaan C/llaahi Cagey oo ka mid ah taliyeyaasha xarada la weeraray oo ku taala kaydkii hore ee shidaalka. Dadka kale ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa ruuxii isqarxiyay, laba qof oo goobta marayay iyo haweeney waayeel ah oo qayb ka mid ah qaraxa uu ugu tagay gurigeeda oo ku yaala agagaarka xerada. "Sagaal qof oo afar ka mid ah ay yihiin askartii xeradaas ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa ismiidaaminta ah, midi waxay ahayd haweeney inta kalena rag" ayuu mar kale yiri Col. Cagey. Wariyeyaal booqday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen qaybo ka mid ah jirka ruuxii qaraxa fuliyay iyo suunkii uu xirnaa oo ay ku tixan yihiin gumacyo loogu talogalay inay qarxaan, balse aan qarxin. Askartii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la gaarsiiyay Isbitaal ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Adan Adde, iyadoo dhaawacyada qaarkood la sheegay inay yihiin halis. Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweye oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso kooxda Al-shabaab, looguna talogalay in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. "Ruuxa qaraxa fuliyay wuxuu ahaa ruux cadaan ah oo aan dalka u dhalan" ayuu yiri Shaaweeye oo sheegay inay hayaan cadeymo ku aadan arintaas, ayna saxaafada u soo bandhigyaan markii uu dhamaado baaritaano ay wadaan. Qaraxan ayaa kusoo beegmay xili ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhaceen Muqdisho dagaalo u dhexeeya mucaaradka iyo dowlada, kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac gaartay dad badan oo rayid ah. GAROWE ONLINE
-
Garowe: State wide vaccination program starts: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
source
-
^^^Did he join Al Shabaab and thus the need to bomb the Market?
-
Garowe: State wide vaccination program starts: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha PL oo xariga ka jaray Maalmaha Caafimaadka CAruurta Garowe Madaxweynaha DGPL Dr C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole ayaa maanta ka qeyb galay munasabad balaaran oo xariga lagaga jarayay Barnaamijka Maalmaha caafimaadka Caruurta iyo Hooyada oo lagaga talaalayay caruurta u dhaxeysa da’dooda 5ilaa iyo halsano, waxaana munaasababadaasi goob jog ka ahaa wasaarada Caafimaadka DGPL iyo Hay’adihii soo agaasimay oo ay ka mid ahaayeen Unicef iyo WHO . Dhamaan masuuliyiintii halkaasi kelmadaha ka soo jeediyay ayaa waxaa hadaladoodii diirada lagu saarayay hadafka Talaalkan oo lagu sheegay in uu ka duwan yahayu talaaladii horay oonay ka qeyb galayaan 3kun oo shaqaale ah iyo Gaadiid ku dhowaad 300 Gaaraya kuwaas oo dhamaanta gobolada oo dhan ku fidsan. Masuulka wasaarada Caafimaadka DGPL oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay faaiidooyinka uu ay leedahay Daawada Booliyadgu isagoo sheegay in 3bilood uu xirnaa balse hada la soo daayay ayna ka faiideysanayan caruurta Da’dooda u dhaxeyso 5sano ilaa sanad. Sidoo kale waxa xisid mudan in halkaasi ay hadalo ka soo kala jeediyeen masuuliyiin ka socday Hay’adaha Unicef iyo WHO kuwaas oo iyana tilmaamay Barnaamijkan loogu magacdaray Maalmaha caafimaadka Caruurta iyo Hooyada uu yahay mid cirib tir u ah cudurada dilaaga caruurta ku dhaca. Madaxweyne C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna ka hadlay faaidooyinka Talaalka caruurta uu leeyahay, waxaana uu ku ibaraarujiyay Hooyooyinka iyo waalidiinta caruurta dhalay in ay ka faa ideystaan Talaalkan loogu keenayo guryahooda. C/naasir Yaasiin Salaad SBCInternational- Garoowe -
Garowe: State wide vaccination program starts: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xaflado ku aadan Maalmaha Caafimaadka Caruurta oo ka dhacay Bosaso & Qardho Xaflad furitaan ah oo lagu maamuusayo talaalka caruurta iyo hooyada oo halku dhigiisuna uu Yahay fariimaha caafimaadka ee howlgalka maalmaha caafimaadka caruurta ayaa maanta lagu Qabtay magaalada Boosaaso. Talaalkan oo bilaaban doona maalinta bari ah ayaa waxaa uu socon doonaa mudo shan Maalmood.waxaana xafladaas furitaankeedii ka soo qaybgalay mas,uuliyiin ka kala Socota Maamulka Puntland,hayadaha Unicef iyo Who iyo dadweyne fara badan oo ay socdeen Odoyaal iyo waxgarad. Ugu horayntii waxaa xafladaasi ka hadashay madaxa xafiiska Unicef ee Puntland Aamino Maxamed oo iyadu ka warbixisay ahmiyada uu xambaarsan yahay talaalka ciribtirka dabaysha Ee loogu magac daray Maalmaha Caafimaadka Caruurta iyo Hooyada.haweenaydaas i oo Haysata Diinta Islaamka ayaa sheegtay in diintu ay farayso dadka caafimaadka loona baahan Yahay in ay ka faaiidaystaan dhamaan dadka ku nool Deegaamada Puntland. Talaalkan oo ay la socdaan daawooyinka Vit A,Gooryaan Tirtirid,Daawaynta Shubanka,Biyo Sifeeye iyo Naasnuujinta ayaa isna waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari All Xaaji Muuse Geele oo sheegay in dhamaan laga wada faaiidaysan doono barnaamijkan cusub oo ay Fulinayso hayada Unicef. Barnaamijkan oo laga fulinayo goobo fara badan oo ku yaala magaalada boosaaso ayaa Waxaa xafladaasi Dhibicdii ugu horaysay oo talaalkan ah afka ka siiyay Ilmo ka yar hal Sano Wasiirka Amniga DGPL general Cabdulaahi Saciid Samatar oo markaasi ka dhigaysa in uu Daaha ka rogay Furitaanka Maalmaha Caafimaadka Caruurta oo isagu ka duwan talaaladii Hore. Barnaamijkan oo qaybtiisa labaad bilaaban doona 06-06-09 ilaa 10-06-09 ayaa ka howl galaya shaqaala gaaraya 2496 Teem ahaan 230 waxaa kaloo daawada qaadanaya hooyooyin Gaaraya 208,050 Caruur 198,137 waxaa sidoo Kale ka hadlay masuulka Wasaarada Caafimaadka Puntland u Qaabilsan Barnaamijkan Xasan shire oo isna xusay Wasaaradooda ay Awooda saareen barnaamijkan .waxaa kaloo xafladaasi joogay Madaxa barnaamijka talaalka Soomaaliya Cimraan iyo Madaxa qaybta Caafimadka Unicef iyo Wakiilka Hayada Who ee Gobolka bari Faarax Cusmaan. Dhanka Kale waxaa xaflad taasi la mid ah lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada iyo Hayadaha Unicef,Who,Safe The Children oo wakiilo ka socday iyada oo xafladaasina ay ka Dhacday xarunta Dowlada Hose. . Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Degmada Qardho Cusmaan Buux oo sheegay in dadweynaha qardho ay ka faaiidaystaan Barnaamijka Maalmaha Caafimaadka Caruurta . Barnaamijkan oo wacyi galintisa ay socotay maalmahan ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Madaxa MCH Qardho Faaduumo Nuur Shire oo iyadu si gooni ah u xustay in koox walba Gurigooda loogu gayn doono talaalkan. Ugu danbayntii Barnaamijkan ayaa ka wada hirgali doona dhamaan deegaamada puntland Kaasoo talaalkan uu ka duwan yahay kuwii hore. Maxamed Cali Iimaan SBCInternational- Boosaaso -
Garowe: State wide vaccination program starts: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dr Bashir Ali Bixi MD. & Health Minister of Puntland. -
Female Medicine & public health students Talaal ka bilowdey Puntland, Isbitaal la dhagaxdhigey 23 May 23, 2009 - 12:04:19 PM Ardada Iskuulka Cafimaadka Garowe Waxaa maanta 23 May,2009 degaamada maamul goboleedka Puntland hoos yimaada ka furmey barnaamij la yiraahdo maalmaha caafimaadka Caruurta kaas oo ay iska kaashanayaan maamul goboleedka Puntland, UNICEF IYO WHO. Barnamijkaan maalmaha Cafimaadka Caruurta ayaa waxaa uu ka kooban yahay talaal looga hortago cudurada jadeecada, dabeysha iyo teetanada kaas ay ku jirto Hooyada caruurta dhashay. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Biixi Goojooyinka la siinayo Caruurtaan ayaa waxaa sidoo kale ku jira Vitamin A oo looga hortagayo Indhabeelka, Gooryaano laga soo ridayo Caruurta, kiniini biyaha nadiifiya iyo wacyi galin Guud. Adeegan ayaa waxaa la gaarsiin doonaa iyada oo hayáda UNICEF maalgalinta leedahay 230,000 Caruur ah iyo 300,000 Hooyo. howl wadeeno ka qayb qaadnaya Talaalka Ololahaan oo ah midkii ugu horeeyey oo laga hirgaliyo maamul goboleedka Puntland laga hirgaliyo intii uu jirey ayaa waxaa xarunta PDRC ee magaalo madaxda Garowe talaalkii ugu horeeyey Ilma yar ku siiyey Madaxweynaha Puntland iyada oo halkaas ku sugnaayeen howlwadeenada Wasaarada Cafimaadka kuwasoo horkacayey shaqaalaha 5 maalmood ka qayb qaadan doona hirgalinta Talaalkaan. Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland ka dalbadey in si buuxda uga qayb qaataan Ololaha talalkaan isaga oo sheegey in ay tahay mas'uuliyad diimeed iyo mid Waalidnimo. Talaalkaan oo socon doona 5 Maalmood ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 3000 howlwadeeno halka gawaarida gaareyso 430. Madaxweynaha Pl oo dhagax dhigaya Isbitaal Dhinaca kale waxaa maanta Madaxweynaha DGPL dhagax dhigey Isbitaal cusub oo loo dhisayo dadka Dhimirkooda wax u dhiman yahay kaas oo ku yaala duleedka magaalo madaxda DGPL. Munaasadbadaan dhagax dhiga ah ayaa waxaa goob joog ahaa Gudomiyaha gobolka Nugaal, Gudoomiyaha degmada Garowe, madaxa hayáda daryeelka bulshada iyo mas'uuliyin sare oo kale. Isbitaalkan oo dhismahiisa ka qayb qaadan doonaan dowlada Puntland iyo Ganacsato ayaa 20,000-kii dollar ee ugu horeysay waxaa baxshay Shirkada Dahabshil. Maamulka cusub ee Puntland ayaa tan iyo intii uu xilka qabtey waxaa u suurta gashay in ganacsatada Puntland kasoo qayb galiyo hurumarka gobolka. Ganacsatada Puntland kuwooda ku sugan Bosaso ayaa bilihii lasoo dhaafey balan qaadey in ay dhisayaan Isbitaalka Bosaso oo laga dhigayo Labo Dabaq halka shirkada Golis ay sameyneyso calaamadaha wadada dheer ee isku xirta Puntland. GAROWE ONLINE
-
Somalia: 45 people killed in single-day Mogadishu violence 23 May 23, 2009 - 6:15:24 PM MOGADISHU, Somalia May 23 (Garowe Online) - The death toll from street battles in Somalia's war-torn capital Mogadishu has reached at least 45 deaths, with locals fearful of renewed clashes between government forces and insurgents, Radio Garowe reports. Spokesmen for the government and the insurgents have declared conflicting statements on Mogadishu media, with a government military officer claiming government security forces "retreated from captured positions" as part of a military tactic. "We have pushed back our [government] forces from captured positions…but that does not mean the war is over," said a military officer identified only as Col. Farhan. He indicated that the Somali interim government was "intends to use force to expel the armed opposition" and to secure Mogadishu. But a spokesman for the anti-government Hizbul Islam faction rejected the government's claim, telling reporters that Islamist rebels now "control new areas." "We defeated the Djibouti Group [the government] and we are not ready for war but we were attacked and we defended ourselves," said Muse Arale, spokesman for Hizbul Islam. Human and vehicle traffic resumed in parts of Mogadishu where at least 45 people were killed and 155 wounded in yesterday's armed clashes, described as the worst single day of violence since Sheikh Sharif Ahmed was elected Somali President at the conclusion of U.N.-sponsored peace talks in Djibouti last January. The acting chairman of Mogadishu-based human rights group Elman, Mr. Ali "Fadhaa" Sheikh Yasin, told reporters Saturday that 234 people were killed or wounded during yesterday's fierce clashes. "We have counted 53 deaths and 181 wounded persons, according to information collected from witnesses and hospitals," Mr. Ali Fadhaa. He urged the warring sides to stop the violence, while declaring that "fighting among civilians is a war crime." On Saturday afternoon, there were reports of bombardment as government forces and insurgents exchanged mortar shells in parts of Mogadishu, including explosions at Bakara Market. Local radio stations reported three deaths and more than 10 wounded, although the reports could not be independently confirmed. President Sheikh Sharif's interim government is the 15th attempt by the international community to restore national order since the outbreak of the Somali civil war in 1991. Source: Garowe Online
-
Xisbul Islaam Oo Sheegay Inay Qabsan Karaan Villa Somaliya. 22 May, 2009 02:41:00 Toronto t. Font size: Xasan Mahdi oo ah afhayeenka Xizbul-islam ayaa sheegay in dagaalada ay wadaan ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen oo ay doonayaan in ay arimo siyaasadeed soo gabagabeeyaan ka hor inta aysan weerar ku qaadin Madaxtooyada Dawladda oo cid ka celinaysaa aysan jirin sida uu sheegay. "Waxaan madaxtooyada u gali la’anahay ama u qabsan la’anahay waa arimo siyaasadeed ee cidna nagama horjoogto waxayna noo jirta hal kilo Mitir” ayuu yiri Xasan Mahdi. Waxaa kaloo uu sheegay in dagaalku uusan joogsan doonin ilaa laga saarayo waddanka Ciidamada UMISOM ee kusoo duulay wadanka lana rido dowladda la dhoodhoobay, waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidamada UMISOM ayaa waxaa ay u hayaan dawaladda howlo muhiim ah oo lagu xifdinayo amniga madaxtooyada, Airoporka iyo dakadda taasoo lafilaayo inay ku mitidi doonaan wax walba haday dhacaan oo ay ka difaaci doonaan xoogaga mucaaradka.
-
Asmara: War Criminal Aways returns to Eritrea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^He will come back, also note his children and family are safe while he is killing the children and families of Mogadishu and Somalia. Shame on you the worst warlord/criminal in Somali history. -
Why is Sharif Ahmed Shelling the Bakara?
-
Asmara: War Criminal Aways returns to Eritrea
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Aways the "Mujahid" returns to Asmara after starting hell in Mogadishu. War criminals and their pathetic supporters. -
Muqdisho:Hogaamiyaha mucaaradka Xasan Dahir oo safar kadis ah ku aaday Asmara 23. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in hogaamiyaha mucaaradka Xasan Dahir Aweys uu u safray magaalada Asmara ee dalka Eritrea . Xasan Dahir oo maalmahan shirar is daba joog ah iyo abaabulo ka waday Muqdisho ayaa la waayey hawlihi iyo kulamadi uu waday , waxaana warar la helayo ay sheegayaan in uu u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo uu horey uga yimid xaruntiisa dhexana ay ahayd. Xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ee uu madaxda ka yahay oo aan socdaalkiisa weydiinay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahiyan ama ay xaqiijiyaan in uu tagay. Xasan Dahir oo markii uu Mudisho yimid dib u habeyn ku sameeyey xoogaga mucaaradka gaar ahaan Xisbul islaam ayaan la ogeyn waxa uu ugu laabtay Asmara . Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
-
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
NN: I dont muc care for both but the blame is on both. Sharif AHmed lead, funded and encouraged those ****** for the past 5 years. Now he is shelling the city and has to answer for such crimes. Xasan dahir is our very own Hitler. Though Hitler was much more braver -
War deg deg ah: Faahfaahin ku saabsan Madaafiicda lugu gaaracayo Suuqa Bakaaraha, dhinacyada mucaaradka oo hadlay & dowladda diiday in ay ka hadasho...Warbixin.. . 23. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Warar faahfaahsan ayaa AllPuntland ka soo gaaraya madaafiicda ku dhaceyso gudaha Suuqa Bakaaraha iyo dagaalada qaar ka socda magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka aanu nabadu ka jirin ee Soomaaliya. Saraakiisha Caafimaadka ee ku sugan goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in cusbitaalada la keenay dad qaba dhaawacyo kala duwan oo laga keenay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada. Madaafiic-da ku dhaceysa gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka soo dhaceysa Aqalka Madaxtooyada & wadada Sayidka oo ah goob aan wax badan ka fogeyn Suuqaasi, waxaana madaafiicdan ay ka dambeysay markii uu dagaal goos-goos ah ka bilowday goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dhinacyada kala duwan. Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa AllPuntland ugu sheegay khadka Telfoonka in uu hal-mar maqlay daryanka Madaafiicda waa weyn oo ku soo dhaceysay gudaha Suuqa, isagoo sheegay in uu hubo dhimashada 5 qof oo shacab ah oo uu sheegay in ay haween ku jiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dagaalkan iyo madaafiicda ay adeegsatay, waxaana Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi uu ka gaabsaday in uu jawaabo telkiisa oo dhacaya aana la qabaneyn. Sidoo kale Afhayeenada Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaaladan iyo sababta keentay in Suuqa dadweyne ay ku ganacsanayaan madaafiic lugu rido, xili ay ganacsatada iyo dad badan ka cowdeen madaafiicdan. Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo ay la xiriirtay AllPuntland waxa ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay soo qaaday weerar fashilmay, ayna sidaas ahaayeen madaafiicda lugu garaacay Suuqa Bakaaraha. Xubin ka tirsan Al- Shabaab magaciisana ku sheegay Sheekh C/laahi ayaa sheegay in ay dowladdu qorsheysay weerar baaxad leh, ayagoo doonayay in ay ka faa'iideystaan kala badalid ciidan lugu sameynayay balse ay ku guuldareysteen oo ay ka war-qabeen waxa qorsheysan. F. C. Geylan AllPuntland
-
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Emperor: This thread and others will delve deep into these two criminals past. So far we have clear violations of human rights. Leading militias into war in heavily populated areas. Even today who shelled the Bakara market? -
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
War deg deg ah: Faahfaahin ku saabsan Madaafiicda lugu gaaracayo Suuqa Bakaaraha, dhinacyada mucaaradka oo hadlay & dowladda diiday in ay ka hadasho...Warbixin.. . 23. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Warar faahfaahsan ayaa AllPuntland ka soo gaaraya madaafiicda ku dhaceyso gudaha Suuqa Bakaaraha iyo dagaalada qaar ka socda magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka aanu nabadu ka jirin ee Soomaaliya. Saraakiisha Caafimaadka ee ku sugan goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in cusbitaalada la keenay dad qaba dhaawacyo kala duwan oo laga keenay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada. Madaafiic-da ku dhaceysa gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka soo dhaceysa Aqalka Madaxtooyada & wadada Sayidka oo ah goob aan wax badan ka fogeyn Suuqaasi, waxaana madaafiicdan ay ka dambeysay markii uu dagaal goos-goos ah ka bilowday goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dhinacyada kala duwan. Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa AllPuntland ugu sheegay khadka Telfoonka in uu hal-mar maqlay daryanka Madaafiicda waa weyn oo ku soo dhaceysay gudaha Suuqa, isagoo sheegay in uu hubo dhimashada 5 qof oo shacab ah oo uu sheegay in ay haween ku jiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dagaalkan iyo madaafiicda ay adeegsatay, waxaana Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi uu ka gaabsaday in uu jawaabo telkiisa oo dhacaya aana la qabaneyn. Sidoo kale Afhayeenada Madaxweynaha & Raysalwasaaruhu waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaaladan iyo sababta keentay in Suuqa dadweyne ay ku ganacsanayaan madaafiic lugu rido, xili ay ganacsatada iyo dad badan ka cowdeen madaafiicdan. Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo ay la xiriirtay AllPuntland waxa ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya in ay soo qaaday weerar fashilmay, ayna sidaas ahaayeen madaafiicda lugu garaacay Suuqa Bakaaraha. Xubin ka tirsan Al- Shabaab magaciisana ku sheegay Sheekh C/laahi ayaa sheegay in ay dowladdu qorsheysay weerar baaxad leh, ayagoo doonayay in ay ka faa'iideystaan kala badalid ciidan lugu sameynayay balse ay ku guuldareysteen oo ay ka war-qabeen waxa qorsheysan. F. C. Geylan AllPuntland -
I have already outlined my terms to the Sharif, he has performed badly and our stance is that this man who has already committed war crimes may have deceived the likes of Xiin who are blindly hero worshiping the man, but as a student of history I find it pathetic the excuses these individuals are making on SOL.
-
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiin it seems like a mad man you are having dialogue with yourself. The topic is not about the Duke, it’s about these two war criminals that have caused and continue to cause much death and destruction. -
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiin: Adeer you are what they call a hypocrite, I am not here for personal issues, the topic is clear since 2004 these two men have waged war inside Mogadishu and theY wage it still today. :mad: How many have died for their ambitions and fake religious stance. You Xiin are but an illinformed puppet. -
Sharif Ahmed Xasan Dahir should be Indicted for war crimes
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thus you are happy with these two being brought to justice? -
Sheikh hotel arms his sub clan + warlord M. Dhere led the war today
General Duke replied to Emperor's topic in Politics
^^^lool. You are going insane now you can read the Duke;s thoughts? Give us a break, you sound desperate and that is not cool.