General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^America is budging for Somaliland? on display is the madness of our Somali secessionists at its best.. I hope Oodweyne is doing well and hope to see him in the forum soon inshaAllah..
  2. Kulan Baarlamaan oo baaqday 27 Oct 27, 2010 - 9:49:47 AM Kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka DF ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Somalia Max’ed C/llaahi Max’ed [Farmajo], waana kulankii labaad oo baaqda, kaasoo lagu codka loogu qaadi lahaa ra’iisul wasaaraha uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed. Mudanayaasha, ayaa waxay sheegeen in lagu wargeliyay in kulanku uu u baaqday sababo dhinaca farsamada ah, iyagoo sheegay inaanay ogeyn xiliga uu qabsoomayo, waana kulankii labaad oo baaqda, kaasoo la sheegay in lagu ansixin lahaa Ra’iisul wasaaraha Somalia. Xildhibaanada DF, ayaa waxay weli si weyn ugu kala qaybsan yihiin qaabka ay codeyntu u dhacayso, iiyagoo la kala safan Madaxweyne Sh. Shariif iyo Shariif Xasan Sh. Aadan, iyadoo aanay jirin wax heshiis ah oo weli ka gaareen kala fikir duwanaasha. Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, ayaa la sheegay inuu diidan yahay in kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha Somalia, halka Madaxweyne Sh. Shariif uu doonayo in kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha. “Ra’iisul wasaaruhu, waxay howshiisa bilaabanaysaa markii la ansixiyo” ayuu Sh. Shariif ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray, iyadoo Maxkamada sare ay go’aan ka gaartay qaabka ay ku dhacayso codeynta, iyadoo go’aamisay inuu noqdo mid gacan-taag ah. Madaxweyne Shariif iyo Afhayeenka baarlamaanka ayaa waxay kulamo ku yeesheen Villa Somalia labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo aanay wax natiijo ah ka gaarin, taasoo sababtay in khilaafkooda ay beesha calaamku ku sameyso faragelin toos ah. Xildhibaanada, baarlamaanka Somalia ayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan u codeynta Ra’isul wasaaraha cusub , kaasoo muran uu ka dhashay kalsooni siintiisa, waana mas’uul ku cusub saaxada siyaasada Somalia. GAROWE ONLINE
  3. Madaxwaynaha Puntland oo maantey qado sharaf u sameeyey Dhakhaartiirtii iyo Warbixin guud oo ku saabsan hawlgadii Caafimaad ee ay Gaalkacyo kasoo qabteen ( Sawiro) Posted by admin on October 27th, 2010 Garowe: Magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland ayaa maantey duhurkii waxaa soo gaarey Wafti balaaran oo ah dhakhaatiir Caalami ah kuwaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame,(Sawirada hoos ka daawo) waftigan ayaa kasoo baxay Gaalkacyo hiirtii waaberi ee saaka waxayna soo mareen dhulka iyadoo ay cagta soo mariyeen degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal isla markaasna waxay xariga ka jareen Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kadib markii uu Wasiirka Caafimaadku ku sharfey inay xariga xarunta ka jaraan Dr. Ozdal Etlic madaxa waftiga dhakhaatiirta Rajada iyo Qusulka guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Turkiga Sermed Setin. markaas kadib ayaa waxaa ay wafigu qayb qayb u galeen dhismaha xaruntani ka kooban tahay oo hada intiisa badani ay qabyo tahay, isla Xarunta Buurtinle ayaa dhakhaatiirtu waxay goob joog ka ahaayeen Neef Geel ah oo ay ugu tabaruceen in loo qalo dariska Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kuwooda liita iyadoo Neefka Geela ahna lagu bireeyey xarunta. Magaalada Garowe ayaa waftigu waxay ka heleen soo dhaweyn qurux badan oo ay si wadajir ah usoo abaabuleen Maamulka degmada Garowe, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaarada Maamul wanaaga iyo haweenka iyadoo shacabkuna ay si weyn uga qaybqaateen, waxaana waftiga lagala horyimid oo lagu soo dhaweeyey Calamada Turkiya, Puntland iyo Soomaaliya waxayna dadku qabeen dhar hide iyo dhaqan ah una badnaa kuwo cad cad sidoo kale waxaa jirey dad kusoo labistey calanka dawlada Puntland. waftigu soo dhaweyntaas way ka mahadceliyeen waxayna markaas usoo gudbeen magaalada iyadoo la dajiyey Hotel horey loogu diyaariyey. Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waftiga maantey u sameeyey casumaad sharafeed qado ah, waxayna u dhacdey si wanaagsan iyadoo casumaaduna ay ka dhacdey guriga Madaxtooyda, halkaas waxaa waftiga si diiran ugu soo dhaweeyey Madax-waynaha Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame ayaa madaxway-naha uga warbixiyey waftiga dhakhaatiirta ah hawsha ay kasoo qabteen magaalada Gaalkacyo iyo sida ay ugu dhiiran yihiin inay habeen iyo maalin u shaqeeyaan shacabka reer Puntland ee doonaya inay ka faa’idaystaan Ololahan ay dhakhaatiirtu ku kaalmeynayso Dawlada Puntland iyo shacbigeeda. wasiirka caafimaadku waxaa uu madaxwaynaha u sheegay in waftigu ay hawl culus oo adag kasoo qabteen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo uu carabka ku dhuftey in ay dhakhaatiirtu qaabileen 1205 qof oo bukaan ah. bukaanada qaliinka loo sameeyey ayaa gaarayey 214 qof oo isugu jira qaliimo fudud iyo kuwo culus oo horey wax looga qaban waayay, dadka intiisa kale ayaa adeegyada loo sameeyey waxaa ka mid ah Indhaha, Ilkaha, daaweynta cudurada ku dhaca Dhagaha, Sanka iyo Cunah, daaweynta cudurada Caruurta, Lafaha iyo Ilkaha. Wasiirku waxa uu hadalka siiyey markaas Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana Madaxwaynuhu uu si diiran ugu soo dhaweeyey dhakhaatiirta turkida ah Puntland, isagoo u sheegay in dalkani yahay koodii labaad, madaxwaynuhu waxa uu waftiga uga sheekeeyey taariikho waayo waayo ahaa oo ay lahaayeen Soomaalida iyo dawladii Ottaman Emipre ee Turkiga oo quwad weyn ahayd oo caalamka ku fidsan. Madaxwayne C/raxmaan Maxamed waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in maantey dadkiisa wax loo qabto isla markaasna ay hawshaas u fuliyeen dhakhaatiir ka yimid dal Islaam ah oo ay saaxiibo yihiin Soomaaliya, isagoo sheegay madaxwaynuhu in bishii May ee sanadkan uu ka qaybgalay shirweyne ka dhacay wadanka Turkiga oo ku saabsanaa arimaha Soomaaliya uuna la kulmey intii uu joogey Stanbul madaxda Hay’ado waa weyn oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo Samafal oo Turki ah isla markasna ay ka wada hadleen sidii ay uga saacidi lahaayeen Puntland adeegyada aasaasiga u ah jiritaanka umad kuwaas oo ah Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhinacyada hormarinta. Madaxweynuhu waxaa uu fariin mahadnaq iyo bogaadin ah u direy Madaxda dawlada Turkiga iyo shacabka kuna aadan sida ay u doonayaan inay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadley Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Stanbul Sermet Setin oo isagu ah nin dalkaas kasoo jeeda isla markaasna wakiil u ah dadka iyo dawlada Soomaaliyeed hogaaminayayna waftigan, waxaana uu masuulkan sheegay in siweyn oo aan la filan karin in loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe isagoo sidoo kale sheegay in dadku ay meelo fog kaga horyimaadeen iyaga oo wata calamada Soomaaliya iyo Turkiga iyo boorar lagu xardhey erayo soo dhaweyn ah isla markaasna ay dadku wateen codbaahiyeyaal ay gabayo iyo heeso soo dhaweyn ah, arimahaas oo dhan waxaa uu mahadcelin iyo salaan u jeediyey shacabka iyo Madaxwaynahahooda C/raxmaan Faroole waxaana uu balanqaadey inuu geyn doono fariinta uu Madaxwaynuhu u jeediyey shacabka iyo dawlada Turkiga. Dr. Azdal Etllic oo ah madaxa Ururka UHDER oo dhakhaatiirtani ay ka socdaan ayaa isagu hadiyad qaali ah gudoonsiiyey Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, iyadoo hadiyadan ay ahayd mid ay bixiyey Ururka dhakhaatiirta Rajada ee Turkiga oo hawlgalkan caafimaad wada. Ugu danbeyntii waxay dhakhaatiirtu booqdeen Xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Isbitaalka guud ee Garowe oo ay mid walba kula kulmeen shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda Caafimaadka, waxaana labada shir ay ahaayeen kuwo siweyn loosoo agaasimey iyadoo shirkii ka dahcay xarunta Wasaaradda Caafimaadka uu Wasiirku uga warbixiyey waxqabadka wasaaradda Caafimaadka iyo baahiyaha dhanka Caafimaadka ka jira, waxaana kulanka Isbitaalku ahaa mid la isku barayey dhakhaatiirta Turkida iyo shaqaalaha Isbitaalka Garowe oo maalmaha soo socda ay wada shaqeyn doonaan, waxaana maamulka Isbitaalku sheegay inay diiwaan galiyeen dadkii dhakhaatiirtu ay wax u qaban lahaayeen oo gaaraya 1500 oo qof, marka ay dhameeyaan maalmaha ay joogayaan Garowe waxay dhakhaatiirtu u gudbi doonaan Gobalo kale oo ay isla shaqadan ka qaban doonaan hadii alle idmo. C/qadir Warsame Yuusuf Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Xarunta dhexe ee Garowe
  4. Go'aamo ka soo baxey Garowe 27 Oct 27, 2010 - 11:17:28 AM Wasiirka Wasaarada Hawenka Puntland Marwo Caasho Geele Shirkii haweenka Somaliyeed oo mudo sadex maalmood ah ka soconayay magaalada Garowe ayaa galabta 27.10.2010 waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta PDRC ee magaalada Garowe. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galeen haween Somalia oo kor u dhaafaya 150 kuwasoo ka kala yimid gudaha Somalia, dalalka Jabuti, Ethiopia, Kenya, Somalida ku nool Woqooyiga Amerika, Yurubta Galbeed iyo dalal kale. Dumarka Puntland oo ka qayb galey kulanka Haweenka Somalia Sidoo kale Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galey sadex dumar ah oo ka socda Barlamanka dalka Jabuti iyo haween kale ooo madax ka ah hay'adaha aan dowliga aheyn. Kulankaan galabta oo ku dhamaadey khudbado iyo sugaan kale duwan ayaa waxaa laga soo saarey go'aamo loogu magac darey baaqa Garowe [ Garowe Declaration] Qodobadaan ayaa waxaa kamid ahaa: 1. Dhimaha urur lagu magacaabo uruka dumarka Somalida ee aan xuduudka laheyn "Somali Woman Organization Without Borders" 2. In 25 Octber ee sanad walba ahaato maalin dumarka somalida meel walba ay joogaan u baroor diqaan dhamaan haweenka iyo caruurta sida xaq darada ah ugu dhintey dagaalka Somalia. Qaar ka tirsan Haweenka kulanka uga qayb galey Somaliland 3. Baaq ku wajahan dowlada Federaalka kaas oo dumarka Somalida ku dalbanayaan iney dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah. 4. Baaq ku wajahan beelaha walaalaha ee wada dagan Puntland kuwaasoo dumarka Somalida ka dalbadeen iney xaliyaan khilaafyada keena in isku dhacyo yimadaan. Goobta shirkaan lagu soo gabagabeeyay oo ahayd xarunta PDRC ayaa lagu soo bandhigay ciyaar dhaqmeed aad u wanaagsanayd taasi oo dhamaan bulshadii ka soo qayb gashay ay si wayn ula dhaceen. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay tahay wax si wayn loogu farxo maadaama haween Somaliyed oo inatan le'eg ay hal meel isugu yimaadaan. Mud. Juxa ayaa halkaas ka sheegey erayo Sugaan ah kuwaasoo uu ku cabirey baahida loo qabo in qaranki Somaliya mar kale dib loo dhiso. Ugu dambayntii gunanadkii shirkan ayaa waxaa ka hadashay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye waxayna si farxadi ka muuqata ugu mahad celisay dhamaan inta ka oo qayb gashay shirkan, iyadoo sheegtay hadii aysan tageero buxda ka helin dawlada Puntland uusan qabsoomi kareen shirkan. Marwo Caasha Geele ayaa gudoonsiisey dumarkii kasoo qayb galey kulankaas hadiyado uga timid Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo labadii maalmood ee laso dhaafey ka qayb galey shirwaynahaas. Dhageyso khudbadiihii laga akhriyey shirka dumarka Somalida
  5. Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee ka soconaaya magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen Haween ka kala yimid Koonfurta Soomaaliya,Somaliland,Puntland,Qaaradaha Africa,Yurub iyo Waqooyi America ayaa waxaa laga soo saarey qodobo hordhac ah. Hindo Siciid oo kamid ahayd Haweenka ka yimid qaarada Waqooyi America ayaa halkaas khudbad ay ka jeedisay ka akhriday qodobada hordhaca ah ee kasoo baxay mudada halka maalin u socday shirka.waxaana kamid ahaa qodobada; -In la sameeyo Sharci qeexaya sida Haweenku ay ka yeelan karaan Dawladdaha Sare,kuwa dhexe iyo sare -In Fursadooyin shaqo la siiyo dhalinyarada gacanta kula jira falalka Burcadbadeednimada iyo wixii lamid ah -In la horumariyo Xoolaha,Beeraha iyo Kheyraadka Badda si dhaqaale loo abuuro Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay go’aansadeen in la sameeyo Dalad lagu magacaabo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee xuduuda lahayn (Somali Women without Borders). Xubno haween ah ayaa sidoo kale kusoo biiray Shirka oo ka kala yimid wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Xildhibaand Caasho Dhubad Geele oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jabuuti oo hadal ka jeedisay Shirka ayaa sheegtay in marka hore ay salaan kawado Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo shacab Jabuuti ayna soo dhowaynayaan shirkaan oo kale iyo wax kastoo xal loogu heli karo xaalada Soomaaliya. Si kastaba shirka Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu soo gaba gabo maanta,waxaana kasoo bixi doona sida ay wararku sheegaayan qodobo badan. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
  6. Dhaakhaatiir Turki ah oo soo gaartey magaalada Garowe 27 Oct 27, 2010 - 7:33:09 AM Dhakhaatiirta Turkiga oo lagu soo djoweeyey Garowe 18 dhakhtar oo u dhashey wadanka Turkiga ayaa maanta 27.10.2010 soo gaarey xarunta magaalo madaxda Dowlada Puntland ee Garowe kadib markii muddo saddex maalmood ah ay ku suganaayeen magaalada Gaalkacyo . 23 bishan October 2010 ayey dhakhaatiirtan oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame kasoo degeen garoonka magaalada Gaalkacyo. Ardada Skuulada Garowe ka dhigata caafimaadka Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada caafimaadka Dowlada Puntland oo ka waramey socdaalka dhakhaatiirtan ayaa sheegey in magaalo kasta oo ku taal Puntland ay joogi doonaan muddo 3 maalmood ah ayna ka qaban doonaan baaritaano caafimaad iyo qaliin. Dhakhaatiirtaan ayaa isugu jirta kuwa ku takhasusey daaweeynta cudurada caruurta ku dhaca, dumarka, qaliinka lafaha, Indhaha, Ilkaha iyo daaweynta cudarada guud. Shaqaalaha Isbitaalka Garowe Imaanshaha dhakhatiirtaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Puntland booqasho ku uu tagey dalka Turkiga casumaad ugu fidiyey ururkaan dhakhaatiirta ah kuwasoo la yraahdo UHDER " Association of Doctors Hope." Dhinaca kale agaasime ku xigeenka Isbitaalka guud ee magaalada Garowe Cismaan Yusuf Maxamed oo Radio Garowe uga waramey diiwaan galinta maamulka Isbitaalka u sameeyey ayaa sheegey in ay diiwaan galiyeen tiro dad gaaraya 1000 qofood oo u baahan in laga daaweeyo cuduro kala duwan. Dadweynaha Garowe oo sita calanka turkiga Soo dhoweynta dhakhatiirtan ayaa waxaa ka qayb qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka tirsan golaha xukuumada Puntland & Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Garowe, aradada Iskuulada lagu barto culuunta caafimaadka iyo ururada dhalinyarada. Kooxdaan dhakhaaatiirta ah ayaa intii ay joogeen magaalada Galkacayo caafimaad baaris ku sameysay dad gaaraya 1300 dad kor u dhaafaya iyagoo qaliin ku sameeyey 150 qof oo 80 kmaid ah ahaayeen kuwo culus. Waa Markii ugu horeysay oo wafti dhakhaatiir intaa leeg yimaadaan Puntland kuwaas oo sameynaya adeegyo Caafimaad oo wax badan ka tari u dadka reer Puntland. GAROWEONLINE
  7. Wefdiga Dhakhaatirta Turkiga Oo Gaarey Magaalada Garoowe(Sawiro) October 27, 20100 comments| leave your own! Share Wefdiga Dhakhaatirta Turkiga ee dhowaan soo gaarey degaanada Puntland ayaa galabnimada maanta gaarey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Wefdiga oo uu hogaaminaayo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa kasoo ambabaxay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal oo ay maanta joogeen mudo saacado ah isla markaana booqdeen Isbitaalka degmadaas oo dhismo kusocdo. Masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland iyo maamulka degmada Garoowe ayaa meel dhowr kilomitir u jirta Garoowe kaga hortagay oo ay kusoo dhoweyeen,waxaana loo galbiyey halka loo qorsheeyey in ay deganaadan. Dhakhaatirta oo ka kooban 23-xubnood ayaa degaanada Puntland waxaa ay ka fulinayaan howlo caafimaad,waxaana ay kasoo fuliyaan wejigii kowaad magaalada Gaalkacyo. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
  8. Wasiirka Caafimaadka Iyo Dhakhaatiirti Turkiga Oo Garoowe lagusoo Dhaweeyay. Posted by Ali on October 27th, 2010 Garowe(Puntlandi.com);-Wafti dhaqaatiir ah oo kasocda Turkiga ayaa gaarey Maanta Duhurnimadii Magaalada garowe ee Caasimada Dowlada Puntland iyagoo ka yimid magaalada Gaalkacyo Waxaana ay kusii hakadeen magaalada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Waftiga ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey maamulka, Odayaasha ,Waxgaradka Culimada dhalinyarada ururada Haweenka iyadoo dadka lulayeen calanka wadanka Turkiga,waxaana qado Sharaf loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Ee Dowlada Puntland. Dhakhaatiirtan ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ay Howlo Caafimaad oo Balaaran ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame Iyo Dr.Osdel atlich oo ah madaxa dhaqaatiirta Turkiga ayaa Shir Saxaafadeed Xalay ay si wadajir ugu qabteen Magaalada Gaalkacyo Waxaa ay kusoo bandhigeen Howlihii Caafimaad Ee Magaalada Gaalkacyo laga fuliyay. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay In 1205 ruux ay la kulmeen dhakhaatiirta Turkiga ah Isaga oo uga mahad celiyay Waxqabadka dhakhaatiirtan Gaalkacyo ka fuliyeen oo Noqonaya Howlihi Caafimaad Ee ugu balaarnaa Tabarucaad ah Oo Gaalkacyo laga fuliyay. Ali Ahmed Abdi Ali@puntlandi.com
  9. Dhakhaatiirtii Turkiga oo uu horkacayo Wasiirka caafimaadka oo u kicitimey Garowe Posted by admin on October 27th, 2010 Garowe(Puntlandi.com) Isbitaalka Guud ee Garowe ayaa waxaa laga sugayaa maanta iney ka howlgalaan Dhakhaatiirtii turkiga aheyd, inkastoo Qorshuhu marii hore uu ahaa Bosaso iney ku hormaraan balse waxaa hada ay u kici timeen Garowe, Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Cali Cabdullaahi oo hor kacaya dhakhaatiirta ayaa maanta ka ambabaxey Gaalkacyo, waxeyna kusi hakanayeen buurtinle, iayagoo galabta tagaya magaalada Garowe. boqolaal Bukaan ah ayaa Isbitaalka Guud ee Garowe ku sugaya Dhakhaatiirta, waxyna maalmaha soo socda Dhakhaatiirtu ka howlgalayaan Isbitaalka Garowe, ka dibna waxey aadayaan Bosaso. Dadka lagu daweyn doono Garowe ayaa waxaa ka mid ah bukaan badan oo laga keeney Isbitaalka Buuhoodle, kuwasoo Dowlada Puntland ay u dirtey gaadiid gaara oo lagusoo qaado. Qado sharaf uu ka soo qayb galayo Madaxweyne faroole ayaa Dhakhaatiirta loogu sameeyey garowe, ineysan ka howl bilaabin Isbitaalka Guud ee Garowe sawirada dhowaan baan idiin soo gudbineynaa, puntlandi.com kala soco akhbaarta,wareysiyo, sawirop Video ku saabsan howlaha caafimaad ee wasaarada caafimaadka Puntland(Dhakhaatiirta Turkiga) ka wadaan Isbitaalada Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso
  10. Dawladda Sacuudiga ayaa la sheegay in ay aqoonsantahay labo maxjar oo ku yaalla dalka Soomaaliya gaar ahaan Maxjarada magaalooyinka Bosaaso iyo Berbera oo ku kala yaalla degaanada Puntland iyo Somaliland. Sarkaal ka tirsan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Sacuudiga ayaa saxaafada u sheegay in Sacuudiga uu aqoonsaday labadaas maxjar kadib markii dhowaan ay booqdeen wefdi Carbeed oo isugu jiraa dhakhaatir iyo khuburo. Cali Maxamed Axmed oo ah u qaybsanaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa sheegay in talaabadan ay horumar balaaran u tahay ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dhoofiya Xoolaha. Dawladda Sacuudiga ayaa dhowaan waxaa ay xayiraad dhanka xoolaha ka qaaday dalka Soomaaliya,waxaana xilligaan dekaddaha magaalooyinka Bosaaso iyo Berbera ay kasocdaan dhoofka oo siweyn looga dareemay. Horseed Media
  11. Kulankii loo balansanaa ee Baarlamanka Somalia oo baaqday iyo khilaaf kale Xili uu xalismay khilaafkii u dhexeeyay gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Dowlada ayaa hadana waxaa dib u dhac uu ku yimid kulan maanta oo arbaco ah lagu waday in ay isugu yimaadaan mudane yaasha baarlamanka Somalia. Sida uu u xaqiijiyeen xafiiska SBC International ee magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan baarlamanka waxaa baaqashada kulankaasi ee maanta u sabab ahaa ka dib markii ay soo baxday khilaafaadyo horleh oo u dhexeeya mudane yaasha baarlamanka taas oo ku aadan isla wixii ay ka heshiiyeen madaxda sar sare oo aheyd (in raiisul wasaaraha codeynta kalsoonida loogu qaado qaab gacantaag ah iyo in loogu qaado qaab qarsoodi ah) inkastoo ay ka heshiiyeen gudoomiyaha Baarlamanka Shariif xasan iyo madaxweyne shariif iyagoona isla qaatay in qaab gacantaag ah loogu codeeyo. “ma matalaan mudane yaasha baarlamanka labada nine e heshiiyay, heshiskooduna waa mid iyaga shaqsiyad u ah, xildhibaanaduna way ku kala qeyb san yihin qaabka ay isla qaateen labada masuul” waxaa sidaasi Barnaamijka Xulka wararka 24saac ee ka baxa SBC u sheegay xildhibaan Yaasiin Maxamed bucul oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya . Khilaafkan ayaa noqday mid maanta sabab u noqda kulan uu maalmo ka hor iclaamiyay gudoomiyaha Baarlamanka kaas oo qabsoomilahaa maali nimada arbacada ah oo maanta ku beegneyd, waxaana lagu waday in kulankaasi qaab gacan taag ah loogu codeeyo Raiisul wasaaraha cusub ee uu madaxweyne Shariic Soomagacaabay waa Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Si kastaba xaalku ha ahaatee waxaa isqabqabsashadan iska soo daba dheceysa ee ragaadiyay xukuumada DKMG ah siweyn uga xun Shacabka Soomaaliyeed ee hantaagaya in mar un ay arkaan dowlad kala dambeyn iyo nidaam leh, taasina ma muuqato iminka . Maxamed Shuuriye Barakaad SBC International Muqdisho.
  12. Originally posted by Beer-Gaal: ^^and you wanna make us beleive Barahlay is more peaceful than Laasqoray? Adeer again dont get angry for no reason, Baraxlay district, is not even part of the issue here, nor is it part of Puntland State. If you are talking about Galkacyo there is no comparison, since its the second largest city in all of Puntland and a city which two of the toughest and most well armed communities in all of Somalia reside together. Now faduma Jibril did well, and should not be attacked in any way for her effort.
  13. Ma Dhabaa Inuu Baaqday Kulankii Baarlamaanka 26 October, 2010 01:32:00 Isesos Font size: Waxaa lagu waday in maantay oo ah Arbaca ah uu qabsoomo ama uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka Kulankii kalsooni soonta Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay uga doodi lahaayeen cod siinta iyo kalsooni ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Warar goor dhoweyd aanu ka helnay qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii maanta lagu balansanaa ee uu horey ugu qabtay xilligani balanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib u dhac kuyimid. Xildhibaan Buule oo kamid ah Xogheynta Baarlamaanka ayaa saakay sheegay in kulanka baarlamaanka maanta lagu balansanaa laakiin uu dib u dhac ku yimid isaga oo xusay in dib u dhaca uu kayimid arrimo farsamo xumo awgii. Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Buule in weli aanan loo qaban waqti kale oo Baarlamaanka ay isugu imaan doonaan si loo qabto kulanka Baarlamaanka codka kalsoonidana lagu siiyo Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Kalsooni siinta ra'iisal wasaarahani cusub ayaa noqday culeyskii ugu weynaa ee abid lagu arko siyaasadda Soomaaliya, waxaana inta badan lagu eedeynayaa arrinkani in uu ka dambeeyo Shariif Xasan oo isagu doonaya in Madaxweynaha uu ku shaqeeyo amarkiisa ama ugu yaraan ay kala talo qaataan inkastoo Madaxweyne Shariif lataliyeyaal kale uu sameystay, kuwaasoo la sheegay iney yihiin 5 xubnood oo sida la sheegay iska leh go'aanada ugu dambeeyay waxeyna ka tirsan yihiin Xarakada Majmaca (Ala Sheekh).
  14. 'War crimes tribunal' Puntland President Abdirahman Farole told the crowd of Somali women from across Somalia and Diaspora communities including many Western countries that the world has neglected Somalia and the "war crimes" that took place. "The world created tribunals for Bosnia and other countries, but not Somalia…This is neglect. The organizers of war crimes and other massacres [in Somalia] must be brought to justice," President Farole stated strongly. He condemned Al Shabaab insurgents who have wreaked havoc in Mogadishu since 2006 and who "want to destabilize Puntland but have failed," according to Puntland's leader. "I declare victory over Al Shabaab terrorists who want to threaten Puntland's stability…we don't know if their local leader [Atom] is alive or dead," President Farole said, echoing the words of Puntland's top army Gen. Saeed Dheere who declared last week that Puntland troops seize the 'last insurgent outpost' in Galgala area of Puntland. International cooperation and support Puntland's president thanked neighboring countries and world governments for welcoming and hosting Somali refugees fleeing war and poverty since the early 1990s. "We want to especially thank the world governments like the U.S., countries in Western Europe, neighboring countries like Kenya, Ethiopia, Djibouti and Yemen…in Yemen, where I recently visited, the Somali people are suffering but the government [of Yemen] welcomes and helps them," President Farole said. He dismissed notions that Somalia's neighbors are also its chief enemies, saying: "When the [barre] dictatorship began its violent campaign against Somalis in Puntland, in Galkayo and Garowe areas, it was Ethiopia where the civilians fled to for safety. It was Ethiopia where civilians in Hargeisa and Burao fled when those cities were bombed…it was Ethiopia where Somali refugees fled when massacres erupted in Mogadishu in 1991." Puntland's leader welcomed the role of African Union peacekeeping troops (AMISOM) serving in Mogadishu, saying that it was Somali-on-Somali violence that ruined the country. "I welcome AMISOM troops who came to Somalia to help but I want to express my condolences for Somali civilians who died in the crossfire. But we must ask: who started shooting first?" President Farole said, while calling on anti-government insurgent groups like Al Shabaab to "surrender now" as they are unable to accomplish any objective. "We brought the destruction in Somalia by our own hands. We Somalis massacred each other. We wronged Somalia. We ruined Somalia," President Farole said, adding: "Let us forgive each other and then let us review our past errors." Puntland's president wished the Somali women's international conference to achieve a successful conclusion that helps advance the cause of peace and dialogue in war-torn Somalia. Located in northeast Somalia, Puntland has its own government with security forces and has been relatively stable since the outbreak of the Somali civil war in 1991. GAROWE ONLINE