General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Dalxiisayaashii ajnabiga ahaa ee ugu horeeyay ee yimaada Boosaaso inta la ogsoonyahay.

    By Garoowe,Puntlandpost Posted to the web 23-09-2003, 21:41:58

     

    Boosaaso,Puntlandpost:-Koox dalxiisayaal ah oo ka kooban shan ruux ayaa shalay ka soodegay Garoonaka Diyaaradaha ee Bandar Qaasim ee magaalada Boosaaso.

     

    Dal-xiisayaashaan oo u dhashay dalka Swedan ayaa waxaa garoonaka duyuuradaha ku soo dhaweeyay C/raxmaan Budul oo isagu ah nin reer Puntland ah balse haysta dhalasho Swedish ah, madaxna u ah urur samafal oo ka diiwaan gashan dalka Swedan lana yiraahdo Sofiha.

     

    kooxdaan oo ah dal-xiisayaashii ugu horeeyay ee soo booqda magaalada Boosaaso inta la ogyahay ayaa lagu dejiyay hotel International Village oo ah hotel cusub oo dhawaan laga furay duleedka magaalada Boosaaso.

     

    Imaanshaha dal-xiisayaashaan ayaa waxaa keenay xaaladda nabad-gelyo ee ILLAAHAY ku manaystay deegaanada Puntland iyo weliba horumarka ay gaareen ee dhinacwalba saamaynaya, waxaana la filayaa in ay imaanshaha xubnahani ay soo jiidasho u noqoto tiro intaas ka badan oo dalx-xiisayaal ah, sida uu saxaafadda u sheegay Md.Budul .

     

    Abuu-Aasiya,puntlandpost.

    Puntland,Soomaaliya


  2. Europe donates 15 million Euros to the somali peace conference. www.ruunkinet.com

     

     

    Midowga reer Yurub oo siinaya EURO 15 milyan oo lagu wado shirka dib u heshiisiinta wejigisa saddexaad

     

    Wararka ka so baxaya deeq bixiyayaasha ayaa sheegaya in midowga reer Yurub oo ah kuwa bixiya inta badan dhaqaalaha shirka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in ay shirka ugu deeqsyaan 15 milyan oo Euro ah.

     

    Lacagtaan ayaa loogu tala galay in looga shaqeeyo sidii maamulka dowladeed loo dhisi lahaa Soomaaliya ayna qeyb weyn ugu qaadato xallinta khilaafaadka.

     

    Midowga reer yurub ayaa lacagtan waxay soo gaarsiinayaan marka la sheego in uu si rasmi ah u furmay wajiga saddexaad oo la filaayo in uu furo madaxweynaha dalka Kenya mas'uul ka wakiil ah.

     

     

     

     

    Maamulka doowlad Gobaleedka Putland oo qabqabtay muqalasiin

     

     

    Maamul gobolleeedka Col Cabdullahi Yuusuf ayaa soo xirxiray dad muqalasiin ahaa oo doonaayay in ay tahriibiyaan dad Soomaali ah oo u badan dhalin yaro una tahriibayay dadalka Carabta.

     

    Masuul u hadlay maamulkaasi ayaa sheegay in Maxkamad horkeeni doonaan dadka tahriiba iyo kuwa wax tahriibinaya labadaba ee lagu helo iyagoo falkaasi ku jira.

     

     

    Masuulkaasi yaa waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay baro koontarool ka sameeysteen meelaha ay ka baxaan tahriibayaasha iyo waliba doomanka ay ku tahriibaan xeebaha Puntland.

     

     

     

     

    Ciidamada madaniga ee dagmada Hodan oo qabtay burcad

     

     

    Taliyaha ciidanka madaniga ee degada Hodan ayaa saxaafada magaalada Muqdisho u sheegay in xalay ay qabteen koox burcad ah.

     

    Burcadan oo ay ka mid ahayaayeen wiil iyo aabihiis at la sheegay in ay wateen alaabo ay soo dhaceen dad kala duwan.

     

    Ciidankan madaniga ah ayaa sheegay in ay doonayaan in ay ku wareejiyaan hantidan dadkii laga soo dhacay.

     

     

     

    Garabyada RRA-da oo dhexdhexaadin laga dhex wado

     

    Waxaa ka soconayaa magaalada Nairobi waan waan laga dhex wado jabhada wax iska caabinta ********* (RRA) ee isaga soo horjeeda siyaasadda.

     

    Waan waantan ayaa waxaa laysaga dab qaadayaa garabyada Shaarguduud iyo sheekh Aadan Madoobe oo ay isaga dhex qaadayan xubno Soomaali iyo ajnabi isugu jira si looga gaaro xal arrimaha gobolada Bay iyo Bakool.

     

    Xubnaha dhex dhexaadinta wada ayaa ku boorriyay Shaarguduud in uu ka fuqo shuruudda adag ee uu ku xiray oo ah in isaga loo aqoonsado madaxweynaha dowlad goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya.

     

    Dadaalkan la wado ayaa waxaa qeyb ka ah dowladda Itoobiya oo isaga dabqaaqaysa kooxahan si loo soo afjaro khilaafka RRA.

     

     

    Cabdullahi Xuseen/Cumar Faaruuq, Ruunkinet, London/Nayroobi


  3. Heshiis maanta aay Gaareen labada Garab ee RRA

     

    Somaliweyn(Nairobi .24, 2003)

     

    Waxaa maanta ka dhacay Hotelka The Staly ee Nairobi heshiis buuxa oo aay gaareen RRA-da Labada garab ee Shiikh aadan Madoobe Iyo col. Maxamed Nuur shatigaduud. waxaa maanta la soo gabagabeeyay heshiisiintii aay wadeen Beelaha Diqil iyo mirifle oo ahaa mid xiriir ah oo Maalmahaan oo dhan socday .

     

    Heshiiska maanta ay gaareen Golaha RRA-da ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin badan oo aay ka mid yihiin Gudoomiyaha Shirka B.A.Kiplagat Maxamed Qanyare Afrax , Iyo Danjiraha Dowlada Itoobiya u qaabilsan Somaliya CabdiCasiis. Xafladii maanta loo sameeyey Munaasabadaas waxaa qudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Shirka Soomaalida Uga socad Mbagathi Mr. B.A Kiplagat oo sheegay sheegay in ay manta tahay maalin aad ugu weyn Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo waxa uuna kiplagati isagoo hadalkiisii sii wata sheegay in heshiiskani uu yaay mid aad iyo aad u qiimo badan .

     

    Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadlay Col.Maxamed Nuur ShatiGaduud waxa uuna Yiri” Hishiiskaan aan maanta gaarnay waa mid ay ka soo sheqeeyeen Odoyaasha Diqil iyo mirifle waxa uuna sheegay in ay aad ugu mahadnaqaayaan Hoggamiyaasha somaliya iyo kuwa shikeeye ee ka soo qebgalaymunaasabadda dimuheshiisiinta labaad garab oo RRA waxaa uu sheegay in halkaan lagu soo gabagabeynaayo Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Baay iyo Baydhawo muddo dhan hal sano iyo xoogaa ,waxa uuna shati Gaduud yiri” waa in aan wada fiirinaa Danta Shacabka ee ma ahan in aan fiirino dan gaar ah ".

     

    Sidoo kale Garabka kale waxaa u hadlay Shiikh Aadan Madoobe waxa oo yiri”waxaan aad u soo dhaweynaayaa isla markaana taageero buuxda siinayaa HEshiiskaan aanu maanta gaarnay".

     

    Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Qanyare Afrax oo ah godoomiya Isbahaysiga G-8 wuxuuna soo jeediyey khudbad aad iyo aad ay ugu riyaaqeen ka soo qebgalayaashii xafladdii heshiisiinta RRA-da wuxuuna ku tilmamay heshiiskaas mid taariikhi ah oo ku dayasho mudan isagoo intaas ku darayin looga baahan yahay Beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay sidaas oo kale yeelaan ,asaga oo ku amaanay labada hogaamiyey in ay yihiin laba geysi oo mudan amaan waxuuna ku booriyey in ay isku keenaan labada ciidan si ay u dhamaato colaadu loona furo meelaha kala xirxiran ,Qanayare waxa uu kalo amaan u soo jeediyay kuwii ka shaqeyay heshiiskaan taariikhga ah waxa uu kaloo Qanyare hadalkiisii raaciyay tan waa ay ku haboontahay in ay ku daybadaan hoggamiyaasha oo dhan si loo gaaro horumar,waxa kale uu amaanay Maxamed Qanyare Afrax Gudoomiyaha shirka Soomalida Kiplagat asagoona ku tilmaamay nin geesi ah Soomalidana looga baahan yahay in ay gudoonsiiyaan bilad sharaf maadaamo uu in badan isku hawlay sidii ay soomaaliya u heli lahayd Dowlad Qaran oo loo dhan yahay .

     

     

     

     

    W.Q Asad Cabdi Axmed (Nasrudiin)

     

    Nairobi______ Kenya

     

    nasrudiin5@hotmail.com


  4. Horn Afrique I didnt quite get your quetion regarding Arabow? Maybe my information on him was wrong.

     

    To Mr Ooodweyn the man who seems to see nothing but doom for us southerners, I wonder why that is would a war in the south make his dream of recognition for the Hargaysa-Berbera-Burco TRIANGLE into a state LOL.

     

    The alliances in politics is never lasting that is politics dear boys, there is an allaince for the creation of a new state a federal one. In this sense most Somali's will have a government that represent them.

     

    The RRA have now regrouped and made peace in the Mgathi conference. The Puntland conflict has now been buried.

     

    Kismayu will be settled by dialogue between the respective parties neither Morgan nor Colonel Hiiraale have a monopoly on the grouund.

     

    Abdiqasin cannot secure His clans support thats why Hussein Aydeed and Gamadere and even some of his Cayr are part of the peace process.

     

    Musa Sudi has been counter balanced by Cumar Finish, Mohamed Dhere, Hillowle Iman, Xuseen Bod and others so even this clan will not go into WHAT YOU WANT A total war.

     

    The difference to other conferences is that no one clan is intirely out of the process, so how is there going to be an all destructive civil war between everyone and anyone. Analyse this in Aydeed Vs Mahdi you had two big clans clashing now there is no united clan, from Puntland to Gedo no clan is united for warfare no leader can muster force, so again what is your point.

     

    Abdullahi Yusuf allaince is political he needs the support of the USC and they need his support in order to form a majority.

    Abdiqasin is attempting the same thing with the JVA he needs that support in order not to marginalise his base and be seen as USC.

    Everybody is thinking national, even Qaynyare.

     

    I think Somaliland is scared very scared. LOL


  5. Ibtilo,

     

    You seem to be hiding form the fact that Edna is rubish at the job, she is a great midwife and health worker but rubish at diplomacy she needs to quit talking so much garbage when it comes to the south.

     

    Second where is the recognition my dear friend, Britian will recognise us, Ethiopia will recognise us, South Africa will recognise us, when will you realise no onw will ever recognise you no one LOL.


  6. So far the conference has passed two stages with the final phase 3 just started.

     

    Who is for and who is against the conference in Kenya.

     

    Against

     

    Abdiqasin Slad Xasan TNG ex presidnet

    Bare Adan Shirre (Hirale) Head of JVA

    Musa Sudi Ylaxow (USC SSA)

    Some members of the civil Society, General Ghalib and Casha Ahmed

     

     

    For the conference

    Abdullahi Yusuf Ahemd - Puntland

    Xuseen Aydeed - South Mogadishu

    Mohamed Qaynyare- Daynile Mogadishu

    Xasan Qlad - Beledweyne Hiiraan

    Mohamed Habeeb Dhere- Middle Shabbele USC/SSA

    Mohamed GHAMADERE - Mogadishu political leader USC

    Abdullahi Shiekh Ismail- Marka political leader SSNM

    Dr Xasan Nuur Shatigaduud- RRA- First wing

    Shiekh Adan Madobe - RRA - SECOND WING

    Shariff Salah - Chairman Somali civil Society

    Mouleed Mohamoud Macane - Leader of SAMO/ASAL

    Dr Arabow- Leader of Jareerwyn party

    Abdirizaq **** Bihi - SNF

    Mohamed Sayid- SNF

    Morgan - SPM

    Abdi Hasan Awale Gaybdeed- Mogadishu police chief

    Abdalah derow **** - Former Parliment speaker TNG

    Sacid Bulbul - USC/SNA chairman

    Xasan Abdhir farah- PM TNG

    Omar Finish - Comander USC/SSA

     

    The undecided

     

    Jamac CALI Jamac - Rival to Abdulahi Yusuf

    Osman Hasan Ali Ato - Mogadishu USC/SNA


  7. Two news Items showing that even in Mogadishu there is a great support for the peace process in Kenya.

     

    The first one is a demonstartion in favour of the conference staged in South Mogadishu by loyalists of Husseen Aydeed.

     

    The second is a meeting by deputies of the group 8 and SRRC groups of the USC clan to show that Abdiqasin and Sudi Yalaxow are not the only voice, and this took place in North Mogadishu.

     

     

    1 ) Taageerayaasha Xuseen Ceydiid oo maanta dibadbax ay ku taageerayaan shirka Kenya ku dhigay ka soo horjeedka Ex. Fiyoore

     

    Taageerayaasha hoggaamiye kooxeedka Xuseen Max’ed Faarax (Ceydiid) ayaa maanta dibadbax ay ku taageerayaan shirka Kenya ku dhigay barxadda ka soo horjeeda Ex. Fiyoore, waxeyna banaanbaxayaashu wateen boorar & sawirada Xuseen Ceydiid iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen “ha guuleysto shirka Kenya” & “waan kuu soo dhoweyneynaa wixii ka soo baxa oo natiijo ah”.

     

    Ku simaha Xuseen Ceydiid ninka lagu magacaao Abuukar ganey & guddoomiyaha ururka haweenka SNA Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo yarey) oo ka hadlayay banaanbaxaashi ayaa sheegay in isbaheysiga SNA uu soo dhoweynayo dowladda ka dhalan doonta shirkaasi.

     

    Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

    webmaster@dayniile.com

     

    ...............................................

     

    Wakiillada G8 Oo Muqdisho Ka Wada Abaabul Lagu Riixayo Kooxaha Shirka Diiday

     

    Wakiillada G8 ayaa maanta shir ku yeeshay guriga ganacsade Bashiir Raage ee magaalada Muqdisho. Kooxahan wakiillada ka kala ahaa rag ay ka mid yihiin Maxamad dheere, Maxamad Qanyare, Cumar Filish, Mawliid Macaane iyo xubno kale ayaa soo saaray baaq ku wajahnaa shacabka Soomaaliyeed iyo mid loo jeediyay beesha caalamka. Bashiir Raage oo isagu ka hadlay kulankii maanta ayaa sheegay in ay

     

    ku kalliftay is aragooda in ay jiraan kooxo Muqdisho ku sugan soona bandhigayay mudadii ugu danbaysay barnaamijyo ka fog xaqiiqda taa ayaana doonayanaa in aan shacabka ku baraarujinno ayuu yiri Md Bashiir isagoo hoosta ka xarriiqay in lagama maarmaan tahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado, lagana fogaado in la abuuro jawi colaadeed.

     

    Bashiir Raage waxa uu sheegay taageerayaasha G8 in ay dhawaan bannaan bax nabadeed ka dhigi doonaan goballada dalka ee hoosyimaada , iyagoo ku soo bandhigi dona taageerada ay u hayaan shirka Kenya. Md Bashiir oo la waydiiyay sababaha ay ula kulmi waayeen hogaamiyayaasha siyaasadeed ee iyagu ka biya diidsan shirka, kuna sugan Muqdisho ayaa xusay in ay baadi goobayeen todabaadyadii lasoo dhaafay sidii ay isku heli lahaayeen oo ay isu tusaalayn lahaayeen danaha guud ee shacabka.

     

    Ugu danbayntii Md Bashiir waxa uu u mahad celiyay beesha caalamka oo uu sheegay in ay shirka wadeen muddo ku dhaw dhaw sanad iyo bar marka lagu daro qabanqaabadiisii sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dawladaha deriska iyo Jaamacadda Carabta iyo Midawga Yurub.

     

    Arrintan ayaa u muuqato in Muqdisho la doonayo in laga sameeyo xafiiltan cusub oo dhex mara kooxaha diiddan shirka iyo kuwa taageersan iyadoo la og yahay in todabaadyadii ugu danbeeyay ay Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya ay kawadeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cusmaan Caato, Muuse Suudi, C/qaasim iyo Barre Hiiraale ololo xooggan oo la doonayo in shirka lagu burburiyo laakiin haatan waxaad mooddaa in isu dheelitir awoodeed uu ka soo ifbaxayo Muqdisho taa oo laga yaabo in ay abuurto isku dhac kooxahan dhex mara

     

    C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho


  8. SOMALI NATIONAL RECONCILIATION CONFERENCE

    KCCT MBAGATHI, NAIROBI.

    ISSUED BY: Media and Cultural Centre KCCT, Green Room, Admin. Block.Tel. No. 891201/2 Ext. 2347; Telefax: 891300; D/ Line: 891329.

    EMAIL: somalipeaceconf@yahoo.com

    CONTACT PERSONS: Mohamed (0722 675 429)/Sheegow and Guled (0721 664 806)

     

    Tuesday 23rd September 2003

     

    10:00am - 11:00am TC meeting (Pink Room)

    11:00am - 12:00noon TC/IPF meeting (Pink Room)

    9:00am - 1:00pm Phase II Arbitration committee meeting

    9:00am - 1:00pm DDR committee meeting (Twiga Room)

     

    1:00pm - 2:00pm LUNCH

     

    2:00pm - 5:00pm Phase II Arbitration committee meeting continues.

    2:00pm - 5:00pm DDR committee meeting continues (Twiga Room)

    3:00pm - 4:00pm Special Envoy meets Somali Leaders (Pink Room)

     

    NOTE

    The various clans will commence negotiations on the allocation of numbers of parliamentary seats to sub-clans, sub-sub-clans etc. The following venues have been allocated to each clan.

     

    VENUE CLAN

    A. KCCT,Town Campus ******

    Teleposta Building

     

    B. Angan Restaurant *****

    Vision Plaza, Mombasa Road

     

    C. Kolping Centre Dir

     

    D. KCCT, Mbagathi (EG 1) Digil & Mirifle

     

    E. KCCT, Mbagathi Examination Room 0.5 (Fifth clan)

     

    F.KCCT, Mbagathi (Twiga Room) Phase III Arbitration Committee

     

    STAFF

    A. B. Ochieng Khadija Mayow ******

    B. M. Wasike Mohamed Jama *****

    C. S. Leken Osman Mohamed Dir

    D. P. Onunga Ali Mohamed Digil & Mirifle

    E. K. Mbithi Nur Aden 0.5 (Fifth clan)

    F. N. Ngumba Ali Hirsi Phase III Arbitration Committee

     

    8:00am - 8:30 am Preparation and departure to the Venues.

    9:00am - 5:30 pm Work at the various venues. Meals will be provided at the venues.

     

    webmaster@dayniile.com


  9. The Interim Charter for the Federal Republic of Somalia has been signed

    - Monday, September 15, 2003 at 22:31

     

    Mbagathi, Nairobi, (AllPuntland) – The chairman of the IGAD-appointed technical committee Ambassador Kiplaget announced later today that the final draft of the transitional constitutional charter for the Federal Republic of Somalia has been finalised and sealed with the signatures of the leaders committee stamped upon it.

     

     

     

    A breakthrough over the much debated issue with respect to article 11 of the constitution (formerly article 19) has been secured late yesterday after members of the leaders committee comprising of SRRC with delegates of Puntland State of Somalia, Arte/TNG, G8 and civil society had issued a declaration symbolising a congruous ending of their disagreement over the technicalities of the said article.

     

     

     

    Having the constitutional charter read out in front of the Somali delegates participating the ongoing Somali national reconciliation and peace process, its agreed espousal was greeted with enthusiastic ovations and loud applause interpretative as to the receptiveness, satisfaction and admiration of this historical moment on the part of the Somalis. This brings an end to months long dispute over the technicalities of certain articles in the transitional constitution including article 11 (formerly artcilce 19) which attempted to warrant de facto status to existing regional administrations which met with fierce opposition from some of Mogadishu’s faction leaders.

     

     

     

    The conference almost hit troubled waters earlier this morning when Ambassador Kiplaget tabled a proposed postponement of the conference for a few days at the request of some faction leaders including A/Qassim Salat Hassan, whose term as the head of the Arte/TNG expired in August recently arrived in Nairobi from Mogadishu. Hordes of infuriated delegates and participants with the manoeuvring tactics of these faction leaders, and by the mere suggestion walked out in protest, and demanded the finalisation of the charter as scheduled no later than today. Failed attempts by representatives of the international community to persuade A/Qassim and his newly formed alliance to attend the conference did not bear the desired result as they [faction leaders] rejected any such proposal. Nonetheless, a pleasant conclusion to Phase II of the Nairobi national peace process which once appeared untenable has been secured to the delight of many Somalis.

     

     

     

    AllPuntland News Desk


  10. Kiblagat oo sheegay in shirkan Soomaalida Dawladi uga dhalan doonto:-, Sunday, Sept 21 , 2003

    Nairobi,(Somalicity):-Gudoomiyaha Shirka Somalida uga socda Kenya Mr. Kiblagat ayaa socdaal uu ku tegey dalal qaarada yurub kamida kala soo noqday shalay rajo fiican iyo niyad samina muujiyeyna in shirkani noqon doono mid guulaysta.

     

    Kiblagat oo ka qayb galay qado shaf ay guddida farsamada ee IGAD ku qabteen madasha shirka oo ay ugu tala galeen inay ku maamuusaan guulihii dhawaan laga gaadhay shirka dib u heshiisiinta ee ansixinta distoorka ,ayaa sheegay in uu shirkani guul ku dhamaandoono, Soomaaliduna ay halkan dawlad wax waliba u dhan yihiin kal tegi doonaan, taasoo ku timi ayuu yidhi rabitaanka dadka Sooamaaliyeed .

     

    Mar wax laga weydiiyey socdaalkii uu ku gaadhay qaar ka mid ah dawladaha yurub iyo waxa uu kala soo kulmay, waxa uu ku jawaabay kiblagat:-

     

    Waxaan beesha caalamka u gudbiyey go'aamadii dhawaan lagaadhey , oo run ahaantii lagu tilmaami karo guulo laga gaadhay shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaalida ,sida ditoorkii oo la ansixiyey, waana lagu qancay ,waxaanay noo sheegeen bulsha weynta aduunku inay is garab taagi doonaan wixii ka soo baxa shirka haatan socda, isla markaan ay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

     

    Wuxuuna ku tilmaamay kooxihii shirka ka baxay ee ay ka mid ka ahaayeen C/qaasim iyo Caato, Ragg dantoodii gaarka ahaa ka hormariyey tii guud ee bulshaweynta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay Kiblagat inaanu xalka kama dambaysta ahayn in maalina Muqdisho loo safro maalina Kenya lagu soo noqdo, waxaa loo baahan yahay ayuu yiri Kiblagat qofkii dadkiisa iyo dalkiisa wax tarkooda doonayaa inuu gogosha nabada soo fadhiisto, uuna taladiisa ku soo biiriyo walaalahiisa kale ee u dhabar adaygaya waxkasta oo dadaalka ku soo gaara, geedi socodka nabaduna yahay ka keliya ee Soomaaliya dowlad waarta loogu heli karo.

     

    Assad Caddaani (Somalicity), Soomaaliya


  11. Ayoub Shiekh you still nervous about the meeting well dont worry it will soon end with a recognised government.

     

    As for your points

    1) THESE GROUPS HOLD ALLOT OF THE POWER ON THE GROUND THEY ARE AS LEGITAMATE AS Colonel Dahir and EGAL ever was.

     

    2) Everyone signed on as they came to the conference & XASAN ABSHIR was the PM of the now dead TNG, no biggy.

     

    However I have to give it to you scrutinising every line looking for a weak point. LOL


  12. Totaly agree with Libax, its the Somali's flirting around with fiction.

     

    Some sources point out that the hotel was financed by a 250,000 pound funds from a Somali community in shefield, however you can never trust these stories.

     

    Also the west likes to give a bleak a picture as possible when it comes to the third world especialy Africa, how many times have we seen a reporter knee deep in dirt reporting from Nirobi or Jo-Berg when infact these cities have very nice areas why this happens?


  13. First of all this an old argument and Paltalk is bringing back old news, brother Puntland is moving fast developing at an astonishing rate it’s a large area from Cayn (its new) to Mudug through to Bari and Bossaso. It is roughly 40% of Somalia with peace and law and order, so when you say the so called Puntland I think you still a sleep wake up boy!

     

    Puntland seeks unification of Somalia through power sharing model or decentralisation that means that Puntland decides the fate of Puntlanders, is it simple enough for you.

     

    Puntland survives on its own and only needs the lord Allah and no one else, it has survived this long to its ingenious business sector and its elders and shared tradition of its people.

     

    So I wont advocate for my state no longer cause I DO love Puntland. Howver what have you got to offer apart from the ugly face LOL.

     

    What do you represent nothing but rhetoric of Barre and now his protégé Abdi (run out of time) Salad Hassan.

     

    Like my fellow comrade in arms Samurai stated there is nothing you Paltalk or others can do about the emerging states of Somalia, its evolution baby .

     

    New nation,

     

    Bro we want a nw Somalia and not the same failed nonsence, we want our state in our country and our capital and our flag and we need not to break up but when I hear ppl like Abdi (run out of time) Qasin I get mad like I wanna :D


  14. Somalia has no Hebrews, if they mean the Yibro this is a Somali minority clan who claim their ancestory was Hebrew but there is no evidence of this apart from hearsay. The fact that this clan are Muslim means they cannot be Jews as this is a faith more so than ethnicity.

     

    Again this article or articles are baseless as Somalia Yebro are no different to any other clan.


  15. Funny topic indeed

     

    Girnov whats your point man?

    Insulting people wont make them go away son, it shows how desperate you are by insulting whole clans and states because they dont fit into your way of understanding, I think Afweyn was like that any relations?

     

    Guraad,

     

    You made your points well and clear but I dont think Gediid or Angel Dust will be able to understand this as truth is so far been hard for them to fathom.

     

    Africa,

     

    Good points but it was not Guraad who said lets start war, he wanted only for people to sign a petition (such great act of agression) Its our lonely brothers in Caynabo that are starting to feel the heat.


  16. DAD,

     

    What about Korea, it was the Chinese who defeated the Americans in Noth Korea and the war only stoped due to the American threat of Nuclear action that time china was not a Nuclear power.

     

    China is the worlds second power now and it is growing every day.


  17. Kooxaha Gaalkacyo iyo Elman oo hal iyo hal isku mari waayay

     

    - Wednesday, August 20, 2003 at 19:41

     

    Gaalkacyo, (AllPuntland)- Cayaar ay ka soo qayb galeen dadwayne kumayaal gaaraya ayaa dhexmartay Kooxda kubadda cagta ee ELMAN ee ka dhisan magaalada Muqdisho iyo xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo .

     

    4tii galabnimo ayaa seeriga laga dhawaajiyay, labada kooxoodba cayaartu intii aysan qaybteediii hore dhammaan waxay is waydaarsadeen weerar iyo weerar celin , waxaase xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo u suuro gashay markii qaybtii hore ee cayaartay ay 5 daqiiqo ka dhimanayd inay gool qurux badan la yimaadaan waxaana u dhaliyay ninka lagu magacaabo Mahad Faruur oo Lambarka 4aad uga cayaara xulka magaalada Gaalkacyo.

     

    Kooxda ELMAN oo u muuqatay inay fir fircoonayd ayaa qaybtii labaad ee cayaarta xoojisay weerarkeeda si ay bal goolka lagu lee yahay isaga soo gudo, waxaana cayaarta markay ka dhimanayd 10 daqiiqo gool qurux badan u saxiixay inanka Lambarka 11aad uga cayaara Kooxda ELMAN , Yuusuf Cabdi, gabo gabadii cayaarta ayaa Ciise Aadan oo Lambarka 9aad uga cayaara kooxda ELMAN loo taagay calaamadda Casaanka ah (Roosso) .

     

    Cayaartiina waxay ku soo gabo gabowday 1-1 , kooxda ELMAN waa markii ugu horaysay ee ay yimaaddaan gobolladan Puntland, waxayna bari aadi doonaan magaalada Garoowe , iyo Boosaaso oo ay cayaaro saaxiibtinimo la soo yeelan doonaan.

     

    C. C. Farayaamo

     

    AllPuntland, Somaliya


  18. Ciyaaro Gaalkacyo ka Bilowday iyo Kooxda Elman oo halkaas gaartay - Tuesday, August 19, 2003 at 20:17

     

     

     

    Gaalkacyo, (AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furmay tartan cayaareed oo ay ka qayb galayaan kooxaha heerka koowaad ee magaalada Gaalkacyo.

     

    Maamulka Ciyaaraha (Sport) gobolka Mudug ayaa koob ay ugu magacdareen Koobka Nabadda u qabtay kooxaha kala ah , Galkom, GMS, Shell, Sixa, Banaadir Star, iyo Peace Center, oo dhammaantood ah kooxaha heerka koowaad oo qaarkood ay la bexeen magacyo cusub.

     

    Tartankaan ayaa ku soo beegmay xilli la badalay gudoomiyii hore ee Ciyaaraha Muuse C/risaaq Mire laguna badalay Axmed C/naasir (Timo-xayrre) oo ka mid ah ganacsatada magaalada.

     

    Waxaana ay u muuqataa in maamulka cusub ee Ciyaaraha gobolku uu wax ka baddal dhinaca Ciyaaraha ah bilaabay mudada yar ee uu xilka hayo , inkastoo maamulladii ka horeeyayba ay maalmaha hore fir fircoonida muujinjireen, waxaase iswaydiintu tahay keebaa si fiican u maamuli doona dhallinta cayaaraha xiisaysa ee gobolka Mudug.

     

    C. C. Farayaamo

     

    AllPuntland, Somaliya

     

     

    --------------------------------------------------------------------------------

     

    Kooxda Elman oo Gaalkacyo Tagtay

     

     

    Gaalkacyo, (AllPuntland)- Kooxda kubadda cagta ee ELMAN ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadan caawa gaartay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

     

    Kooxdan ELMAN oo wadatatay taageerayaasheeda ayaa waxaa waday baskii sida tooska ah uga soo qaaday magaalada Muqdisho, waxayna kooxdani cayaar saaxiibtinimo la yeelan doontaa xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo oo ay marti u yihiin.

     

    Cayaartan oo galabnimada Bari ah la filayo inay ka dhacdo Istaadiyamka wayn ee magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inay labada dhinacba cayaaro culus soo bandhigaan, Kooxda Elman ayaa mar marka qaarkood magaca Soomaaliya uga cayaartay dalka dibadiisa.

     

    C. C. Farayaamo

     

    AllPuntland, Somaliya


  19. Elman FC a Mogadishu based football team took on Galkacyu best 11 in a friendly match in Galkacyu.

    The game watched by thousands finished 1 all.

    Elamn FC is on atour throught Puntland after playing in Balcad and Jowhar South central regions.

     

    Sports bringing people together, great stuff Elman.

    ....................................................................

    Kooxda Elman ee Muqdishu oo galabta la ciyaartay xulka Gaalkacyo

     

    Gaalkacyo, [MOL] 20 August 2003- kooxda kubadda cagta ee Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo shalay soo gaartay magaalada Gaalkacyo ayaa cayaar saaxiibtinimo galabta la yeelatay xulka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo. Cayaartan waxaa ka soo qayb galay dadwayne kumayaal gaaraya oo garoonka Buux dhaafiyay kuwaasi oo badidoodu ay u sacabbo tumayeen kooxda martidaa ee Elman ee magaalada Muqdisho.

     

    Cayaarta oo ay labada dhinacba weerar Iyo weerar celin is dhaafsanayeen ayaa ku soo gabo gabowday Hal gol iyo hal gool, Kooxda Elman oo horay ula soo cayaartay degmooyinka Balcad , Baladwayne iyo jawhar ayaa u gudibi doona magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso halkaasi oo ay cayaaro saaxiibtinimo la soo yeelan doonaa kooxaha kale ee magaalooyinkaas.

     

     

    Weriye c/risaaq Sheekhaduun

    Mudugonline.com