
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Peacekeepers for Somalia approved - Saturday, March 19, 2005 at 15:20 East African governments have agreed to send 6,800 peacekeeping troops to Somalia from Uganda and Sudan, rather than from bordering countries. The Ugandan foreign Minister said the decision was made out of respect for the sensitivities of the Somalis. Somali warlords have said they will attack troops from neighbouring states - especially from rival Ethiopia - if they form part of a peacekeeping force. Somalia's president was willing to accept troops from neighbouring states. But a brawl broke out in the Somali parliament - sitting in the Kenyan capital Nairobi - after legislators voted against President Abdullahi Yusuf Ahmed's call to deploy peacekeepers from Kenya, Ethiopia and Djibouti. Somalia's government and parliament are currently based in Kenya because the Somali capital, Mogadishu, is considered too dangerous. The president wanted troops to help with the relocation of the administration from Kenya. Prime Minister Mohammed Ali Ghedi said the parliamentary vote was flawed and should be held again. Members of the East African regional body, Igad - who have been holding talks to try to end the row - said Kenya, Djibouti and Ethiopia would only help with logistics and training. Igad also said Sudanese and Ugandan troops would be followed by troops from the African Union, but did not give dates for the deployments. Source: BBC
-
Musa Sudi Yalaxow and two MP's Charged with assualt and out on bail
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mohammed Gules (bidix) iyo Abdikafir Maalim oo Sabtidii tegey saldhiga dhexe ee Booliska Naiorbi si ay u qoraan dacwad ku saabsan dhaawacyadii kusoo gaarey dagaalki baarlamaanka | Sawirka: East African standard. The MP's going to the police to charge Musa Sudi dn co-horts. -
Musa Sudi Yalaxow and two MP's Charged with assualt and out on bail
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nairobi: Muuse Suudi Yalaxoow wasiirka ganacsiga oo la sii daayay - Saturday, March 19, 2005 at 23:05 Nairobi (AllPuntland)- Muuse Suudi Yalaxoow wasiirka ganacsiga dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo daayay caawa saqdii dhexe xabsigii uu kaga xirnaa ilaa saaka magaalada Nairobi. Waxaa lala soo daayay labo xildhibaan oo kala ah Xuseen Carraale Caddaan iyo Macallin Jiis oo iyagana loo haystay dacwad la mid ah tan Muuse loo haystay. Siidaynta Muuse ayaa waxaa AllPuntland u xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Muuse oo ku sugan Nairobi, kaasi oo noosheegay in Muuse lagu soodaayay damaanad (Damiin). Warar laga helay ilo ku dhow dhow Muuse ayaa AllPuntland u sheegay in maxkamad uu ku lee yahay Xaajigu maalmaha soosocda Nairobi, maxkamadaas oo lagu dhagaysan doono eedaynta loo soo jeediyay. Muuse Suudi ayaa booliska Nairobi saaka u xireen ka dib markii sida la sheegay ay soo dacweeyeen xubno isla baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo 17-kii bishaan dhaawacyo kasoo gaareen falkii gacan ka hadalka iyo fadowdada watay ee ka dhacay gudaha hool ay ku shirayeen baarlamaanka Soomaaliya, lama oga xubnahaasi inay ka hareen dacwadii ay dacweeyeen Xaajiga. Saraakiil booliiska Kenya ka tirsan ayaa AllPuntland u sheegay in marka ay u timaado dacwad noocaan ah oo loo xiro qof, ay qofka la dacweeyo kusii dayn karaan oo kaliya amar maxkamadeed iyo labo siyood oo midi tahay in qofka la dacweeyay uu dhigo ama laga bixiyo lacag u dhiganta ciqaabta uu lee yahay dambiga lagu eedaynayo iyadoo uu markaas la dacweeyuhu soo xaadirayo maxkamada dacwada lagu furayo markii loo bahdo, xiligaas oo uu ku baxayo damaanad qof leh hanti la aqoonsan yahay lehna deganaansho ama dhalasho wadanka Kenya ah, kaasi oo damaanad qaadaya in la dacweeyaha uu keenayo markii booliiska ama maxkamadi u baahato, mida kale ee aan kusii dayn karno ayay saraakiisha booliiska Kenya ku sheegeen in dacweeyayaasha la dacweeyuhu ay la laabtaan dacwadooda. AllPuntland.com -
Xoogsade, here is another opinion from Mogadishu...... HOOS JOOGAYAASHA MA QUUSTAYAASHA ****** OO MACIIN BIDAY ABAABULKA BANNAANBAX GACAN KU RIMIS AH Tobankii maalmood ee ugu dambeysay shacabka Soomaaliyeed 100% aad ayay u wanaagsaneyd rajadii ay ka qabeen inay waxgal noqon karto Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, waxaana sii yaraanayay rajo xumadii ay dadku ka qabeen in hal bacaad lagu liso noqoto Dowladdii lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib shirweyne dib u heshiisiineed oo socday muddo laba sano iyo dheeraad ah, hase yeeshee farxada guushaasi dadka reer Muqdisho ee ka soo daalay owr kacsiga beeleed, midka jilibyada iyo midka jufooyinka aad ayay u yareyd, kaddib markii ay dhegahooda ku soo dhaceen ma quustayaashii kala qeybsaday dadkaasi iyo caasimadii dalka ee Muqdisho inay gooni u leexdeen iyagoo huwan magaca ay sharafta iyo sumcadda ka qaadeen ee ****** , isla markaana iyagoo magaca beeshaasi ku hadlaya soo saaray qoraal ay uga horjeedaan, hase yeeshee ujeedadoodu tahay inay ku jukeystaan Dowladda si ay ugu fulaan dano xaglahoodu is dayayo oo ay ka leeyihiin xukuumada. Waxaa hubanti ah in ma quustayaasha ****** gabalkoodu sii dhacayo, waayo sidii ay iyaga Xabadda isugu laayeen oo degaanadoodii u kala qeyb qeybsiyeen dadkoodiina u kala googooyeen ayaa maanta waxaa sidaas oo kale u burburinaya xaqii ay shacabkooda ka galeen, waxaana taasi daliil cad u ah inay maanta shacabkooda u horseedayaan mucaaradnimo iyo owr kacsi qabiil oo aanu ognahay wixii hadimo ahaa ee uu noo geystay, waxaase Alle mahadii ah in xilka Madaxweynenimada Soomaaliya uu majaraha u hayo nin aan marnaba la loodin karin oo leh karti, burji siyaasadeed, geesinimo, ka dhabeynta fulinta tallaabooyinkiisa, oo aan ahayn ma quustayaasha ****** oo kale, hase yeeshee akhristow qormadeydan ma aha mid ka tarjumeysa aragtida guud ee beel weynta ****** , waxayna Soomaali ku mah-maahday "Bad hal Malaay baa qurmiya" oo aan ula jeedo magacaas weyn inay sharaftiisa dhulka ku jiidayaan ilaa iyo maantadan aynu joogno ma quustayaal aan toban qofood gaareynin, waxaana marqaati ma doonto ah in beesha ****** ay u qarsan yihiin rag fara badan oo magac iyo maamuus ku leh dalka, kuwo kalena ay jidka ku soo jiraan jiilka dambe oo xalay dhalay ka dhigi doona wixii godob ahaa ee shacabka ****** ka galayaan ma quustayaashani. Farxadda iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed, dadka reer Muqdisho aad ayay u sii koreysaa, kaddib markii ay maqleen go'aanada taariikhiga ah ee ay gaareen Wasiirada Gaashaandhigga dalalka IGAD, ayna akhristeen qorshaha howlgalka Ciidamadaasi iyo baraha ay ka degayaan, waayo ******** in dalalka Afrika ay u diyaar garoobayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen intii iyaga ka hartay, oo aad moodo marka ay timaado Muqdisho inay haatan ka wadaan hoos joogayaashoodii xilka u hayay inay iyaguna u diyaar garoobayaan sidii ay u dabar jari lahaayeen wixii dad ahaa ee ka haray Rasaastii ay isku ridayeen oo ay doonayaan haddii ay wax kale waayaan inay gabbaad ka dhigtaan shacabkii ay afduubka ku heysteen. Ifafaalaha arrintan waxaa kaaga daliil ah isbedelka xooga leh ee ku yimid shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose, haddii aad arki jirtay bannaanbax ay dadku meel fagaare ah isugu yimaadaan kaddibna socod ku maraan waddooyinka, maanta waxaanu aragnay hoos joogayaashii Muqdisho oo qabanqaabinaya bannaanbaxyo gacan ku rimis ah, sida arday ciyaal iskuul ah oo maamulka Iskuulka ay dhiganayaan lagu amrayo inay ardaydu si khasab ah u soo bannaanbaxdo, kaaga sii darane maamulka iyo macallimiinta loo yeerinayo ujeedada bannaanbaxa, waxaana kuu muuqanaya in kooxahan ma quustayaasha ahi gabalkoodu ka harsan tahay wax ka yar 50-maalmood kaddib marka Askariga ugu dambeeya ee ay soo dirayaan dalalka Afrika cagaha soo dhigo gudaha Soomaaliya markaasoo godkiisa la sii diyaarin doono ma quustihii aan u hoggaansamin awaamiirta ka soo baxeysa Batalyanka Ciidamada IGAD, waxaanse shacabka Soomaaliyeed ee ay afduubka ku heystaan Alle uga baryayaa inuu tusiyo towfiiqda iyo talada suuban, isla markaana qalbigooda Alle soo hanuuniyo kuwa tirada yar ee isugu jira qaar weli aaminsan Qabiilka oo aan weli ku soo baraarugin dhismaha Qaranka Soomaaliyeed. Hadaan hoos joogayaasha ma quustayaasha Muqdisho ee ku sugan Nairobi u soo noqdo waxaan kula talin lahaa inay u diyaar garoobaan dhismaha Qaranka Soomaaliyeed iyo la shaqeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay dani ugu jirto si gaar ah marka loo tilmaamo dadka reer Muqdisho, waayo mar haddii ay Dowladani Federaal tahay iyaga ayaa xaq u leh maamulkeeda, waana inay madiidin u noqon kuwa dul-saarka ku ah ee xooga ku degan Muqdisho ilaa min gobolada Sh/hoose, waxaana hubanti ah in shaqsi ka soo jeeda gobolada dhexe aanu marnaba maamuli doonin Guddoomiye gobolna u noqon karin dadka ku dhaqan gobolka Sh/hoose, sida Yuusuf Indha-cadde oo markii uu hadlayo aad moodo in haddii calooshiisa la jeexo ay dhexdeeda ku jiraan nacaybka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo af-lagaadada Dowladda Itoobiya, oo waxyaabaha afkiisa ka soo baxaya aanay ka suurtoobin maanta qofka uu ku jiro damiir Soomaalinimo, waxaana Indha Cadde iyo kuwa la midka ah u sheegayaa in Xukuumadani aanay ahayn sida tii Carte ee ahayd XAQ LAMA RABO EE XAL BAA LA RABAA ee ay Dowladani tahay XAL LAMA RABEE XAQ AYAA LA RABAA, kiinii u hoggaansami waaya Xukuumadana sida duqsigii oo kale laga soo dhex saari doono bulshada. Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra) jabriil37@hotmail.com
-
Grand Regency kick out all Somali's for damaging the hall.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A disturbing picture -
To Juma, Abwan and others who are falling for the hype regarding the vote that happened today, read the article below. The hotel sustained extensive damage because of the fighting tht spilled out from the meeting hall into the corridors. Also a number of MP's were rushed to Hospital and sustained serious injury. If we summarise what happened. 1 there was a debate, 220 MP's came o the debate. 2. Then there was a heavy fight between the lawmakers in which many were rushed to hospital. 3. While this was happening a vote took place, in which 153, or 150 or 156 MP's put their hands up to vote. Of course they paused from fighting so they could vote. 4. The fighting resumed and continued forcing the Speaker to run out of the hall. This should be turned into a movie... Maamulka Hotel Grand Regency oo sheegay wixii Soomaali ah in ay isaga baxaan Hotelka iyo burbur soo gaaray hoolkii shirka Nairobi :- Maamulka Hotel Grand Regency ee magaalada Nairobi ayaa ku amray sikuuritka iyo Booliiska Keenyaatiga in ay Hotelka ka saaraan dadka Soomaalida ah oo ay sheegeen in ay burbur u geysteen hotelka. Maamulka Hotelka ayaa u sheegay Baarlamaanka iyo dhamaan dadka Soomaalida ah in ay ka baxaan Hotelka ayadoo uu sheegay ninka leh hotelka in dhamaan Soomaalida aysan soo geli karin Hotelkiisa. Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Baarlamaanka oo maanta ku shirayey Hotelkaasi ay gacanta isula tageen. Dhamaan qalabkii yaalay Hoolka shirarka ee xildhibaanada ku jireen ayaa la burburiyey ayadoo ay kuraastiina ay noqdeen hubka la isku adeegsaday miisaskiina ay noqdeen kuwo lagu dur duriyo. Hotel Grand Regency ayaa kamid ah Hotelada ay degen yihiin wasiirada iyo xubnaha kamid ah Baarlamaanka ayadoo lagu wado in xubnahaasi laga codsado in ay isaga baxaan hotelka. War aanu ka helayno qaar kamid ah Shaqaalaha Hotelka ayaa sheegaya in amar lagu siiyey in aysan halkaasi soo gelin dadka Soomaalida ah, waxaana la filayaa in maamulka hotelkaasi uu kharash badan u gudbiyo dowlada Kenya oo ah mida marti galisa xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaalida. Dhacdadan ayaa ah mid fadeexad weyn usoo jiidaysa dadka Soomaalida ah meel walba oo ay joogaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa asagu ka baxsaday goobta shirka kadib markii weerar lagu qaaday goobtuu fadhiyey, guddomiyaha ayaa ku guuldareystay inuu kala dhexgalo xildhibaanada markuu ku dhawaaqay natiijada codbixinta iyo diidmada Mooshinka ciidamada Safarka hore IGAD. Balse guddoomiyaha oo ay qaar kamid ah Xildhibaanada eedeenayaan ayaa laftiisa weerar ay ku qaadeen dhowr Xildhibaan taasi oo keentay in ay la cararaan ciidamada Booliiska. Qaar kamid ah xildhibaanada ayey ka muuqdeen korkooda dhaawacyo waaweyn sida C/raxmaan shiikh Ismaaciil iyo C/laahi Geedi Shadoor oo kamid ahaa dadkii loola cararay Isbitaalka. Kulankan ayaa xirmay ayadoo gacan ka hadalka socdo mana cada sida ay noqon doonto codbixinta la qaaday oo uu guddoomiyaha Baarlamaanka qadar yar kahor intuusan hoolka ka bixin sheegay in aqlabiyada ay isku raaceen in aan dalka Soomaaliya la keenin ciidamada Safka hore. Goobtii shirka ayaa ka muuqata burbur baaxad leh waxaana la burburiyey dhamaan goobtii ay xildhibaanada iyo guddoonka Baarlamaanka fadhiyeen. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
-
156 Parliamentarians vote against Ethiopian peace-keepers
General Duke replied to Gabbal's topic in Politics
Gacan ka hadalkaas ayaa waxaa dhaawac la gaarsiiyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmo Dheere oo wasiir ka ah dowladda Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Macalin Jiis iyo dhowr kale oo xildhibaan. And we had an orderly vote in which people's hands were counted. -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Over what? One thing I know the government has not lost and will put its motion again to be voted on. What we have is a fictitious result created to hide the fact that they would never have had 139. "Lets put our hands up" Juma how did the government lose when its motion was not even voted on? -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Oh no brother but the news makes no sense, I am trying to get my head round the whole thing. One version is there is a fight and everything went AOL. The other is there was a vote with, 150, 153, 156 and various other numbers against the government motion. However the government motion was not even voted upon. kulankii baarlamaanka ee maanta oo ku soo gabagaboobay qas,dil,fawdo iyo najiido la,aan Posted to the Web Mar 17, 18:14 Nairobi:-Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ku saabsanaa ka doodista barnaamijka dawladda ee ahaa dib u guuritaanka iyo keenitaanka ciidamo nabad ilaalineed dalka oo ka socda dalalka Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay 6:30 fiidnimo najiido la,aan ka dib markii la isku afgaran waayey hanaanka codbixintu u dhacayso,iyadoo markii dambe Xildhibaanadu gacanta isula tageen oo qaar ka mid ah lagu garaacay Hoolkii kulanka baarlamaanka ka socday. Fawdada haraysay kulanka baarlamaanka ayaa waxay bilaabatay ka dib markii Xildhibaanadu ka doodeen keenitaanka dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee aysan dawladdu kala saarin iyo mooshin xubnaha baarlamaanka qaarkood soo jeediyeen oo ka dhan ahaa in ciidamadaas lagu soo daro Dawladaha safka hore,islamarkaasna dhinac walba soo bandhigay aragtidiisa uu ka qabo arrimahaas ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka go,aan ku gaaray in la keeno santuukhyadii codbixinta si loogu kala coddeeyo keenitaanka ciidamo aan la kala qaadin dalka iyo in laga reebo dalalka safka hore. Markii la soo dhigay sanaadiikhdii codbixinta ayaa waxay Xidlhibaano u badnaa Wasiiro bilaabeen buuq iyo sawaxan,taasina waxay horseeday in Guddoomiyaha baarlamaanku u bedeli codbixintii qarsoodiga ahayd mid gacan taag ah,waxaana Xubnaha baarlamaanka ka dhex bilawday gacan ka hadal dhexmaray gudahooda,iyadoo meeshaas lagu garaacay Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo XIldhibaan Macalin jiis oo labada soo gaareen dhaawacyo. Xildhibaanada FKMG ah ayaa waxay halkaasi ku soo kala dareereen,iyadoo wax najiido ah ka soo bixin Kulankaas,islamarkaasna qoloba qololada ku tilmaamayso inay guuldaraysteen oo guushu dhinacooda raacday,waxayna arrintaani ku soo beegantay wakhti Wasiirada Arrimaha dibeda kulan uga furmay Nairobi ku saabsan sidii soomaaliya loogu taageeri lahaa ciidamo dalka hub ka dhigis ka sameeya. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Codbixintii Baarlamaanka oo isku bedashay gacan ka hadal iyo rabshado ka dhex dhashay Baarlamaanka Nairobi :- Rabshado gacanta la isula tagay ayaa ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee galabta lagu soo gebo gabeyn lahaa doodii keenista ciidamada Shisheeye. Buuq ayaa ka dhashay hoolkii shirarka wakhtigii ay doorashada dhici lahayd ayadoo halkaasi gacanta ay usula tageen laba kooxood oo kamid ah Xildhibaanada kuwaasi oo kala ra'yi duwanaa. Macada illaa iyo hada qaabka ay doorashadu u dhacday ayadoo saxaafada loo diiday in ay galaan gudaha hoolka shirka qeybta codbixinta xildhibaanada. Booliiska ku sugan Hotel Grand Regency ayaa soo dhexgalay xildhibaanada Soomaaliyeed oo qaarkood dhaawacyo soo gaareen. Galabta ayaa lagu waday inuu Baarlamaanka codka u qaado qodobka sheegaya in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la keeno, waxaana saacadihii ugu danbeeyey uu kalafadhigii isku bedalay goob dagaal oo aan waxna la isula harin. Codbixintan oo la sheegay in looga qaado qaab qarsoon, ama Sandhuukh ayuu Guddoonka Baarlamaanka sheegay in codka loo qaadayo mooshinka dowlada ee qoraya in dalka Somaliya la keeno ciidamo nabadsugid ah oo ka socda Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, codkana lagu kala shubayo labo sanduukh oo kala ah: HAA MAYA Sida ay noosheegeen xog ogaal gudaha hoolka ku sugnaa murankan ayaa ka bilowday codbixinta oo la sheegay in loo qaadayo Mooshinkii ay dowlada Baarlamaanka u soo gudbisay halka ay xildhibaano kale sheegeen in codka marka hore loo qaado mooshin ka dhan ah dowlada oo kasoo horjeeda ciidamada Safka Hore ee IGAD. Arrintan ayaa keentay in Guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xassan uu bedalo go'aankii hore ee codbixinta oo uu yiraaho, waxaa codka loo qaadayaa marka hore Mooshinkii danbe oo ay soo gudbiyeen 30 xildhibaanah. Guddoomiyaha ayaa markaa sheegay in loo gacan taago Mooshinkii 2aad kadibna loo gudo galo mooshinkii 1aad ee Dowlada, taasi oo keentay in buuqii isu bedalo gacan ka hadal. Illaa iyo hada lama xaqiijin cida gacan ka hadalkan bilwoday ayadoo Xildhibaano badan ay ka qeyb qaateen gacan ka hadalkaasi ka dhacay xaruntii lagu shirayey. Gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa warbixin faah faahsan haduu alle idmo. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Doodii Baarlamaanka oo lasoo gebo gabeeyey iyo Cod bixinta oo lagu wado in ay bilaabato Nairobi :- Waxaa hada socota diyaar garowga codbixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo teer iyo saaka ka doodayey mooshinka dowlada Soomaaliya ay soo hordhigtay ee ciidamada shisheeye ee Somaliya la keenayo. This is how the vote should have been done Dooda baarlamaanka oo ahayd mid ay ka hadleen xildhibaano kor u dhaafay 100 waxayna xildhibaanadaasi ku kala aragti duwanaayeen mooshinka ayadoo ay qaarna diideen in ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan dalalka Safka hore iyo kuwo kale oo ayaguna wada taageeray in dalka Somaliya la geeyo ciidamo ka socda dalwalba oo Afrikaan ah. Codbixinta iyo tirirnta cododka ayaa wakhti qaadan doonta ayadoo codbixintan ay tahay mid qarsoon oo ay xildhibaanada waraaq ku ridayaan sanduukh. Qaabka codbixintan qarsoon ayey door bideen guddoonka Baarkamaanka oo sheegay in ay codbixintan tahay mid aad u muhiim ah. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Doodii Baarlamaanka oo lasoo gebo gabeeyey iyo Cod bixinta oo lagu wado in ay bilaabato Nairobi :- Waxaa hada socota diyaar garowga codbixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo teer iyo saaka ka doodayey mooshinka dowlada Soomaaliya ay soo hordhigtay ee ciidamada shisheeye ee Somaliya la keenayo. Dooda baarlamaanka oo ahayd mid ay ka hadleen xildhibaano kor u dhaafay 100 waxayna xildhibaanadaasi ku kala aragti duwanaayeen mooshinka ayadoo ay qaarna diideen in ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan dalalka Safka hore iyo kuwo kale oo ayaguna wada taageeray in dalka Somaliya la geeyo ciidamo ka socda dalwalba oo Afrikaan ah. Codbixinta iyo tirirnta cododka ayaa wakhti qaadan doonta ayadoo codbixintan ay tahay mid qarsoon oo ay xildhibaanada waraaq ku ridayaan sanduukh. Qaabka codbixintan qarsoon ayey door bideen guddoonka Baarkamaanka oo sheegay in ay codbixintan tahay mid aad u muhiim ah. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Codbixintii Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ku dhamaaday weji aad u xun oo gacmaha la i sula tegay Posted to the Web Mar 17, 17:50 Nairobi:-Waxaa hoolka sirarka ay ka socdeen oo loo codeynayey in ciidamo nabad ilaalina la keeno Soomaaliya iyo in kale ayaa ku dhamaaday gacan ka hadal, taas oo sababtay indhaawacyo soo kala gaaraan qaar ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed. Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliyeed ayaa waqtigan ay taariikhda ugashay inuu noqday baarlamaankii ugu karaamada daraa ee Soo mara umadda Soomaaliyeed, kaas oo ay u tahay markii labaad ee arintaasi ka shacdo iyadoo loo fadhiyo u codeynta doodaha baarlamaanka gudahiisa ah. Gacan ka hadalkan ayaa bilowday kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed uu soo hordhigay xildhibaanada baarlamaanka in la gaaray waqtigii loo codeyn lahaa fikrada ah in ciidamo la keeno iyo in kale.arintaas ayey waxay sababtay inuu halkaasi uu ka dhaso buuq iyo sawaxan ilaa gacmaha la'isula tagay. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa halkaas ku xiray doodii galabta ka dhacaysay goobtaas waxaana loo qaaday xildhibaanada qaarkood oo halkasi ku soo gaaray dhaawacyo isbitaalada ku yaala magaalada Nairobi, wixii faah-faahin dheeriya gadaal ayaan idiinku soo gudbinaynaa. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nairobi: Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray - Thursday, March 17, 2005 at 16:59 Nairobi: Wararka hadda soo dhacay waxaa uu sheegayaa wariyahayaga Nairobi Iimaan Cali cabdi in fadhigii baarlamaanka la isku feeray. Wariyuhu wuxuu sheegayaa in markii ay soo dhamaatay doodii xildhibaanadii saaka isu qoray inay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinkii baarlamaanku u fariistay ee ahaa in dalka la keeno ciidamo Afrika iyo Carab ah oo dawladu soo hordhigtay baarlamaanka uu gudoomiyaha baarlamaanku Shariif Xasan Shiikh Aaden uu xildhabaanada u akhriyay warqad uu ugu sheegayo in waxa codka loo qaadayo ay tahay kaliya in ciidan ka socda wadamada safka hore dalka la keeno iyo in kale, tani oo uu ku sheegay inuu yahay mooshin kale oo ay jeediyeen xildhibaano tiradoodu tahay 70. Markii uu intaas sheegay gudoomiyaha baarlamaanku waxaa kor u kacay sawaxan la isku waydiinayo waxa badalay mooshinkii saaka oo dhan laga doodayay. Codaynta oo ahayd codka qorsoodiga ayna diyaar ahaayeen sanaatiiqtii codayntu ayaa markaas gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in uu u badalay gacantaag iyadoo ay cirka isku sii shareertay buuqii. Dagaal gacanta la isula tagay ayaa markaas hareeyay Hoolka shirka, dhowr qof ayaa dhaawacantay, wali mahayno magacyadooda. Mardambe ayaa gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in codayntii ay dhacday baarlamaankuna diiday in ciidamada wadamada safka hore dalka la keeno. La soco faahfaahinta AllPuntland ALLE idankiis. AllPuntland. -
The warlord news are reporting a 150 vote loss for the government proposal. However contradictory news is coming in of chaos and blood letting steming from confusion of the parallel proposal's. Some news sites are reporting that no vote took place Fadhigii Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida oo ku dhamaadey Feer iyo Fara laab Nairobi-17.March.2005 Kulankii ay ku lahaayeen Magaalada Nairobi Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida ayaa wuxuu ku soo afjermey dagaal gacmaha la iskula tagey, ka dib markii Xildhibaanada kala aragtida duwan ay isku khilaafeen in cod loo qaado arinta Ciidamo ka socda Wadmmada Safka hore oo la keeno dalka iyo in kale. Wariyaha Idaacada SBC ee Magaalada Nairobi Canab Mumtaaz ayaa soo sheegaysa in Xildhibaanada Baarlamanka uu ka dhex bilowdey dagaal gacmaha la iskula tagey ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqey in loo codeyn doono arinta Ciidamo keenista waxaana goobtii la soo dhigey Laba Sandhuuq oo ay ku kala qoran yihiin Haa iyo Maya waxaana intii aysan bilaabin codeyntu muran uu dhexmarey Xildhibaanada, iyadoo meeshii ay ka bilowdeen gacan ka hadal iyo feer si xun la iskula dhacey. Tiro ka mid ah Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalada Magaalada Nairobi, kulankiina sidaa ayaa lagu kala tegey. Canab Mumtaaz SBC Nairobi.
-
Dayniile and thier Blatent lies: Col Saciid Dheere oo xabsi guri
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Anyhow another lie was spun today. 150 hands counted in the middle of a fight.. -
^^^ Yeah I lost a punch up but this wont stick, so they[opposition] lost their best chance... Lets raise our hands and we count for a new motion and hey presto a magic 150 figure in the middle of a full fight. Give us a break dude..
-
Earlier Today Xildhibaano soo bandhigay Mooshin labaad taasoo buuq ka abuurtay Baarlamaanka Nairobi :- Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gudaha hoolka shirarka ee Hotel Grand Regency ayaa sheegay in xubno kamid ah Baarlamaanka ay soo bandhigeen Mooshin labaad oo garab socda Mooshinkii dowlada. Xildhibaanadan oo u badan kuwa kasoo horjeeda Keenista ciidamada Safka hore ayaa sheegay in Mooshinka dowlada Federaalka ay Baarlamaanka soo hordhigtay uu yahay mid si khaldan loo soo qoray ayadoo looga danleeyahay in lagu siro Xildhibaanada, waa say hadalka u dhigeenee. Xildhibaanadan ayaa Mooshinka ku sheegay in la kala qaado ciidamada shisheeye ee ku qoran Mooshinka dowlada, ayagoo markaa sheegay in ay adag tahay in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka dowlada oo aysan ku kala cadeyn ciidamada shisheeye dalalka ay ka kala imaanayaan. Sida ku xusan Mooshinka dowlada soo bandhigtay waxaa lagu sheegay in ay dowlada Ciidamo nabad sugid ka dalbatay Dalalka Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta isla markaana uu Baarlamaanka Ansixiyo ciidamadaasi. "....Ma Afrika ayaan diidnaa mise Itoobiya...." ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada oo codsaday in la kala saaro ciidamada lagu sheegay qoraalka dowlada oo ciidamada safka hore si gaar ah looga hadlo. Hasayeeshee Xidhibaanadan ayaa sheegay in ciidamada dowladaha safka hore ee IGAD ay soo hoos geli karaan ciidamada Midowga Afrika ee Mooshinka ku qoran, sidaa daraadeedna aysan suurto gal ahayn in ay codkooda mooshinkaasi siiyaan maadaama aysan u kala cadeyn wadamada. Labada mooshin ee kala ah kan dowlada iyo midka cusub ee Xildhibaanadan soo qoreen ayaa ah kuwo hada is garab socda ayadoo uusan Guddoomiyaha Baarlamaanka weli kala saarin labada kooxood oo ku kala bixi waayey doodihii halkaasi laga soo jeediyey. Kala soco HorseedNet haduu Alle idmo, wixii kusoo kordha kulankan oo hada si toos ah uga socda Hotel Grand Regency Nairobi, Kenya. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
-
Nairobi: Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray - Thursday, March 17, 2005 at 16:59 Nairobi: Wararka hadda soo dhacay waxaa uu sheegayaa wariyahayaga Nairobi Iimaan Cali cabdi in fadhigii baarlamaanka la isku feeray. Wariyuhu wuxuu sheegayaa in markii ay soo dhamaatay doodii xildhibaanadii saaka isu qoray inay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinkii baarlamaanku u fariistay ee ahaa in dalka la keeno ciidamo Afrika iyo Carab ah oo dawladu soo hordhigtay baarlamaanka uu gudoomiyaha baarlamaanku Shariif Xasan Shiikh Aaden uu xildhabaanada u akhriyay warqad uu ugu sheegayo in waxa codka loo qaadayo ay tahay kaliya in ciidan ka socda wadamada safka hore dalka la keeno iyo in kale. Markii uu intaas sheegay gudoomiyaha baarlamaanku waxaa kor u kacay sawaxan la isku waydiinayo waxa badalay mooshinkii saaka oo dhan laga doodayay. Dagaal gacanta la isula tagay ayaa markaas hareeyay Hoolka shirka, dhowr qof ayaa dhaawacantay, wali mahayno magacyadooda, markaas ka dib ayaa goobta lagu kalo tagay iyadoo wax codbixin ahi ayan dhicin. La soco faahfaahinta AllPuntland ALLE idankiis. AllPuntland.com
-
Shariif Xasan ayaa ku dhawaaqay in cod gacan taag kadib Baarlamaanka isku raacay inaan dalka la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka wax yar kadib markii goobta Baarlamaanka ku shirayay rabshado ka dhaceen waxaa uu sheegay in Baarlamaanka isku raacay cod gacan taag ah in dalka soomaaliya la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Shariif ayaa sheegay in Cod Gacan taag lagu kala baxay, iyadoo weliba goobta ay yaalan dhaawac fara badan oo Baarlamaanka Soomaalida ka tirsan. Dhanka kale Inj Maxamed Xuseen Caddow ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaalida isku raaceen in dalka soomaaliya la keeni Karin Ciidamo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Si kastaba ha ahaate waxaa muuqata in Baarlamanaka ku kala jabay,iyadoo la sheegayo in Xaalada ay kacsan tahay. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
Contradictory news and Dayniiles 150 is not believable.. Dhiig iyo Dhaawac fara badan ayaa ka dhax dhacay goobtii Baarlamaanka ku shirayay Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka dalbaday in la bilaabo codeynta Xildhibaanada u codeynayo in dalka la keeno ciidamo ka socda IGAD oo Itoobiya ka mid tahay iyo in dalalka safka hore laga reebo codsiga Dowladda KMG a ayaa waxaa meesha rabashado ka bilaabay xubno ka tirsan sida la sheegay taageeriyaasha Cali Maxamed Geeddi, kuwaas oo diiday in la codeeyo. Qaar ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ayaa gudaha soo galay, iyagoo isku wareejiyay ammaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka,waxaa hadda la burburiyay dhamaan kuraastii Baarlamaanka ku shiray, waxaana ka mid ah dadka dhiigga hadda ka socda C/llaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale. Waxaa la isku dagaalay in dalka la keeno Ciidamo Itoobiyaan ah iyo in la joojiyo kuwa laga keenayo dhanka iyo Jaamacadda Carabta,dagaalka ayaa faraha ka baxay,iyadoo Xildhibaan kasta wixii gacantiisa qabanayo gacanta ku qabsaday. Dhamaan wixii kuraas ah oo meesha yaalay ayaa la burburiyay, iyadoo Xildhibaanada dhaawac soo gaaray Isbitaalada Kenya, halka kuwa kale weli dhaawsacooda yaalo bartamaha Hotelka. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com As you know the motion to be debated was the governments and not the oppositions...Should there be AU and Arab league troops...
-
Rising voices against the deployment of Igad troops..!
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
Dowlada Maraykanka oo wadamada IGAD uga digtay ciidama ay Somalia kula degdegaan xilligan. So where is the English transcript of this. Or has the US government turned to Somali language radios to voice its concerns? -
Deployment of AU troops in Somalia is set for April 30
General Duke replied to NASSIR's topic in Politics
"Ciidamada Soomaaliya la Geynayo ma aha kuwo Cid la Dagaalamaya" Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Jen. Beyr - Thursday, March 17, 2005 at 01:20 16.03.05 - Wasiirada Gaashaandhiga ee wadamada ku bahooday IGAD ayaa soo afjaray shirkoodii maalmahan uga socday duleedka caasimada Ugaandha, waxaan lagu go’aamiyay in Soomaaliya ciidamado nabada Ilaalin ah la diro. Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumada FKMG ee Soomaaliya Jen. Cabdiraxmaan Maxamuud Cali (Beyr) oo ka qeyb galay kulankaas wasiirada ayaa BBC-da Laanta Afsoomaaligu wax ka waydiisay howlaha ciidamada, Axmed Maxamed Nairobi ayaa ugu horeyn waydiiyey, bal inuu faahfaahin ka bixiyo howsha ciidamadaasi ay soo qabanayaan wuxuuna ku jawaabay: Jen. Beyr: Sida aad ka warhaysid Axamedow Soomaaliya waxaa laga aasaasnay dowlad. Dowladaasi waa inay dalkii ku noqoto, marka ay Dalkii ku noqoneyso, hadee iskama tagi karto iyadoo wax la’a, iyadoon ciidamo daadihinaya wadan iskama tagi karto, dhibaato ayay ku noqoneysaa, ciidamo soomaaliyeed oo hadda inoo aasaasan oo dalkii jooga oo nabad galyada ilaalin kara oo Xukuumada iyo Baarlamaanka iyo dhamaan Hay’adaha Dowlada aan ku iraahdee howsha looga baahan yahay qaban kara ma haysano sida aynu ognahay. Markaa waxaa lagama maarmaan noqotey in Maadaxweynahu waydiisto dowladaha IGAD ciidamo kaalmeeya oo daadihiya Xukuumada markay ku noqonayso Dalka, si loo sugo nabada kadina dibu heshiisiintii u sii socoto. Axmed Maxamed: Ma wadamada IGAD oo idil baa diraya ciidamda mise qaar baan direyn? Jen. Beyr: Sida runta ah waa inay IGAD dhamaantood ciidamo diraan, ciidamadaas ay direyaan waa inay wixii kharash ah iyagu bixiyaan, kharashkaas oo laga helayo wadamada deeqda bixiya. Axmed Maxamed: Ciidamadan la dirayo ee ay dirayaan wadamada IGAD tiradoodu waa imisa? Jen. Beyr: waxaa laysla gartay ama laysla ogolaaday in la diro ilaa 8 Betaliyan (guuto). Axmed Maxamed: 8-da Betaliyan waa imisa Askari?. Jen. Beyr: waxaay ku xidhan tahay organization Dalka kastaa leeyahay ayay ku xidhan tahay, laakiin 500 Askari qaar baa ah, 600 Askari qaar baa ah, 1000 qaar baa ah, Qaarba waa si, taasi waxay ku xidhan tahay Dowlada organization-kooda, waxaa loo baahan yahay shirka Madadaxweyneyaasha oo dhawaan kulmaya inay go’aan ka gaadhaan, laakiin waxaa laysla waafaqay in marka ugu horeysa in Soomaaliya loo diro 4 Betaliyan, meesha la geynaya iyo meesha laga dejinayo waxay ku xidhan tahay sida ay dowladu u rabto. Marxalada Labaad iyana waxaa la geynayaa 2 Betaliyaan, Marxalada Sadexaad isagu wakhti ayuu qaadanayaa, waxayna noqonaysaa in la geeyo meesha loo yaqaan Aku-Benaadir iyo Jubooyinka, hase ahaatee waxa la door biday in dhulkaas laga shaqeeyo oo la nabadeeyo ilaa inta aan hadda ciidan la geyn. Axmed Maxamed: Awooda Ciidankaasi sidee buu noqonayaa? Hubkoodu muxuu noqonayaa? Jen. Beyr. Ciidankaas Soomaaliya loo geyn maayo inuu cid la dagaalamo ama cid hafiyo, ciidankaasi wuxuu ilaalinayaa meelaha ay fadhiyaan dowladu, Laakiin waa ciidan is difaaci kara hadii loo baahdo. Axmed Maxamed: Hadii Baarlamaanku uu diido inuu ansaxiyo in ciidamada in la geeyo Soomaaliya, maxaa markaa talaabo ah oo aad qaadeysaan? Jen. Beyr: U maleyn maayo in Baarlamaanku diidayo in ciidan soomaaliya la geeyo, waxaa yeelay nabad galyadii ummadda ayaa ku xidhan? Axmed Maxamed: Hadaad tahay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Soomaaliya, kana soo qeyb gashay kulankii ka dhacay Ugaandha, Idinku door intee le’eg baad ka ciyaarteen kulankaas? Jen. Beyr: Anagu markii horena Saraakiil khubaro ah ayaanu u soo dirney, oo mar kasta la fadhinay, go’aamadii ka soo baxeyna waanu ka qeyb galey, doodihiina lays dhaafsanayayna waanu ka qeyb galeynay? Axmed Maxamed: Saraakiishan Khubarada ah ee Soomaaliya xagay ka socdeen? Jen. Beyr: Saraakiishu waa Saraakiishii xooga dalka Soomaaliyeed ee hore weeye sidaad u ogtahay, meel kastana hadda way joogaan, waana Saraakiishii hadda ku sugneyd Nairobi. Axmed Maxamed: Ma dowladaa soo xushay? Jen. Beyr: Haa Wasaarada Gaashaandhiga ayaa soo xushay? Axmed Maxamed: Wasiir waxaan ku waydiinayaa Qeybta koowaad ama Betaliyanka Kowaad xagee la geynayaa? Jen. Beyr: Qeybta koowaad waxaa la geynayaa Jowhar iyo Baydhaba, waana Afar Betaliyan, Qeybta labaad waxaa la geynayaa Baladweyne iyo Gaalkacayo waana laba Betaliyan. Axmed Maxamed: Qeybta ugu horeysa goormey tageyaan? Gen. Bery: Qeybta ugu horeysaa waxay tagayaan Bisha April 30-keeda, Qeybta labaad sida lagu heshiiyay waxay tagayaan marka ciidanka hore tago laba todobaad dabadeed kadib. Xigasho: Radiossc.com