General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. In Conclusion , this unholy alliance who maintain the rotten Status Quo pause a formidable challenge to Somali citizens who are sincerely working and striving to liberate our people from 14 years of killing, displacement, man-made famine, and lawlessness, which are the bread and butter of this predatory paradigm.
  2. Is deji oo shaydaanka iska naar Islaan. Let the democratic process correct itself. We have a constitution As ever you are right bro. As for my vexation that was always reserved for my lost cousin Juma Il Coward..
  3. ^^^^^^^^ lol Ms Word. That was funny wallahi.. Sis hasha, my comment was in support of the brothers angle of reasoning regarding why America would be against troop deployment and had nothing to do with the tragic events refered to as "black hawk down" in which many innocent Somali souls were lost. Your point was good as well..
  4. ^^ lol I was waiting and indeed expecting such a comment. Clan hatred and the shock that came about from the demise of Abdiqasin [marriage ties] has blinded you and dragged you deep in the dark side. That is why I have named you Juma Il Coward , for only such a man would idolise the weak bully and insult the brave.
  5. ^^^ Lack of originality seems to inflect not only your leaders. At least come with your own comments. In the land of the blind the one eyed man is king. In Mogadishu it seems ****** rule using the BBC they manage to fool a minority of the population in being kept in bondage, thank Allah they do not have the same effect on all us
  6. Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu Golaha Baarlamaanka uu ku ceshay Go'aankii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nairobi :- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Qoraal ku aadan Go'aankii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhaawaqay Khamiistii lasoo dhaafay ayadoo Madaxweynaha cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed oo sheegay in uu adeegsanayo awooda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha in uu ka codsanayo Baarlamaanka Soomaaliya inuu markale ka doodo Go'aankii la xariiray Mooshinkii dowlada Soomaaliya ku codsatay ciidamada nabad sugida ee shisheeye. Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii ay mooshinkaasi ka yeesheen khamiistii lasoo dhaafay uu ku dhamaaday dagaalka iyo gacanka hadal keenay in ay dhaawacmaan qaar kamid ah xildhibaanada. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo asagu ku dhawaaqay in Golaha uu codkiisa u batay in aan la keenin ciidamada safka hore ayaa hada waxaa loo gudbiyey codsigan ka yimid Madaxweynaha oo uu ku codsanayo inuu dib ulla noqdo go'aankaasi. Arrintan ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Nairobi ayadoo ay dadka isweydiinayaan sida ay u suurto geli karto in markale Baarlamaanka uu ka doodo Mooshinkii keenay in golahaasi uu dhiig ku daato. Waxaa ayaguna jira xubno kale oo kamid ah Baarlamaanka oo isweydiinaya muhiimada ay leedahay dood cusub oo Baarlamaanka ka yeesho ciidamada safka hore ayadoo ay IGAD go'aansatay Jimcihii lasoo dhaafay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Sudaan iyo Yugaandha. Waxaa ayaguna jira kooxo kale oo sheegaya in go'aankii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha uu yahay mid aan la qaadan karin maadaama uu dagaal ka dhacay Baarlamaanka wakhtigii codka la qaadi lahaa isla markaana go'aanka Guddoomiyaha uu yahay mid u baahan in dib loogu noqdo. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaan asagu weli wax war ah ka soo saarin codsiga iyo qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo asagu sida dastuurka qorayo awood u leh codisgan uu hada soo saaray. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
  7. ^^^ Does not change the right of the President to bring back quetionable legeslation back to the parliment.
  8. Its cold in Europe sis,as a result I never get tired of wanting to go back to my hot friendly country.
  9. Nairobi:Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu celiyey baarlamaanka KMG ah qorshihii ku aadanaa keenitaanka ciidammo nabad ilaalin ah ee Soomaaliya ,xaqse ma u leeyahay? - Sunday, March 20, 2005 at 17:43 Nairobi(Allpuntland)-Wararka aan ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu qoraal u qoray baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ,isagoo ku soo celiyey go'aankii muranku ka dhashay ee dhowaan guddoomiyaha baarlamaanku sheegay in la ansixiyey diidmada keenitaanka ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda wadammada safka hore,taasoo Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah mudane Cali Maxamed Geeddi uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo aan sharci ahayn. Si kastaba ha ahaatee iyadoo aan la fiirin sharci ahaantiisa ama qalad ahaantiisa ayaa madaxweynaha DFKMG ahi waxa uu u cuskada qoraalkaan uu u qoray baarlamaanka qodobka 36aad ee Axdiga KMG ah oo qoraya sidan: -Marka Golaha shacabku uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo. -Madaxweynahu labaatan iyo kow(21) maalmood gudahood ,marka sharciga loo soo gudbiyey si uu u ansixiyo sida ku qeexan qaybta (1),waxaa uu u cadaynayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogolaaday ama diiday sharcigaas. -Haddii Madaxweynuhu diido inuu ansixiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14)maalmood gudahood,wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga bedelo uu u gudbinayaa Guddoomiayaha Golaha Shacabka. -Golaha Shacabku wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyagoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna: a)Ogolaanayaan soo jeedinta Madaxweynaha iyagoo wax ka bedelay ama aan wax ka bedelin,kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado,ama b)Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yarayn 65% xildhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynuhu ogolaan doono sharciga afar iyo toban maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey. -Faafinta Sharci uu sameeyey Golaha Shacabku ma dhaqan geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowladda. Haddaba waxaa laga sugayaa jawaabta ku aaddan soo celinta madaxweynaha ee go'aankii ansixintiisa sharci ahaan muranku ka taagnaa ee u dhowaan Guddoomiyaha baarlamaanku sheegay inuu muuqaal ahaan ku ansixiyey gacan taag uu ku sheegay in intii badnayd ay gacanta u taageen diidmada keenitaanka ciidammo ka socda wadammada safka hore,xilli uu buuq iyo dagaal ka dhex socdey baarlamaanka dhexdiisa. Iimaan Cali Cabdi AllPuntland,Nairobi
  10. ^^^ Juma Il-Coward, laugh now son but definetly you will cry later. For those who build their properties on quick sand will soon sink..
  11. I don’t believe the AU can grand designs on Somalia. For the AU is formed from various nation states with their own separate interest, thus this provides a check and balance effect. For example Ethiopia and Egypt hold polar opposite opinions regarding Somalia and thus would have to compromise on their positions when making joint decisions, this is further diluted when other nations far and near the state have their say in the decision making process. It shows a maturity on behalf of African nations in that they must take responsibility for the affairs of the continent and not rely too heavily on the support on external powers such as EU and US. As for the issue of sovereignty raised, I apologise I am in position to make any comments as I have not done the research with regards to international law.
  12. I read that as well, Horn is correct however the IGAD and Arableague would do nothing without the consent of the US. Unless things have changed....
  13. LSK, do you still think a vote took place, even Burtinle.com apologised to its readers for making that very statement?? The truth is simple, the Sharif made an estimate 156 for and 55 against. Then on the BBC he said he estimated that 80% was against. and that 175 voted against, what a joke. As for the fighting that was disgusting, the whole thing was shown on Kenyan Televesion and the world media picked it up.
  14. Algereis: Arimaha Soomaliya oo siweyn loogaga hadlay Shirka Jaamicadda Carabta ee Algeris - Sunday, March 20, 2005 at 12:06 Algereis: Shirkii Wasiiradda Arimaha Dibadda ee Dalaka Jaamicadda Carabta ee Shalay ka bilaamay Magaalda Algeris, ee dalka Algeeriya ayaa meel sare maraya, halkaas oo looga hadlay arimaha Soomaaliaya, Suudaan, Falastiin, Ciraaq, Libnaan, baarlamaan Carabtu yeelato, iskaashi dhexmara Wadamada carabta iyo Afrika, iyo xiriir dhaw oo ay yeeshaan Midawga Yurub iyo Jaamicadda Carabta. Arinta Soomaaliya oo muddo dheer qaadatay. Waxaana Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dawladda Federaliga ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil uu ka jeeday shirka hadal dheer oo soo jiitay wafdiyada kaasi oo murtidiisu ahayd in Dawladaha Carabtu maantay Soomaaliya la garab istaagaan taageero dalka dib loogu dhiso, laguna soo celiyo Soomaaliya kala dambayn iyo nabadgelyo waarta. DKMS waxay codsatay ciidamo dalalka carabta ka socda iyo dhaqaalihii loogu adeegi lahaa dalka Soomaaliya. Waxaana markii hadalkii Wasiirka, Cabdulaahi Sh. Ismaaciil ka dib taageeray codsiga DKM, Wasiirada Arimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Suldanada Cumaan, Jamhuuridda Yemen, Suudaan, Kuwayd, Jabuuti, Imaaraadka Carabta ee Midoobay (UAE), Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo wakiilada kaleeto ee wafuudda carbeed. Waxaana aakhirkii arinta Soomaaliya aad uga hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamicadda Carabta Caamir Muusa, kaasii oo ku dheeraaday in iminka si deg deg ah carabtu ugu gurmato DKMS iyo sidii ay lugaheeda isugu taagi lahayd. Waxaa dalalka carabtu ugu yabooheen Soomaaliya wixii ay waydiisatay, taasi oo Wafdiga Wasiirka dibaddu Cabdullahi Sh. Ismaciil aad uga mahadceliyeen taageerada walaalahooda Carbeed. Waxaa la filayaa in maalinta Talaada ee soo socota in shir Madaxeedka Dawladaha Jaamicadda Carabtu bilawdo ayna kama dambayn qalinka ku duugaan, qodobada wasiirada dibaddu isla meel dhigeen ilaa iyo haatan. Cabdirashid Aden Sed Wafdiga Soomaaliya ee Algeris
  15. Shirka sare ee Jaamacadda Carabta oo xaaladda Soomaaliya lagu faaqidey Algiers - 20.March.2005 Kulanka maalintii shalay uga furmay magaalada Algiers ee xarunta waddanka Algeria, wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu soo qaaday xaaladda dalka Soomaaliya, iaydoo uu dawladda federaalka Soomaaliyeed uu uga qayb gelayo wasiirka arrimaha dibadda, Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo hadal ka jeediyey shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa wuxuu wasiirku waddamada carabta kaga dalbaday taageero dhinac walba leh oo ay la garab istaagaan dawladdiisa. Wasiirku waxaa uu ku nuux nuuxsaday sida ay Soomaaliya lagama maarmaanka ugu tahay taageeradda ururka Jaamacadda Carabtu gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo nabadgelyada Soomaaliya. Haddalkii Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil kadib, ayaa waxaa taageero ay Soomaaliya la garab istaagaan waxaa halkaasi kaga dhawaaqay dalalka, Saldannadda Cumaan, Boqortooyada Sucuudi Areebiya, Imaraadka Carabta, Masar, Yaman, Suudaan, Jabbuuti iyo Kuwait. Kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee haatan ka soconaya waddanka Algeria ayaa waxaa sidoo kala lagaga hadlay xaaladaha dalalka Falatiin, Ciraaq, Lubnaan, iskaashiga ururka Arab League iyo AU iyo EU. Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta Camar Muuse, ayaa isna ku dheeraaday taageero loo fidiyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed, waxanu dalalka ku jira xayndaabka Jaamacadda Carabta uu ka codsaday in Soomaaliya si degdeg ah loogu gurmado. Ayaan Cabdi Xuseen SBC Boosaaso
  16. ^^^^ Juma Il Coward, Sudi Yalaxow made a mistake however as they say "dont do the crime if you cant do the time". The whole world watched as the happless Sharif led the parliment to fight, and the moron Sudi Yalaxow forgot where he was, you can imagine him afterwards reflecting "oops I thought this was madina" Its wonderful that the so called super men of Xamar can be arrested, and charged for their actions. And we hope this is a precursor for things to come. Now people will be careful next time in rushing in with walking sticks and punching others and we hope Sharifka will hold a confedential ballot box vote and not estimate what he believes to be a simple majority. As for you Il Coward, I am a bit disapointed in your latest drivel for the fact remains your lot are bad lossers and even worse liers.
  17. Minister beiting on an MP :rolleyes: "qof xil sheeganaya oo oranaya waan dagaalamayaa, waa ruux aan daamiir iyo sharaf qaran lagu sheegi karin, taas ayaa keentay e in la xiro wasiiro dhibaato geystay"ayuu yiri Maxamed Dheere.
  18. Muuse Suudi oo xabsiga laga sii daayey, maxkamadna la hor geyn doono talaadada Burtinle-Online Sabti, March 19 2005 2330 GMT Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in waxyar kahor saxdii dhexe ee waqtiga Bariga Afrika xabsiga laga sii daayey Muuse Suudi Yalaxow. Muuse Suudi iyo 3 Xildhibaan oo kale ayaa subaxnimadii Sabtida lagala baxay Hoteladii ay deganaayeen, loona dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Nairobi. Wakiilka dowladda Kenya ee shirka Soomaalida Pethuel Kiplagat iyo Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qeyb ka geysteen sii deynta Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaa la sheegay in lagu amray in uu Talaadada soo socota hor yimaado maxkamad ku taala Nairobi. Muuse Suudi iyo Xildhibaanada kale ee xabsiga laga soo daayey ayaa kamid ah Xildhibaano lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhowaan dhex maray Xildhibaanada Soomaalida. Waxaa kaloo Muuse Suudi iyo saxedan Xildhibaan lagu eedeeyay in ay dhaawac gaarsiiyeen xubin ka tirsan Gollaha Baarlamaanka. Burtinle-Online editor@burtinle.com Back
  19. Isu soo baxa ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo ka dhacay Garoowe Garoowe-19.March.2005 Isu soo bax ballaaran oo lagu diidan yahay xaaladdii uu fadhigii baarlamanka ka dhaliyey guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa saaka laga oogey xarunta maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe. Waxaa maanta gebi ahaanba irdaha loo laabay goobaha ganacsiga ee magaalada Garoowe, iyadoo la fasaxay ardayda kala duwan ee dugsiyada magaalada Garoowe, si ay uga qayb qaataan mudaharaadka looga soo hor jeedo dhacdadii 17-kii bishan March ka dhacday magaalada Nairobi ee la isku fara saaray fadhigii golaha baarlamanka Soomaaliyeed. Mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa si weyn looga dareemay saamayna ku yeeshay ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Nugaal. Bannaan bixii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka warfaafinta, Geesood iyo wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Siciid Qoosheel, wasiirka caafimaadka, C/raxmaan Dhegaweyne, wasiirro kuxigeenno iyo maamulka degmada iyo gobolka Nugaal. Waxaa sidoo kale, ka soo qayb galay dibadbaxaas oo si weyn loogu dhaliilay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, cuqaasha iyo nabaddoonna gobolka Nugaal iyo ardayda magaalada Garoowe oo lulayey calanka Soomaaliya iyo caleemo qoyan. Dadweynihii isu soo baxay ayaa ku dhawaaqayey “dooni meyno go’aankii uu keligiis qaatay Shariif Xasan Shiikh Aadanâ€. Dhinaca kale, bannaanbax ballaaran oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo maanta ayaa la ujeeddo ahaamidkii ka dhacay magaalooyinka Boosaaso Qardho iyo Garoowe, waxana dadkii isu soo baxay meel fagaare ah uga khudbeeyey mas’uuliinta gobolka Mudug, waxnay sheegeen in ay si weyn uga soo hor jeedaan go’aanka guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, isla markaasna ay taageersan yihiin go’aankii uu qaatay ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi. Cnaasir Yaasin SBC Garoowe.
  20. Banaanbax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta ka dhacay magaalada Bosaaso Bosaso :- Banaanbax aad ubalaaran oo ay kasoo wada qeyb galeen shacabka magaalada iyo maamulka Gobalka ayaa saaka ka dhacay bartamaha magaalada Bosaaso. Banaanbaxan oo ay ka qeyb qaateen dad aad u badan oo lagu qiyaasay kumanaan ayaa ahaa mid lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi isla markaana looga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ay dadkii mudaharaadayey ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah, Dadkan isugu soo baxay banaanbaxan ayaa si weyn u dhaliiceenaya dagaalkii ka dhacay Baarlamaanka Federaalka ayagoo markaasi ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ninka sababta u ahaa dagaalkaasi. Dadkan oo qaarkood wateen boorar ay uu ku masawiran yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqayey in ay taageerayaan mooshinka Ra'iisul Wasaaraha uu ku codsaday ciidamada nabad sugida ah. Mudaharaadkan ayey ka khudbeeyeen xubno kamid ah maamulka Gobalka iyo dowlada Puntland kuwaasi oo ay ku jireen guddoomiyaha degmada Bosaaso Mr.Rooble Cumar iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xaaji Bakiin iyo xubno kale ayaa si weyn u dhaliiceeyey qaabkii uu u dhacay kala fadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaa sidoo kale dhaliiceyn weyn mudaharaadkan looga soo jeedshay Idaacada BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga oo lagu sheegay mid aan dhex dhexaad ahayn, isla markaana u xaglineysa qeyb kamid ah kooxaha ku dagaalamay Baarlamaanka. Dhanka kale waxaa ayaguna jira dad kamid ah shacabka Puntland oo ayagu taageersan in dalka Soomaaliya aan la keenin ciidamo ka socda safka hore balse mudaharaadka maanta ka dhacay Boosaaso ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay shacabka Puntland uga qeyb qaadanayaan oo lagu taageero Xukuumada Federaalka. Waxaa sidoo kale jiray mudaharaadyo la qorsheeyey in ay ka dhacaan magaalooyinka Qardho, Garowe iyo Gaalkacyo oo ayagu dib u dhac ku yimid. Shacabka ayey ka muuqataa in aysan ku mideysneyn arrinta keenista ciidamada ayadoo maamulka Puntland uusan weli ku dhawaaqin wax mudaharaad ah oo lagu sameeyo Puntland ayaa hadana la oron karaa waxaa socda dhaq dhaqaaqyo lagu abaabulayo mudaharaadyo ay shacabka ku dhiibanyaan aragtidooda. Xassan Ciise HorseedNet.com Bosaso, PL Somaliya
  21. BANNAANBAX LAGU TAAGEERAYO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF IYO RA’IISAL WASAARE GEEDI OO KA DHACAY MUQDISHO Somaliweyn.com (Mogadishu 19/03/05) Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Dowlad-diide doonimeyno, Doolar qaate doonimeyno, waxaan taageersanahay Ciidamo Afrikaan ah oo aan la kala sooceyn in dalka la keenoâ€. Dadka bannaanbaxayay ayaa socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna bannaanbaxani ahaa kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Dowladda Federaaliga ah oo ay soo bandhigaan bulshada magaalada Muqdisho, waxaana dadkii bannaanbaxayay la socday ciidamo hubeysan, kuwaas oo loogu talagalay inay kahor tagaan kooxaha diidan in la muujiyo fikirka lagu taageersan yahay Dowladda Federaaliga ah. Idaacadaha Muqdisho ayaan soo hadal qaadin bannaanbaxan, iyadoo ay muuqato in qaar ka mid ah Idaacadahaasi ay si toos ah uga shaqeynayaan sidii loo kala dhantaali lahaa qorshaha Dowladda ee ku aadan dib u dhiska iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed.
  22. Uganda, Sudan to send initial peace force to Somalia NAIROBI, March 18 (AFP) -- Uganda and Sudan will send the first batch of troops to Somalia as part of a regional force to help relocation of the country's government, still holed up in Kenya, regional ministers said here Friday. "The initial deployment of troops shall be undertaken by countries of IGAD which are ready to do so now, namely, Uganda and Sudan," Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) ministerial chairman Sam Kutesa told reporters. The IGAD ministers, however, failed to give specific date of deployment, the size of the force and the cost of the exercise. Kutesa said that the remaining IGAD countries would only provide "logistics, equipment, emergency assistance and training of the Somali army and police" to the first phase of the deployment. Last week, senior defence officials meeting in Uganda said IGAD planned to send a 10,000-strong force across Somalia except in the breakaway region of Somaliland. In February, the African Union (AU) authorized IGAD to deploy an initial peacekeeping force to Somalia to help the country's transitional government relocate there from exile in Kenya, before AU troops get on the ground. But hardline Islamic clerics have vowed to oppose the whole deployment while a section of warlords have objected to the presence in the force of soldiers from Djibouti, Ethiopia and Kenya which they say have ulterior motives in participating. Somalia has been in chaos without any functioning central authority since the ouster of strongman Mohamed Siad Barre in 1991 turned the nation into a patchwork of fiefdoms ruled by warlords.