General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. President Yeey appointing him as a Counselor to the Somali Embassy in London. Now tell me who is ignorant to the reality to the ground and led by the fantasy dictated by adeero Those with no conviction who lack basic aims and objectives and have no meaningful goals in life, always analyse and interpret the actions of others using their own narrow understanding of what they perceive to be reality. Mobb, trust me it will be an honour to serve the motherland.
  2. Nairobi:Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo ku sheegay inuu ku aqbalay baaqii Madaxweynaha - Wednesday, April 20, 2005 at 15:52 Nairobi(Allpuntland)-Waxaa galabta warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Nairobi Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan waxana uu kaga jawaabayey baaqii shalay uu u diray Madaxweynuhu isaga iyo Ra'iisal Wasaaraha oo isagu hore u cadeeyey inuu aqbalay,haddaba warsaxaafadeedkaan oo uu ku sheegay inuu Guddoomiyuhu aqbalay baaqaas ayaa waxay u qornayd sidaan: WARSAXAAFADEED Nairobi 20 April , 2005 Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane .Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu si diirran u soo dhoweynayaa baaqii taariikhdiisu ahayd 18 April , 2005 ee uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane .Cabdullaahi Yuusuf Axmed taas oo furaysa albaabkii wada hadalka. Maadaama albaabkii furmay waxaa muuqata in loo wada hadlo si rasmi ah iyo si aan rasmi ahayn ,wadahadalkaas oo mar walba la waafajinayo Axdiga KMG ah ,si loo helo tubta toosan. Albaabkaa furmay waa inuu keenaa dib u heshiisiin,midnimo iyo wadashaqayn labada gole ka dhex dhalata oo ka tarjumaysa sida Axdigu sheegayo. Taa haddii la helo waxa fududaanaya arrimaha ina horyaala oo ay ugu horrayso midnimada iyo wadashaqaynta golayaasha Dowladda ,si loo hirgeliyo waxa ay naga sugayso ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka oo dhan gaar ahaan dowladihii iyo ururadii caalamiga ahaa oo ku bixiyey maalkooda iyo moodkooda shirka badbaadinta Soomaaliyeed ee socdey labada sano iyo barka oo ay ka dhalatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Waxaan si xushmad iyo qadarrin leh aan ugu mahad naqayaa beesha caalamka oo gacan weyn ka geysatey maal badana ku bixisay arrimaha nabadaynta Soomaaliyeed ,ilaa maantana u ah heeggan nabadaynta iyo xallinta khilaafaadyada yaryar ee ka soo ifbaxa maamulka dowladda dhexdiisa. DHAMAAD Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi
  3. Interview Daljiir Waraysi - Af-hayeenka Dawladda Somaliya, Cabdiraxmaan Diinaari - Radio Daljir-
  4. Juma uses every tragic incidnet as yet another example to showcase his ignorance and clan hatred. Does he know who threw the granades? As for the boy Wind, well what does he stand for?
  5. ^^^^^Loweing the thread aside, what alternative do you present? Again the confusion on your part continues. You hate the present status quo but will never the less accept it, obviosly you are waiting for Musa, Ato and Qaynyare to bring law and order to Xamar. Again what alternative is there but to keep the country as it is? To me thats unacceptable and we need FT from every where to help us get back on our feet. ........................................................... Ogaaw Suudi Succudiga isbaarada waa gacmo iyo lugo goyn! Wadanka Sucuudiga intii ka horeeysay Malik C/casiis bin C/rahman Al-Sucuud wuxuu u muuqal ekaa xaaladda hadda ka taagan Somaaaliya ee fawdada ah. Xilligaasna, meel walba waxaa ka jiray isbaarooyin , kuwo dawlad gaar sheegta sida Somaaliya heysata, xaruntii Islaamka ee Makkah oo jidadkeeda qaarkood xujaajta lagu dhici jiray oo illaa maanta loo yaqaano wadadii tuugada "shaarac Lasuus" oo u eg tan maanta Xamar ka taagan. Malik C/casiis oo dhibaatooyinkaas isaga iyo reerkiisaba qaxooti Kuweyt ku ahaa ayaa halkaas iska soo abaabulay, isgaoo tiro yar oo dad ah wata,ka dibna wuxuu ka xoreeyey degaankiisii Al-najd kuwii xoogga ku heystay ee dadka dulmiga baday. Ka dibna, si tartiib tartiib ah ayuu dalka ugu baahiyey dawladiisii. Intii uu dawlad baahintu uu wadayna, marba marka ka dambeeysay wuxuu helayey kalsoonida ummadda ee uu ku hantay markii uu laayey kuwii isbaarada dhigtay iyo tuugadii ay ku adeegan jireen. Marka, dawladda Somaallida iyaduna waxay maanta u bar egtahay tii C/casiis iyadoo iska soo abaabuleeysa Kenya sidii Kuweyt oo hadana tabar daran.Si kastaba ha noqote , dawladda xataa Yuhuud ha isticmaashee dadku waxay u baahan yihiin in si dhaqso leh looga qabto tuugada qaadhacul dariiqa ah ee xaaraanta xaleeystay ee rag iyo Rabiba aqoonin ee walibana difaacaya xaaraan ku naaxa sida Muse Suudi ee sida qeyral mas'uulnimada leh u difaacay baadda u shacabka ka qaato. Ugu dambeyntiina, wax walba wakhti beey leeyihiin, waxayn ila tahay in maalmo tirsan ay u hartay dulmi-doonka raba in wiilashooda iay qabqablenimada ka daxlaan ee aan rabin dawladnimada si umadda ay dhiiga ugu nuugaan.Hana ugaadeen in Suudi,Caato iyo kuwa la midka ah in Sucuudigu isbaaradu ay tahay gacmaha iyo lugaha oo isweeydaris looga gooyo dambiilayaahsa iyaga la midka ah balse ay taasi uga nabad galeen iyagoo Somaaliya jooga oo tabcasho noocaas ah u tagin Sucuudiga.Wiil iswaalana waabiyaa hela! Dulmi-doonka Ha dhaco! A.Dirir aardoon diri burashadley@hotmail.com> .......................... www.somaliweyn.com Things have changed, and no longer can a few hold the many down...
  6. Bashi. Indeed if we take the spin of the warlords and their ever wishful cheerleaders, we get a picture of clan loyalties, and stern opposition. However a close examination one sees that it’s quite the opposite. The fact that no one warlord has yet resigned, including the JVA junior partner and our minister of security, or that not one has even publicly denounced the President. There has not been a list of names of the MP’s in xamar to give comfort to the opposition, figures are thrown about but even at their highest we get a number between 40 and 55 individuals. Mogadishu itself is a tough place I doubt they will be able to attack the FT and government troops far outside the city, the more adventures group such as Inda Cade et al will think twice facing such fire power. Even this unholy coalition will not hold once the government and the FT troops arrive, some who are quite now will grow bolder, others will tow the line. The President has always wanted to go to Mogadishu on his timetable and not one set by others. This is an important distinction to former “heads of stateâ€.
  7. ^^^ You got it, he was good yesterday but today he is just terrible, he is not from Xamar either.
  8. Gudoomiyaha baarlamaanka Oo u Muuqda Mid Tanaasulaad Siyaasadeed U Muujinaya Kol Cabdulaahi Yuusuf Madaxweynaha DKM Ee Soomaaliya. Hobyonet.Muqdisho. Arbaco, April 14, 2005. Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo Go'aan Siyaasadeed Lahaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyey ayaa Haatan u Muqda Mid Sanbariiraxoonaya. Gudoomiye Shariif Xasan Sh. Aadan oo Habeenadii lasoo Dhaafay Ka Qayb Galayay Kulamada Madaxweynaha Uu Qabanayay oo Xitaa madaxweyne C/laahi yuusuf uu Caay ladabagalay Gudoomiyaha baarlamaanka Markii u Qowmiyada uu gudoomiyaha kasoo Jeedo ee Asharaafta uu Jiritaankeeda Inkiray Mr. Cabdulaahi Yuusuf oo markastaa oo Uu Hadlayo uu waxuu Doono Yiraahdo iyada oo Muqdishana Looga Yaqaano Odaygii Isku Dhexyaacay. Hadaba gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan oo ahaa Muwaadin Wadaniya oo Waxkadifaacay Shirqooladii Lala Damacsanaa Soomaaliya in Ciidamo Xabashiya la keeno ayaa iminka lasheegayaa inuu Markii Madaxweynaha Aadayay Itoobiya Sagootiyey Markii uu Shirqoolka uu la Damacsan Yahay Umada Soomaaliyeed Ka soo Laabtayna soo Dhaweeyey Taasi oo Shaki Weyn ku Abuurtay Bulshada Soomaaliyeed Qadarintii Loo Qabayna Haatan u Shaki Yar soo Galayo. Mustaf Nuur Guuleed Ridil Muqdisho mustafnuurridil@hotmail.com
  9. Bashi. The FT will not initially go to the Capital, the plan is for them to protect the areas the government will temporarily be housed. Badoa and Jowhar are still the choice. Then the second phase will see troops go to Galkacyu and Beleddweyne. As you have rightly hinted at Mogadishu will take some time, but I must say I have been presented with no evidence that convinces me that there is a large and well organised opposition against the government in Mogadishu. All we have is various clan entities, what ever title one chooses to give them. They are not united nor have a coherent strategy as shown by the failure of the MP’s, warlords, courts and Political groups in Xamar to even move one road block. Right now it’s the government that holds all the aces, the international community and IGAD have so far sent the right signals, the diplomatic effort has been successful and what have the supposed opposition done?
  10. ^^^ Hobyonet article page a must for sensing the mood General Naji must be from the President's or the PM clan? Or he must have been an infamous fellow blamed for unspeakable actions in the time of the former regime? :rolleyes: ........................................................... The General is out to kill the people of Mogadishu Somalia: General Naaji's Nomination Means War Thursday, April 14, 2005 The nomination of General Naaji as the chief of staff of the Somali national army by prime minister Ali M. Ghedi is a criminal act of treachery on the Somali nation. General Naaji was one of the commissioned officers by dictator Barre who carried out civilian massacres in Mogadishu, Lower shabeele, Lower Juba and Middle Juba during Siyad Barre's reign of terror in the 1990s. General Naaji's criminality and murderous acts are well documented in Somalia and he is not fit or deserve to be appointed as the chief of staff of the Somali national army.
  11. Dayniile chips in with its double personality, but blames Mogadishu troubles on the President and guess who?? Magalada Muqdisho oo la caala Jilaafada Cabdulaahi Yuusf , maamul aqoon la´´aanta beelaha USC , buunbuuninta saxaafada Puntland . Muqdisho Marka hore hadaan wax yar oo kooban ka shekeyna magalada Muqdisho waxey aheyd magaalo ay kuwada noolayeen Soomali oo idil ayadoona xiligii Sagashameydi ka hor aheyd meesha ugu amaan fiican calaamka ayaa hada ah meesha ugu amaan xun marka laga sheego runta tasoo ay ugu wacantahay ayadoo ay jogaan dad aanba dhargin abaar iyo aran marna aan jeceleyn in lahelo xoogaa nabad ah ayagoona aminsan inta badan hadii nabadu soo noqota aysan helynin waxa ay ku heleen nidaam darada . The full article all in its glory
  12. Now the MP's in Xamar are at a loss, Umar Xashi and his crusade to the stars has crash landed back on Earth. The warlords are not willing to compromise. There is a clear indication that for once truth is catching up with this minority group who are allergic to peace. Warar laga helay Xildhibaanadda qaar oo sheegayo in Mooshinka ay dalbadeen uu qeeyb ka yahay qorshe xilka gudoomiyenimadda looga qaadayo Shariif Hassan ,Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha oo kulan farxadeed yeeshay. dad badan ayaa aad uga careeysan sababaha uu gudoomiyaha baarlamaanka isagu adkeeynayo Magaaladda Nairobi oo uu uga haray Taageerayaashiisa hasseyeeshee isaga waxaa uu Waagacusub.net u sheegay in sii joogitaankiisa Nairobi uu la xiriiro Codsi uga yimid Wakiiladda Beesha Caalamka oo ka shaqeeynayo u kala dabqaadka isaga iyo Madaxweyne Yusuf. Idiotic but underlines the confusion of the warlord media
  13. Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? Posted to the Web Apr 19, 12:59 Muqdisho:-Maxay tahey sababta ugu weyn ee 14 sanno Muqdisho xal loogu layahey? Maxaa kalifey in hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho inay ka war-wareegaan qaaditaanka Isbaarooyinka Muqdisho ceegaaga?,awoodse ma uleeyihiin?Orodkii Mudane Cumar Xaashi xagee ku danbeeyey?. Mudane Cumar Xaashi ayaa isagoo aad u deg-degsan islamarkaasna humaag been ah la tusey waxuu ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxuuna ka soo degey Magaalada muqdisho si uu deg-deg u qaado Isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho . Mudane Cumar Xaashi markii uu yimid Muqdisho durbadiiba waxuu bilaabey hawl aad u culus,waxuuna galey shirar uu xal ugu radinaayo xaalka Muqdisho,daal farabadan kadib ayuu Cumar waxuu damcey inuu seexdo iyadoo waqti danbe saacadu sheegeysey,haseyeeshee Cumar dhulkii ayaa ku yaraadey,hurdadii baa ka imaanweydey,xagee gashaa iyo maxaa Muqdisho kusoo geshey ayuu hoos isku la Hadley kagadaal markii uu maqley cod taleefoon iska soo daba dhacaye oo loogu hanjabaayo in hawshan dhibka badan ee aad dhinac u xaglinayso faraha kuu geliyey. Waagii markii uu baryey ayaa qofkii u horeeyey ay Cumar is arkaan waxuu ahaa Gudoomiyii gobalka ee xiligaas Mr Firimbi oo caloosha u qaboojiyey una sheegey in wixii isku daya iney carqaladeeyaan hawshiisa ay laami kulul ku shubaayaan waxuuna isaga oo qoslaaya uu Cumar ka codsadey bal in ay maanta isaga iyo xildhibaanadu isu raacaan isaabaaradii u horeysey ee ay boqdaan Maxaase ka qabsadey? Isbaardan oo uu Cumar iyo wafdigiisu saakey ay usoo dhaqaaqeen waxa ku magacaaban Cismaan Ali (Caato) waxaase u talinaayey nin labada gacmood ay ka ga'an yihiin oo qori ka dheer qoorta u laadlaado, ilaa 4 baabuur oo midi yahey kuwa rakaabka u qaada Afgooye ayaa ku teedsan,ninkan gacmaha go'an fadhigiisa ayay dareewaladu xisaabta ugu geynaayey,waxaana markaas soo istaagey Mudane Cumar Xaashi iyo wafdigii la socdey,ninkaan gacmeey oo ahaa ninkii dadka ugu xoog yaraa xiligaas isbaarada ku sugnaa hadana waxaa looga baqaayey ilaa 3 baabuur oo tikniko ah oo aan lagaraneyn inay shaqeynayaan iyo in kale iyo dhawr nin oo markaas hurdey oo aan garaneyn waxa markaas dhacaaya,waxaase dadka qaarkiis cajiib la aheyd sida ninkan uu labada gumud ee gacmihiisii ka harey uu hanti uusan laheyn ugu tirinaayo iyo weliba markuu tirinaayey lacagta uu ku heesaayey(dadkeyga waan jeclahey,dalkayga waan jeclahey). Iyadoo arintu halkas mareyso ayaa nin Odey ah oo aad uga baqaaya taliyaha rugta waxa uu si hadal qabow ah uu isku barey isaga iyo Cumar Xaashi. Mr.Xaashi ayaa si geesinimo leh u galey hadafkiisii oo ujeedadiisu ku soo koobey in isbaaradaan la qaado Wuxuuna yiri waa inaad Isbaaradaan meeshaan ka qaado magaaladana aad banaanka uga baxdo ay Muqdisho sidaas ku nasato.Taliyaha oo jawaab laga sugayey ayaa waxuu uu bilaabey bal in uu dib u tiriyo lacag weli hor ooleyd isagoo weli ku heesaaye(dadkayga waan jeclahey,dalkeyga waan jeclahey),markaas ayuu isaga oo xanaaqsan waxa uu yiri (horta ereygaan aad isbaaro leedahey anagu waxaan u naqaan dekada madow,mar danbana ereygaas yuu afkaaga ku soo dhicin,tan labaad adigu qaad baad leedahey Isbaaradaan,laakiin ragii oo xaaskii labeeyey qaaraan dagaalo socda oo intaas laygu soo qaylinaayo baabuurtii oo sii yaraatey ,waxaan rabey inaan beriba dekad labaad aan calaqo ee meesha ka carar suugaas baa la boorbaynayaa) dadkiina halkii baa lagu kala cararey markii la soo dhaqaajiyey suugii. Waxana jirta oo xaqiiq ah in Maafiyada Muqdisho Markey baabuur dhacaan oo odey dhaqammeedku ka daba tagaan oo ku yiraahdaan (war soo cesha baabuurka reer ducaale),ay yiraahdaan( ma'anagaaba baabuur dhacney ee hadaan labo kale ka soo dhaceynaa),oo markaasba labo kale soo dhaca si kuwii hore loogu xalaaleeyo.Markaas kadib ayaa ganacsato ka qaylinaysa 3 baabuur oo danbe soo baxdaa iyagoo odeyaasha dusha ugu tuuraaye dhibka dhacey ,waxayna ku guuleeystaan in baabuurta danbe dib loosoo cesho iyagoo aan dib danbe baabuurkii hore looga hadlin oo loo xalaaleeyo. Hadaba sidaa si la mid ah ayey ku dhaqaaqeen ninkii ugu horeeyey ee laga codsadey in uu isbaarada qaado isagoo amrey 10 isbaaro in lagu kordhiyo 5tii horey u ooleyd inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho,taasoo aakhirkii sababtey in Muqdisho Caano laga waayo,intaas kadibna ay soo boodeen ragii ganacsatada ahaa iyagoo dadweynaha tusaaya in Caano la'aantani sababeen xildhibaanadaan habowga ah ee uu Cumar xaashi wato ayna ka qaadayaan isbaarooyinka lagu soo kordhiyey loona xalaaleeyey 5tii horey u ooleeyd. Waxaase arintaas ka darneyd markii uu mudane Cumar Xaashi uu khadka taleefonka ku la Hadley Mr.Cismaan Caato oo markaas Nairoobi joogey bal in uun wax kala qabto dhibkan dhacey oo uu Cismaan ku jawaabey(horta Cumarow heesta uu ninkan ku hidaaqaayo waa gartiisoo hadee dadkiisana waa jecel yahey oo fadhigey lacag ugu geeyaan ,dhulkiisana waa jecel yahey oo waakaas baabuurtu iyo dadkuba kamaarmi la'yihiin oo taas ha uga xumaan,yeelkeedee Aniga iyo QANYRE waxaan isla garaney in halkii ay 20,000 sh.so. ka qaadi jireen ay 25,000sh.so ka dhigaan bal si ay u qaboobaan, qoriga SUUGA ah ee aad ka qaylisana,ahaa haaa,eee,waligiis buu baroobeyn jirey Alla Gabaygu waxa igu maqaala ah inuusan adiga kuu la dan laheyn,wixii hareyna waan isaga imaanaynaa ee adigu ku dadaal inaad C/qaasim furaha inooga xalaaleyso ,dib danbena nimaankan xun ha ugu laaban,haddii Alle idmo beriba waa kula joognaa waa jawaabtii Cusmaan Caato). Maxay maxkamaduhu ka qabaan in la xereeyo ciidankooda,maxayse jawaab siiyeen markii ayla kulmeen Mudane Cumar iyo xilbibaanadu? Maxkamaduhu waxay go'aansadeen oo leeyihiin "Go`aankayaga kama danbeysta ah waa in ********ta qabqablayaashe iyo tiknikada ganacsadayaasha laga fogeeyo Magaalada Muqdisho, meeshii ay ka ka caanaba aan anagu qabano oo gacanta ku hayno sababtoo ah anagaa ayaa booliska banaadir ah". Maxay ka dhaheen arinkaas barbaarta gaashaman ee gobalka banaadir? Madexwareerka Cismaan+hamiga Maxkamadaha Islaamiga+bood boodka C/qaasim x beeca madaxtooyada iyo dekada -:-qaylada amxaaro naceybka –heshiiska hornafrika iyo global=mudug g/gaduud aan biyo ismarin. Muxuu muuse ka yiri markii loo soo bandhigey in la gaarey xilligii uu ciidamadiise xamar ka saari lahaa? Muuse Suude ayaa isagu waxa uu damac sanyahey in ilaa 10 ,000 oo mundulood ah oo shaqo laan heyso in uu lala xereeyo maleeshiyaadka kale bal si ay ragaan biilkooda halkaas kala soo baxaan ,ciidankiisa rigliga ahna ay xamar ku gaaf wareegaan,isaguna uu noqdo ninka kaliya ee suga amniga gobalka banaadir,markii la weydiiyey sabata uu uu Muuse magaalada ugu haraayo ayaa kusoo gaabsadey in uu isagu madani yahey oo uusanba xamar orod kusoo gelin. Majiraa hogeemiye kooxeed isagu diyaar u ah in xamar xal loo helo? Haa waa Xuseen Caydii ,iyo Cumar finish, waa maxeyse sababtu? Hadaan Xuseen ku hor marno ayaa waxaa la'ogyahey in uu arintaan sahlaayo ninka ka hooseeye waa Mr Ganney ayaa waxa uu aamin san yahey in xabadi ama qori caaradiise ayan waxba soo kordhineyn isla markaasna wax walba wadatashi iyo tanaasul lagu dhameeyo waxaana dhici karta in labadaan nin ay fure u noqdaan kala qaybsanaanta Muqdisho ka jirta iyo weliba mida dawlada iyo baarlamaanka ku habsatey. Cumar finish ayaa waxa u sahlaaye arintaan ay tahey Xassan Daaci oo isagu aad uga danqanaaya dhibkaan aan dhamaanayn ee Xamar yaala oo mar uun ku fakeraya bal inuu Xamar oo heybadeedii iyo sharaftii Caasimadii qaranku soo noqota uu indhihhisa ku arko. Diyaariyey:Cabdi Gesole Punlandpost,Muqdisho,Soomaaliya
  14. Nairobi:Qoraal uu madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka ,Ra'iisal Wasaaraha ,dalalka IGAD iyo beesha caalamka - Tuesday, April 19, 2005 at 17:34 Nairobi(AllPuntland)-Qoraal ka soo baxay 18ka April,2005 xafiiska Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ku socdey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan,Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ,beesha Caalamka iyo Wakiillada dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha ayaa qoraalkiisu waxa uu u qornaa sidaan: Mudanayaal, Ka dib markaan idinla yeeshay kulanno wadatashi ee kala gaar-gaar ah iyo mid wadajir ahba,isla markaana soo bandhigay talooyin ku aaddan sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka iyo xannibaadaha,loona heli lahaa xal dhexdhexaad ah ee xukuumadda dhexdeeda iyo Baarlamaanka dhexdiisaba, ANIGOO MADAXA KU HAYA baahida degdegga ah ee loo qabo midnimadeenna ku wajahan meel marinta nabadda,midnimada,iyo xasilloonida Qaranka, ANNIGOO XUSUUSAN Xilka Qaran iyo waajibaadka aynu u wada dhaaranay: I. Waxaan idinku adkaynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis iyo meel marin Qorshe Sharciyeed buuxa oo la xiriira nabadgelyada iyo rarista Hay'adaha Dawladda Federaalka KMG gudaha dalka ay golaha Wasaaraddu gaaraan,Baarlamaankuna meel mariyo. II. Qorshe Sharciyeedkaas oo qodobbadiisu ka kooban yihiin kuwa hoos ku qoran,waxaa loo baahan yahay in laga doodo , la qeexo ,isla markaana laga wada shaqeeyo: Qaybaha Qorshe Sharciyeedku ka kooban yahay waa: 1.Go'aankii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD 2.Qorshaha dib u guurista dalka: B. Nabadaynta , dib u heshiisiinta iyo maamul ka dhisidda Degmooyinka iyo Gobollada dalka . T. Goobaha ku meel gaar ahaan xukuumaddu ku sii shaqayn doonto:Baydhabo iyo Jowhar iyo Muqdisho oo laga furayo xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijka nabadaynta magaalo madaxda. J. Barnaamijka magaalo madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda hor yaal Golaha Wasaaradda. 3.Hub ka dhigista iyo xeraynta maleeshiyooyinka oo laga hirgeliyo dalka oo dhan muddo saddex(3) bilood gudahood ah. 4.Ballan qaad cusub ee xabbad joojin iyo hub ka dhigis oo ay saxiixaan dhammaan xubnaha xukuumadda ,Baarlamaanka iyo cid kasta oo haysata maleeshiyo hubaysan,ciddii jebisa ballanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada ee caalamiga ah. 5.Waa in la sameeyaa hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta iyo hub ka dhigista oo ay hoggaaminayaan dalalka IGAD,Midowga Afrika,dalalka Jaamacadda Carabta iyo xubno ka kooban oo ka tirsan beesha caalamka. 6.Marka lixdanka(60-ka ) beri ee baarlamaanku dhammaado ,Baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah,haddii amniga iyo nabadaynta magaalo madaxda Muqdisho aanay meel marin mudadaas lixdanka (60-ka) cisho ah,isla markaana aanay soo caddayn Hay'adaha ku xusan qodobka shannaad(5aad) ee isla warqaddan ,shirka Baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jawhar ama Baydhabo. 7.Marka ay timaaddo xaalad degdeg ah ,Baarlamaanka waxaa isugu yeeraya Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah. III. Waxaan ka rajaynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah iyo Wasiirka Kowaad in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ,si loo meel mariyo dhammaan qodobbada aan kor ku soo sheegnay. IV. Anigoo tixraacay baaqii aan ka soo saaray xafiiskayga 9kii bisha April 2005, mar labaadna uga mahad celinaya doorka wax ku oolka ah ee ay ka geysteen xallinta arrimaha kor ku xusan,ayaan mar kale waxaan ka codsanayaa kooxdii ka tirsanayd Beesha Caalamka oo sida gaarka ah isugu xilsaartay hawlahan inay sii wadaan dadaalkooda wax ku oolka ah si looga miradhaliyo natiijo la taaban karo ee soo afjaraysa khilaafaadkan. Mahadsanidin Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha
  15. ^^^ My soul is not the issue here. Your reply however is consistant with what you have been posting here all along, which is confusing yourself and others. Sky, I know you can handle yourself no doubt, but keep to the rules of the place. I also will heed your advice brother.
  16. ^^^ Brother Xiin, our point was made clear to me on an earlier thread. There s no doubt a need for more Islam in Somali politics and less fancy names claiming to represent Islam. As for the movement of Al-Itixad what does it represent, for was it not an armed wing? Was the Colonel Xasan of Marka and Clan courts not one of its leaders? Lets not get nostalgic about a movement that was no different to all the others with their prefix of Somali Salvation, congress, movement and so on. To me it is another Somali creation representing the interest of men who knew nothing about leading the Somali people, by the Sharia..
  17. ^^^ Look Wind,you are not the first here to attack me for the simple fact of supporting the elected President of Somalia H.E Abdullahi Yusuf Ahmed. It bothers me not for I supported him when he was just the President of Puntland and few even knew where that place was. Its easy to follow whats in vogue and be all fashionable all the time. I have always supported substance, and what makes sense to me. Now lets see what do you stand for, and who do you support ??????? :rolleyes: Gone with the wind, I guess..
  18. Camir, my point is when courts are based on clans and they ignore the plight of the many then what is their motive other than getting rich and gaining power. If they champoioned the religion in which all Somali's adhere to it would have been much better, however one sees that as a movement all they had was a nice Arabic sounding name.
  19. ^^Whats wrong with the N word and why should he get banned, loads of folks here make worse statements, some have already on this thread. Lay of the sugar will ya lads. Its not gonna make any difference. Sky my advice is simple, hurt these brothers with facts and dont get down on their level.
  20. ^^^ I get ya Camir, however they failed in all those places and they will fail in Mogadishu. Its not about Islam but the fact they stand for nothing more than greed..
  21. ^^^ No thanks to you brother, for what is your point, other than to score points , for what reason, no one is keeping score. Wind no need to disrespect the brother and bringing my person into this nonsence.
  22. Al-Itixad has become a worthless title used by anyone and everyone and in many meaningless articles. There are various groups who are playing the clan politics and hiding behing the cloak of religioun. These should be uncovered for what they are and not be labeled under the banner of this defunct and failed movement with multiple personalities.
  23. ^^^ Brother SKKY cool it. You made your point cleAr dont get personnel. Everyone here has a right to their opinion. Move on.
  24. HAWEENEY SOOMAALIYEED OO U SHAQEYNEYSAY HAY'AD SWEDEN AH OO MAANTA MUQDISHO LAGU DILAY IYO MID KA MID AH SARKAASHIISA CID-da OO ISKU DAY DIL KA BADBAADAY Somaliweyn.com ( Muqdisho 18 Abriil 2005) Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka dhacay mowjado is xiga oo ujeedada ka dambeysana ay tahay khaarajinta Aqoonyahanada dadkooda u adeegaya, waxaana maanta gelinkii hore agagaarka Isgoyska Zoppe ee Km5 lagu dilay Drs. Maryan Maxamed Xuseen Kuusow, laguna dhaawacay hal nin oo Ajnabi Keenyaati ah oo lagu magacaabo David Kibaki, iyo darawalka Taksigii ay saarnaayeen, kaddib markii Gaari Taksi ah oo si hoose xowligiisa ku socday burburka wadadaas awgeed ay Rasaas ooda kaga qaadeen maleeshiyo 3-qof ka koobneyd kuna hubeysnaa Bastoolado, waxaana Haweeneydan la socday nin ajnabi Keenyaati ah oo iyana halkaasi lagu dhaawacay iyo darawalkii gaarigii ay saarnaayeen. Sida ay Weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn dad goob joogayaal ah, Haweeneydan oo u shaqeyneysay Hay'adda Kaalamada Caalamiga ah ee dalka Sweden iyo ninka ajnabiga Keenyaatiga ah ayaa markoodii hore ku socday furitaanka Seminaar wax lagu barayay Macallimiin ka kala socday 10-Dugsi oo ku yaala gobolada dalka isla markaana ay Hay'adda Sweden-ka ah maalgelisay. Dableyda ka kooban saddexda ruux ee geystay falkii foosha xumaa ee lagu dilay Dr. Maryan laguna dhaawacay ninkii ajnabiga ahaa iyo darawalka gaarigii ay saarneyd ayaan haba yaraatee la isku dayin in raadkooda la raaco kaddibna gacanta lagu soo dhigo si loo marsiiyo sharciga ay mudan yihiin, iyadoo ilaa iyo iminka aanay jirin cid si cad u sheegatay inay ka dambeysay falalkaasi dilka ah. Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan xarunta Dembi baarista Soomaaliya (CID) oo lagu magacaabo Guuleed Sheekh Xuseen ayay saakay koox dabley ah oo iyana saddex ahaa kuna hubeysnaa Bastoolado Rasaas ooda uga qaaday Sarkaalka, iyadoo rasaastu ka haleeshay Garabka iyo caloosha, waxaana dhaawiciisa la dhigay Isbitaalka Madiina oo dhaqaatiirtu sheegeen in xaaladiisa caafimaad soo wanaagsanaaneyso marba marka ka dambeysa. Sarkaalkan oo ku sii socday xarunta CID-da, ayaa dableydii dishay raadkooda la dabagelin, hase yeeshee dadka Muqdisho ayaa mar kale dareen cabsi xambaarsan ka muujiyay markii ay maqleen arrintan, dhegahooda wax yar kaddib soo baxday inuu dhacay fal lagu khaarajin lahaa Sarkaal ka tirsanaa xarunta CID, hasee yeeshee dadka qaar ayaan dhegahooda ku cusbeyn falalka lagu ugaarsanayo Saraakiisha Soomaaliyeed. Dhacdooyinkii foosha xumaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ku soo aadeen iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in maleeshiyooyinka ku sugan magaalada dibadda looga saaro, hase yeeshee qorshahan oo aan ahayn sidii la doonayay ee ay wax ku hagaagi kareen, maadaama hoggaamiye kooxeedyadii ku dagaalamay Muqdisho ay xalka iyo sida Dowladda Federaalka ku imaan karo caasimada in mid kasta maleeshiyadiisa xero u gaar ah ku ururiyo, taasoo dadka u kuur gala arrimaha aan siyaasadda lagu tilmaami karin ee haatan Muqdisho ka socda ay kuu sheegayaan inay la mid tahay jug jug meeshaada joog, taasoo waliba ay u sii dheer tahay af-lagaadada ay qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadaasi u jeedinayaan mas'uuliyiinta kale ee Dowladda, waxayna shacabka Soomaaliyeed ee ay xooga ku heystaan rajo xumo ka muujiyeen kuwa xooga ku heystaa inaanay keeni karin talo towfiiq leh, isla markaana la isku halleyn karo. Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho somoginfo@somaliweyn.org