
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Maleeshiyaadka C/laahi Yuusuf oo dilay Ganacsade caan ah
General Duke replied to Dhubad.'s topic in Politics
Dhubad, thanks for the research, still based on Shabbele news clan outlet, and the supposed report of the causes of a vehicle accident. I have said above, any action illegal from any quarter must be condemend. If "Puntland millitia" as your Shabble post alleges are killing people in Bay wantonly, they must be brough to justice. If they killed innocent civilians they must be killed, thats justice. If and this is hypotheticle IF, their presence in the area creates unnecessary tension then they must and will be taken out. Let me make it clear the aim of Shabbele and et al, is to blame a single clan for, however Puntland has no designs on Bay and Bakool.... Thats my position.... Ubahane, Now what is yours on Inda Cade and his occupation, any time table for when our clan courts will deal with this terrible justice? -
Initial agreement reached in Khartoum between the TFG and Courts.... Heshiis hordhac ah oo ay gaareen Dowlada Somaliya iyo Maxkamadaha Last Updated::2006-06-22 20:15:09 War deg deg ah:- Heshiis horudhac ah oo ay gaareen Wafdigii DfKMG Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga. Wararka soo gaaraya HorseedNet ayaa tibaxaya in heshiiskan bilowga ah uu ka kooban yahay 7 qodob oo kala ah: Qodobada Heshiiska 1- In Labada dhinac ay sii wadaan wadahadalka. 2- In loo aqoonsado Dowlada Faderaalka in ay tahay Dowlada sharciga ah ee dalka Somaliya. 3- In Maxaakimta loo aqoonsado maxkamado sharci ah. 4- In Hogaamiya kooxeedyadii dagaalka oo dhibaatooyinka shacabka u geystay maxkamad la soo saaro. 5- In la joojiyo daacayadaha Saxaafada ee labada dhinac is weydaarsanayaan. 6- In labada dhinac ay joojiyaan dhamaan Dhaq dhaqaaqyada Milatari isla markaana si buuxda ugu hawlgalaan waan waanta nabadeed. 7- In Kulan labaad la isugu yimaado 15ka Luulyo/ July 2006 lagu qabto Khartuum, Sudan. Heshiiskan ayuu dhinaca dowlada u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Somaliya Abdullahi Sheekh Ismail halka dhinaca kale uu saxiixay Dr.Mohamed Ali Ibrahim Heshiiskan ayaa waxay labada dhinac ka heleen qodobo ay horey u wateen. Dowlada ayaa heshay aqoonsi rasmi ah oo ay maxkamadaha u aqoonsadeen dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya. Halka Maxkamadaha ay heleen aqoonsi ah in ay yihiin Maxkamado sharci ah taasi oo albaabada usii fureyso siyaasada Maxkamadaha. Labada dhinac ayaa muujiyey fur furnaan kadib heshiiskan horudhaca ah oo laga yaabo inuu noqdo bilow wanaagsan oo horseeda heshiis rasmi ah oo dhexmara Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Caasimada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya. Kulanka lagu balamay inuu dhaco 15 Luulyo/ July ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan dowladaha Carabta ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo kuwa Jaarka la ah dalka Soomaaliya. Kulanka labada dhinac ayey si weyn uga shaqeeyeen Jaamacada Carabta iyo Madaxweynaha Dalka Sudan Gen.Cumar AL Bashiir. Wixii war ah oo soo kordha kala soco HorseedNet HorseedNet.com
-
A/Yusuf - External terrorist were behind the war in Mogadishu
General Duke replied to Dhubad.'s topic in Politics
^^lol. I am forever on your mind, flatered indeed not. As for the Presidents comments, they were blatently wrong, uncalled for and unnecessery. Geedi was also wrong when he said the Courts raped people in Jowhar, that also was provocative with no supporting evidance. -
Good move on ICU...Khartoum delegation pictures...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ We are not Darfuur, and we must welcome any help from the outside. Sudan has helped the TFG and the courts feel safe with the Arab world. So lets give them a chance... -
Kulanka Khartuum maxaa ka soo bixi kara? Faallo-21.June.2006 Gogosha wadaxaajoodka ah ee ay fidisay xukuumada Khartuum ayna ka dambsayso Jaamacada Carabta soo fariisigeeda in la aqbalaa waxay noqotay guushii ugu horeysay ee la gaaray. Guusha kalena waxa ay tahay in la helay cid si toos ah loogala xiriiro arrinta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo horey u ahayd meel ay kooxiba si gaarkeed uga taliso. Isbedelkanina run ahaantii waxa uu yimid ka dib markii dagaal afar bilood socday oo ay boqolaal dad ihi nafafkoodii ku waayeen in badanna ay ku naafoobeen oo magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray Midowga maxkamadaha Islaamiga iyo Isbahaysi ay ku midoobeen qab qablayaal dagaal oo mudo 16 sano ah muqdisho awood ku lahaa. Mowqifka ay istaageen guushoodii ka dib maxkamaduhu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Federaalka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay dalkooda kaga hortagaan waxa loogu yeero argagixisada inay hoy ka dhigato. Tallaabadaasi waxaa loo arkay mid soo jiidasho leh, dalal badanna ay candhuuftooda dib u liqeen ka dib markii ay ka yaabanaayeen waxa Islaamiyiinta ka taag roonaaday Isbahaysigii Maraykanku taageerayay ay la soo bixi doonaan. Balse jawi cakiran ayaa u muuqda inuu hareeyay dowladda federaalka iyo maxkamadaha Islaamiga, ka dib markii maleeshiyooyinka maxkamaduhu ay daba dhigteen hogaamiyeyaashii ay ka saareen Muqdisho oo ka eryaday deegaamada Balcad, Jowhar ilaa Jalalaqsi Taasina waxay tuhun weyn ku abuurtay dowladda federaalka ee fariisinka u ah magaalada Baydhabo, madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu ku tilmaamay Maxkamadaha Islaamiga kuwo doonaya inay awooda ku maquunsadaan qori caaradii, wuxuuna ku amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho. Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Prof Cali Maxamed Geedi isagana wuxuu ku eedeeyay Maleeshiyooyinka maxkamadaha meelihii ay qabsadeen inay ka gaysteen fal dambiyeedyo isugu jira dil, dhac iyo kufsi. Waa eedaymo ay durbadiiba iska fogeeyeen midowga Maxkamadaha Islaamiga. Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga wuxuu sheegay in hadallada ka soo yeeraya dowlada federaalku ay u arkaan inay iyagu buuxinayaan kaalintii Isbahaysiga isla markaana ay dowladu wadato ajende u qarsoon, waa sida uu hadalka u dhigay. Muranka labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga waxaa uu sii xoogaystay ka dib markii warar soo baxay ay sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ihi ay ka soo tallaabeen xuduuda Soomaaliya iyagoo soo galay dhinaca Soomaaliya. Maxkamaduhuna ay baaqyo iyo digniino ka soo saareen, waxayna taasi keentay in labada dhinac ay heegan buuxa geliyaan xoogaga ay haystaan ee ciidamada ah. Hadaba kulankooda ugu horeeya ayaa maanta labada dhinac (dowladda Federaalka iyo Maxkamaduhu) ay ku yeelanayaan magaalada Khartuum. Hase yeeshee rajada ah inay natiijo lagu wada qanacsan yahay ka soo baxdo shirkaasi waa mid dhex dhexaad ah. Sababtoo ah taasi waxaa ogaysiinaya marka aad eegto mowqifyada labada dhinac ay kala taagan yihiin. Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dowladiisu waxay doonayaan in maxkamaduhu ay dib uga laabtaan Jowhar ayna kala diraan maleeshiyooyinkooda, taasina waxay maxkamaduhu u arkaan wax aan u cuntamin. Maxkamadaha laftigoodii waxay dowladda federaalka ka doonayaan inay joojiso dalabkeeda ciidamo shisheeye iyagoo u arka ciidamada Shisheeyaha inaanay waxba ku soo kordhinayn ammaanka wadanka, taasina waa wax aan u qaadmin madaxweyne C/laahi Yuusuf. Hadaba haddii dhinac kastaa uu ku fara adaygo mowqifkiisa oo ay sababto in shirka lagu kala boodo, waxaa loo arkaa xiisad hor leh oo cirka ku sii dhejisa khilaafka u dhaxeeya Federaalka iyo Maxkamadaha, xaaladaasina waa mid aan sinnaba fiicnayn. Balse labada dhinac haddii ay muujiyaan isu dabacsanaan iyo kalsooni meelna ay ka wada eegaan danta caamka ah ee ay Soomaali weyn maanta u baahi qabto waxay taasi noqon doontaa bog cusub oo furmay geedi socodka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaalida. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso
-
Good move on ICU...Khartoum delegation pictures...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdigii Maxaakimta oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartoum Last Updated::2006-06-21 20:42:31 Khartoum:-Waxaa goor dhawayd soo caga dhigatay Airporka Khartoum ee caalamiga ah diyaaradii siday wafdiga Maxaakimta Islaamiga. Wafgdiga Maxaakimta Islaamiga ah oo uu horkacayo Dr.Maxamed Cali Ibarahim isla markana ka kooban 10 xubnood ayaa waxaa gegida dayuuradaha ku soo dhaweeyay masuuliyin ka tirsan dawlada Sudan. Gudoomiyaha wafdiga Maxaakimta Islaamiga ah Dr.Maxamed Cali Ibarahim oo saxaafada ugu warramayey madaarka Khartoum ayaa waxaa uu sheegay in imaatikoodu dalka Sudan uu jawaab u yahay casuumad ay ka heleen Madaxweynaha dalka Sudan Gen.Cumar Al-bashiri talaabadas oo qayb ka ah dadaalka Madaxweyne Bashir uu ku doonayo inuu dhex dhexaadiyo Somalida walaalihiis ah ee khilaafku u dhexeeyo. Waxaa Dr.Maxamed uu yiri [...anagu waxaanu isku hawlaynaa sidii loogu guulaysan lahaa wadahadaladan si Somalida looga saaro jaha wareerka ay ku jiraan...] Waxaana uu intaa ku daray in ay ka ambaqaadayaan mabaad'i sugan oo uu dhigtay shacabka ay matelayaan oo ku salaysan hagaajinta waxyaalaha ka jira dadka dhexdiisa isla markana la helo xal laga wada qayb galo kaas oo ku imankara niyad wanaagsan iyo in la iska fogeeyo faragelin shisheeye oo dalka ku timaada marka laga reebo dalalka Somalida ay walaalaha yihiin kuwaas oo doonaya xalka Somaliya. Waxaa Dr Maxamed uu sheegay in ay san iyagu xagooda aysan dhinacooda ka adkayn doonin wadahadalaa ayna u dhaqaaqayaan sidii Somaliya ay dib ugu soo laaban lahayd saaxadii Carbed iyo tan Afrikankaba. wixii warar ah ee soo kordha ha ka fogaan HorseedNet.com Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com -
Good move on ICU...Khartoum delegation pictures...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
While I have disagreed with the ICU, recent moves i,e Jowhar looting and tolerating Indac Cade and Co. The move to send a 10 man delegation headed by well educated individuals is a great one. The meeting in Khartoum will enlighten many of us to the gulf between the TFG and the courts... Full Pictures and article. onHorseednet.com
-
Xoogsade, I welcome your defensice posture in responding. Obviously your claim of a couple of days ago, has been proven to be incorrect, you even provided a thread. No MPs' have fled or rushed out of Baido out of fear. No 100 MP's have defected . The wishful thinking of some here to keep Somalia were it is, without a government is truly sad. The denail of Ubahane, on the occupation and behaviour of some clan courts [inadacade] and factions in the lower Shabbele. Is also sad, for it is our duty to help our own people. So your complicit silence and your defence of the actions of the fake Shiekh Inda Cade, says everything about your understanding of Islam...
-
Maleeshiyaadka C/laahi Yuusuf oo dilay Ganacsade caan ah
General Duke replied to Dhubad.'s topic in Politics
^^^ Any crime of such magnitude must be punished, however it is a worse crime when pure lies are made up. Shabbele has been a consistant provoker of conflict between the populace of the region and the local troops. It was a lie when they reported that 300 Ethiopian troops entered Baidoa, who knows this is not another figment of their imagination? Dhubad I wonder why you attack Puntlandpost and defend Shabbele news??????? If it is true we will have more info in the coming days. -
Clan court executes a man from unarmed clans.......Islamic justice?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Paragon, Islamic justice system has a procedure a mellinia old. This court could try this man can it try, Cirfo, Inda Cade and other so called powerful warlords? These men are from the clan of Ifka Xalin? NO. So there is no justice at all. Your comment is defending such actions, Islamic law as they claim is not the law of the jungle. It is a superior law that we have never had implemented in our country, bor do these clan courts even attempt it. -
Sheekh Shariif Sheekh Axmed: "Ma aqoosan doonno maxkamado aan ka mid ahayn kuwa Midoobay" Posted to the Web Jun 21, 11:43 Muqdisho (PP) - Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay u aqoonsanayaan maxkamadii laga furo Muqdisho amaba horay u jirtay ee aan ka mid ahayn daladdooda inay tahay mid la fikir ah Isbahaysigii la dagaalanka Argagaxisada ee laga saaray Muqdisho. Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay uga digayaan shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan maxkamado uu ku sheegay in lagu doonayo in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed isla markaan lagu soo nooleeyo fikirkii dhintay ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada. Sheekh Shariif wuxuu ka dhawaajiyay in aysan iyagu aqblayn in Muqdisho looga dhawaaqo maxkamad aysan iyagu ogeyn oo aysan raalli ka ahayn, waxayna sheegeen inay la dagaalami doonaan kuwa sameystay maxkamaddaas. "Waxaan uga digaynaa makamadaha aan ka mid ahayn midowga Maxkamadaha inay ku soo biiraan Midowga haddii kale loo arki doono inay yihiin kuwo wada qas iyo qalaanqal ayna ka tageen hoggaamiyeyaashii la jabiyay" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intaa ku daray inay la gali doonaan dagaal jihaad ah oo ay ku jabaan. "Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inay u dhaqmayaan sidii hoggaan tigtaytar ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u ogoleyn xuquuqda uu leeyahay" ayuuu yiri mid ka mid ah maamulayaasha Maxkamadaha aan ku jirin midowga Maxkamadaha ee ka jira Magaalada Muqdisho. Ku dhawaad tobanneeyo maxkamadood oo aan ku jirin midowga Maxkamadaha islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa la ka jira magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah Maxkamad dhawaan looga dhawaaqay xaruntii Muuse Suudi Yalaxow uu ka tagay ee Degmada Cabdal-casiis. Lama garanayo sida loo taxamuli karo hadalkaan ka soo yeeray Midowga Maxkamadaha iyo wararka ka soo bixi kara maxkamadaha kale ee aan ku jirin midowga maxkamadaha. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Midowga Maxkamadaha oo ku hanjabay in ay ka qaadayaan talaabadii ay ka qaadeen isbaheysiga Maxkamado lagu dhawaaqay Mogadishu - 21 June. 06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha Midowga maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay maxkamadaha laga furay magaalada Muqdisho oo aan lagu war-galinin Midowga Maxaakiimta islaamiga in ay ka qaadi doonaan talaabadii ay ka qaadeen isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee Laga eryay Caasimadda Somalia. Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga " Maxkamadaha laga furayo magaalada Muqdisho oo aanu ka war qabin waxa ay caqabad ku noqon kartaa howlaha Midowga Maxkamadaha ay soo wadeen muddo dheer ayuu ku yiri maanta shir Jaraa'id uu qabtey Gudoomiyaha Maxkamadaha midoobay Sheekh Shariif Sheekh Axmed xaruntiisa Mag. Muqdisho. Sheekha ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadaha lagu dhawaaqayo ee aanu hoos-imaan Midowga Maxaakiimta ay u arkaan kuwo wakiilo ka ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada sida uu yiri oo Muqdisho lagaga adkaaday Sidaasi darteedna ay ka qaadi doonaan Talaabo la mid ah tii ay ku baacsadeen isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. Sheekha waxa uu shirkiisa Jaraa'id uga hadlay in loo baahan yahay si loo sugo amniga Muqdisho in hubka yaala caasimadda lagu soo wareejiyo Midowga Maxkamadaha islaamiga si loogu soo dabaalo caasimadda kala dameyn iyo nabadgalyo. Sheekha ayaa ku baaqay in lagu soo wareejiyo hubkii ay ka tageen isbaheysiga la dagaalanka argagixisada gacanta maxkamadaha. Waxa uu hoosta ka xariiqay in Maleeshiyaadka Isbaheyisgii lagaga adkaaday Caasimada Somalia in loo furi doono tababaro iyo dhaqan celin ayna ka mid noqon doonaan maleeshiyaadka Maxaakiimta. Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli magaalada Muqdisho laga furay Maxkamado islaami ah oo aanu hoostagin Midowga Maxaakiimta islaamiga, iyadoo Maxkamado kale oo ka madax banaan midowga Maxaakiimta ay horey uga furnaayeen Caasimadda. Shabelle Media Network, Somalia
-
New clan courts emerge in Mogadishu, these are taking over the arms and men of the defeated warlords. Now the ICU, or the exising courts have warned these new ones that they will attck them... Taageearayaasha Xuseen Ceydiid oo manta ku dhowaaqaya maxkamad Islaami ah June 21, 2006 Markacadeey. -------------------------------------------------------------------------------- Taageerayaasha Xuseen Maxamed Ceydiid, wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay ku dhowaaqaan maxkamad. Xubno ku dhow dhow dhinacyada ku howlan sameynta maxkamadan ayaa sheegay in maxkamadan aysan ka mid noqon doonin midowga maxkamadaha oo ka taliya inta badan magaalada Muqdisho. Sameynta maxkamadan aya aku soo beegmeysa xilli midowga maxaakiimta ay sheegeen in aysan ogolaan doonin in ay Magaalada Muqdisho ka furnaadaan maxkamado aan ka mid ahayn midowga maxaakiimta. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafey ay si xaad dhaaf ah uga socotay howlo lagu sameynayo maxaakiim, iyada oo maxaakiimtaan qaarkood ay yihiin gabaad laga sameysanayo midowga maxaakiimta oo isku balaarinaya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood. Maxamed Cali Madka Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho
-
Sharia law is welcome, through these clan courts I doubt it. Sharmarke, do not be fooled we have to see what and who is behind these courts.. So far we have one set of warlords gone and we have a new set in... Islamic Law is wonderful.......Lets support its implementation in Somalia, but not through clan courts and lootings..
-
Courts confusion sets in: to talk or to fight?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhubad, its good of you to show your opposition to Puntland media as a whole. Noting propoganda about what they wrotte. If you do not like a certain section of Somali media because it has the name Puntland attched to it, then thats your loss.. The news will keep coming, your response is welcomed as ever.. -
Clan court executes a man from unarmed clans.......Islamic justice?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Caddaaladi maka jirtaa Muqdisho? Labada nin, midka la dilay iyo midka wax dilay ayaa labaduba kasoo jeeda Beesha Afgooye ee aan hubeysneyn ee laga tirada badan yahay. Falka dilka ah ee uu geystay Cilmi Baa Xassan ayaa ka dhacay degmada Afgooye, degmadaasna waxaa ka taliya hogaamiye-kooxeed ku heyb ah dagaal ooge Yuusuf Indhacade iyo hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan, balse Maxkamadda Ifka Xalan ma maamusho degaankaas. Degaanka Afgooye ee falka dilku ka dhacay waxey maleeshiyooyin ku hayb ah Maamulka Maxkamadda Ifka Xalan ka wadeen sanadihii lasoo dhaafay welina ka wadaan xasuuq, barakicin, adoonsi, kufsi, dhac iyo bililiqo, waxaana degmada Afgooye ku amar ku taagleeya Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo ah Hogaamiye-kooxeed ku hayb ah Yuusuf Indhacade iyo Hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan. Maxkamadda Ifka Xalan gacanta kuma hayso maamulka degmada Afgooye marka laga reebo hogaamiye-kooxeedka Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo ku hayb ah hogaanka Maxkamadda Ifka Xalan. Maxkamadda Ifka Xalan oo jirtay sanado fara badan ayaan ilaa hadda la hayn iyadoo xukun qisaas ah ku fulisay dembiilayaasha u dhashay Beelaha hubeysan ee har iyo habeen dilalka badan ka geysta degaanada ay gacanta ku hayaan Beesha hogaamisa Maxkamadda Ifka Xalan ee koofurta magaalada Muqdisho. Waxey aheyd 2dii May markii Maxkamad lagu sheegay Makka Al Mukarama ay fulisay xukun noocan oo kale ah, kaasoo laba shakhsi oo kawada tirsan Beelaha laga tirada badan yahay toorey leysugu dhiibay oo in midkood jawaan madaxa loo geliyay midkii kale la yiri toorey kaga ciil beel ilaa naftu deyso. Sida ku cad sawiro ay fiidnimadii Isniinta faafisay shabakada Shabelle.net goobta qisaastu ka dhacday ee lagu dilay ninka dembiga geystay waxey aheyd goob nadaafadeedu aad u liidatooo la moodo qashin qub. Kalsoonida Shacabka Iyadoo ay Maxkamadaha Muqdisho dhawaanahan ku jireen halgan ay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda uga sifeynayeen hogaamiye-kooxeedyo 16kii sano ee lasoo dhaafay afduub u haystay Shacabka Muqdisho, ayey Bulshaweynta Muqdisho iyo guud ahaan midda Soomaaliyeed ka heleen taageero hiil iyo hooba leh, iyagoo qabay in Maxkamaduhu nabadgelyadii iyo caddaaladii luntay kusoo celin doonaan magaalada. Iyadoo ay jirto kalsoonidaas ay Shacabku qabaan ayaa misana waxaa jiray su'aalo ay is weydiinayaan qeybo kamid ah Shacabka, sida: Maxey Maxkamduhu garab uga dhigteen dagaal oogayaasha Yuusuf Indhacade, Goobaale, iyo Seeraar? Maxaa hubka looga dhigi waayey gacan ku dhiigle Cabdi Qeybdiid? Maxey Maxkamaduhu u aqoonsadeen dagaal oogaha ku amar ku taagleeya degmada Afgooye oo lagu magacaabo Xuseen Cali Weheliye Cirfo? Maxey maxkamadduhu qisaasta ugu fuliyaan beelaha laga tirada badan yahay oo qura? Maadaama aaney Maxkamadda Ifka Xalan maamulin degaanka Afgooye, degaankaasna uu ka jiro dulmi baahay oo ay ku kacayaan maliishiyaad ku hayb ah hogaanka Maxkamadda, maxey maxkamaddu isaga indha tirtay dulmigaas , balse ay dhabarka ugu ridatay fulinta qisaasta beelaha laga tirada badan yahay.? Rajo badan ayey Shacabka Soomaaliyeed ka qabeen dadaalka ay Maxkamaduhu kula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, iyo Balcad. Maxkamadda Ifka Xalan oo aasaas u ah uguna awooda badan dhowr iyo tobanka maxkamadood ee ka jira Muqdisho ayaa la filayey in ay hormuud u noqoto soo celinta cadaaladda iyo sinaantii shacabka ee luntay, balse xukunkii ay fulisay Maxkamaddu su'aalo badan ayuu dhaliyay xili ay maxkamaduhu u baahan yihiin taageero, maadaama ay Dowladda Mbagathi iyo cadowga Xabashida ee ay kaashaneyso duulaan kusoo yihiin Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo nidaamka Maxkamadaha ee ka curtay degaano ka tirsan koofurta Soomaaliya. Afeef: Qormadan su'aal gelin meyso xaqnimada falkii qisaasta ahaa, balse waxey qormadu diirada saareysaa su'aalo ay qabaan qeybo kamid ah shacabka Soomaaliyeed. Xusuusin: Waxaa jiray sawiro 8 gaaraya oo ay shabakadda Shabelle.net faafisay fiidnimadii Isniinta 19 June 2006, balse laga saaray website-ka shabakadda aroornimadii Talaadada 20 June 2006. Sababta ay shabakaddu dib ula laabatay sawiradaas ayaa loo qaadan karaa culeys kaga yimid dhanka Maxkamadaha, iyo Saxaafadda xorta ah oo afka la qabanayo. Maxkamaduhu waa in ay dareemaan in Bulshaweynta Soomaaliyeed ay indhaha ku hayso oo falalka ay ku kacaan la miisaami doono. Aayaha.com Editor@aayaha.com -
Ifka Xalin or the personel clan court of Indacade, has just completed an execution, was it Islamic or clan based revenge??????? Qisaas: Maxkamadda Ifka Xalan oo toogatay nin kasoo jeeda Beelaha aan hubayneyn Posted to the Web Jun 20, 05:19 Maxkamadda Ifka Xalan ee magaalada Muqdisho ayaa galabnimadii Isniinta 19 June 2006 fulisay dil qisaas ah. Cilmi Baa Xassan Caddow ayaa waxaa gudaha xarunta Maxkamada Ifka Xalan ku toogtay nin lagu magacaabo Wali Cumar Xuseen. Ninka la toogtay ayaa la sheegay in uu horay u dilay Saneey Cumar Xuseen oo ay walaalo ahaayeen Wali Cumar Xuseen. Cilmi Baa Xassan ayaa lagu eedeeyay in uu 11kii bishii Agoosto ee 2005 dilay Saneey Cumar Xuseen, kadib markii ay isku fahmi waayeen arrin guur gabdheed ku saabsan. Falka dilka oo ka dhacay degmada Afgooye ayuu Hogaamiye-kooxeedka degmada Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo ninka dilka geystay usoo gudbiyay Maxkamadda Ifka Xalan. Ninka ay toogatay Maxkamadda Ifka Xalan ayaa la sheegay in loo diiday in la tuso oo uu macasalaameeyo qoyskiisa, waxaase laga ogolaaday codsi ahaa in uu tukado laba rakcadood inta aan la toogan. Maleeshiyo ka socota Maxkamadda ayaa indhaha ka xirtay Cilmi Baa Xassan, kadibna Wali Cumar Xuseen oo ku hubeysan qori AK47 oo ay Maxkamaddu leedahay ayaa toogasho ku dilay Cilmi Baa Xassan. Qisaastu waa qodob ay qabto diinteena Islaamka, waana xaq iyo caddaalad in qofkii naf kale xaq darro ku gooya in la qisaaso. Balse marka la fulinayo xukun Islaami ah oo sidan oo kale u weyn waxaa jira nidaam iyo shuruuc la raaco. Hadaba su'aasha isweydiinta u baahan waxey tahay Maxkamaduhu ma raaceen nidaamkii iyo shuruucdii loo baahnaa ee fulinta xukun qisaas ah?
-
Xoogsade, we have been over the TFG, my clan has about 61 MP's, no more than any other Somali clan. My clan does not reside in the transitional capital nor does it control the future capital Mogadishu. My sub-sub clan has the Presidency, but that wont las more than 3 more years. The PM, belongs to another clan and so does the Speaker of Parliment,? You hate the TFG because of the President? That is quite sad, since the institutions, Police, Army, Capital, civil service, will outlast him insha Allah. Somalia needs this TFG, it needs this federal formula and it needs national institutions built. What it does not need is people like yourself who will blind, ignore and deny that there is an occupation of property, in Mogadishu, Banadir, and the fertile south. You will claim to support the people of 'Mogadishu' which you mean your clan. What about the other 'Mogadishu' the unarmed clans who live in terror, who are unable to live in dignity let alone vote. Xoogsade, Ubahane and Co are ready to die in a make belive Jihad against Ethiopia, but will never die for or defend the people of Mogadishu, Banadir, lower Shabbele. Xoogsade, I support Justice, and I never condone the actions of my clan in injustice. The President was elected through a peace process, you attacking him while condoning, Inda Cade, Cirfo, Cadaan, Shiekh Sharif, is more than amusing.. Now Mr Comedian, how many MP's fld Baidoa asyou reported yesterday??????
-
lol. These courts pose no threat to anyone outside Mogadishu... The world media used to call the warlords powerful, now they claim the courts run Somalia????
-
^ lol...A minute ago you was being vulgar...
-
Midowga Maxkamadaha oo ka codsaday Jaamacadda Carabta inay soo dhexgasho dowladda iyo iyaga Posted to the Web Jun 20, 14:39 Muqdisho (PP) - Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan ka guulaystay hoggaamiyeyaashii ku bahoobay isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada ayaa waxay ka codsadeen Jaamcadda Carabta inay dowladda Federaalka ku cadaadiyaan in wadahadallo ay la billaabaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warqad qoraal ah u diray Jaamcadda carabta ayaa wuxuu kaga codsaday inay faragelin ku soo sameyso arrimaha Somalia oo ah kuwo maraya meel halis ah isla markaana ay dhexdhexaadiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga. Warqadda uu qoray Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku yiri: "Maxkamadaha Islaamiga ah waxaa ka go’an inay wadashaqeyn la yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka loogu soo dabbaalo nabad iyo kala dambeyn, mana dhacayso in Maxkamaduhu ay iyaga keligood ku guulaystaan inay islaaxiyaan dalka oo dhan" ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas ku daray: "Maxkamaduhu waxay ka codsanayaan dowladda Federaalka Soomaaliya inay wadashaqeyn la yeelato isla markaana ay la shaqeyn doonto lana hadli doonaan dhankooda iyagoo aan wax shuruud ah ku xirayn hadalka ay la furayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya". Sheekh Shariif oo dhawaan warbixin siiyay Telefishinka Afka carbiga ku hadla ee Al-jazeera ayaa sheegay inay doonayaan inay weeraraan ciidammo Ethiopian ah oo uu sheegay inay ku sugan yihiin goobaha ay dowladdu fariisinka ka dhigatay sida Degmada Baydhabo. Gudoomiyaha Maxkamadaha Sheekh Shariif ayaa u muuqda inuu kala hadlayo isla markaana uu dhex dabbaalanayo bado siyaasadeed oo aanu awood u lahayn inuu isku xajiyo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com
-
Soomaalida oo lagu casuumay kulan ka dhacaya Sudan Khartuum-20.June.2006 Masuul u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Sudan ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Khamiista inagu soo fool leh uu guddiga wasiirada Carbeed ee arrimaha Somaliya ku qaban doono magaalada Khartoum lagu casumay hogaamiyasha Somalida sida Madaxweynaha ,ra'isal wasaaraha ,gudoomiyaha barlamanka iyo gudoomiyaha Maxaakimta Islaamiga ah ,waxaana uu sheegay in ayka soo qayb gali doonan shirka. Masuulkani waxaa uu sheegay in kulankan lagaga gorfayn doono xaaladaha ka taagan Somaliya,dhaqan gelinta heshiis xabad joojin ah 'gaarista heshiis nabadeed ooka fogeeya Somaliy colaado hor leh oo qarxa isla markana ka beeldareeya fursadaha gacmaha shisheeye ee faragelinta ku wada Somaliya iyo in loo ogalaado kaalmoyinka bini'adanimo in ay gaaran dadka ku tabaalaysan Somaliya. Waxaa masuulkani uu sheegay in kulamadu ay ka dhici doonana hoolka Al-sadaqa subaxda iyo galabta Khamiista ah ,waxaana ka damayn doona shir jara'id oo ay si wada jir ah u qaban doonan wasiirka arrimaha dibeda ee Sudan Dr.Lam Akul iyo xoghayaha J/carabta Al-sayid Camar Musa. Waxaana kulanka subaxnimada Khamiista ka horayn doona kulan uu madaxweynaha dalka Sudan Gen Cumar AL-bashir uu la yeelan doono hogaamiyasha Somalida . Waxaa masuulkani uu sheegay in wufuudu ay soo gaari doonan Khartoum galabnimada Arbacada. Isla habeenka Khamiistu ay soo galayso waxaa la qaban doona kulan isugu jiri doona casho sharaf iyo wada tashi Guddiga Soomaliya ee hoos yimaada J/carabta ayaa waxaa uu ka kooban yahay dalalka Masar,Aljeriya ,Cuman,Sudan,Yemen,libya,Jibouti, Tuuisiya,Sucuudiga,Urdun iyo weliba J/carabta Faysal Geelle Cumar SBC Qardho