General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Maxakiimta oo isaga baxey dhamaan gobolka Bay 25 Dec 25, 2006, 23:42 Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee waayadaan dagaalka xoogan kula jiray Ciidamada Ethiopian-ka ee daafacaya DF ayaa maanta la xaqiijiyay iney gabi ahaanba ay ka soo baxeen deegaanada Deynunaay, Iidaale, Diinsoor iyo Buur-hakaba. Mid kamid ah ciidamada Maxkamadaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa saakay GO la xiriirtay kadib markii uu warkaan soo baxay ayaa xaqiijiyay iney gabi ahaanba Maxkamadaha kasoo baxeen deegaanadii ay waayadaan dagaalka xoogan kula jireen ciidamada Ethiopian-ka ee daafacaya DF. Sarkaalgaas Maxkamadaha ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay in haatan ay ku sugan yihiin Garoonka Bali-doogle iyo tuulooyinka ku dhow dhow, waxuuna ka gaabsaday inuu sheego sababaha rasmiga ah oo ay ugu soo baxeen degaankas. Deegnaada Iidaale, Deynuunaay iyo Diinsoor ayaa haatan waxaa gacanta ku heya sida ay dadka deegaanka GO u xaqiijyeen ciidamo ka tirsan Dowlada Ethiopia oo ay wehliyaan ciidamo DF ka tirsan, waloow deegaanka Buur-hakaba aysan labada dhinac cidna haatan ku sugneyn inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Fedraalka aysan ka fogeyn. Mas'uuliyiinta ugu sar sareysa Golaha Maxkamadaha Islaamiga oo saakay saxaafada la xiriirtay ayaa gabi ahaanba ka gaabsadey iney warbixin ka dhiibaan sababaha rasmiga ah oo ay deegaanadii ay ka dagaalamayeen ugu soo baxeen, iyagoo qaarkood sheegay iney arintaasi tahay xeelad dagaal. Wararka ka imaanaya dhinaca Buulo-Burde ayaa sida wararka sheegayaan waxa isku horfadhiya ciidamada Ethiopia oo ay weheliyaa Malishiyadka Maxamad Dheree halkaas oo ilaa hada wax dagaalo ah ka socon. Cabdi Fatax Axamad, GO
  2. ^^^Sky, has made the right points. Bule-Barde has fallen as of now and the TFG troops are moving towards lower Shabbele. The courts power is concentrated on Mogadishu and their central regions comands have been crushed in less than a day. Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo, Puntland, Galgaduud, South Mudug are all in TFG hands.. The people never opposed the TFG, it was the warlords and the armed factions/clans, with this removed the people will be getting back their country after 16 long years.. patience is a virue indeed.
  3. Awooddii maxkamadaha oo wiiqantay kuna sii urureysa Muqdisho Last Updated::2006-12-26 07:11:56 Muqdisho: Wararka ka imanaya aagagii ay dagaalladu ka socdeen maalmihii ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in maxkamadaha midoobey la sifeeyey gobollo muhiim ah sida Mudug iyo Hiiraan iyadoo gobolka Baayna uu u dhowyahay in ay dawladda federaalka Soomaaliya ay gacanta si buuxda ugu wada dhigto. Deegaanka Iidaale ayaa waxaa ka baxay ama looga awood roonaaday maxkamadaha waxana ay habeenkii xalay ay sidoo kale isaga carareen degmada Buur Xakaba oo fariisin muhiim ah u ahayd. Dhinaca gobollada Dhexena ciidamada difaaca gobolka Mudug ee isbahaysiga gacana ka helaya dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ay ku sii dhowyihiin magaalada Dhusa Mareeb ee xarunta gobolka Mudug kadib markii laga sifeeyey degmooyin door ah oo ku teedsanaa laamiga gobollada Mudug iyo Galgaduud. Dhinaca degmada Buula Burte ayaa la sheegaya in ay maxkamaduhu ay haatan baxeen iyaga oo ku sii jeeda magaalada Jawhar. Marka inahaas oo dhan la isku daro ayaa tani ay ka dhigan tahay in awooddi maxkamadaha iyo isballaarintoodii si weyn cagta loo mariyey iyaga oo iminka u muuqda in ay dib ugu guranayaan fariisinkooda weyn ee magaalada Muqdisho. Horseednet.com Print This Page
  4. ^^^Indeed, Cadaado, Galinsoor, Banderadlay, Cabudwaaq, Beledweyne, Bule Burde, gone in a day. So much for the clan courts power..
  5. Maamulka gobolka Yuusuf dabageed oo bandow ku soo rogay magaalada B/Weyne Maamulka gobolka Hiiraan ee manta la wareegay talada gobolka Hiiraan, kadib markii ay gudaha magaalada ka saareen ciidamada Golaha Maxkamadaha ISlaamiga ah ayaa soosaaray bandow la xiriira dhinaca ammaanka , waxaana isagoo dadweynaha la hadlayay Aadan Cabdi Saciid (Aadan garaase) uu sheegay in cidii lagu arko iyadoo hub ku dhex heysata gudaha magaalada B/Weyne oo aan ka tirsaneyn ciidamadooda inay iyagu u arkaan cadow ka soo horjeeda. Mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada B/weyne ku sii baahaya dhammaan gobolka Hiiraan oo dhan ayuu sheegay in bandowgan ay soo rogeen ilaa muddo saddex cisho ah, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada B/Weyne ay sheegayaan in garoonka diyaaradaha magaalada B/Weyne ay soo gaareen diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarada loo yaqaan, kuwaasoo soo daabulaya ciidamada Dowladda Federaalka oo taageeraya kuwa itoobiyaanka ah. Dhinaca kale wararka ka imaanaya degaanada Buurlo Burte, Matabaan, Garasyaale ayay sheegayaan inay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo isugu jira kuwa maamulka gobolka Hiiraan, ciidamada Dowladda iyo kuwo ka tirsan maamulkii hore ee gobolka Sh/dhexe oo uu hoggaaminayo Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) Guddoomiyihii hore ee gobolkaasi, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in qorshahoodu yahay sidii ay u soo gaari lahaayeen magaala madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar. Jabriil Maxamuud Nuur jabriil@journalist.com
  6. ^^^You must be deluding yourself. Saxib, you must have belived the forged documents you provided as evidance. The TFG now controls, Hiiraan, most of Galgaduud and all of Mudug. The troops have past Bule-Burde on their way to lower Shabbele-Jowhar, Balcad are the target. Who is talking?
  7. Maleeshiyooyin Soomaaliyeed iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo daqiiqado ka hor la wareegay deegaanka Cadaado December 25, 2006 Markacadeey Ciidamadii maamul goboleedka Puntland iyo kuwii Cabdi Qeybdiid oo gacan ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa daqiiqado ka hor gacanta ku dhigey deegaanka Cadaado, ka gadaal markii dagaal xoogan ay dhex mareen ciidamada maaakiimta iyo kuwa garabka ka helaya dowlada Itoobiya. Ilaa iyo Hadda waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta deegaanka Cadaado, iyada oo dagaal xoogan uu ka dhacay deegaankaasi, kaasi oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, looma maleynayo in qasaaro xoogan uu geystay. Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka lagula wareegay deegaanka Cadaado, mana jiraan wax hadal ah oo ay dagaalkani ka yiraahdeen mas'uuliyiinta golaha maxaakiimta iyo kuwa Puntland iyo Cabdi Qeybdiid ee iska dhinac ah. Dagaalkan oo markiisii hore ka soo bilaabmay dhinaca Bandiiradleey ayaa sababay in maxaakiimta dib loo soo riixo, iyada oo lagala wareegay markii hore deegaanka Gelin soor, iminkana Cadaado. Xafiiska markacadeey Muqdisho
  8. News just in from Mogadishu based website, the clan courts have left CabudWaaq.. source
  9. ^^Sister, I am asking a question, what happened to Sharif Ahmed? He was the poster boy for the clan courts and has not spoken in a week, why? Is there a rift, is he sick, has he lost his voice? Are they working on the rift, whats going on with this icon of the courts?
  10. ^^^I respect your opinion Xalane, but so far all the evidance for the supposed air strike on the airport is supposed eye witness testimony, not even a crater or even scratch on the air strip. the propoganda photo's of supposed dead Ethiopians where clan court fighters All you have to do is visit horseednet.com.. Also the towns that fell ahve been taken over by local comanders, Beledweyne and Cadaado are an example. The Ethiopian support in terms of logistics and even air cover has made a difference, but the battles are being fought by the TFG troops and the clan court millitia.
  11. ^^^Xalane, the saga between the TFG and clan courts is at the beginning. Even the reports of bombings of Mogadishu is mere propoganda.
  12. Clan Court portal cadaado.net source Ciidanka Maxaakiimta oo xeel dagaal uga baxay Deg/ Cadaado Submitted by calicad on Mon, 2006-12-25 17:44. Wararkii ugu danbeeyey ee Deg/Cadaado iyo ciidanka maxaakiimta oo xeel dagaal uga baxay. Kadib markii ay ciiddanka cadowga Tikreega oo uu horkacayo calooshiis u shaqayste Cabdi Qaybdiid ay ku soo dhawaadeen degaanka Galiinsoor ayaa Mujaahidiintii difaacayey degaanka Cadaado waxay iskugu yimaadeen shir deg deg ah waxayna go’aansadeen in magaalada dhexdheeda aan lagu dagaalamin ayna ka baxaan inta aan ciidanka xabashidu soo gaarin. Ciidamada maxaakiimtu waxay hadda ku sugan yihiin meel aan ka fogayn magaalada Cadaado oo dhinaca Dhuusamareeb uga beegan waxayna go’aanka bixitaanka u qaateen si aan magaalada loogu dhex dagaalin. Ciidanka Tikreega iyo cabdi qaybdiidna waxay ku sugan yihiin meesha loo yaqaano Balihigis iyo xaruntii taangiyada. Wax dagaal ah oo magaalada ka dhacay ma jiraan waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in dhawaan Deg./Cadaado laga saari doono cadowga soo galay. Wararkan waxaan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan aagga cadaado iyo magaalada Muqdishu. Cadaado.net
  13. update The Sharif is back in Mogadishu, some sources say,yet he has not spoken for over a week..
  14. Actually radiofreesomali.comm, a website owned by the clan of North Mogadishu & jowhar has also reported it, and other non puntland media.com. why have the clan cour media been quite about Beledweyne and Cadaado front? Humm cause they are losing.
  15. ^^^Saxib, dont go the route of castro. Abaabul iyo dagaalo goos goos ah ee lala beegsanayo Maamulka Maxkamadaha ayaa ka soc da magaalada Muqdisho , abaabuladaa ay wadaan dad daacad u ah Dowlada KMG oo sugan caasimada Soomliya
  16. Various websites are posting pics of the dead, which is unfortunate..
  17. Idaacadaha siyaasadda Qabiil ku shaqeeya ee Muqdisho oo bilaabay meyadkii kooxaha argagixisada ee daadsanaa aagga Iidaale in ay ku shegaan Itoobiyaan {Hooyo wiilkeedii dhintay meydkiisina xitaa loo diiday in ay duugato sidaa miyay ku qanci karaysaa} Jawaabta su'aasha waxaa laga sugayaa idaacadda beenta ku caanbaxday ee Shabeelle} Sida uu qof waliba ka war qabo dalka ama dibadda halkii uu doono ha joogee waxaa dagaalaldii dhawanahan ka dhacayay aagga Iidale ee gobalka bay lagu laayay boqollaal ka mida kooxaha argagixisada ah oo ay ku jiraan kuwo ka yimid ah dalal kala duwan iyo sidoo kale in kudhow kun ah arday Soomaaliyeed oo iskuuladoda laga xaabiyay iyadoo loogubeen sheekeeyay in ay janno galayaan. Waa mid aan cidna ka dahsoonayn oo xitaa wakaaladaha wararka aduunka ayaa qoray in kudhow 1,500 oo ka mida qolyaha argagixisada ay ku dhinteen dagaladii mddo todobad ah oo lasoo dhaafay ka dahcayay aagga IIDAALE,iyadoo wakaaladuhu ay xita soo bandhigeen muqaaalalada meydadka kooxaha argagixisada ee wadooyinka iska daadsan. Laakin waxaa dad farabadani ay aad u la yaabeen maanta markii ay arkeen in webka idaacada afkaarta qabiil ku shaqeysa ee shabeele lagusoo bandhigay muuqaalo can baxay oo wakladuhu ay horay usoo bandhigeen lana wada oghyahay in ay yihiin meydadkii argagixisada ee ciidanka xoogga dalka sidii bal lo' loo dhigay oo kale u sayriyeen oo ayhaatan kuwani ku tilmaamayan in ay yihiin wax ay ku sheegayaan ciidan Itoobiyaan ah . Waa calool xumonteeda la ego o usoo hoyatay hooyooyinka carruurtoodii dabka lagu shubay ee loo diiday in ay meydadkooda duugtaan,oo kadibna lagu tilmaamay in ay yihiin meydadkii wax lagu sheegay Tikree,iyadoo looga gol leeyahay borobogaandooyin dagaal in laga dhigto Laakin nacasyadani waxaa ay ka habaaabeen in aanay qaldikarin hooyo wiilkeedii da'da yaraa uu dhintay kana garan kareysa maqnaaashaha salaantiisii wax wacnayd in aan hatan lagu qaldikareyn sawirro lasoo bandhigay oo ben abuur ah laguna sheegayo wax aanay ahayn. Waxaa dhamanba dadka soomaaliyeed ee kusugan magaalada Muqdisho ay si aad ah uga warqabeen in maxaaakimta Islamiga sheegta markii ay muqdisho duullaanka kaqaadayeen ay gawaaridooda cabdi bileyaasha ah ee cad cadka ah amriyeen dhiiqo si loo qariyo xilliyada habeenkii oo uu nuurka bishu kudhacayo,hase ahaatee waxaaa yaab leh in iyadoo sidaa looga war qabo ay hadana bilaabeen in gawaaridii laga gubay ee dhiiqadu marsanayd ay ku tilmaamaan kuwo ay Itoobiya ka gubeen. Bal aqriste kastow is weydii miyay taasi tahay borobogaando socon kareysa??? Jawabta su'aashaasi waaa maya. Sikastaba ha ahaateee balaqristow hadana is weydii su'aasha ah Hooyo wiilkeedii dhintay meydkiisina xitaa loo diiday in ay duugato sidaa miyay ku qanci karaysaa} Jawaabta su'aasha waxaa laga sugayaa idaacadda beenta ku caanbaxday ee Shabeelle inkastoo aanu ognahay in aanay jawaab u helikarin Sawiradii aay webpageka shabeele soo bandhigtey oo aay ku been abuuratey waa kuwan, waxaana ku qoran astaanteeda, kuwa kalena oo aan astaanta laheen waa kuwa webpageka carmooyin looga soo direy jiida hore ee iidaale
  18. ^^^Radiofreesomalia is a Mogadisu based website, thus their report is more credible than the waffle of a confused individual. Waxaa xalay saqdii dhexe weeraro lala beegsaday xaafado ay degan yihiin mas,uuliyiinta kala ah Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Shiikh Fu,aad, iyadoo ay halkaa dhaawacyo loogu gaystay ciidamo ilaa ka ahaa bar kontorol ay fadhiyeen Maleeshiyooyinka Maxkama daha
  19. Dec 25|Col. Cabdi Qaybdiid oo si weyn loogu soo dheweeyay degmada Cadaado ,isagoo halkaa qudbado uga jeediyay dadweyne farabadan oo halkaa isugu soo baxay, Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa uu ka dhowaajiyay in degaanka Maamul daacad ah loo samnayo , howlhii dowladana dib ay u bilaaban doonaan Breaking News
  20. Yuusuf Dabageed , Aadan Garaaso iyo ciidamo ay hogaaminayaan oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Beledweyne iyagoo halkaa dadkii kala hadlay gawaari samaacado waaweyn lagu xiray Dec 25.2006 Radio Free Somalia (RFS) . Saakey aroorninadii hore ayaa ciidamada maxaakimta iyo kuwa ay hogaaminayaan Yusuf Dabageed oo degaanka hore uga talin jirey uu ku dhexmaray degaanka ceelgaal 12km kaga beegan tahay dhinaca waqooyi magaalada baladweyne. Waxaana lagu soo waramayaa inay ciidamada gudoomiyihii hore ee ,gobolkaasi Yuusus Axmed Hagar Dabageed iyo Aadan Cabdulle Garaaso ay la wareegeen magaalada B/wayne. Waxaana ay mas,uuliyiintaa ay halkaa kula hadleen shacab reer Hiiraan, oo ay ka muuqatay reyn reyn iyo farxad iyo iyagoo ay ka muuqatay wejiyadooda dad degaankoodii xoreystay , oo gawaari samaacado ay ku xiran yihiin ay ka baxayeen heeso wadani ah , qudbado ay qudbaynayeed Gudoomihii Gobolka Yuusuf Dabageed iyo Col. Aadan Graaso Radiofreesomalia.com
  21. Abaabul iyo dagaalo goos goos ah ee lala beegsanayo Maamulka Maxkamadaha ayaa ka soc da magaalada Muqdisho , abaabuladaa ay wadaan dad daacad u ah Dowlada KMG oo sugan caasimada Soomliya Dec 25.2006 Radio Free Somalia (RFS) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dagaalo goos goos ah ka bilowdeen caasimada dalka Soomaaliya , dagaalada oo ah kuwo goos goos ah oo lala beegsanayo maamulka Maxkamadaha. Wararkaa ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Abaabuladaa oo ka socda Degmooyinka Medina , Degmada Hodon iyo degmada Yaaqshiid. Waxaa xalay saqdii dhexe weeraro lala beegsaday xaafado ay degan yihiin mas,uuliyiinta kala ah Shiikh Yuusuf Indhacade iyo Shiikh Fu,aad, iyadoo ay halkaa dhaawacyo loogu gaystay ciidamo ilaa ka ahaa bar kontorol ay fadhiyeen Maleeshiyooyinka Maxkama daha Sidoo kale waxaa saaka lagu waabariistey magaalada Muqdisho Maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga oo dariiqyada Magaalada u soconaya si aan kala go, lahayn , iyagoo ay xaafadaha ay kaga shakiyaan dhaq dhaqaaq ay galayeen , kalana soo baxayay dhalinyarada oo ay wareysiyo la yeelanayeen. Waxaa laga cabsi qabaa in ay magaalada Muqdisho ay ciidamada Mareykanka diyaaradahooda ay duqayn ku sameeyaan , iyagoo wiiqaya xoogaga isbahaysiga Maxkamadaha , sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ay hakad galayaan diyaaradaha ka degaya ama ka kacaya Magaalada Muqdisho goorta uu dhamaado Xadka , maadaama ay hada Xujay badan Xadka Ku maqan yihiin. Radiofreesomlai.com
  22. Ciidamo ka baxay Muqdisho oo gaaray Jowhar iyo Buulo Burte oo ay isaga baxeen Maxaakiimta Last Updated::2006-12-25 17:08:16 Jowhar:- Ciidamo kasoo baxay magaalada Muqdisho oo ka tirsan kuwa Maxaakiimta ayaa soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe. Ciidamadan ayaa soo gaaray xili ay magaalada Jowhar ka socoto diyaar garow xoogleh oo ku aadan ciidamo badan oo isugu jira Kuwii Hogaamiyihii hore ee Jowhar Maxamed dheere iyo kuwa kale oo Itoobiyaan ah oo kusoo aadan dhinaca gobalka Sh/dhexe. Ciidamada taageersan DFKMG oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya ayaa kasoo gudbay dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Dhinaca kale ciidamada Maxaakiimta oo qaarkoodii kasoo baxay magaalada Beledweyne ayaa xarun ka dhigtay dhinaca magaalada Buulo Burte. Hase yeeshee ciidamadaasi ayaa maanta isaga baxay magaalada Buulo Burte oo ka tirsan gobalka Hiiraan, una dhaw dhinaca xadka gobalka Sh/hoose. Lama yaqaan sababta keentay in ciidamada Maxaakiimta ay baneeyaan magaalad Buulo Burte, ayadoo la xaqiijiyey in ay magaaladaasi hada labada dhinac midna uusan gacanta ku heyn. Ciidamada Beledweyne Qabsaday ayaan weli soo gaarin Buulo Burte, waxaana la sheegayaa in ay jiraan bililiqo ka dhacday magaalada Buule Burde, kadib markii ay halkaasi baneeyeen ciidamada Maxaakiimta. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  23. Cadaado iyo Buulo Barde oo Maxkamadaha Muqdisho ka sii baxayaan..... Ciidamada Maxkamadaha Muqdisho oo hadda bilaabay inay ka baxaan deegaamada Cadado iyo Buulo Barde kaddib markay culayska Ciidamada DFKS u tabar waayeen. Dagaaladii ka socday aagagga Cadaado iyo Buulo Barde ayaad moodaa inay hadda soo afjarmayaan,kaddib markay ciidamada Maxkamadaha Muqdisho iska caabin waayeen ciidamada DFKS oo ay caawinayaan dayuuradaha cirka ee Ethiopia. Dagaaladan oo tan iyo shalay aad uga soo xoogsaday dhammaan aagagga Soomaaliya oo idil,ayaa warar xogogaal ahi noo sheegeen in ciidamada Maxkamaduhu sii tabar gabayaan,ayna u suurta gal tahay inaan dhaq-dgaqaaq samayn karaan habaynimada oo qura,markaasna ay dib ugu guranayaan. Saraakiil aqoon u leh dagaalada Soomaaliya waxay qiyaasayaan in ugu danbayn2 beri oo danbe haduu dagaalku sidan ku sii socdo in ciidamada Maxkamaduhu ku soo uruuri doonaa aagagga Afgooye iyo Balcad oo qura. Sahal Aaden Olol.News Belad-Weyne