General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Well I think there is an advantage to keeping all the aces up your sleeve, as they did in Baidoa, the announcement will come soon insha Allah. There maybe more factors to this than just warlords, the troops strength needed to secure certain areas might not be in place yet.
  2. ^^^They still represent their clans and millitias, it was unfortunate the clan courts gave all the guns back to the warlord millitias as they fled. Thus the TFG is doing the right thing talking to everyone warlords, fake wadaad backers like Abdiqasin, former leaders like Ali Mahdi and all other groups. The government has warlords defanged the clan courts had warlords with fangs like Indacade.. Thus sane people must support the only viable government Somalia has had since 1991..
  3. ^^^Soon insha Allah, and not just in Mogadishu but in every region including the Juba's, Puntland State, Bay and Bakool the Shabbele's, central regions and of course Banadir.. Its a milestone..
  4. ^^^Sister, the warlords have lost, they have agred to disarm and turn their millitia over to become part of te national army. No one is asking them, paying them or even needs them. Now that their cash cows have been nationalised and their external support taken away, what can warlords do? Thus every sane person should welcome the legitimate government taking over the security of the nations from fake wadaad/warlords and secular warlords and clan millitias. Viva the republic.
  5. Somali clans 'agree to disarm' Somali leaders met at the presidential residence on Friday in Mogadishu to discuss security issues [AFP] Somalia's clan leaders have agreed to disarm their groups and join a new national army, a government official said. The announcement followed a meeting on Friday between Abdullahi Yusuf, the Somali president, and clan leaders. eanwhile, Oxfam has released a statement saying that a US air raid on Monday mistakenly targeted local herdsmen. Mohammed Adow, Aljazeera's correspondent in Mogadishu, said: "Clans have agreed to disarm after meeting the president. However, people are doubtful because the warlords are very much responsible for the violent past." Somalia's defence minister said on Friday that government forces had taken over the last remaining stronghold of the Union of Islamic Courts. Armed men fired a rocket-propelled grenade and briefly exchanged gunfire with government troops outside the presidential residence during the meeting, leaving at least six dead and 10 wounded. Abdirahman Dinari, the government's spokesman, said: "The warlords and the government have agreed to collaborate for the restoration of peace in Somalia." Yusuf had met three prominent local commanders and two other faction leaders, the spokesman said. "The agreement means they have to disarm their militia and their men have to join the national army."
  6. Kooxda K/Cagta SITT Daallo Oo Ku Guuleysatay Koobka Tartanka Soo Dhaweynta Dowladda Federaalka Iyo Taageeridda Nabadda Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 12/01/07 Waxaa garoonka Banaadir (Ex-Conis Stadium) ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Tartan 4 geesood ah oo loogu magac daray tartanka soo dhaweynta Dowladda Federaalka iyo taageeridda Nabadda oo uu soo qaban qabiyay xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed. Ciyaartii ugu danbaysay tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu horkacaayay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali ( Cadde) , Safiirka Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya Axmed Cabdalla, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Muxiyadiin Xasan (Darbo weyne) G/Xigeenada X.S.K.C Saciid Mugaanbe,Salaad Gaab , Cali Saciid , Xoghayaha Guud C/qani Saciid Carab kuxigeenka Xoghayaha Xasan Fareey , Hanti dhooraha xiriirka C/raxmaan (Dhuunte) ,xubno ka tirsan xiriirka K/Cagta , marti sharaf iyo taageerayaal aad u badan . Ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ay isaga horyimideen kooxaha SITT Daallo vs. DEKEDAHA ,Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-0 daqiiqadii 59 qeybtii danbe waxaa guul qurux badan kooxdiisa u saxiixay ciyaaryahanka Number-ka 9-aad u qaata SITT Daallo Cabdoow Aaba Cali waxaana Kaarka Cas la siiyey oo garoonka looga saaray ciyaarta labo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda DEKEDAHA goolhaye Kamaal Cali (Kamaalii) iyo Saacid oo isna Number-ka 12-aad u qaata DEKEDAHA waxayna labada kooxood ay muujiyeen ciyaar aad xamaasadeedu u saraysay. Saciid Ibraahim Xuseen “BUUNA” saciid_buuna@hotmail.com
  7. Dowladda Federaalka iyo hogaamiye kooxeedyada oo ku heshiiyey inay wareejiyaan hubka iyo ciidamada Dowladda Federaalka kmg ee Somalia oo ay horkacayeen Madaxweyne Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan albaabada u xeran yahay la yeeshay hogaamiye kooxeedyadii isbaarooyinka ku lahaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Somalia meelo ka tirsan, kulankani ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Afhayeenka Dowlada Fkmg Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dhamaan hubka oo dhan lagu wareejiyo dowladda federaalka isla markaana maleeshiyooyinka la geeyo xerooyin loo cayimay. Afahayeenka ayaa intaa ku daray in la magacaabay Gudi ka kooban 12 qofood oo kakala socda labada dhinac oo ah saraakiil dowlada federaalka iyo kuwo ka socda hogaamiye kooxeedyada iyagoo ka shaqeeyn doona sidii hubka loo wareejin lahaa isla markaana ciidamada maleeshiyooyinka loo xareyn lahaa sida ugu dhaqsi badan. Hogaamiye kooxeedyadani ayaa waxaa ka mid ahaa ee soo xaadiray isla markaana ka qeyb qaatay kulankani: Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim (Xaaraan ku naax) Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid Cabdi Waal Garam Garam Cabdulqaadir Beebe Hogaamiye kooxeedyadani ayaa waxaa ka maqnaa Maxamed Dheere iyo Wasiirka Gaashaandhiga Md. Barre Hiiraale oo sida la sheegay ku maqnaa arimo ay ka war hayaan dowlada federaalka, Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, halka Barre Hiiraale la sheegay inuu safar dhulka ah kusoo jeedo magaalada Muqdisho. Hogaamiye kooxeedyadani ayaa looga itaal roonaaday magaalada Muqdisho, iyadoo horeyna looga yeeray intay wasiirada ahaayeen inay kazoo xaadiraan magaalada Baydhabo iyagoo ka madax adeegay inay yimaadaan markaa ka dibna xilkii wasiirnimo halkaasi looga xayuubiyey maantana waxay diyaar u yihiin inay qaataan awaamiirta dowladda federaalka
  8. ^^^I know the strength of the TFG is hurting you guys in the secesionist camp, Faisal Waarabe, then Riyoole and now Mujahid SNM, why are they so worried?
  9. ^^^You are most welcome brother, but get some rest ok..
  10. The Shiekh is expressing himself, nothing wrong with that..
  11. ^^^lol, that was not even funny, go take on some one else.
  12. ^^^What are you on about mate? Muqdisho: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Hoggaamiyeyaashii dagaalka oo heshiis ku dhex maray Villa Somalia Jimco, January 12, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Kulan ay Albaabbadu u xirn oo maanta ku dhex maray Villa Somalia hoggaamiyeyaasha dagaalka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi ayay isku afgarteen in Ammaanka Magaalada Muqdisho laga shaqeeyo isla markaana hubkooda iyo ciidamada lagu wareejiyo dowladda KMG ah. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo la hadlay saxaafadda shirkaas kaddib ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dagaalka ay sheegeen inay aqbaleen sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen nabad ku soo dabbaalida Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay sheegeen in ay tahay xuduntii caasimada dalka, balse ay haatan rajeynayaan inay noqoto xuduntii nabadda Soomaaliya. "Hoggaamiyeyaasha Dagaalka oo isugu jira xildhibaanno iyo kuwo kale oo aan xildhiabanno ayaa ku ogolaaday kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul wasaarihiisa inay kala shaqeynayaan dowladda sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho" ayuu yiri C/raxmaan Diinaari oo Saxafiyiin la hadlayey. Kulankaan ayuu sheegay C/raxmaan Diinaari inuu ahaa mid ay ku caddeeyeen hoggaamiyeyaasha dagaalka inay hormuud ka noqon doonaan nabad lagu soo dabbaalo magalaada Muqdisho, waxayna sheegeen inay hubkooda wareejin doonaan, iydaoo dowladduna ay ballanqaaday sida uu sheegay C/raxmaan Diinaari inay geyn doonto xerooyin tababar lagu siiyo isla markaana loo damaanad qaadayo daryeelka noloshooda. Hoggaamiyeyaasha kulanka la qaatay madaxda dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Finish, Bootaan Ciise Caalim oo xildhibaano ka ah dowladda iyo Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Waal oo ka madax banaan dowladda balse dhamaantood ku mideysnaa ururkii Argagixiso la dirirka ee maxkamadaha eryeen, waxaana jira guddi loo xil saaray hub aruurinta hoggaamiyeyaashan iyadoo guddigan aan la magcaabin. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa cudur daar ka bixiyay dhacdadii ka dhacday iridka hore ee Villa Somalia oo ay isku rasaaseeyeen maliishiyooyinka dowladda iyo kuwa Maxamed Qanyare kaasoo uu ku tilmaamay mid khalad ah wuxuuna ugu tacsiyadeeyay hoggaamiyeyaasha iyo ehelada dadkii ku geeriyooday in Samir iyo Iimaan ka siiyo. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  13. Shalaambood: Wasiirka Gaashaandhiga iyo maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka shiray sidii hubka loogu wareejin lahaa dowladda Jimco, January 12, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa deegaanka Shalaambood ee gobolka Sh/Hoose waxaa uu kula kulmay maamulka gobolka Sh.Hoose isagoo kala halay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen xasilinta amniga dalka iyo sidii hubkooda ay ugu wareejin lahaayeen dowladda FKMG ah. Barre Hiiraale ayaa ka codsaday maamulka gobolkaasi in hubkooda ay geeyaan xarumaha dowladda Federaalka ay u cayintay in la geeyo loona hoggaansamo amarada dowladda si nabadgelyada looga shaqeeyo. Maamulka gobolkaasi ayaa soo dhoweeyay codsiga Bare Hiiraale iyagoo balan qaaday in ay arintaasi u istaagayaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxayna tilmaameen in gobolka Sh/Hoose uu noqon doono gobolka ugu horeeya ee ciidamadooda iyo hubkooda ku geeya goobaha ay dowladdu iclaamisay. Bare Hiiraale ayaa kusoo jeeda magaalada Muqdisho halkan oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha oo kulamo uu la qaadanayo hoggaamiyayaasha dagaalka ee Muqdisho isagoo kala hadlaya sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen nabadgelyada Muqdisho. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  14. Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo balan qaaday iney hubkooda DF kusoo wareejin doonaan. Muqdisho, Jimco 12 January 2007 Simba Radio Dhowr hogaamiye oo Muqdisho ka arimin jireen ayaa maanta kulan saacado socday waxa ay la qaateen Madaxweynaha DF C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul-wasaare Geedi. Hogaamiyaashaan oo ay kamid ahaayeen Muuse Suudi, Max'ed Qanyare, Bootaan Ciise Caalim, Cuma Filish, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Nuurre Siyaad ayaa Madaxweyne Yuusuf uu ugu baaqay iney hubkooda DF kusoo wareejiyaan isla markaana ay DF kala shaqeeyaan sidii ay u sugi laheyd amniga goobaha ay haatan gacanta ku dhigtay. Hogaamiye kooxeedka ayaa kulankaasi geba gabadiisii ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maleeshiyooyinkooda ay ku biiraan Ciidamada DF sida uu Saxaafada u sheegay C/raxmaan Diinaari. Afhayeenka DF C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari oo Saxaafada la hadlay kadi markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa sheegay sheegay in maleeshiyaadka lagu xareyn doono xerooyin dowladda ay ugu talo gashay, iyadoo dowladda ay balan qaadeyso xuquuqda ay leeyihiin maleeshiyadaasi. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. Email: simba@simbanews.com
  15. Hogaamiyaashii Magaalada muqdisho oo ogaaladay in ay hubkooda ku soo wareejiyaan dowlada Somalia iyadoo maanta shir isugu yeeeray madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Madaxda dalka ayaa amar ku bixisay in ay hubka soo wareejiyaan qab qablayaasha iyo hogaamiyaashii oo ka ogaaaladay ina hubkooda iyo maleeshooyinkooda ay ka mid noqdaa Ciidamada dowladda somalia. Kulan la la yeeshay Qab qablayaashii ka talin jiray magalada muqdisho ayaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa gudi u xilsaran in ay hubka soo wareejiyaan maleeshooyinka iyo sidii ay hogaamiyaashu u ogalaan lahaayeen in ay qaataan amarka dowladda Somalia Kulanka oo ka dhacay Xaruntii hore ee madaxtooyadda Villa Somalia ayaa ka soo baxay Go’aan cad oo ku wajahan in hogaamiyaashu ay hubkooda ku u soo dhiibaan dowlada Somalia maleeshooyinka ka amar qaatana lagu soo daro ciidamadda dowlada Somalia Kadib markii ay aqbaleen qab qablayaasha ayaa hadana la isku afgartay ina la sameeyo gudi ku hawlan sidii maleeshiyooyinka loogu soo dari lahaa ciidamada dowlada kana mid noqon lahaayeen ciidamada dowlada Somalia Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay israsaaseyn dhex martay ciidamda dowlada iyo maleeshoyin ka amar qaata qab qablayaasha dagaalkaas dhex maray ayaa lagu sheegay in uu ka bilowday is afgaran waa ka dhacay labada ciidan eek u dagaaladamay xarunta villa Somalia mar ay ku sugnaaayeen hogaamiyaashii hore iyo Madaxda dowlada Somalia oo uu shir ugu socday halkaas. Isku soo wada duboo waxaa dagaalkaas ka soo baxay dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray labada dhan in kastoo markii danbe la is taajiyey kuna dhaamatay isgarad . Farxan Yasin Mire
  16. Qabqablayaasha Dagaalka oo ogolaaday in ay hubkooda Dowlada Federaalka ku wareejiyaan Last Updated::2007-01-12 14:22:36 Muqdisho:- Kulankii maanta ay Xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Qabqablayaashii dagaalka ee Somaliya iyo Dowlada ayaa laga soo saaray go'aan muhiim ah oo la xariira hub ka dhigista Hogaamiye kooxeedka. Kulankan ayey ka qeyb galeen Hogaamiye kooxeedyo ay kamid ahaayeen: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Bare Hiiraale, Col.Cabdi Qeybdiid, Cabdi Waal iyo Cumar Filish. Shirkan ayaa looga hadlay sidii Hubka hogaamiyaashaasi ku jira Golaha Baarlamaanka ay ugu soo wareejin lahaayeen Dowlada Federaalka. Hogaamiye kooxeedka ayaa kulankaasi geba gabadiisii ogolaaday in ay hubkooda ku wareejiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana maleeshiyooyinkooda ay ku biiraan Ciidamada Dowlada Somaliya. Guddi gaar ah ayaa loo saaray sidii hawshaasi loo dhaqan gelin lahaa. Shirkan ayay hareeyay iska horimaad xoogleh oo ka dhacay ilinka laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya, halkaasi oo ay maanta ku dagaalameen illaalada Madaxtooyada iyo maleeshiyooyin illaalinayey Maxamed Qanyare iyo Cumar Filish, ayadoo ay halkaasi ku dhinteen 6 ruux. Iska horimaadkan ayaa ka dhashay gaari ay si khaldan meel u dhigeen maleeshiyooyinka Maxamed Qanyare, ayadoo kadib markii lagu khasbay in ay halkaasi ka qaadaan gaariga ay qaar kamid ah maleeshiyadaasi ay rasaas ooda uga qaadeen ciidamada Madaxtooyada oo ayaguna rasaas huwiyey maleeshiyooyinka. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  17. ^^^I found the article quite interesting, and informative, waht did you think?