Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,053
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Posts posted by Xaaji Xunjuf


  1. Socdaalkii madaxwayne Siilaanyo ku tagay magaalada Berbera kana dhoofay

     

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxaana waftiga madaxweynuhu kusii jeedeen qaar kamida wadamada khaliijul Carab sida uu madaxweynuhu sheegayna waxa ay booqashadani ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay marti qaadeen waftiga Madaxweynaha Dawlada boqortooyada Kuwait iyo Madaxda wadan imiraatka Carabta waxaana waftiga Madaxweynaha kamida ahaa Wasiirka wasaarada Arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.Wasiirka. Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif.Marwada koowaad ee somaliland marwo Aamina sheekh Maxamed(Jirde)afhayeenka madaxaweynaha Cabdilaahi Maxamed daahir(Cukuse) Madaxa citiraaf raadinta Somaliland Dr Max.edRashiid Sheekh Xassan.Chief of Cabinet ka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xassan. Taliyayaasha ciidamada Qaranka Nuux Ismaaciil Tani.taliyaha ciidanka booliska somaliland General Cilmi Rooble Fure iyo xoghayaha gaar ka ah ee Madaxweynaha

    Waftiga madaxweynaha oo saaka subaxnumadii hore ka soo kalahay xarunta magaalo madaxda dalka ee Hargeysa ayaa waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera waxaana soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay madaxda heer Gobol iyo heer Degmo oo ay hogaaminaayan Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Sandheere) Maareyaha Dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo dhamaan madaxda laamaha dawlad ee magaalada berbera waxa kaloo iyana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay qeybo kamida shacbiga ku dhaqan tuulooyinka udhexeeya hargeysa iyo Berbera oo laamiga dhinacyadiisa lataagnaa caleemo qoyan

     

     

    Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay kaantaroolka berbera soo gaadheen abaara 9:00Am subaxnimo waxaanay qadar nusa saace ah ku nasteen xarunta Madaxtooyada ee berbera waxaanay isla markiiba usoo boqooleen dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaalad berbera madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilanyo) ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee berbera ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay qolka V.I.P.da ee madaarka berbera waxaanu halkaa kaga waramay socdaalka waftiga uu hogaaminayo iyo wadamada uu socdaalka kusoo marayo iyo sababaha keenay socdaalkiisa waxaana hadaladii madxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud kamid ahaa"waxa aanu maanta u amba baxaynaa wadamada Kuwait iyo Emiraatka halkaas oo nalagu marti qaaday waxaananu maqnaanaynaa ama ay booqashadayadaasi qaadanaysaa mudo wiig iyo dheeraada ama wiiga waxa aanu halkaa utagaynaa nalagu marti qaaday in aanu la soo xaajoono oo aanu kala hadalo wadamadaa aanu tagayno qadiyada arimaha somaliland iyo horumarka dalka waxa aanu ku marti qaadaynaa in ay yimaadaan wadankeena oo ay maalgashadaan waxa kale oo aanu kala hadli doonaa wixii horumarka dalka somaliland ah iyo siyaasadiisa kale iyo maslaxada dhaqaalaha waxaananu doonaynaa in ay nagala hawgalaan mid walba inaga oo og in aynu dhulkaa xidhiidh badan iyo taariikhba wada leenahay bulsho badan oo somaliland ahina ay joogto waliggodna ay ku dhaqneyd mandaqadna aynu wada leenahay dalalkaa iyada oo waxaasi oo dhamiba jiraan ayaa waxa aanu jecelay in aanu sii xoojino xidhiidhkeenaa oo aanu ka faa.iideysano waxa wada qabsi iyo hurumarna la sameyno dhinacyadabkala duwan leh waxaananu ilaahay ka baryaynaa in uu nagu guuleeyo.

     

     

    Madaxweynaha oo aan la weydiin su.aalo doora ayaa waxa uu afhayeenkiisu Cabdilaahi Cukuse saxaafada ku wargaliyay in madaxweynaha la weydiin karo sadex su.aalood oo qudha sadexdiina waxa madaxweynaha weydiiyay laba kamida asxaabta Tvga qaranka waxaanay kala ahaayeen. Maxay danaynayaa wadamadan idin marti qaaday ee maalgashiya ta labaad maxase wadamadaasi inaga caawin karaan.waxaananu kaga jawaabay madaxweynuhu waxay wadamadaasi daneynayaa maalgashiyada dhinaca ganacsiga iyo baayac mushtarka waana waxa aanu doonayno ee uu horumarka wadanku ku xidhan yahay qaarkood waxay daneynayaan ganacsiga kaluunka su.aasha labaad oo aheyd inta badan wadamada carabtu somaliland uma dhega taagan inaga qudheenuna xidhiidh fiican lamaynan laheyn maxaad isleedahay wuu soo kordhin kartaa marti qaadkaagani.

    Waxa uusoo kordhinayaa xaga dhaqaalaha oo aanu wax kawada qabsano iyo xaga siyaasada oo aanu wixii suuragala kawada hadalo

    Su.aasha sadexaad waxa weydiiyay Wariyaha shabakada wararka ee Hadhwanaagnews berbera u jooga waxaanay aheyd mid iska kooban oo la xidhiidha wadamada uu soo marayo inta ay yihiin waxaanu Madaxweynuhu ku soo koobay waa wadamada Kuwait iyo Emiraatka carabta. waxaanu Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay madaarka berbera ka hor intii aanu dhoofin cutubyo katorsan ciidamada qaranka somaliland oo halkaa kusii diyaar ahaa

     

     

    Wasiirka wasaarada Arimaha debeda somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna waxa uu isla madashaa ka beeniyay warar uu sheegay in ay qaar kamida Saxaafada ay ayaamahan qoraayeen oo kusaabsan socdaalka madaxweynaha iyo sababaha uu utagayo kuwaas oo uu ku sheegay warar iska been abuura waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa"waxan doonayaa inaan halkan kaga hadlo warar ay saxaafada maxaliga ah ee somaliland qaar kamidi ay qorayeen waxaanay wararkaasi sheegayeen in waftiga madaxweynuhu uu utagayo wadamada khaliijka in uu yahay shirkado ay sheegeen in yihiin shirkado shisheeye oo heshiis lala soo saxeexanayo waxaanay sheegen in ay shirkadahaa kamid tahay shirkada Saarseen International markaa waxan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin wararkaa oo aanay sal iyo raadtoona laheyn mana aha warar xaqiiqo ah waftiga iyo ujeedadiisuna waa taa uu madaxweynahu sida waadaxa ah halkan uga cadeeyay waxa kale oo aan doonayaa inaan raaciyo arinta waftiga madaxweynuhu waxay ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay wada madaasi xukumada ku casuumeen waa wadamada kuwait iyo emiraatka carabta.

     

     

    Booqashadan ama socdaalka madaxweynaha ayaa noqonayaa kii sadexaad intii uu xukunka dalka la wareegay isaga oo hore socdaalo ugu tagay wadamada Jabuuti iyo Britan


  2. War Deg-Deg Ah: Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaminayo Oo Saaka Ka Dhoofay Madaarka Diyaaradaha Ee Berbera, Iyagga Oo Ku Sii Jeeda Dalalka Imaaraadka Iyo Kuwayt

     

    Berbera (Ramaas* Apr 14,2011 Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa saaka ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera isaga oo u sii jeeda dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt.

     

    Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud oo ay safarkiisa ku weheliyaan wasiirada arimaha dibada iyo ganacsiga ayaa waxa la sheegay inuu ku jihaysan yahay wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah.

     

    Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka diyaaradaha Magaaladda Berbera ayaa sheegay inuu safarkiisan ku tagayo dalka kuwayd iyo Imaaraadka Carabta, halkaana ay kula kulmi doonaan madaxda dalkaa.

     

    Ramaasnews Desk


  3. Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Kicitimay Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta

     

    April 14th, 2011

     

    Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay socdaal shaqo oo uu ku tagay lugtii ugu horaysay ee uu ugu baqoolo dunida carabta tan iyo markii la doortay doorashadii dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.

     

    Madaxweynuhu wuxuu saaka ka dhoofay madaarka Berbera waxaanu u kicitimay dalalka Kuwayt iyo imaaraadka carabta.

     

    Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay Saxaafada wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta.

     

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

     

    Md. Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu kala hadli doono masuuliyiintaasi sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii maal qabeenada dalalkaasi ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.

     

    Madaxweynuhu waxa uu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana sii sagootiyay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda.

     

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt.


  4. Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Maalinta Beri Oo Khamiisa Safar Ugu Kicitimo Dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait

    (Hadhwanaagnews) Wednesday, April 13, 2011

    Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

     

    Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

     

    Sidaa waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ilo-wareedyo ku dhodhow Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuummada Somaliland, lamana garanayo inta uu qaadan doono,hasayeeshe Wararku waxay tibaxayaan inuu Madaxweynaha Somaliland casuumad ka helay waddamada Imaraadka Crabta iyo waddanka Kuwait.

     

    Safarka la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland ugu kicitimayo dalalkaasi ayaa waxa ku wehelin doona Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,iyo Marwada kowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-Waris).Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha loo soo direy diyaarad khaas ah, taasi oo Madaxweynaha ka qaadi doonta Madaarka Magaalada Berbera.

    Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

     

    Safarkan la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)m iyo Weftiga uu hogaamin doono ugu kicitimo dalalkaasi ayaa noqonaysa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ugu safro dalalkaasi tan iyo markii xilka madaxweynanimada loo dhaariyey 27-July-2010.

     

    Si kastaba ha ahaate, Waddamada caalamka badidooda ayaa daneynaya dalka Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay doorashada madaxweynanimada si xalaal iyo xor ah dalka uga qabsoontay 26 June 2010, taasi ay keentay inay muddooyinkii ugu danbeeyey ay dalka wufuud tiro badan dalka ku soo qul-qulayaan.


  5. War deg deg ah.

    April 13, 2011

     

    Awdalpress – London *- War immiga naga soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo waddanka UAE, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo oo wata wafdi ka kooban 12 isugu jira wasiirro iyo madax sar sare oo dawladda Somaliland ah ay barrito booqasho ku tegi doonaan waddanka Imaaraadka Carabta.

     

    Socdaalkan oo ay ka dambeysey marti qaad ay u fidisay dawladda Imaaraadku, ayaa la sheegayaa in diyaarad khaas ah ay dawladda Imaaraadku u dirtay wafidiga madaxweynuhu uu hoggaaminayo oo barrito ka soo kicitimi doona magaalada Hargeysa.

     

    Wafdiga oo uu ka mid yahay wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo isagu immiga ku sugan waddanka Imaaraadka ayaa la filayaa in ay labada dawladood ka wada hadli doonaan arrimo horumarineed iyo mid wax wada qabsi.


  6. Duke the president can be from any region we proved that before even the vp can be from any region and the Ministers are spread from every region of Somaliland if one particular clan lives from Awdal all the way to sanaag ofcourse they will get a lion share but the Minister Positions are spread from every region and obviously the two heavily populated regions are Maroodijeex and togdheer Followed by awdal and then gabiley. We are not like Puntland which is a subclan project run by the ssdf, serves the ssdf interest only. The ssdf Parliament makes it impossible for your other clan cousins to become president of the garowe one subclan state. Heck we are even better then our neighbour Djibouti which only allows Ismacil cumar geeles sub clan to run for president.


  7. Shirkii Kenya oo soo gaba gaboobay iyo qodobo la’isku raacay

     

    Nairobi: (Sh. M. Network) Shirkii wada tashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa lasoo gaba gabeeyay, iyadoo dhamaan dhinacyadii ka qeyb galay shirkaasi ay isku afgarteen inay qaataan qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

     

     

     

    Kadib shir labo maalin ugu socday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya dhamaan dhinacyada ku lugta leh siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa waxaa guud ahaamba lasoo gaba gabeeyay shirkaasi oo ay Qaramada Midoobay ugu magacdartay shirka wada tashiga Soomaaliya.

     

     

     

    Markii uu shirka soo gaba gaboobay kadib ayaa ugu horey halkaasi waxaa ka hadlay Ergay gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliyha Ambassador Augustine Mahiga kaasi oo sheegay in dhinacyadii Soomaalida ee kulanka ku yeeshay Magaalada Nairobi ay isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ka mid aheyd in bisha Augusta ee soo socota la qabto doorasha Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

     

     

     

    In barlamanka Soomaaliya loo kordhiyo muddo labo sano ah maadaama sida uu sheegay Mahiga aysan xiligaan suurto gal noqon karin si wada jir ah in loo doorto barlaman iyo Hay’adaha kale ee dowladda KMG.

     

     

     

    In Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo qeyb ka ahaa shirkaasi ay yeeshaan hogaan midaysan maadaama sida uu horey u sheegay Mahiga ay leeyihiin dhowr hogaamiye oo ku kala sugan gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

     

     

     

    Sidoo kale markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole, isagoo sheegay in Puntland ay ku qanacsantahay qodobada kasoo baxay shirka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirkaani uu wax badan ay ka faa’iideen dhamaan dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka qeyb galay shirkaasi wada tashiga ahaa.

     

     

     

    Dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa isna warbaahinta la hadlay Sheekh Cumar oo ka mid ahaa xubnihii Ahlu Sunna Waljamaaca ee matalayay kulankaasi, waxaana uu shegay in kulankaasi uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan Ahlu Sunnana ay diyaar u tahay inay qaadato talooyinka loo soo jeediyay oo ahaa inay hal hogaan yeeshaan.

     

     

     

    Inkastoo kulankii wada tashiga ahaa ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay qodobada kasoo baxay ay ka mid aheyd in Dorashada Madaxtinada dalka Soomaaliya la qabto bisha Augusta ee fooda nagu soo hayso iyo sidoo kale in barlamanka hadda jira loo kordhiyo muddo labo sano ah ayaan la’ogayn waxa ay ka dhihi doonaan Madaxda sar ee dowladda Federalka oo horeyba ugu biya diiday ka qeyb galka Shirkaasi.

     

     

     

     

    Max’ed Cabdi Nuur Mascuud


  8. Saalax;711519 wrote:
    The SNM is not claiming anything it's already out there the two most populated regions & cities (Maroodijeex & Togdheer, Hargeysa, Burco happen to be their heartland. Not including their other strongholds in Western Sool & Sanaag. So i wouldn't be surprised if they are 70% of the population or more in Sland.

     

    Now can you explain how can SSDF be more than Makhiir, Sool and Goldogob put together?

    Well said salaax


  9. Somalina;711536 wrote:
    AS needs to be engaged, Sheik Sharif is spot on.

     

    Don't waste your time with this retarded proposition. I will talk to you tomorrow, hopefully you will come back to earth then.

     

    Xaji Xunjuf, lol@ Hiirale, let him become your president and let us know ok.

    Awoow Barre hiiraale is From Somalia not Somaliland so he can't become our leader Besides he is Farmaajos Adeer maxaad ugu diidaysa ;)

    Somalina you need a guy who says stuff like Yuhuud baanu keenayna Nin boqol jeer Been ku dhaaranaya iyo wax la mid oo odhanaya wadaada gadhkan u xiiraya the words hiiraale lol


  10. Awoow i know Mogadisho will always be the Somalia Capital But i am just talking about perhaps suggesting if the government seat could've been moved for a short period of time. As for Nuur cade he is a very good politician and i think he can change things on the ground. Let's give him a chance. Oke let's dump faroole. And replace him with barre hiiraale what you think?


  11. Saalax;711491 wrote:
    The Speaker, President, Vice President, Interior minister, Minister of Livestock , Minister of Planning. and majority of ministers of Puntland are all from one single unit family in the wider eyes lol. Don't throw rocks when you live in a glass house.

     

     

    In the parliament of Puntland 33 belongs to the family of Faroole, while on 10 or so is given to makhiir , and 17 is given to Sool.

     

     

    Those were handed picked by the clan elders of Pland and did not even come through fair parliament elections (districts and regions chosen by the people).

    You are almost right salaxo the maakharians hold 9 seats in the pirate Parliament. The Garaads have 17 seats , Goldogob 4 seats the rest belongs to the SSDF clan Family. if you add the garaads and the maakhirians and reer Goldogob all together the SSDF clan family still has more seats in the parliament then their clan cousins which will give them overwhelmingly majority and every time they hold clan selections the ssdf Boys will secure the president undisputedly. Maandhow tolka ka baandhe dee bahashan qaar wax fahmaya mahe


  12. Saalax;711470 wrote:
    How is Puntland more diverse than Somaliland when the Speaker, President, Vice President, Interior Minister, Police chief of Puntland are all from one single unit family?

     

    Somaliland.

     

    President - Togdheer region

     

    Vice President - Awdal region

     

    Parliament Speaker - Sahiil region

     

    Head of House of elders- Qorilugud( Buhoodle region)

     

    Head of Courts - Sanaag region

     

    Interior Minister - Born in Mudug ( but Togdheer origin)

     

    Foreign minister - Maroodijeex region

     

    Police chief - Awdal region

    add the defence minister from Maakhir Mudane Cadami


  13. Maxammad cabdi xaashi was forced to leave office and the sad part was he did not even organize the selections of your clan enclave it was organized by the Qardho elders Tuute Muusa's clan with the blessings of warlord Cabdilahi Yusuf they financed it everthing and he was removed and did not finish his term you should listen to his interview that's the Truth. Somaliland had President rayaale for 8 years as president he came to power with one man one vote and left with the same elections he came to power. Come talk to me adeer when you select a non ssdf leader.


  14. UN Security Council approves plan to create Somali courts to fight piracyApril

     

    12, 2011, 3:33pmNEW YORK (dpa) – The UN Security Council decided Monday to urgently consider establishing courts in Somalia to try acts of piracy in an effort to build a more efficient way to fight piracy on the high seas.

     

    The council unanimously adopted a resolution to set up ''specialized Somali courts to try suspected pirates both in Somalia and in the region, including an extraterritorial Somali specialized anti-piracy court.''

     

    The decision was based on recommendations made by Jack Lang, a former French government minister serving as a legal adviser on piracy issues at the UN.

     

    French Ambassador Gerard Araud said the resolution took into consideration Somalia's instability and economic and social problems that caused the problems of piracy in the impoverished nation.

     

    Araud said the resolution called for strengthening the methods of investigation and for transferring pirates to face criminal charges on piracy.

     

    ''It is finally taking into consideration the long-term economic interests of Somalia: it calls for the delimitation of the Somali maritime space and requests the UN secretary general to submit a report by October on illegal fishing and the rejection of toxic wastes off Somalia,'' Araud said.

     

    ''France welcomes the adoption of resolution 1976, which represents a significant and concrete step forward in the fight against piracy off the coast of Somalia,'' he said.

     

    Despite international efforts to fight piracy, including use of national navies to thwart hijacking on the high seas, Somali pirates had been able to seize more ships and luxury vessels and ransom their owners.

     

    Studies have shown that pirates have collected millions of dollars after seizing ships. Dozens of vessels and crews are still in the hands of pirates.

     

    Some countries like the United States have already brought suspects in attacks to their own shores to stand trial.


  15. x350.jpg

     

     

     

    Faransiiska oo sheegay in Somali ay ka degi la’dahay burcad badeeda

     

    Paris: (Sh. M. Network) Dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda Soomaaliya ay ka dagi la’dahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana dalka Soomaaliya ay u horseedeen saboolnimada.

     

     

    Safiirka u fadhiya dalka Faransiiska Qaramada Midoobay Gerard Araud ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada burcad badeednimada ay ka dambeyso degnaansho la’aanta iyo dhaqaalo yarida ka jirta dalka Soomaaliya.

     

     

     

    Mr. Araud ayaa waxaa uu intaasi ku daray in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay sababeen saboolnimada ka jirta dalka Soomaaliya taasi oo uu ku micneeyay inay hor istaageen kooxahaasi Maraakiibtii gar gaarka usoo siday dalka Soomaaliya.

     

     

     

    Mas’uulkaasi ayaa waxaa uu sheegay in kooxaha burcad badeed ay ku jiraan dambiyo, waxaana uu sheegay in xaalka Soomaaliya uu ku jiro in la sameeyo nidaam looga hortagayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaato ku haysa Maraakiibta shisheeye.

     

     

    Golaha amaanka ee Qarmadka Midoobay ayaa asbuucaani gudahiisa waxaa uu shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya loo baahanyahay ina laga dhiso goobo lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida iyo kuwa lagula dagaalamo si ay u yaraato dhibaatooyinka ay u gaysanayaan Maraakiibta shisheeye.

     

     

    Arintaani ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Maxkamad ku taala Woqooyiga dalka Russia lagu Maxkamadeeyay 6-ruux oo burcad badeeda ah kuwaasi oo u kala dhashay wadamo kala duwan sida Russia, Estonia, Latvia iyo wadamo kale kuwaasi oo ka qowlaysanayay Badwaynta Arctic Sea