Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Taleexi anigu koley waxan jeclaan laha inad meel iskugu raacdaan Midnimo baad wax ku noqon kartan , inkastow aan jecelahay inad boqolki ba boqol Jamhuuriyada Somaliland si lama filaan ah wax kula darsatan oo wax aad ka noqotan dhulkinana hormarisan balse idinka ikhtiyaarka iska leh. nimanka taleex ka hadlay na wa hadleen oo weedhoodi wa dhiibteen , laakin waynu arki halkay cago dhigato , inshallah kheyr
  2. We shall see duke Salax Raas caseyr wa inaynu so dhaweyno wa niman dhulkooda u tashaday oo diiday qablayadi faroole
  3. Taleexi;714708 wrote: Duke: Your words of wisdom are well taken. My departure is both catalyst and complimentary to the resurrection of Somali Republic in proper and that is the objective of Puntland state - Our separate paths are leading us to a common goal. In the case of Xaajiga, adeer ciyaartii waa laysa soo reebreebay markaa semifinal-kii bay maraysaa, Awdal State, SSC, "Somaliland", and Maakhir .... jiiroonigani waa adag yahay ee saa ula socda Waa runtaa ta af qalqaloocinta waa aynu wadaagnaa wayahay waynu arki halkay ka degto abti laakin hadhow ha ii odhan xaajigu run bu ii sheegeyey
  4. Yeah why not blame it all on Alshabaab when your so called garowe clan state can't even secure the safety of north galkacyo all is well indeed when Nomads are being slaughtered by qardho clan Militia just 4 days ago in eastern dhahar all is well For sure. There is no war between Somaliland and the Garaads of sool and buhoodle region keyse Abdi Yusuf was the Missing link and he accepted peace the taleex elders Welcomed the peace proposal of president Siilaanyo end of story and there are roads being built between laascanood and tukaraq . You are not a Supporter of Somalia you are a Supporter of your clan enclave your Clan enclave is your first priority who are you kidding duke. As for your Last Comment Faisal cali Xuseyn Cilmi Sultan rooble Sultan Guleed is a great patriot and his clan are my tribesmen and the dynasty of his ancestors is our legacy and great history . That said i am not Godanes sub Clan try again Duke.
  5. Duke what will you guys do to the raas casayr clans Similar to what happened to jamac cali jamac and tuute muuse perhaps.
  6. Duke your losing your tribesmen the garaads and Attam and the Maakhir issue and now Raas caseyr state i mean what is this all about what is Imam Faroole doing wrong so if tomorrow your uncle gagaab says i will join Galmudug or ximan iyo xeeb imam or declares his Cumar iley state what will faroole say marxaba who should we blame this on duke soon puntland won't be a subclan state it will be a sub sub sub sub clan state
  7. Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Dhisayso Jid Isku Xidha Somaliland Iyo Jabuuti April 26th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Axmed Caydiid, oo maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa ka warramay qorshayaasha Wasaaraddiisa ee dhinaca horuamrinta waddooyinka, isla markaana waxa uu sheegay inay ku tala-jiraan sidii loo samayn lahaa Jidad isku xidha Hargeysa iyo Burco, Somaliland iyo Jabuuti, Berbera iyo Ceerigaabo, iyo deegaanno kale, iyo sidii ay u heli lahaayeen qalab looga faa’iidaysto Dhaaman iyo Biyo-xidheenno dalka laga hirgeliyo. Wasiirka hawlaha guud, Xuseen Axmed Caydiid, oo ka hadlaya qorshayaashiisa dhaw iyo kuwa dheer-ba waxa uu yidhi; “Waxa ka mida Wasaaradda in tayadeeda kor loo qaado hadday aqoon tahay iyo haddii wixii lagu shaqaynayey tahayba. Xarumaheeda Gobollada, dhismayaashii iyo hoosooyinkii xarta guud iyo gobolladaba iyo tababbarradii in loo soo nooleeyo.” “Haddii sannad walba abaaro dhacaan oo ay joogto noqdeen inaynu wax qabsanno ayaa innala gudboon. Markaa, waxaannu isleenahay waxa wax weyn ka tari lahayd qalabkaa aannu maanta leenahay Wasaaradda hawlaha guud ayaa u baahan, hadday waddo la banneeyo tahay, hadday Biyo-xidheenno, Dhaamam iyo Harooyin la sameeyo tahayba, waxaana qorshaha dhaw iyo ka dheerba noogu jira in qalab la helaa.” Ayuu yidhi Wasiirku. Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey waxyaabaha uga meel-yaal sidii looga diyaar-garoobi lahaa dhibaatooyinka abaaraha ee soo noqnoqda, gaar ahaan biyo la’aanta, waxa uu yidhi; “Dhawr siyood baannu isleenahay u kala qaada oo Sanduuqan waddooyinka aannu ka kabkabnay waddadaa, sannadka dambe waxaannu isleenahay wixii uu qalab ka gaadhi karo ka fuur-yeela, oo haddii Illaa Gambadha illaa Tulid dhammaystirno kabkabkii waddada sannad iyo laba way inna sugi kartaabaa laga yaabaaye inaannu markaa wixii sannadka dambe ku soo dhaca sanduuqaa aannu uga faa’iidayno qalabkaa. Inay Wasaaradda Maaliyaddu ku talagasho mashaariicda horumarineed ee waddooyin, dhaamam iyo balliyo-ba leh, wixii qalaba iyo wixii ka dhinma oo labadaa isla helno oo qalabkiina noqdo mid aynu u helno wixii shidaal lagu siin lahaa ee ay ku tagi lahaayeenna noqdo wax Maaliyaddu ku talagasho. Markaa, qalabkaasi Sanduuqaa dhaqaalaha Waddooyinka iyo dhanka Wasaaradda Maaliyadda iyo wixii aynu caalamka ka helnaba annaga oo is-garab wadna ayaannu muhiimadda siinaynaa inaannu Wasaaradda qalabayno.” “Waxa qorshaha noogu jira immaka kabkab baannu wadnaaye inaannu higsan karno samaynta waddooyin cusub, oo dalkani wixiisa wax ku qabsan karo, Miisaaniyadda kolba wixii uga go’I kara iyo wixii qalabkiisa ah inuu awooddiisa wax ku qabsado, oo dadkana lala kaashado waxaan u arkaa inaynu markaa higsan karno inaynu waddooyin cusub samaysan karno. Haddii 30 ama 50 Kiiloomitir (KM) sannadkiiba la qosheeyo oo sannadka dambe lagu daro, waxa weeyaan shantii sano 250 KM, taasina wax yar maaha, markaa waxaynu hawaysan karnaa wax intaa ka sii badan.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid. Wasiiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Caydiid, waxa uu sheegay inay dhakhso u curin doonaan dhismaha waddooyin cusub oo isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, waanu yidhi; “Waddooyin cusubi waa lagama maarmaan, waddadaa Ceerigaabo iyo Ina-Afmadoobe, waddooyinka raaci karaa waxa weeyaan Burco iyo Hargeysa oo waddo isku xidha la sameeyo oo wareeggan dheer ee shidaalka badan, wakhtiga iyo kharashka badiya ee kirada dadka ku qaaliyeeya laga kabto oo mid toosa la mari karo. Jabuuti waddo innagu xidhiidhisa oo Boorama la mariyo ama Hargeysa-ba toos looga dhaadhiciyo, waddooyinkaa Xeebaha ee Berbera xidhiidhiya Bari iyo Galbeedba ka taga oo meelo badan lagaga safro oo ay ka mid yihiin Xeebaha Bariga Berbera oo aan gaadhi qudhi u badheedhi Karin inuu kaligii maro, taasina ay noqonayso in muhiimadda la siiyo waddadaa Xeebta illaa Maydh, Ceerigaabo, Bari loo kaxeeyo Laasqoray iyo Ceelaayo laga gaadhsiiyo, dhinaca Dhahar mid laga saaro ayaa loo baahanayaa.” Gebagabadii kulankaa uu Wasiirka Hawlaha guud ku hortagay Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu kagaga dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada muranka dhulka oo uu sheegay inuu qayb ka yahay waxyaabaha nabadgalyada khalkhalin kara, maaddaama oo ay Guurti ahaan ka mid yihiin hay’adaha nabadgalyada iyo xasilloonida doorka weyn ka qaata ama ka shaqeeya.
  8. Passerby you still have have nightmares about the Admiral drowning you in the nile river
  9. Admiral Maxammad cumar Cisman will never accept Ethiopian Rule over his People and land try again Kid
  10. Somaliland delegation receives Indian Ambassador to UAE ABU DHABI -– On Monday President Ahmed Silanyo and his delegation received the Indian Ambassador to the UAE for talks in various fields. The Indian Ambassador, HE Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah, held a meeting with the Somaliland officials for several hours on key issues including security, maritime piracy, foreign investment and education. The Indian Ambassador told the Somaliland delegation that his country was well aware of Somaliland’s case and that they closely follow the Horn of Africa region. He said, he is well aware that Somaliland was once part of the Somali Republic, but has been running its own affairs for the last two decades. He added that he was aware that Somaliland has a viable and growing democracy and unlike many of its neighbours was remarkably stable. The Ambassador said that the Indian government was keen to develop trade and security ties with Somaliland and forge relations on across a variety of areas. He also mentioned the fact that major Indian companies had expressed interest in investing in Somaliland, particular in the exploration and resources sector. Somaliland and India to have ties The Somaliland President on his part welcomed the Indian interest and said his country was ready to work with the emerging Asian giant. He told the Ambassador that Somaliland was keen to attract direct foreign investment as well as receive assistance in combating maritime piracy. He also said that Somaliland needed help with tackling terrorism which has taken a strong foundation in neighbouring Somalia. Finally he requested India to help Somaliland in the area of education by giving scholarships to Somaliland students to attend Indian universities. The Ambassador promised to convey the message to his government. This is the first time Somaliland has made a direct contact with India. In the past it has been seeking ties with Pakistan with plans to open a trade office in Islamabad. Both India and China are racing each others in many corners of the world, in particular in Africa, in a bid to win regional friends and access land and natural resources. The Somaliland government has already promised investment deals for Beijing in the areas of infrastructure, tourism and hospitality and energy exploration.
  11. Liban;714620 wrote: What president meets an Ambassador in a hotel lobby?? This is too funny, and you are so happy posting. SMH.. Long live Somaliweyn, at least it is still recognized. Somaliweyn is recognized where did i miss that when was NFD recognized as an independent state nor O'gadenia is an independent state
  12. inalilahi wa inalilahi rajicuun allah ha u naxairsto
  13. Good news vice president leaves the garowe clan admin raas casayr leaves the garowe clan enclave abti taleexi make sure you take the entire taleex crew with you naga da na dee ereyga Khaldaan sawnagi afka wada qaloocin jiray . It's a good step forward the garaads are leaving the pirate state and going back to their homes. This step forward originated from a grant proposal the garaads diaspora put on the conference in London Guuleysta walalayaal.
  14. Waryadhaheen dee haa isku soofeynina garaadada iyo reer maakhir ileen wa isku hooyo isku aabo wait maha maakhiriyinta faroole bey isku bah yihin;)
  15. Madaxweynaha Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Kuwait April 26th, 2011 Kuwayt (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Magaalada Kuwayt ee dalka Kuwayt. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaaska u ah Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dubai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaaraadka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha dhaqaale ee Somaliland. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt. Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt, Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda. Sheekh Xamad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka kuwayt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya. Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL Marwo Aamina Sheekh Maxamed, Marwada 1aad ee JSL Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali.”
  16. General Ali samatar the murderer of many innocent people will be be brought to justice if not in this world Allah is the most just
  17. Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Hindiya U Fadhiya Imaaraadka Carabta April 25th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dawlada Hindiya u fadhiya dalka isu taga imaaraadka carabta Lokesh Mysore Kapanaiah, oo weftiga Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka ay degan yihiin ee magalaada Abu-dubia. Madaxweynaha iyo safiirku waxay iska xog waraysteen xaalada Somaliland iyo wadciga siyaasadeed ee ka jira mandaqada. Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo laga soo saaray kulankaasi,waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sedan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hoggaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo booqday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah. Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada dhinaca Dhaqaalaha intaba. Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankiisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakiin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland. Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta. Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay. Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba. Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya. Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono.”
  18. Umadaha qaar na xornimo bey kaga dhagtay adeer dalka Somaliland from lawyacade ila iyo yoocade wa xor umada ku nool na wa xor. Tallow taadi halkeed ku ilawday nin walba tiisa u daran eh
  19. Qurba Jooga Reer Awdal Ee Ku Hawlan Awdal/State Waxa aan ku Casuumaynaa Xabsiyo Badan Oo aan Dhisanay, Shir:Jaraa'id Wasiirka Cadaalada Somaliland Prof:Ismaaciil 26/04/11-Hargaysa-(Bnn) Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland Prof:Ismaaciil Mu'min Aar ayaa Shalay ku qabtay Xafiiskiisa Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlayay Arimaha in dhawaalaba ka socday Dibada Somaliland Ee ah Maamul Goboleedka Lagu sheegay Awdal State Ee Ay wadaan Qaar ka soo jeeda Gobolka Awdal Ee uu Isagu ka soo jeedo. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa waxa uu cadeeyay Mawqifkiisa ka siyaasi ahaan ku waajahan Maamul goboleedkan Awdal/Satate waxa uuna sheegay in Siyaasiyiinta Reer Awdal Meel kasta oo ay joogaan ayna la qabin Fikirkan kuna tilmaamay in uu yahay mid ay ka danbeeyaan Dad wax ma garatay ah , oo kuu sheegay in ay yihiin Bujuubujuulayaal, Ayna Dhalinyarada Xaga danbe ka taagan yihiin kuwaas oo uu sheegay in ayna soo cadaanayn iyagu, waxa uuna dadkaas dabada caruurta ka soo riixaya kula taliyay in ay banaanka isa soo dhigaan inta ay dhalinyarada ku gabanayaan. Dhanka kale waxa uu sheegay in dhalinyarada la khalday ayna uga nasteexaynayaan in ayna maqlin raga danta gaarka ah wata waxa uuna sheegay in dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka Awdal ee ku sugan dalka dibadiisu yihiin Xoog lagu faani karo oo wadankooda iyo dakoodaba wax u qaban kara, laakiinse ayna haboonayn in ay ka qayb qaataan qaranimadeena iyo jiritaankeena wax dhaawici kara, isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi wasiirku, Markii Jabhadii SNM ay wadanka Xoraysay ee la iskugu tahay shirkii Burco waxa ay reer Awdal ahaayen Qoladii Ugu horeysay Ee ogalaatay in laga go'o soomaalida Kale, taasina waxa ay maanta ina dhaxalsiisay in aan ka dhex muuqana Maamulka Somaliland ee Maanta hadhsanayno. Ugu danbayn ayaa wasiirku waxa uu Digniino Culus u diray Cid walba oo ku hawlan Fikirkan Awdal/State ee Joogta Qurbaha Ama gudaha ay u diyaariyeen Xabsiyo uu ku sheegay in ay ku soo dhawayn doonaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in xabsiyo Badana ay dhisteen kuwo badan oo kalena ay soo socdaan. Si kastaba ha ahaatee Mas'uulkan ayaa noqonaya Mas'uulkii ugu sareeyay ee Maamulka Somaliland ku jira ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo cadeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan Fikirkan cusub ee ka socda wadanka dibadiisa isaga oo ay horey u hadleen qaar ka mid ah Xldhibaanada Labada gole ee ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal.