CARTAN

Nomads
  • Content Count

    59
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by CARTAN


  1. Asallaamu Caleykum W.W.

    Blossom, adna soo kale Salaantaasi mid la mid ah.

    Qofkaasi yuu ahaa waa I-dhaafee.. :D

    Blossom.Allaah Ya Cizak, Geeraarkaas caqli celinta ah ee aad ku tusaaleysay qofkaas isaga ah. Waxa kale oo aan filayaa in aad hor istaagtey qaxar iyo qaylo dhaan qaabdaraan maahee aan qiimo kale lahaateen.. ;)

    Caweys Wacan iyo Camal Suuban. :cool:


  2. Nimanyahow far Soomaalidaa, fiicanoo ladane!

    Fudayd bay u dhigantaa ninkii, fiirsadoo qora’e

    Fagaaraha wixii lala tagoo, faansan waayada’e

    Max'ed Ismaaciil

    -------

     

    War sxb-yaal, are we expecting to achieve fame & fortune when using those sort of foreign languages? I don't think that would be possible in any means, because one would know or understand what the consequence of that should be. Wallaahi, I wonder what enticed most of our folks to be a cheap tool and extension of Afafka Ajnebiga. War niman yahaw Afkeena aan ku faanno, kor u qaadno, wax isku weydaarsano oo aan ilaalino sharrafta, sumcadda & qiimihiisaba, sida ay tixdaa koreba tilmaamayso, oo sxb-yaal aan ka waantowno Afafkaa qalaad, ma wanaagsanee.

    Allaa Weyn Ninkii aaminaa Awood leh!


  3. Asallaamu Caleykum W.W...

    QAYBTII 5aad iyo Gunaannedkii Heesta.......

    --------------------------------------

    Qadar maalmo dabadeed

    Hudheel yaroo qarsoonoo

    Qaarradeenu leedahay

    Ibro iyo Xuseeniyo

    Qaar ima kaxaynoo

    Qaddo sow umaan tegin

    Samsam qadada noo keen

    Xabashida qalaadka ah

    Qolka ciddi majoogtoo

    Annagaa ka qaalbiba

    Heestooda naga qaad

    Noo saar qaraamiga !

    Xuseen hadalka qabadsii

    Iyana qaayib bay tidhi

    Arintoo quman ahoo

    Qoloqolo kaftanahiyo

    Qurbihiyo dhibkiisiyo

    Qisas lagu jiraayo

    Dadku wada qoslaayaan

    Qaali sowma soo gelin

    Qac ishii kumaan siin

    Hadalkii iga kala qubay

    Baarliiney qadadii

    Qudradii macaanayd

    Maangihii qaboobaa

    Qanac bayga galayoo

    Qaad qaadad mooyee

    Waxba kama aan quudane

    Cishqigeedi gabadhaas

    Qiiru igeliyoo

    Salaadii qasqaasoo

    Ma qushuuci karayee

     

    Yaasiinow quraankiyo

    Qawlkii Rasuulkiyo(SCW)

    Maalintay quruumuhu

    Qaawanaan is taagaan

    Suurku qayliyaayee

    Qabriyada lasoo fadho!

    Qaxarkiyo dhibaatada

    Qofna aan qof eegeyn

    Qaarricada naartiyo

    Qiyaamihii xusuustoo

    Qaladkaan sameeyaan

    Dib u qoomameeyoo

    Qaaf iyo wuduur iyo

    Qulacuudiga akhriyey

    Qawiyoow illaahow

    Adigaa qufuur ahe

    Noo qafiifi Umuuraha

    Cadaabaha hanagu qubin

     

    Dhammaad.........! ;)

    Wamaa Tawfiiqi ilaa Billaah.

     

    Tixgelin;

    Suleiman.....

    "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

     

    ...SCS. :cool:

    ____________________________________________

    ____________________CARTAN__________________

    MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!


  4. Asallaamu Caleykum W.W.

    Mr.Nomadman...Waa mahadsan tahay...sxb smile.gif

    Nomadman....Dabcan waa runtaa in marka si loo fiiriyo Heeska Beledweyne(Beerlula) qaybteeda tibaaxaysa nimcada ay ku haboonayd amaba ay soo koobayso ...Dhulka oo barwaaqo ah...balse inta badan mu'alifiintu waxa ay doorbidaan in ay sii naashnaashiyaan hawsha ay faraha kula jiraan si ay dadka ugu bayaamiyaan waxa jira, iyagoo isla markaasina beyd walba sii labban laabbaya amaba atleast saddarkiiba ku sii siyaadinaya ilaa shan saddar iyo ka badan. Balse maxay haddaba u indho indheyn waayeen Maahmaahdaasi qiimaah leh ee aad ina soo xussuussisey? Maadaamo ay nahdu ka

    dhumayso meelaha qaar, lagana yaabo in sheyga aad akhrinaysaayi kugu aabuurro caajis iyo waxyaabaha la midka ah.

     

    Midda kale waa runtaayoo, Cilmi iyo gabayadiisa uu ku sifaynayo Cishqigii ku barbaarray bogga iyo laabtiisa, marka aad si wacan u dhuuxdo, waxa aad isla markiiba garwaaqsanaysaa nuxurka ku jira gabayadiisa iyo sidda hufan ee uu uga hadlayo dhibkii soo wajahay.. Ha dheeraado gabaygu amaba yuusan dheeraane, haddalada Cilmi oo dhan ayaa waxaba ahay ahaayeen/yihiin kuwo aan la dhayalsan karin.

     

    Xagga Suleymaan iyo nasri iyo nasiib darro, bal meesha uu ku dambeeyo waynu isla eeggi doonaa inkastoo uu sheekada isaga laftiisu inoo naashnaashiyey isla markaasina mawjadaha Heesku aan filayo in ay noqdeen kuwo sii dabba dheeraaday unna muuqaal eg mid aan dhammaanshaba lahayn. :eek:

     

    ..F.G..Bal waan soo gudbin doonaa Heeskii maalmaha xigga haddii Eebbe Idmo Insha'allaah, Raali iga ahaada intaas, waqtiga oo igu yar aawadeed.

    ...SCS. :cool:

    ___________________________________________

    ___________________CARTAN__________________

    MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!


  5. Asallaamu Caleykum W.W.

    Mr.Nomadman, sxb sallaan marka hore.

    Marka labaad waxaan filayaa in aad la yaabtay dhererka Heeskaas aan soo qaatay. Waxaa iska jira qaar ka mid ah Abwaannada oo aan iyagu kalaba joojin haddii ay u tabaabusheystaan xagga Suugaanta, waxanad is-weydiineysaa su'aalaha aad kor ku xustay iyo qaar badan oo la kale, sababtuna ay tahay Afkeena oo Hodan ku ah xagga Suugaanta isla markaasina aan kaa kala go'ayn haddii aad istiraah meeshaas u socdaal addoo addeegsanaya Suugaantiisa. Waa sidda jid dheer oo aad dammacday in aad safar ku marto balse aan dhammaad lahayn, ninka daalaba waa addiga.

     

    Dadkuna isu meel ma wadda maraan oo koley waatii horay loo yirri...Haddalna la kala orran Og Illaahna la kala baryi Og..

     

    Sababta aan u soo qaatay ayaa waxa ay tahay Abwaannadu waxay heli ogyihiin orraahda haddalka. Midda kale sidda ay ila tahay,tani waxa ay reebaysaa oo ay xaglaha u laabaysaa dadka aan Af-Soomaaliga naxwiihiisa aqoonta fiican u lahayn oo dhan..Naxwuhuna inta badan wuxuu sahlaa haddalka oo aad si dhibyaraan ah u haleesho.

     

    Abwaan Hadraawi, koley waa gabyaa caan ah, oo maansooyinkiisu aanay kalaba joogsan sidda aan ku arkay melo badan. Suleymaana soo kale in uu yahay ayaan filayaa. Balse Suleymaan ma ahan nin caan ah oo la yaqaan. Wuxuuse leeyahay Maansooyin tayodoodu sareyso....

     

    F.G. Mr Nomadman raali ahaw sxb haddii aan galay baab aan loo baahneyn.

    ...SCS. :cool:

    ___________________________________________

    ___________________CARTAN__________________

    MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!


  6. Asallaamu Caleykum all Nomads.

    This is a brief response that had been given to a non-Muslim man who wanted to know more about the righteousness of Islam.

    Important to read it carefully!!

    Inspiration

    Question:-

     

    Does Islam recognize inspiration for other than Prophets?

     

    Answer:-

     

    Consider the following verses:-

    "So when I have fashioned it, and breathed into it of My Spirit, then fall ye down before him, prostrating yourselves before him." 15:29

     

    "Then He fashioned him and breathed into him of His spirit, and made for you the faculties of hearing, and sight and hearts; little is it that you give thanks. " 32:9

     

    It follows from these verses that (a) the proof and experience of God can be found within oneself; (b) all are capable of receiving inspiration; © the various faculties for knowledge mentioned have an inner and outer aspect and have a natural function which man has ignored.

    "We will show them Our signs on the horizons and within themselves, until it become manifest unto them that it is the truth. Is not your Lord sufficient , since He is Witness over all things? " 41:53

     

    "Have they not pondered upon themselves? Allah created not the heavens and the earth, and that which is between them, save with truth and for a destined end. But truly many of mankind are disbelievers in the meeting with their Lord." 30:8

    The Quran itself can only be understood when it is a revelation to the believer:-

    "Nay, but it (the Quran) is a clear revelation in the hearts of those who are endowed with knowledge, and none deny Our revelations save the wrongdoers (or unjust)." 29:24

     

    The capacity for inspiration has atrophied (as 32:9 indicates) owing to attachment to sense objects and worldly interests. This capacity can be restored and to do so is the function of religion. The following verses show that inspiration does not depend on human efforts but upon their receptivity, which is a state of passivity or surrender[ (Islam). The cultivation of this state, however, may require effort. It is not the effort that produces the result, but it may be regarded as a kind of tuning.

    "Allah chooses for Himself whom He will, and guides to Himself him who turns to Him." 42:13

     

    "Say: Allah's is the East and the West, He guides whom He will unto the Straight Way." 2 :142

     

    "He brings wisdom unto whom He will, and he who is brought wisdom is brought much good; but none will remember save those endowed with understanding." 2:269

     

    "It is not thy duty ( O Muhammad) to guide them; but Allah guides whom He will; " 2:272

     

    "Follow what is inspired in thee, and be patient until Allah judges, for He is the best of judges." 10:110

     

    "He sends down the angels with the Spirit at His command upon whom He will of His servants, saying: Give warning that there is no God but Me; therefore, fear (do your duty to) Me." 16:2

     

    "Allah is the light of the heavens and the earth......Allah guides whom He will to His Light; and Allah strikes out parables for men, and Allah knows all things." 24:35

     

    "Have they not traveled through the land? And have they not hearts wherewith to feel (understand), and ears wherewith to hear? For, indeed, it is not their eyes that are blind, but it is the hearts which are within their breasts that grow blind. " 22:46

     

    Islam recognizes three source of knowledge:-

    Ilm-ul-Yaqin (102:5, through reason), Ayn-ul-Yaqin (102:7, through experience) and Haq-ul-Yaqin (69:51, various degrees of gnosis, knowledge of the heart rather than intellect, insight, inspiration, revelation.)

    In the case of sensory experiences all human beings have more or less the same capacities and agreement can be obtained if they are in the same physical situation or by pointing to things. But even at this level we can have illusions and hallucinations. Reason has to be used to recognize these sources of error. It is also use to extend knowledge by finding the relationship between things. The capacity for reason differs between people. Experience, both inner and outer, must also fall into harmonious self-consistent systems and must be integrated within the person with the law and processes of his own being. This is how we learn, are modified and develop. That is the real function of knowledge.

     

    Inspiration refers to the perception of the patterns of the systems. As inspiration is supra-rational, it is necessary to distinguish it from the sub-rational by the use of reason.

     

    We must be careful not to confuse inspiration with things one has made up oneself, guesswork, wishful thinking, fantasies, prejudices and illusion based on desires and downright lies.

    "Who is more wicked than he who devises against Allah a lie, or says: I am inspired, when he has received none at all? And who says: I can reveal the like of what Allah has revealed? But did you see when the unjust are in the floods of death, and the angels stretch forth their hands, saying: Yield up your souls; this day shall you be recompensed with the torment of disgrace, for that you did say against Allah what was not true, and were too proud to hear His signs." 6:94

     

    ---------------------<0>------------------

    P.S.This question & its' brief answer is directly taken from the publishers of Altway Islamic site.

     

    "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

     

    ...SCS. :cool:

    ___________________________________________

    ___________________CARTAN__________________

    MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!


  7. Salaamu Caleykum W.W.

    Waa Heestii taxanaha ahayd oo aan ka sii ambaqaadno halkii ay ku sii shakaalnayd.

    ~ QAYBTII 4AAD ~

     

    Qaali hadalki waxay tidhi

    Gurri inaad qalqaashiyo

    Hadaad qoys samays tahay

    Maxaa qoob ciyaarkiyo

    Laabta isku qabadkiyo

    Quraafaadka kugu wada?

    Ibrona waygu qayshoo ( Ibro=Ibraahim )

    Qisadaan fashilinoo

    Qoladaa tumaysiyo

    Qolka oo dhan gaadhsiin

    Wadaadkii qatalanyeey!!

    Qosolbaa lawada dhici!

    Anniguna qasooboo

    Arrin iggu qaraarraa

    Qunyar dhuumo caawiyo

    Qaarad kale ma aaddaa

    Ibro qoolka haygelin

    Armay gabadh laqabo tahay

    Qaynuunka jebisiyo

    Xaal laygu qaadaa!

    Dabeed maxamed iga qabay

    Arag inaan qadbaan ahay

    Qawi wuxuna kaga dhigay

    Inaan hadalka qoomkaas

    Qaaradaha ka kala yimid

    Qurbuhu isu keeneen

    Qisadayda lagu fiddin

    Ibro waa nin qaxaroo

    Waxba kuma u qaadane'

    Qisadii madhaafine

    Isna sidda qumbuladdii

    Hiiroshiima lagu qubay

    Qac kasii warkaygii!

    Iyo qaaruu kusii daray!

    Qisadaydii la ogaa!...

    .............

     

    Waa Socotaa...(HEI)

    MaandeeQ,thanks for just more than I could say & may Allah bless your heart with his graceful mercy! I tremendiously consider you as one of those respecful Somali sisters smile.gif

    -------------------

     

    "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

     

     

    ....SCS. :cool:

    ________________________________________

    _________________CARTAN_________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!


  8. Sallaan Kal iyo Laab ah kadib.

    NomadMan..sxb laggu soo dhawee oo nasiib ayaad yeelatay marba haddii ay kullankaagii ogu horeeyey aad la kulantay soo dhaweeyntii asxaabtii maddaxda ka ahayd goobtan.... :D

     

    NomadMan, anna in kastoo aad mooddo in aan soo daahay hadana waxa keliya oo aan ku orran lahaa Gacmo furrin iyo qalbi saliim ah oo Soomaalinimo ku dheehan tahay ku soo dhawoow. Golluhuna ma ahan mid si gaar ah loo leeyahay ee waxa uu ka dhexeeyaa dhammaan Nomad Fimaly, taasi oo soo gelitaanka qofku ay ku xirran tahay haddba issaga iyo doonkiis...

     

    Inkastoo aad mooddo in ey meesha ka dhax muuqdaan dhawr qofood oo intaan u yimaado maddadaalo ahaan, ayaa waxaa laga yaabbaa in uu gallo shaki yar oo aan saas u sii xoogbadneyn qofkii meesha ku cusub,ayadoo ay dhici karto in qofkii ah sidda addiga ( NomadMan) oo kale, uu markaas u qaato meel khaas u ah dad gaar ah.

     

    MaandeeQ:

    Raxmaddaa Illaahay

    Roobkaa nicmada badan

    Ramayskii ka soo baxay

    Saw raacdadiisii

    Rooda ishu kumay dhicin

    Anna maan riyoonine

    Raad raaca Caashaqa..... ;)

    ..................

    ................

     

    "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

    ...SCS. :cool:

    _______________________________________

    _________________CARTAN________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!


  9. Mudane Muraad:

    Fikrad fiican ayaad soo jeeddisay oo loo baahnaa in la hello meel laggu kaydiyo maaxda caynkaan ah,waxayna ahayd arrin xil innaga saarraa waxka qabashadeeda,waanad mahadsan tahay. Aad ayay qaali u tahay maanta ilaallinta iyo dhugsiinta errayada Lammanaha ah ee luuqadeena Hodanka ah.

     

    Run ahaantii haddii aad sebbenkan indhaha la sii raac raacdo habdhaqanka dadkeeni,waxaad mooddaa in laggaba sii xarko siibbanayo iska daa wax la soo urrurshee guud ahaan micnaha, ahmiyadda iyo qiimihii uu lahaa Afku(We pay no heed with our own Somali language) Taasina waxa ay inbadan saamayn xoog leh ku yeellandoontaa jiillasha innaga dambeeya haddii aan markaas gacan degdeg ah lagga geysan dhibta haatan taaggan ee ku taxaluqa is-faham la'aanta xagga luuqda iyo ku haddaaqa afafkan qallaad ee aynu ugu soo galnay Waddamadan Reer Galbeedka.

     

    Dabcan, ayadoo aan filayo siddii walaasheen Kaamilaba ay sheegtay in aad soo gudbisey Lammaanayaasha qaybtoodii badnayd isla markaasina aannan rabbin in aan haddalka ku sii dheerraado, bal aan isu dayo in aan soo gudbiyo wixii maanakayga ku soo dhaca...

     

    Arrin xummi abaar kadaran

    Af iyo addin

    Awood iyo laxaad

    Barri iyo Galbeed

    Bash-bash iyo barwaaqo

    Baddar iyo galleey

    Ban iyo bannaan/kayn

    Billic iyo bidhaan

    Booddiyo cayaar

    Caano iyo ciir

    Calimaax iyo Cawrala

    Ciil iyo cataw

    Cishqi iyo mucaashaq[imo]

    Coon iyo carran

    Culeys iyo cammeeys

    Cuddur ito caafimaad

    Dhib iyo dheef

    Dhaggar iyo dhugxumo

    Dhammac iyo dhimbiil

    Dhammac iyo rasaas

    Dhaandhaan iyo dhoohanne

    Dheel iyo dhallaan

    Dhayal iyo dheg xummo

    Daal iyo rafaad

    Dayew iyo warreer

    Dabar iyo shakaal

    Deeqsi iyo gocor

    Deyn iyo ammaah

    Diihaal iyo dacdarro

    Dooc iyo dareen

    Dulli iyo darxumo

    Eex iyo Ihaano

    Eersashiyo aayar socod

    Faxal iyo farxaan

    Fakar iyo wallaac

    Farxad iyo naruurro

    Garriyo gardaro

    Gaban iyo garroob

    Gabar iyo caano!

    Garyaqaan iyo jaahil

    Gelbis iyo arroos

    Geesi iyo Hanad

    Geesi iyo fuley

    Gibliyo cayaar

    Gorrof iyo dhiil

    Guubaabbiyo waanno

    Guur iyo gaabsi

    Haddal iyo hawraar

    Hebbel iyo heblaayo

    Hoog iyo hallaag

    Haddal iyo hugun

    Heello iyo maanso

    Heelan iyo Jeellan

    Hiddo-iyo dhaqan

    Hooggey iyo ba'ay

    Hollac iyo naar

    Hoodo-iyo Ayaan

    Hoog iyo ba'

    Hooyo iyo habsiin/kalgacal !

    If iyo aakhiro

    Iftiin iyo aqoon

    Iil iyo Xabbaal

    Jaan iyo cirrib

    Janno iyo Caddaab

    Jamaal iyo joog

    Kaah iyo iftiin

    Kaddin iyo bannaan

    Karti iyo awood

    Kud iyo kaar

    Kaftan iyo is-yeelyeel

    Kurbiyo xannuun

    Kumbis iyo ma dhaafaan

    Kusin iyo hayaan

    Kuurgal iyo kaadsi

    Karrin iyo hillaac (Karrin=Karran,not for cooking)

    Lab iyo dhiddig

    Maqane iyo moog

    Maskax iyo maan

    Maammin iyo maammin la'aan

    Maangaab iyo gunimo

    Maddaw iyo caddaan

    Mayal iyo addayg

    Mingis iyo masayr

    Miciin iyo addeeg

    Nasab iyo nisbaysi

    Nimco iyo nusqaan

    Oomatiyo daryeel

    Omos iyo dagaal

    Oon iyo harraad

    Oohin iyo barroor

    Qaxar iyo dhibaato

    Qalallaase iyo qax

    Qaad iyo sigaar

    Qooq iyo jacayl

    Quuddarayn iyo quus

    Roob iyo raxmad

    Rag iyo reer

    Rammasiyo barwaaqo

    Rafaad iyo raaxo

    Rajiyo rayn-rayn

    Riyo-iyo soo jeed

    Roob iyo rammays

    Sarbeeb iyo sirgaxan

    Sinaandariyo seeg

    Samir iyo iimaan

    Saxansixiyo saansaan

    Sarbeeb iyo daah[id]

    Samme iyo gargaar

    Sawac iyo si-loon

    Sacsac iyo si-loon

    Safar iyo sirdoon

    Saked iyo xishood

    Sebben iyo waa

    Suurrow iyo dhaanto

    Sharraf iyo shifays

    Taakulayn iyo hoo

    Tab iyo Xeellad

    Tallo iyo tabbaabusho

    Tiigsi iyo taabbid

    Tix iyo tirraab

    Taxanne iyo taariikh

    Tabbaale iyo tiic

    Uurku-taalliyo aanno

    Uunrays iyo abbeeso

    Ul iyo diir

    Warsan iyo weersan

    Wacan iyo wannaag

    Wad iyo callaf

    Way iyo to'laa'ay!

    Welwel iyo walaac

    Wiil iyo caano!

     

    Xubbi iyo kalgacal

    Xeerro iyo fandhaal

    Xinnif iyo xannaaq

    Halkaas haynoo joogto caawa...

    Caweys Wacan iyo Camal Suuban

     

    "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!"

     

    ...SCS. :cool:

    _____________________________________

    ________________CARTAN_______________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN


  10. Waaaaaw, What a great event! Dear brothers & sisters thank you for joining with this momentous & Unforgettable day " SOMALIAS' INDEPENDENCE DAY " The first of July, also thanks for the graceful firework arts as well,I appreciate you all

     

    HAPPY INDEPENDENCE DAY! smile.gif

     

    so.gif

     

    qaran.gif

     

    Ingiriiska noollee

    Eeddii horraatuu

    Kaga tegay adduunyada

    Weli ololinaayow

    Ologaaga kaa yaal

    Farans addeerkaa

    Abaankii Talyaaniga

    Qawsaar Amxaariyo

    Kuukuuu addeega a

    Sidaan ahay ugaadhii

    Banka laga eryoodee

    Oolideeda loo dhacay

    Eebadiyo leebkiyo

    Qorri lagu asqeeyee

    Orrodkiyo badbaadada

    U abraarka gooyaha

    Ayaxaa rasaastaa

    Adinkiisa taalloo

    Afarriirkii raxantii

    Labadii is ooddoo

    Amni diiq ku helayee

    Weli oohin iyo diifiyo

    ...........................

    .............................

    ...................

     

    Idilkiinba gaallooy

    Aanadii horreetiyo

    Odaygaa disheeniyo

    Umushaad qasheenoo

    Uurkeeda dooxdeen

    Ubadkii aggoonkiyo

    Noqday aabbe laawaha

    Weli waan ogsoonahay

    ...............................

    .............................

    A Contribution from Siciid Suugaan :cool:

     

    qaran.gif


  11. Salaamu Caleykum W.W.

    Gacalnimada, Gobonimada, Gaarinimada,Dabeecad wannaaga, Anshax-wannaagga,

    Dabacsanaanta, Suubanaanta, Samirka, Filsanaanta,

    Quruxda IWM. Waa sumad muunaddaysan oo u gaar ah Hablaha Soomaaliyeede, bal ka dhuggo hoos

    ....Tolow, maxaad dareemi doontaa?

     

    Gabaygii:-Innan yahay iyo.......

    Abwaan Cali Cilmi Afyare......

     

    Innan yahay adduunyada haddaan dhab u ilaalleeyey

    Adimadda intii aan ku marray ama la ii sheegay

    Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray

    Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin

    Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaareeyo

    Illaah igu og inaad Seynabey ugu horaysaaye

    Asluubtaada goortaan arkiyo ooggadiyo jaaha

    Afka iyo indhaha nuurrayiyo edebta loo yeelay

    Adimmadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso

    Ashkharaar u dhimay Yuusufow eeg ninkii yiriye

    Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha'e

    Iimaankii baa iga qabsaday arragtideediiyee

    Aalaaba waa arroos iyo innay oorri noqotaaye

    Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee

    Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye

    Iyaddoo agtaydaas fadhida oo ubaxna ii laacday

    Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye

    Siddii Geel ilmihi laga xirroo ololley oo reemmay

    Hadba annigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye

    Yurub iyo Aasiyiyo aqaladii Shiine

    Afrikaanka oo idil haddii laysu soo urrursho

    Axad kuu eg weligay ma arrag inna adeereeye

    Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogollaadaaye

    Afka inaan ka sheeggiyo amaan gibin ah mooyaan'e

    Asluubtaada lama gaarri karo aynigey tahaye

    Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood

    nahaye

    Waa inaad ayaan qurra qalbiga iiga olashaaye....

     

    Waxbaa ka dhacay²!!!...

    ...SCS. :cool:

    __________________________________________

    __________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!


  12. Qaruumaha aduunka markaan u soo qaxnay,

    Qaxba,

    Qurun,

    Qamri,

    Qaad iyo quursi gaaleed

    Ayaan qeylo dhaan ka dhiganay!

    MaandeeQ, Waxaan ka xummahay in aannan hayn tixdaas murtida iyo xaqiiqdu ka buuxdo,xattaa anniga ayaa ku reyn lahaa haddii aynu helli lahayn qof intaas inooga sii wadda hawshaas layaabka leg ee qaab farxashameedkeedu sareeyo,marka la dhuuxo.

     

    Runtii waa wax wax lagu qaato, waxa anniga aad ii qiirro gelliyey tudducdan:

    Ma annagoo qaran guurrayoo,

    Qoysba qoys dhacayo,

    Qabta la isku haayo

    Sida qoonka fircoon,

    Allahayoow siddii roon..

    Allahayoow Dalkaygii maxaa Diiftan naggu beerray

    Dayawgiyo maxaa noogu wacan dullinimada maanta

    Allahayoow na daadihi addaan daacadkuu nahayee

    AaMiin... Aamiin !! Yaa Allaah.

     

    MaandeeQ, Prof. Afyare,(AN) Maansooyinkiisa aad ayaan ogga helaa runtii,waxana uu ka mid yahay Abwaannada aan xiiseeyo Gabayadooda. Fadlan haddii aad wax kale hayso Nooggu deeq.

    Anniga waxka bar ayaan hayaa waxanan rajeynayaa in aan soo qorro HEI, insha'allaah.

    Waqtiga oo igu yar aawaddii waxaan idinku dhaafayaa Isma Dhaafno.

     

    Xoorkii laga dhammay xagaaggiyo xusuusbaa Geella lagu xergeeyaa, Wooooof, waxbaa ka dhacay.

    Kaamila,Waxaad ii tilmaamtey/tustay jidka mid ah xiddadkii waayo waayo mari jirey markii ay timaado xagga Cayaarraha caynkaan ah ee ay ka hadlayaan Tixahaas aad kor ku xustay. Markii igu horeysey Cayaaraha caynkaas ah ma aan xiiseyn jirin balse kadib markii aan aad ogga bogtey ka dib ayaa waxaa igu billaabatay in aan qiimme gaar ah siiyo, inkastoo aan layga marrin (Waxaan ka hadlayaa dhinaca xiisaha aan u qabbey marka loo eeggo) xagga cayaaraha kale ee Seylicida, Walasaqada, Jaandheerta, iyo wixii la halmaala.

     

    Hirwada waxaan filayaa inta badan maggaaclada ma lagga aqoon ee Miyiga ayey ku koobneyn,oo mar aan xaggaas iyo Miyiga aaddey ayaan anniga lafteydu soo arkay, Laakiinse waxaba igu adkaatey siddii aan u-fahmilahaa. Waxaa aad kuu soo jiidanaya, markii aad arragtid Habka iyo xeerarka Jaangoynta u gaarka ah HIRWADA,siiba marka uu Shaacirku arrintaasi dejinayo/qaadayo.

    Runtii aqoon xeel dheer uma lihi,maadaamo aannan u gelin wax dugsi ah( Meelaha laga Cayaarro).

     

    Hirwooy kuu hamuummoo

    Naftaydii hayaantoo

    Hoygii wacnaa iyo

    Hirrarkaad lahaydiyo

    Maan ilaawin hawshee

    Balse waxaan higgaadshaa

    Heeggada u aallaa

    Si aan kuu haleellee

    Waa in aan ku haybshaa

    Maalin iyo habbeenkii

    ........... ................

     

    ...SCS. :cool:

    ___________________________________

    ______________CARTAN_______________

    MAALINKII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!


  13. Jamaal, you be the first sxb, oo Af-Soomaaliyee

    since that could be the only pattern. We don't have to augment this by using some foreign languages. Maxaa inoo diiddey Afkeenii Macaannaa ee laggu sheeggay in ay hawraartiisu sarrayso? Dabcan, qurbe joog haddii aynu nahay way jirraan meelo baddan oo aynu hilmamnay, balse midda aan loo baahneyn in aynu seegno ayaa waxa ay tahay in aynaan sinnaba garrab-marrin Afka Hooyo.

     

    Taasina waxa kelya ee aynu ku badbaaddin karraa ayaa ah ayada oo aynu addeegsano marwalba.Balse haddii aynu inaggiiba ka farxallano ka waran halka ay ku dambayn doonnaan dhallaanka innaga dambeeya ee ku sugggan waddamadan Reer Galbeedka?

    Waa in aynu ku faannaa Afkeena Hooyo ee Hoddanka ah, ahna laggama maar maanka meel kasta aan joognee.

     

    Sxb Jamaal, raalli iga ahaw sxb wax kale ogga ma aan jeeddin arrimaha aan kor ku soo qaadday balse waxay keliya igga ahayd uun in aynu wax isu sheegno. Waxaan idinku dhaafay tixdan hoose oo biyo-dhaceedu yahay muhimadda Afka-Hooyo

     

    Afka hooyo hodon weeye oo waa halaan hubo'e

    Wixi loo hilmaamaaba waa hadimo noo taale

    Higso oo haldoonkiisa noqo halabso miiddiisa!

    Hawraarta mirihiisa garo hillinka ay taallo!

     

    Authored by;

    Ciise

     

    ...SCS.

    ____________________________________________

    ____________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!!


  14. Mar uu marayey meel waddo ah ayuu si lama filaan ah isha oggu dhuftay xabbadii laga raacay,

    Hiq! markii hore waa yar naxay wuxuuse isu qalciyey in maanta ay tahay maalin aannu dhaafi karin fursaddaas qaaliga ah ee ee lama dhaafaanka u ahayd.

     

    Wax yar uun ka hor intii aysan is-wajihin Ladan,ayaa Caamir iyo saaxiibkiis Qaalid meel yar oo dalcad ah oo shaaha inta badan ey ka cabbi jirreen waqtigana ey isu dhaafin jireen ayay fadhiyeen isla markaasina waxay si fiican ogga wadda baarraandegeen hawlo badan oo ogga baahan in ey xagliyaan isla mar ahaantaasina helaan waddiiqii ey isaga furdaamin lahaayeen,arrintaas

    waxaa oagu horeeya Barxaddaha cishqiga ee ey dhex dabaalanayaan.

     

    Xooggay daqiiqaddo ha kadibna waatan ey Caamir wajiga is-darreen gacalladii uu inta badan ku hammiyi jirrey ee uu sidda ba'an ogu hanweynaa.

    Haddalo ayaaney is-dhaafsadeen. Arrintaas asaga oo saaxiibkiisa garrabka middig oga warammaya ayaa waxa uu ku billaabey in arrintu ey u dhacdaysidaan.

     

    Xawli ban ku socdoo

    Waxaan xaamkim u doontey

    Meel aan xaafadku ool

    Xooggiisa Jacaylka

    Anni waaban ku xiiqay

    Xannuunkuu igu reebbay baa

    Isii xallufsheyoo

    Beryahaanba xilkaygu

    Waa soo xaddiidnaa

    Anna xeel aan ku dhaafo

    Ma aan soo xarrakeyn

    Xalna ma aanan u raaddin..

    .....

     

    Haddalkii asaga oo wata ayaa sxbkiis ka soo dhex gallay si uu bal wax ogga oggaado sidda ey wax u jiraan amaba ey u dheceen. Caamir oo haddaba haddalkiisa aan oodda ka qaddin isla markaasina maldahaya arrinka ayaa ku soo laabtay booskii haddalka, oo yirri;

     

    Waxan Xaawo u sheeggay

    Haddal aan xalladeeyey

    Oo aan soo xullayoo

    Xardhan oo la habbeeyey

    Xushmadloo naxariis leh

    Xawligiisa Jacaylka

    Haddii aan ku xussuus'sho

    Mar xaggaaga hortii

    Billow xaafadda dhaaftay

    Addigoon xogba hayn

    Ama xaajo ka bood ah ( kullankoodu waa horreeyey)*

    Arrinkaas arrakaysan

    Ladan may ka xumaan

    Waxay soo xurguf siisay

    Haddal aanan fileyn

    Oo xoorkiisu wacnaa ( haddallada waa QRSNYHN )*

    Harreerbay ka xarriiqday

    Waxay Xaawo haddal tirri

    Xeellad baa la rabbaa

    Xannaaqna loomaba baahno

    Dadku waa xannibmaan

    Xulluulbey mar gallaan

    Dadbaa xaakim u baahda

    Markay xoog ku marraan

    Meel xeerkeeda jabshaan

    ayagoon xogba hayn

     

    Jacaylkaad ku xarriiqdo

    Addigoon xasilleen

    Ee aad meel xun ku tuurto

    Mar-buu xaal ku marshaa

    Ama kaa xayirmaa

    Xaallad aaddan fileen

    Ayaad xoog ku gashaa.

    ........

    TO BE CONTINUED...(HEI)

     

    Jacayl baa I laacoo

    Leeleey I geliyoo

    Lugta iyo gacmaa iyo

    Luquntii is raacshoo

    Laalaabka xadhigii

    Dhan walbaba ka liifshoo

    Jarka laagta dheer buu

    Laashintii qaloocdee

    Lulmanaysay ila helay

    Laabtiyo jidhkaa nool

    Ma se luudin karayaan?

    ..................

    N..A..B..A..D..EE..EE..EE..Y..Y

     

    F.G. MaandeeQ aar heestii lee igu dhex go'day hee,though it seems I got myself into a huge predicament ... Sagxadda inta meesha lagga qaaddayo leen suggaa.

     

    MaamdeeQeey;

    Ganafkaa laygu jiiddoo; Gam'i waayey caawee!

    Garrab waxan ka suggayaa; Mid aan goonni u ahaaye

    Hawraarta guud iyo; Ma aan seeggin gollihiiye

    Hayeeshee garradkaan ka irri; Gaagax haddalkiiye

    ............ smile.gif

     

    ....SCS. :cool:

    ________________________________________

    _________________CARTAN_________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!


  15. Indhadeeq,thanks and Wlcm... But how about

    other friends? don't u like th..e..m ...lool, get them to know how eminence thy're here

    Anyway.Let me take into account that u were in the other sections of the forummmmm.

     

    Kamila, waxbaa ka dhacay waayo waayo ayaa xussuusteyda ku soo noqnoqota markii aan hallacsado Maahmaayadeena macaanka iyo murtida badan. It reminds me how brilliant our intellectual ancestors were, oo Mahmaahbaa ahayd " Rag waa raggii hore haddalna waa intuu yiri" Inkastoo ay u muuqato in aannan rumeysneen orraahda ah " Rag waa raggii hore " Balse orraahdan ah " Haddalna waa intuu yirri" Actually,qaybbiyan wax ahaan waa ka rumays nahay waayo,Afkiibaa Juuqda Gabay ayay xaajo joogtaa sebbenkan xaadirka ah.

     

    Afkii Hooyo waa u jeednaa in uu sii liicayo,wax laggu soo darray ma arragteen beryahaandambe siiba marka aynu indha-indhayno dhinaca arrimaha " Technology-ga" ? Qofka Somaliga ah waxaa dhib iyo carqallad ku ah siddii uu miidaan ugu helli lahaa dhinaca Errey Bixinta iyo xajmiga ay hawluhu ku socdaan... Dear Kamila,

    thanks for your great effort, and my Allah bless your heart. I learn a lot from that.

     

    Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

    Sida hallo kareebaan saqdhexe soo horranayaaye

    Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

    Hadii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene

    Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma hor joogeene

    Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa'e

    ..............................................

    ...............................................

    .........AABBIHII JACAYLKEE ABBABSHEY GEED CAASHAQ. " CILMI BOODHARI" alloow kuu naxarriso!!!

     

    ....SCS.

    ________________________________________

    _________________CARTAN_________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!


  16. Sallaan Kal iyo Laab ah marka hore, waanna tan Heestii oo aan halkii innooga sii socota..

     

    ~ QAYBTII 3AAD ~

     

    Qaayo waxa leh wiilkii

    Qabuulkaaga hella ee

    Ubax kugu qaraqa ee

    Aroos kuu qotomiyee

    Quruufka iyo geeliyo

    Allabari qalaayoo

    Culimadu quraankiyo

    Qayr kuu baryaanoo

    Qoys aad unoqotoo

    Qaasin iyo Qamar iyo

    Ubad aad uqaadoo

    Qasar aad uweyn iyo

    Qalcad kuu bineeyoo

    Bada qoorigeediyo

    Webiyada qarkoodiyo

    Dalxiis aad laqabatoo

    Qaaciga macaaniyo

    Kuu tuma qaraamiga

    **** ^^^ ^^^ ****

     

    Gabadhaanse qiimiyo

    Qaayo kale lahaynee

    Ummadana qaderineyn

    Quruxdeeda laga roon

    Intaan qawlku iga dhicin

    Qisadaada ii sheeg

    Qunyar hadalka ii dhiib.

    Miyaad qaylo badan tahay?

    Qaxar miyaad taqaanaa?

    Qiyaanada Haweenkiyo

    Qidad miyaad ciyaartaa?

    Mise qaari-baad tahay?

    Loo dhigay qur'aankoo

    Waalidkeed qaderrisoo

    Qawlkii Illaah garan..

     

    Waa socotaa... smile.gif

     

    ....SCS.

    ________________________________________

    _________________CARTAN_________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

    NABAD IYO CAANO YAA HELLA CAMAL WANNAAGGOODA...


  17. Kaamila, Bal soo laabad wacan marka hore,

    kuna soo dhawoow qolka Haasaawaha iyo Hawraarta Guud ee maddasha. Sidda aad sheegtayba, waa iska hawl adduun oo qofba wayahaa meel ka tuuray, annaguna koley kula mid ayaan ahayn,arrin lagu mashquulliyo meertada adduunkaa, lagu kala maqnaa.

     

    Dabcan meesha waxaa ka dhaqdhaqaaqayey waa sxb-keen Jamaal-11, oo asagu daddaalkiisii halkaas ka soo watey inteena kale waan daad raacnay,

    laakiinse lagga soo laabbey.

     

    Kaamila, wax meeshan ka socdey iyo wax ku socdey kama aan war qabbin, mudaddii aan meesha ka maqnaa, anni xattaa annoo marti ku ah intaan,ayaa Asxaabteenu igu soo dhaweeyeen. Marka ayadoo ay saas tahay ayaa waxaa xussuusteyda ku soo dhacay, ayadoo aan is-weydiiyey Halka aad addu( Kaamila ahaan ) ka dhacday? waxaan is-irri armaa lagaba yaabbaa in Gabartii la arroosay...Lool smile.gif ,

     

    Taasina suuro gal waa noqon weysey, oo wax uunbaan ka ogaan lahaa haddii ey xaajo saas u-dhici lahayd.

    Marka bal soo dhawoow Kaamila...Waa laguu darsadeeeee..

    ....SCS. :cool:

    _________________________________________

    _________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!!

     


  18. History repeats itself ... Exactly 32 years ago, this piece of Gabay was Qaasim's feelings over the Somali plight at that time ... After

    that 32 yrs and sth, the Somalis ... Well, here is some passage of that Gabay:

     

    ~MAAN MAHADIN~

     

    Mugdi baan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydow-e

    Maangado abaar ah iyo dirraan maax ka dayayaaye

    Geel baan maqaarka u sidaa midi ka dhiiqayne

    Mus cadaawe laga teediyay baan meerayaa debed-e

    Milicdaanu sheekaysanaa maalin abidkeed-e

    Hadba waxaam miliilicahayaa miigashiyo ciil-e

    Mawjado badeed iyo Wabaan moos is'leeyahay-e

     

    *** **** ****

     

    Dad musbaar dhegaa kaga jiraan maqal ka tuugaaye

    Soomaali midab doorsantaan meeday leeyahay-e

    Maroodi iyo mas waabeeyo leh baan minan la seexdaaye

    Mindidii boqnaa iga jartaa madaxa ii taalle

    Mawdkii adoogay dilaan meel dhow ka arkaaye

    Waxaan midigta saaraa ragii meel xil leh i dhigaye

    Noloshuba macaan ma leh haddaanad magac ka reebayne

    MAAN MAHADIN MAALINTAAN DHASHAY

    AY II MUSHXARADEEN-E"

     

     

    ---- Gabayaagii Ahmed Ismaaciil Diriye (Qaasim).

     

    ....SCS.

    _________________________________________

    _________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

    NABAD IYO CAANO...


  19. Salaan kadib:

    Jamaal-11, sxb that was really vivacious Song,

    Waa lay dhex qaadday markaan jooggay qaybaha dambe ee Hal-jeedkaada. Gartay sxb Halka laggaa Hayo. Anna ma u malaynayo in aan wax saas ah kaa dheerrahay, garbakaaga mar aan ka dhawahay meel uun baan jooggaa, Yaa Jacayl iyo Hillawgisa ka badbadda. sxb Waan la dhacay Heestaas Lafteeda, Waannad Mahadsan Tahay.

     

    MaandeeQ, Ina-abti, Maxaad tiri ? Waa iga qosliseyba maanta ,oo qosol aanan in muddo ah qosli ayaa igu so dhacay.

    Haddii aad hayaantoo

    Nafta hawdka egysana

    Hoygaagu waa nabad... dheh!

    Nimba waa maalintiisee ha ka baqin in heegadda sare laguu tuuro meel marran.Looool.

     

    Bal Faallada Halkaas ka sii wadda Niman Yahaw.

    ....SCS.

    _________________________________________

    _________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

    NABAD IYO CAANO...


  20. Salaan Kal iyo laab ah marka hore.

     

    Maansadan waxaa tirriyey Abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyan. Waxana uu kaga hadlayaa sifooyinka uu leeyahay qofka Soomaaliga dhabta ahi. Marka, bal ka waran qofkii laga waayo Astaamahan uu Abwaanku tilmaamay ma lagu tilmaammi karaa "Soomaali"?? Maantana waxa aynu wadda garwaaqsannahay diihaalka ku dhacay dadkii iyo dalkii. Sebbenkana siddiisaba waxa soo ifbaxay waxyaalo badan oo aynaan horay u aqoon una lahayn, kuwaasi oo sii ifinnaya collaaddaha jira ee arxan la'aanta ah.S u'aal muddan in lays weydiiyo ayaa waxa ay tahay, Soomaalida Maanta joogta ma u qalmaan sifooyinka ay Maansadu Tixaabayso?? Haddal iyo dhammaantii, bal ila eegga gunta maansadan iyo micnaha ku aassan.

    Maggaca Maansada waxaa la yiraah:

    SOOMAALI WAA KUMA?

    Waxayna ku billaabataa siddan:

     

    1.. Waqtiyada socdaalka ah

    2.. Ayaamaha silsiladda ah

    3.. Xilliyada bal suuree

    4.. Soojire haddaad tahay

    5.. Sadarrada dib ugu noqo

    6.. SOOMAALI WAA KUMA?

     

    7.. Sinnaantaan la magac ahay

    8.. Sanku-neefle ma oggoli

    9.. Inuu iga sarrayn karo

    10.. Anna garasho sogordahan

    11.. Sooryo ruux ugama dhigo

    12.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    13.. Ninna madax-salaax iyo

    14.. Kama yeelo seetada

    15.. Sasabada ma qaayibo

    16.. Sirta waxaan iraahdaa

    17.. Saab aan biyaha celin

    18.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    19.. Inkastoon sabool ahay

    20.. Haddana waan sarriigtaa

    21.. Sacabada ma hoorsado

    22.. Saaxiib nimaan nahay

    23.. Cadowgayga lama simo

    24.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    25.. Socdaalkaygu waa meel

    26.. Sahaydaydu waa dacar

    27.. Soohdintaydu waa caan

    28.. Seeftaydu waa cudur

    29.. Naftuna geedka iga suran

    30.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    31.. Nin i sigay ma nabad galo

    32.. Nin i sugayna maba jiro

    33.. Libta weli ma sii dayn

    34.. Gardarrada ma saacido

    35.. Nin xaqlana cid lama simo

    36.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    37.. Nabaddaan u sahanshaa

    38.. Colaaddaan ka selelaa

    39.. Sooma jeesto goobaha

    40.. Ninka nabarka soo sida

    41.. Gacantiisa kama sugo

    42.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    43.. Ninkaan taydu soli karin

    44.. Uma yeelo suu rabo

    45.. Sida dunida qaarkeed

    46.. Ninna kabaha uma sido

    47.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    48.. Ninka iga sed roonow

    49.. Siintaada magaca leh

    50.. Ogow kaama sugayee

    51.. Hana oran "sasabo bedow"

    52.. Dareen seexda ma lihiye

    53.. SOOMAALI BAAN AHAY!

     

    54.. Saan la kala jaraan ahay

    55.. Summadi ay ku wada taal

    56.. Rag baa beri i saanyaday

    57.. Anoo xoolo soofsada

    58.. Xil midnimo anaa sida

    59.. SOOMAALI BAAN AHAY!!

     

    © Cabdulqaadir Xirsi Yamyam.

     

    ....SCS.

    _________________________________________

    _________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

    NABAD IYO CAANO...


  21. Salaan Qiimo leh ka dib:

    Waxaad ku so dhawaataan Heestan oo Maggaceedu Yahay:" QAALI "Biyo-dhaca heestu waa Qiso Jacayl, waxana uu wiilku ku ammaannayaa Gabar uu Jeclaaday lana dhacay Anshaxa, Hannaanka, iyo asluubta Illaah ku manneystay.

     

    Copyright© Suleymaan

     

    ~ QAYBTII 1AAD ~

     

    Qurbe anoo ku raagoo,

    Toban saniyo qaar dheer

    Qol riwaayad lagu dhigi,

    Indhahaygu ay qaban

    Xalaa damac iqaadaan,

    Qorshahaan lahaa iyo

    Qaraarkii bedelayoo,

    Qurfad heeso lagu tumi

    Saacado qasiira ah,

    Masrah sow ma aan qaban

    .... ************......

    Meesha oo qabowoo

    Qqaaba xumadii

    Qaar badani imanoo

    Badhna ay qayilyaan

    Badhna ay qawadayaan

    Badhna qaylo dheeriyo

    Soomaali qaabkeed

    Qalalaase lagu jiro

    Mid qureysh lamoodaa

    Qolkii sowma soo gelin

    Inaan gacanta qaadoo

    Dhexda aan qabsado oo

    Qoobka kala ciyaaroo

    Heeso aan uqaadaa

    Qalbigeygu doonoo

    Dabeed waan is qaatoo

    Qolka dhinacay joogtiyo

    Qaybtay fadhidaybaan

    Kursigii u qaatoo

    Aan qumaati ugu kacay

    Qaar kuwii lajoogayna

    waaba igu qawaafeen

    Qaarna waa cadhoodeen

    Waa maxay qaldaankani

    Qaali naga damaaciyey

    Miyaan xeer qabtaa jirin

    Qashqashkiyo dhibkoodiyo

    Ragaas qayladoodi

    Qaali aragtideedii

    Dhoola ka qasolkeedii

    Anna waan qajilayoo

    Maxamedow afkal qaad

    Qasdigaan lahaa iyo

    Qisadii ilaawoo

    Qawlkiiba iga xidhan

    Anigoo qoslaayaa qunyar

    Hadalka waxan idhi

    Sida qamar iftiimiyo

    Qoraxdoo ilayskii

    Qaarado kufidayoo

    Dhulka qabowgi joogiyo

    Gudcurkii ka qaadaad

    Qolkii noosiraadaye

    Qaaliyey manabadbaa?

    Quruxdaada goortaan

    Qunyar aan jaleecaa

    Qalbigu ixanuunoo

    Waa nigan qadhqadhayee

    Laabta maysku qabanaa?....

     

    LA SOCO QAYBTA 2AAD.....

    F.G. Waa Mirrihii Abwaan SULEYMAAN...

     

    ....SCS.

    ________________________________________

    _________________CARTAN_________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

    NABAD IYO CAANO...


  22. Jamaal & MaandeeQ, thank you for your warm welcome guys, I appreciated that. I'm fine and everything is ok so far. I thought you're feeling the same way as well, insha'allah. I've missed the forum and its' folks alot. On the other hand, sister Kamila has also gone silent recently as I assumed. Bal sxb-yaal waan soo laaban doonaayoo gambaleel iyo waxbaa la garaacayaa oon maqlaaye, halkaa kasii dhiraandhirriya hawsha.

     

    ....SCS. :cool:

    _________________________________________

    _________________CARTAN__________________

    MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

    HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!