Gar-haye

Nomads
  • Content Count

    226
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Gar-haye

  1. ^they are the weekest link. they should add one more point to there six points, run when you see the ethiopians.
  2. Guddoomiyihii degmada H/Wadaag oo maanta Is casilay.iyo Maamulka Gobolka banaadir oo sheegay in ay horay xilka uga qaadeen. Submitted by wararka on Mon, 05/12/2008 - 17:35. Muqdisho. 12. May .2008. (Sh.M.Network)- Guddoomiyihii degmada H/Wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska Casilay xilkii uu ka haayay degmadaasi iyadoo Maamulka gobolka banaadir uu sheegay in ay horay uga qaadeen xilkii uu haayay Guddoomiyahaasi. Ismaan Maxmed Cosoble oo ahaa Guddoomiyihii degmada H/Wadaag ee Gobolka Banaadir oo galbta la soo xiraaray Shabelle ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkii Guddoomiyenimo isagoona sheegay in wixii ka dambeeya Maanta aanu wax xil ah uu ka haynin gobolka Banaadir,waxaana Shacabka Gobolka banaadir uu ka Codsaday inay Cafiyaan ee la xiriira wax yaabaha ay ka tabanayeen intii uu haayay Maamulka degmada H/wadaag. Waxaa uu ku micneeyay Iscasilaadiisa in aan lagu xukumin diinta Islaamka Maamulka uu hoostago sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa degmada H/Wadaag iska Casilay Ku simihii Guddoomiyaha degmadaasi Yuusf deyle oo sheegay in xiligaan uusan wax jago ah ka haynin degmada H/wadaag ,waxaana uu sheegay in war qad qoraal ah uu u gudbiyay Maamulka Gobolka Banaadir islamarkana Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir uu weydiistay Cafis. Kuxigeenka duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca amaanka C/Fitaax Shaawey ayaa waxa uu shabelle u xaqiijiyay in labadaasi xubnood ay Shalay xilkii ka qaadeen ka dib markii ay wax ka qaban waayeen amaanka degmada H/wadaag sida vuu hadalka u dhigay. C/Fitaax Shaawey ayaa waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan degmada H/wadaag ay u soo magacaabi doonaan maamul Cusub islamarkaana ay diyaareen warqadii lagu Magacaabi lahaa xubnahaasi. Somali
  3. 3 askari oo ka tirsan Maamulka G/Sh.hoose oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen deegaanka Leego Beerdhiga 12.05.2008 21:03 Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta gelinkii hore dagaal ku qabsaday inta u dhaxaysa deegaanka Leego iyo Buur-hakaba isla markaana khasaaroyin laxaad leh loogu gaystay lagana gubay 3 ka mid ah gaadiidkii ay wateen ayaa Tuulada Leego ku dilay 3 ka mid ah askarta DKMG ah ee la shaqaysa gumasyiga Itoobiya oo ku sugnaa bar koontarool oo hoos tagta Maamulka G/Sh.hoose. Ciidamada gumaysiga oo wata maydad iyo dhaawcyo fara badan ayaa la sheegay in ay ku soo hagaageen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dawladda ayaga oo caradii kula dhacay isla markaana toogatay 3 askari oo goobta ku sugnayd. Maydadka askartan ay maanta dileen Ciidamada gumaysigu ayaa waxaa laga soo qaaday goobtii lagu toogtay, dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Leego ayaa la sheegay in ay firxadeen casi ay ka qabaan Ciidamada gumaysiga oo aan kala soocayn dadka oo idil, waxaana la xaqiijiyay in ay jiraan dhalin yaro deegaanka ah oo ay itoobiyaanku qafaasheen. Maaha markii ugu horaysay oo ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya dilaan askar ka tirsan dawladda ama dad shacab ah waxayna Deegaanka Yaaq-barwene todobaad ka hor ku gawraceen 9 qof oo rayid ah oo ay ka mid ahaayeen haween xilli sidaan oo kale weerar noocan ah loo gaystay waxaana caado u noqotay in hadii khasaaro ka soo gaarto dharbaaxooyinka Mujaahidiinta ay cidda ugu dhaw oo soomaali ah carada kula dhacaan xataa askarta dawladda oo ayaga ka barbar dagaalama. Majiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Sh.hoose iyo dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga oo ku aadan falkan ay Itoobiyaanku ku laayeen askartan ka tirsan Ciidamada G/Sh.hoose. www.Beerdhiga.com "xabashi iyo dameeraba odaa oo daw ayeey ruugaan". mah mahda bilaash loma odhan. kuwa somalida kalee u xiniinya wayn oo isku sheega tfga, wataas axmaaro adinkaba digta diga idin dartay. ku ciqli qata. if this is not example of ethiopians hatred and indiscrimanate shedding of somali blood than i don't know what is. they kill the depodhilif as well as the dagalyahan and the innocent.
  4. Wareysigii ay aljazeera la yeelatay cabdi kariim sh muuse oo ka mid ah taliyayaasha sare ee jabhada wadaniga xoraynta ******ya 2008/4/27. Mabaadii,da iyo hadafka jabhada iyo meelaha ay waxka soo galaan Dawrka dawladaha iyo hay,adaha iyo mustaqbalka loolanka S= Jaamcan nuur Marka hore waxaan ku bilaabaynaa cadeynta jabhada iyo goorta la aas aasay jabhadan? J= cabdi kariim sh muuse jabhada waxaa la aas aasay 1984 taasina waxay ahayd midhihii ka soo baxay halgankii dheeraa ee ay umada somaliyeed kaga soo horjeeday qabsashada Ethiopia ay qabsatay dhulkooda laga soo bilaabo halgankii axmed gurey oo ahaa qarnigii 16 naad iyo kii ka danbeeyay ee sayid maxamed cabdulle xasan kii sadexaad oo ahaa jabhadii nasrulaah 1964 tii iyo midkii ka danbeeyay oo ahaa 1977kii kaasooy dawladii somaliya ka qayb qaadatay halgankaa dheer ee u jeedadiisu ahayd in wadanka ******ia la xoreeyo waxuu soo maray dhibaatooyin badan oo taariikhi ah , Hadaba Jabhada wadaniga xoreynta ******iya waxay ka dhalatay halgamadaas taxanaha ahaa waxaana loo aas aasay sidii loo hagaajin lahaa geedi socodka siyaasada halganka ******iya loona cusboonaysiin lahaa maamulkiisa taasina waxay ka timid rabitaanka shacabka oo raba inuu soo ceshado rabitaankiisa iyo madaxbanaanidiisa taas ooy ka dheceen khaaimiintii ingiriisku iyagoo u dhiibay xuquuqdii shacabku lahaa siiyayna dawlada Ethiopia S= Jaamac nuur waxaan Ognahay jabhadiinu inay ku bilaabatay dhaqdhaqaaq aan hubaysnayn maxay tahay sababta aad uga wareegteen ee ad qoriga u qaadateen? J= cabdi kariim sh muuse is badalkii dhacay 1991 dhicitaankii xukuumadii mungiste waxay ahayd midhihii ka dhashay halgankii iyo dadaalkii quwadahii mucaaradka ku ahaa ee la gumeysan jiray sida shacabka ******iya sida qawmida tigreyga iyo ereteriya markaa nasiib ayuu u helay ururka Tplf taas oo u dagaalamaysay inay xaqa shacabka tigreyga soo celiso ayaa waxay nasiib u heshay inay caasimadii adis ababa qabsadaan intaas ka dib waxaa lagu heshiiyay laba sano oo ku meel gaadh ah heshiiskaasi waxuu siinayay qowmiyad walba inay madaxbanaani hesho iyadoo u soo maraysa in dadka afti laga qaado aftidaas oo la waydiinayo parlemanka qowmiyadaas sidaas darteed jabhada wadaniga xoraynta ******iya waxay samaysay maamul goboleed iyo baarlamaan gobolku leeyahay si ay ugu diyaar garoobaan in afti la qaado jabhadu waxaa kaloy samaystay talaabooyin wanaagsan oo xaga horumarka ah iyo inay shacabka u diyaar garoobaan xoriyad inay gaaraan laakiin xukuumada Ethiopia kuma ayna farxin horumarka ay jabhadu gaarsiisay gobolka waxayna sameeyen talabooyin cadawnimo ah oo ay ku burburinayso jabhada iyada oo ka duulaysa damaceedii gumaysi doon waxay ku talaabsadeen inay weeraraan maamulkii jirey waxayna xireen madaxweynihii dawlad goboleedka sidaa darteed jabhada wadaniga xoreynta ******iya waxay go,aansatay inay nafteeeda iyo shacabkeeda difaacdo difaacdana aaya ka talintooda S= jaamac nuur mudane cabdi kariim marwalba waxaad ka warantaan meel ka dhacyo ay samaynayaan ciidamada Ethiopia kulana kacayaan dadka shacabka ah mahaysaa wax cad oo la taaban karo inay dheceen danbiyo dagaal oo lagu sameeyay shacabka ? J=cabdi kariim sh muuse meel ka dhacyada ay ciidamada Ethiopia gobolka ka samaynayaan gaar ahaan labadii sano e u danbaysay cidna kama qarsoona ii sug aan tusale ku siiyo e Magaalada shilaabo iyo magaalada wardheer waxay isu jiraan 120 km dhulka dhererkiisu intaas le,eg yahay waxaa ku yaalay 30 tuulo dhamaantoodna si weyn u camirnaa maantana hal tuulo oo dad joogo lagama helaayo waa mid la gubay iyo mid laga cararay sidaasna waxaa sameeyay ciidamada Ethiopia hadaad wadadan marto kuma arkaysid wax cid ah oo ku nool Iska daa waxay jabhadu ku tiraahdo ama aan anagu ku leenahay shacabka waydii waxay ciidamada Ethiopia ku sameeyeen la kulan agoonta aabayaashood la dilay oo waydii Waxaad kaloo waydiisaa haweenka ragoodii la laayay Waydii kuwa xoolahoodii la boobay hanti,doodiina la bur buriyay wax waydii dadka wax waydii si aad u ogaataan balaadhka uu le.egyahay xadgudubyada ay ku keceen ciidamada Ethiopia S= jaamac nuur waxaad ka abaabushaan hawlgaladiina goobahan xaqiiqo ahaana shacabku wayku noolyihiin miyayna suurto gal ahayn inaynu niraahno dhibka shacabka soo gaaraya sabab ayaad u tihiin? J= cabdi kariim sh muuse ujeedadanadu waa inaan xorayno shacabka oo aan ka difaacno xadgudubyada Ethiopia waxaanu nahay qayb shacabka ka mid ah Awoodanaduna isagay ku tiirsan tahay waxaanu ka xoraynaynaa shacabkanaga gumaysiga waxaanu qorshayaashanada ku diyaarinaa geedahan hoostooda Majiraan meelo gaar ah oo loogu talo galay inaan gumaysiga iskaga hornimaadno waxaanu kula dagaalamaynaa magaalooyinka waxaanu ka ugaarsanaa wadooyinka kuma dagaalano shacabka gudihiisa qof sheegi karaa ma jiro inan isku qarino shacabka gudihiisa dagaalyahanada jabhada waa la yaqaanaa labiskooda iyo muuqaalkoodaba waxay weeraraan ciidamada Ethiopia meelahay saldhigyada ku leeyihiin iyo meelahay marayaan ciidamada Ethiopia hanagula dagaalameen meelaha shacabku ka dheeryahay waana inay joojiyaan beegsashada shacabka waana inay nagula dagaalamaan goobaha banaanka ka ah shacabka Waxaanu ognahay inay ciidamada Ethiopia bartilmaameed ka dhiganayaan goobaha shacabka si qorshaysana ay shacabka u waxyeelaynayaan iyagoo qorshayaalkooda magacyo u samaysanaya sidaas darteed jabhadu iskuma dhex qariso dadka shacabka ah kamana dhigato gaashaan ama difaac S= jaamac nuur xagee iyo side ayaydun kaalmo iyo maalgalin ugu heshaan dagaalka aad Ethiopia Kula jirtaan ? J= CABDI KARIIM SH MUUSE waxaa yaalay gobolka qalab military oo badan , geeskana Africa wuu bur buray dhamaantii somaliya way bur burtay Ethiopia way burburtay waxaana jiray jabhado badan oo ka hawlgalayey gobolka geeska Africa arimahaas oo dhan ayaa keentay in hubku ku faafo meelo badan hada waxaa nagu filan hubka aan haysano dhinaca kale maalin walba hub cusub ayaan ciidamada Ethiopia ka furana malihin eirport iyo degad midna kuwas oon hub kala soo dagno mana jiraan dawlado nasiiya wax qalab miletery ah hubkii hore iyo waxii aan ka qabsano ciidamada Ethiopia ayaanu kula dagaalanaa waxaanu ku dagaalanaa maalkayaga iyo naftayada shacabkanaguna waxuu na siiyaa taageero buuxda illaahayna taageero ayaan ka hellaa mida ugu muhiimsana waa midaas illaahay isagaa gacmaha nahaya guushana na siiya waligano isagayna mahad u sugnaatay S=jaamac nuur somaliya waxay ahayd albaabka aad caalamka dibada uga sii gudubtaan hadana ciidamada Ethiopia ayaa jooga muqdisho sided u aragtaan isbalaadhinta Ethiopia ay gobolka isku balaadhisay hawl galadiinase wax saamayn ah maku yeelatay ? J=cabdi kariim sh muuse waxaanu ahayn kuwo ay dhibaato badani haysato mashaakilkii nahaystay oo kale ayaa ka u gudbay somaliya waan ka xunahay in badan waxa uu la kulmayo shacabka somaliyeed waxaa ka xunahay waxa ka dhacaya muqdisho dhaxdeeda midaas waa na xanuujinaysaa in badan laakiin marka dhinaca kale laga eego waxaan aragnaa shacabka somaliyeed waxuu bilaabay inuu nagala qayb qaato dabka taas oo ahayd mid uu ku gubtay shacabkagana reer ******iya iyo khatartii handadaada ahayd ee nagu koobnayd waxay gaadhay dhamantano anaga iyo somaliya Cadawgii nagu dilayay kobtantada ayaa iyagan halkaas ku dilaya cadawganagu waa hal mid ah waxuu doonayaa cadawgaasi inuu qabsado somaliya dhamaanteed gaar ahaan budhcada tigreygu waxaan ugu baaqayaa shacabka somaliyed inay u midoobaan siday uga hortagi lahaayeen cadawgan isaga ah oo ay ka xoraystaan wadankooda oo ayna difaacaan naftooda kana hortagaan cadawga ku soo duulay S=jaamac nuur waxaa la sheegaa in laydinka taageero dhinaca ereteriya dhinac maal galin iyo xag asgariba midaasi run ma tahay ? J=cabdi kariim sh muuse su,aashaas iyada ah waa nagu soo noqnoqotay In badan waxaad cilaaqo la leedihiin ereteriya waa arin dad badan ay soo cel celiyaan waxaanu marar badan sheegnay anagu inaanaan kala kulmin wax taageero ah noocay doontaba ha noqotee ereteriya Ereteriya waa naga fogtahay juqraafi ahaan lama wadaagno xuduud xuduudkeeda somaliya jabuuti iyo Ethiopia hadii ayba go,aansato inay na saacido malihin meelo ay wax nooga soo gudbi karaan oo ay naga soo gaadhsiin karto musaacadaadkaas xageebay soo mari marka musacadaadkaasi ? laakiin waxan garanaynaa sababta naloogu tuhmo in nalaga caawiyo ereteriya cadaw ayay nala wadaagtaa waana cadawga Ethiopia kaasi oo doonaya burburinta ereteriya iyo inay adoonsato shacabkeeda anaguna waan la dagaalamaynaa Ethiopia taasoo qabsatay ******iya waxaanuna u soconaa xoraynteeda S= jaamac nur laakiin waxaa laga helayaa dagaalyahanadiina qaar ka mid ah Oo tababar ku soo qaatay ereteriya Iyo qayb ka mid ah hogaamiyaashiina oo ku sugan asmara ? J=cabdi kariim waxaan tagnaa dawladaha caalamka ereteriya yeman iyo dawladaha carabta ee kale waxaan joognaa dawlada maraykanka jabahada madaxdeeda qayb ka mid ah waxay booqdeen Paris ereteriyana waa dawladaha xorta ah ee aanu booqano , markaa ma la oran karaa faransiisku waxuu idiin fidinayaa hub maxaa yeelay wafti jabhada ah ayaa booqday ? america mahubay nasiisaa !? hadaan soo kobo waxay ereteriya ka mid tahay dawaladaha aan cilaaqaadka la leenahay cilaaqaad aan midaas ahayn oo isku kaana xidha malihin S= Jaamac nuur dastuurka Ethiopia waxuu ogolaanayaa xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashiga dhamaan gobolada shardina waxaa ah in afti laga qaado shacabka maxaad u dalban waydeen xuquuqdiina dariiqa dastuuriga ah oo aad uga badbaadin weydeen naftiina iyo shacabkiina dhibaatada dagaalka ? J=cabdi kariim sh muuse haduu dastuurka Ethiopia yahay mid fiican waxaa uu u fiican yahay Ethiopia namana khuseeyo ethiopiana ma nihin hadii aan nahay kuwo aqbalaya dastuurka Ethiopia amase inaan la midowno waxaan xaq u leenahay inaa marka hore nala weydiiyo ra,yiganaga waxaan hore kuugu soo sheegay inaanu kala saxeexanay heshiis ama balan jabhaduhuna ay u dhanaayeen markii uu bur burey nidaamkii mingiste waana midka waajibiyay go,itaanka ereteriya ay ka go,day Ethiopia Anagase waa na khayaameen waxay weerareen jabhada waxayna burburiyeen shacabka waxaanu maanta leenahay haduu dastuurka Ethiopia damaanad qaad fiican leeyahay ha u ahaado Ethiopia haduu yahay mid xun ethiopia haw xumaado Ma doonayno inay cidi nagu qasabto inan aqbalo dastuurka Ethiopia mana nihin Ethiopian waxaan dalbanaynaa afti shacab laga qaado oo uu ku go,aansado waxa uu doonayo taasi aya ah mida aanu doonayno S=jaaman nuur qalabkiina casgari waa mid daciif ah xukuuumada ethiopiana waxaa lagu yaqaanaa xoog badan ciidan badan sided uga hortagaysaan ? J= cabdi kariim sh muuse ka dib markay qabsatay dhulkanaga waxaan go,aansanay inaan wax ku difaacno awooda aan leenahay iyo waxa gacanta noogu jira xaqaana ah midka hiiliya Maahmaah somaliyeed baa ahayd dad yaraan loogama haro dagaal duunyo yaraana deeq loogama haro Haa waxaan nahay shacab la haysto qalabkooduna daciif yahay hase ahaatee waan dagaalamaynaa maxaa yeelay waxaan nahay dadka dhulka iska leh waxaan u huraynaa maalkanaga iyo naftanada iyo dhamaan waxaan heli karo Waanu hor istaagnay ciidamada Ethiopia waanan jabinay waanan sii wadaynaa la looltanka iyo difaaca illaa aan ka xorayno illaa taakada u danbaysa ee dhulka ******iya balantanadu waa taas wanan jabinay waanan jabin doonaa S=jaamac nuur hadaan ka soo qaadno idinku inaad ku guulaysataan saaritaanka ciidamada Ethiopia ee gobolka ma samaysanaysaan dawlad madaxbanaan mise waxaad ku darsanaysaan somaliya si aad u xaqiijisaan hadafkii iyo riyadii somaliweyn ? J= cabdi kariim sh muuse dawlada aan rajaynayno inaan ka taagno ******iya waa dawlad matasha shacabka shacabkuna waa midka arintiisa go,aaminaya sida ay dawladaasi ahaanayso waana midka go,aansan ciduu la midoobi doono dhamaan waxaan u soconaa u dhisitaan dawlad amuuraha kale oo ku saabsan sida ay noqon doonto dawladan waxay u taalaa shacabka oo kaliya dawladaas arinkeedana isagaa go,aansan doona Dawrka dawladaha iyo hay,aduhu ku leeyihiin loolankan mustaqbalka S=jaamac nuur seed u aragtaan heshiiska adag ee ka dhexeeya Ethiopia iyo dawlada mareykanka ? J= cabdi kariim sh muuse waxaan aaminsanahay dawlada mareykanku inay masuul ka tahay qayb weyn oo ka mid ah dhibaatooyinka ka dhacaya ******iya hubka ay u adeegsadaan ciidamada Ethiopia dilka shacabka ******iya waa hubka maraykanka iyo lacagta maraykanka waxay siiyaan tababaro ciidamada Ethiopia Dawlada maraykanku waa dawlad wayn oo caalami ah waxaa waajib ah inay daafacdo xaqa shacabka ******iya laakiin maaha inay ka qayb qaadato laynta shacabka iyo barabixinta shacabka somalida ******iya si toos ah iyo si aan too ahyn ba waxaan ka codsanaynaa dawlada mareykanka inay joojiso dhamaan taageerada dhaqaale iyo ta miletery ee ay siiso dawlada Ethiopia waxaan ka codsanaynaa inay cadaalad samayso kama codsanayno inay anaga nala safato kamana codsanayno inay Ethiopia calaaqaadka u goyso waxaan ka codsanaynaa oo kaliya inay il cadaalad ah ku dhawrto qadiyadanada Adiguba waxaad ogtahay in hubka iyo lacagta America lagu laayo shacabka oo lagu tirtiro Dawlada maraykanku yaysan shacabkeeda wax cadaawad ah u abuurin cidnana yaysan ku xadgudbin S= jaamac nuur waayadan danbe waxaa soo muuqda gobolka hay,adaha xuquuqda u dooda iyo kuwo qaramada midoobay ka socda ma qiimayn kartaa waxay qabteen maxaadse ka fileysaan ? J=cabdi kariim sh muuse haa dadaalo ayay sameeyeen waftiyadaas ka socday caalamka iyo hay,adihii xuquuqul insanku marar badan ayay isku dayeen inay gobolkaas galaan oo ay soo arkaan sida shacabkaas xaaladiisu tahay laakiin maamulka Ethiopia ayaa carqalado badan ku keenay Haa wey garteen wax badan oo ah dhibaatooyinka shacabku ku noolyihiin iyo isir baabi,inta ay la kulmayaan laakiin dhibaatadu waxay tahay hay,adahani uma ayna gudbinin caalamka sawirka dhabta ah ee ka jira gobolka waxay qariyeen wax badan oo ka mid ah ceebaha Ethiopia Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waan soo dhaweynaynaa wafuudkasta o u socota xaqiiqo raadin ha ahaadaan qaramada midoobay ama dawladaha deeqda bixiya iyo qof kasta oo xaqiiqo raadinaya laakiin hal shay ayaan ka codsanaynaa taasoo ah inay xaqiiqada jirta cadeeyaan siday u jirto iyo waqtiga ay munaasibka ku tahay Maanta waxay arkaan dad dhimanaya oo lalaynayo oo laga barabixinayo guryohooda dabadeedna lix bilood ka bacdi ayay odhan doonaan waxaan aragnay dad dhibaataysan taasi wax miyay anfici? Waxay arkeen tuulooyinkii oo la gubay hantidii oo la dhacay dabadeedna waxay odhanayaan sanad ka dib tuulooyin iyo magaalooyin ku yaala wadanka ******iya ayaa lagubay waxaan ka codsanaynaa xaqiiqada inay gudbiyaan siday u jirto iyo waqtiga ku haboon S= Jaamac nuur waxaad tiraahdeen ingiriisku isagaa u dhiibay gobolkan dawlada Ethiopia muxuu yahay dawrka ay ku leedahay dawlada ingiriisku dhibaatooyinka shacabka haysta ? J = cabdi kariim dawlada ingiriisku way khaaintay shacabka reer ******iya intay khaaimeen ayay buriyeen balankii ay la galen odayaasha iyo wax garadka ******iya dabadeedna si kadis ah ayay gacanta u galiyeen xukuumada Ethiopia wadanka ******iya shacabka reer ******iya waxay garbaduub ugu xiran yihiin geedkii ay ku xireen ingiriisku kaasoo wali dugaagu ku cunayo Sida wanaagsani waxay tahay in uu maamulka ingiriisku masiiliyadiisa ka soo baxo Oo jiilka maanta joogaa ay hagaajiyaan waxii ay aabayaashod iyo awowyadood ay xumeeyeen waxaa la yiraahdaa dhulka ******iya waxuu le,egyahay dhulka ingiriiska haduu uusan dhulka ******iya wax yar ka weynayn Dhulka baaxadiisu intaa le,egtahay halwado ihi kuma taalo warshad kuma taalo lagama helo ceel biyo nadiif ah leh oo dadku ka cabaan dugsi sare lagama helo jaamacadna warkeedba daa haldhakhtar ah malaha oo hadii qof mas qaniino lageeyo Irbad xanuun baabi,iso ah lagama helo hadii loo baahdo mesha ugu dhaw ee xaalad deg deg ah haday timaado waa magaalada adis ababa Wakaa dhaxalkay nooga tageen ingiriisku S= jaamac nuur 13 sano ayaad kala soo horjeedeen dagaal hubaysan ciidamada Ethiopia wax is badal kuma imaanin joogitaankeeda ilaa hada miyayna gaarin waqtigii aad siyaasadiina ku laaban lahaydeen oo aad la furtaan wada hadal ? J= cabdi kariim muuse anagu maanaan diidin waligano wada hadal inaan la furo dawlada Ethiopia wadahadalkanaguna waxuu dhacay lix mar 1994 waxaan u diray wafdi wada hadal waxayna sameeyeen balan fur waxayna dileen madaxii wadahadalka iyo qayb ka mid ah waftigii la socday Marlabaad ayaan wadahadal la galay waxaanan u diray wafti xanbaarsan qodobadii wadahadalada waxayna ku riday xabsi waxayna nagu kaliftay inan xoog ku soo furano markii danbe Wadahalku waxuu ka imaanaynay markasta dhinacanaga nabad jeceyl awgeed iyo inaan kala dhawrano dhiig daata Laakiin waxaa la yiraahdaa Ethiopia maskax xabadu gasho ayay leedahay ee maskax hadal galo malaha anagoo og arintaas hadana waxaan doonay inaan maqashiino codka caqliga Waxaan doonay inaan u sheegno inayna ku guulaysanayn adeegsiga hub iyo awood kasoo horjeedkanaga waxaan u sheegnay inaan wada fadhiisano oo aan xalino mashaakilaadka naga dhexeeya ee aas aasiga ah si aan uga fogayno shacabka dhibaatada iyo halaaga iyo dhiig daadinta waana ay diideen S=jaamac nuur ma rajeynaysaa inay guushii dhawdahay loolankiina Ethiopia idinkala dhexeeya ? J= cabdi kariim sh muuse haa xalku waa dhawaaday xaqiiqdii waan jabinay quwadii Ethiopia waqtigan isaga ah bixitaan ayayna ku jireen ay gobolka kaga baxayaan markii ay isu raacraacday jab iyo guuldaro ee ay garaysteen faaiido la,aan inay tahay ku sii jiritaanka gobolka ******iya waa ka guurayaan midaas ayaa ah dariiqa xalka ah Waxaa jira dariiq labaad oo uu xal ku iman karo waana inuu mujtamaca dawliga ahi uu soo dhex galo qadiyadanada loolankan cimrigiisu aadka u dheeryahay , caalamka dhamaantii waxuu isutaagay mushkilo yar ee daafuur ee mudadeedu dhawdahay waxaanu caalamku is ilowsiinayaa qadiyad uu cimrigeedu yahay 50 sano waxuuna hada marayaa markii ugu xumayd hadii uu mujtamaca dawliga ahi masuuliyadiisa qabsado uuna ku qasbo xukuumada Ethiopia unay u ogolaato shacabka ******iya aayo katalintiisa markaa waxaa suurowda inuu xal yimaado Waxa Turjumay Xaashi Dhicis source: www.Hanqadh.com the interview in video.
  5. there is always a flip side to tampering with the natural oder of things. will wait the consequences.
  6. Ciidamda gumeysiga oo 10 ruux oo Beereley ah ku gowracay deegaankaa Wala-Wayn ee Gobolka Sh/Hoose { 08 May 2008} waxaa la daabacay Thu 08 May 2008 08: 47: 20 Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa dad rayid ah oo Xoolo dhaqaato ah waxa ay ku gowraceen deegaamada Camooleey iyo iido oo ka wada tirsan Degmada Wala-Wayn ee Gobolka Sh/Hoose, halkasoo uu shalay ka dhacay dagaal ba'ani kaasoo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo kuwa gumeysiga Itoobiya,dadkan la gowracay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan 10 ruux oo ka tirsan dadka beeraleyda ah ee degan halkaasi. Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii shalay ciidamada gumeysiga lagu weeraray jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxeeysa Degmada Wala-Wayn iyo Yaaq-Bariwayne halkaasoo looga gubay ciidamada cadowgaa 3 gaari oo ah nooca loo yaqaano Uraalka, Wararka aanu ka heleyno degaanka ay ka dhaceen dagaaladu ayaa xaqiijinaaya in uu ka soo gaaraay ciidamada gumeysiga jab lixaad leh isla markaasna ay uga halaagsameen gabi ahaanba ciidankii saarnaa gawaaridasi oo aysan jirin cid ka badbaaday. Dadkan la gowracay ayaa u badnaa Haween, caruur iyo dad waayeel ah kana mid ahaa dadka Beeraleyda ah ee ka agdhawaa degaankaasi,goob joogayaal ku sugan Degmada Wala-Wayn oo ay la xiriirtay Shabakada Warbaahinta ee Dailypuntland ayaa sheegay in ciidamada gumeysigu ay ku carteen dadkii ka agdhawaa halkaasi ka dib markii ay basbeeleen 3ka mid ah gawaaridii ay wateen isla markaasna ay dhinteen tira aysan sheegin cadadkooda. Falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Deegaanka Wala-Wayn ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca degaankaasi iyadoo dhawaan Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ku gowraceen Culamaa’udiin Soomaaliyeed Masjidka Alhidaaya iyo xafada hiliwaa kuwaasoo kor u dhaafay 85 ruux oo la hely intooda bdan iyaga oo surka ka go'an ayna ka muuqato sawir aad looga fajaco . Bile Rooble bileroble@hotmail.com Dailypuntland News Muqdisho
  7. Ciidamada Ethiopia oo dad xoola dhaqato ah ku gowrcay degmada Walaweyne ee Gobolka Sh/Hoose Submitted by wararka on Thu, 05/08/2008 - 12:00. Muqdisho. 08. May .2008. (Sh.M.Network Ciidamada Ethiopianka ee shalay qaraxa ku qabsaday inta u dhaxeysa Yaaq biri weyne iyo ******** ayaa lagu soo waramayaa in ay gowraceen ilaa 9 qof oo rayid ah oo u badan dad xoola dhaqato ah iyadoo aan la garan ujeeda ay u gowraceen Ciidamada Ethiopia. Wararka laga helayo degmada Walaweyne ayaa waxa ay tilmaamayaan in dadka ay gowraceen oo u badan dhaliyaro lagu arkay goobaha ay xalay Ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen laga soo qaaday. Gowraca dadkaan ayaa yimid ka dib markii shalay ciidamada Ethiopia oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo uu qarax xoogan ku qabsaday inta u dhaxeysa Yaaq biri weyne iyo Walaweyne islamarkaana Wax yeelo soo gaartay laba gawaari oo kuwa uuraalka ah iyadoo goobaha ciidamada Ethiopia ay ku gowraceen dadka rayidka ah lagu kala magacaabaa Camooleey iyo iido oo ka tirsan degmada Walaweyne. Falkaan gowraca oo ka dhacay degmada Walaweyne ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca degmadaasi iyadoo dhawaan Ciidamada Ethiopia ay ku gowraceen Culamaa’udiin Tabliiq ah oo ku sugnaa gudaha Masjidka Alhidaaya ee Magaalada Muqdisho. Somali shabelle.net
  8. 9 Qof Rayid ah oo Gowracan oo laga helay meel Xaley Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka guureen. Beerdhiga 08.05.2008 15:30 Meydadka 9 Qod oo rayid ah oo Gowracan ayaa Saaka laga helay agagaarka Tuulooyinka Carmooley iyo Iidow oo hoos yimaada degmada ********* ee Gobolka Shabeelada Hoose, dadkaas oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xaley halkaa ku xasuuqeen. Dadkan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya xasuUqa u geysteen, ayaa u badnaa Haween iyo dad Beeraley ah oo kag dhawaa wadada dhinacyadeeda.iyada oo xasuuqanina dhacey Xaley, wuxuuna ku soo aadaya xilli shaley Ciidanka Gumeysiga Itoobiya halkaa loogu geystay weerar xoogan oo khsaare badan gaarsiiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya. Dadka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xasuuqeen, ayaa sida ay ku waramaan qaa ka mid ah dadka deegaanka oo lala xariiyey waxa ay sheegeen in qaarkood ay Lugaha iyo Gacmaha ka xir xirnaayeen kana muqdeen raadkii Mindiyihii lagu Bireeyey, iyada oo dadka qoor kood isugu darey Bireys iyo Toogasho, oo loo maleynayo dhaawac ka dib in ay Bireeyeen. Dadkan rayidka ah ee Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xasuuqeeen ayaa waxa ku jira dad reer yimi ah oo meelo ka fog halka Ciidanka gumeysigu ka haleen ka yimid, kuwaas oo la aqoon waayey Meydadkooda. Arintan ayaa ku soo aadeysa ka dib weerar xoogan oo khasaare lixaad leh u geystey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Shaley Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed, kula beegsadeen qeybo ka mid ah Gobolka shaabelada Hoose, weeraradaas oo isgu jirey Miinooyinka meelaha fog laga hago iyo mid toos ah, kaas ilo wareedyo lagu kalsooyahey ay sheegeen in Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ilaa 3 gaari oo ah Uraalo looga gubey. Sidoo kale tiro badan oo ciidamo ah waxyeelo xoogan oo dhamasho iyo dhaaacba leh soo gaareen. Maaha markii ugu horeysay ee Ciidanka Gumeysiga Itoobiya xasuuq shacab oo kanoo kale ah u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse dhawaan ayey aheyd markii xasuuq shacab oo lagu qiyaasey 81 qof ka geysteen qeybo ka mid ah degmooyinka Heliwaa iyo yaaqshiida,arintaas oo ah aargoose ay kula dhaqaaqa shacabka marka khasaarooyin lixaad leh ka soo gaaraan weerarada xanuunka badan ee Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed la daba taagan yihiin habeen iyo maalinba, kulana beegsadaan meel walba oo ka mid ah ciidda Soomaaliya ee Gumeysiga ay ku joogaan. www.Beerdhiga.com
  9. qad is made up of charcole like jb said (it can also be made from the black material in batteries) and this is how i used to make it. you take a rock that has friction and rub against a charcol(dhuxul)while introducing small amount of water into it. adding sugar or malab to it makes it sparkle against the sun when it dries and adds to its homogeneousness. we also use to make a little han(pottery) from clay to put the qad in. abtigiis wa salaman tahay. waylo-lugu xidh waa tuulo ku tasha xaga iyo somaligalbeed(******ia)oo u dhaxays nuusdareeq iyo dhagaxbuur. tan kenya mesha aad ka kentay baa fajiic ugu noqotay. i take my jeoqraphy serious. :cool:
  10. a truly genuine thread. i have used loox and qad when i was young to learn the quran. i alway made my own qad but loox was bout from the local market. it was very beneficial in that i had something of my own in young age to take care of and prepare everyday. plus it made the task of learning the recitations of the quran less burdensome as i had to learn couple of ayats a day.
  11. "Puntland will be OK. My main concern is the culture of impunity and criminality of armed faction-turned-Islamist groups that operate in southern Somalia" maybe you should start thread about that instead of hijacking this one. for the rest of you kindly excuse this post and carry own your list of ignoble actors in puntland.
  12. ONLF Statement On Secret Pact Between The Puntland Regional Authority & Ethiopia 5 May 2008 The Puntland regional administration of Somalia has entered into a secret security agreement with the Ethiopian regime in which Puntland has agreed to transfer private citizens from ****** and any ONLF officials who enter Puntland to Ethiopian security officials. In exchange, the Ethiopian regime has agreed to provide arms and military training for Puntland authorities in clear violation of the United Nations arms embargo on Somalia. Dozens of ****** Citizens are now being arrested throughout Puntland in an ongoing crackdown against our people who have fled Ethiopian persecution to seek refuge in the regional state. At least five private citizens of ****** have been confirmed to have been transferred to Ethiopian security officials after being arrested in Galkacyo on the 1st of May 2008. This follows the detention and forced transfer to Ethiopian security forces of two ONLF Central Committee members in Garowe on April 22nd, 2008. Those individuals who have been transferred by Puntland to Ethiopian security officials face a real risk of torture and possibly execution. The ONLF wishes to note that the ongoing crackdown in Puntland has created an inhospitable environment for our people fleeing Ethiopian persecution. As such, the ONLF calls upon international human rights organizations to closely monitor the plight of our people in Puntland. We further call upon the international community to take all necessary measures to safeguard the well-being of our people who have fled Ethiopian persecution and currently reside in Puntland. The ONLF wishes to reiterate that the Puntland authorities bear sole responsibility for the consequences of the path they have chosen. ****** National Liberation Front (ONLF) http://onlf.org/onlf_statement0508.htm
  13. dadyaho waano ognahay inaad ku xuntihiin waxa dhacay. wunu ka fiicanyahay hadhalku hadhal laan, lakinsee meesha dad ba noloshodee lugu xadgudbay. hadee ay arintano hadhal ku akaato, oona talabo laga qaadin dadki falkan ku kacay, caawaqib xumadha ka tamadhaye dadka reer puntland aya iska leh. reer puntland waxay ubahaanyihiin inay iska qaadan reeryada dullinimada ah eey dulsaaran.
  14. Click here to close this window Tue, Apr 22, 2008 17:45 UT Ethiopia breaks diplomatic relations with Qatar over TV reports on ****** Tuesday 22 April 2008. April 21, 2008 (ADDIS ABABA) – Ethiopia has decided Monday to break diplomatic ties with Qatar over accusations of supporting terrorist organizations in the Horn of Africa. This decision comes following the airing of reports about ****** by a Qatari TV. Woman says she joined ****** rebellion because she had been raped by Ethiopian soldiers. (photo Al-Jazeera) The Ethiopian government, in a statement issued today, said that Qatari media outlets become a source of support for armed opposition groups. This decision came after the broadcasting by al-Jazeera satellite TV of a series of news reports about ******. Al-Jazeera journalists exposed the miserable humanitarian situation in the hot, arid and inhospitable ****** region which is home to Somali-speaking nomads. The Arab and International TV interviewed women claiming being raped by Ethiopian soldiers and farmers who say their properties are stolen by Ethiopian army besides their detention and torture. "This has gone beyond Qatar’s strong ties with Eritrea." the Ethiopian government stated. The Arabic and English languages channel also interviewed the members of the rebel ****** National Liberation Front (ONLF). The channel every day during one week advertised for Oganden reports before their broadcasting. The reports were aired first by the Arabic service during the first week of April followed by the English service in the second week. "Qatar has, however, consistently refused to accept responsibility for activities of which Ethiopia has unequivocal evidence." The statement added. Al-Jazeera, is often criticised in the Arab world for opening its doors for opposition groups in the region. During the first year of the occupation of Irak by the US troops, Washington exercised pressures of its ally the Qatari government but in vain. Qatar does not have an embassy in Ethiopia, and Ethiopian foreign ministry spokesperson said he was unaware of any aid from Qatar. (ST) Copyright © 2003-2008 SudanTribune - All rights reserved.
  15. Allaha u naxariistu culimada iyo musliminata arintan foosha xuun ay qabsatay. waa ariin aadh looga murugodho.
  16. and now aljazeera turn. Ethiopia breaks ties with Qatar Al Jazeera has recently broadcast several reports on fighters in Ethiopia's ****** region Ethiopia has broken diplomatic ties with Qatar, accusing the Gulf state of supporting armed opposition groups across the Horn of Africa region. A statement from the Ethiopian government cited Qatar's "strong ties" with opposition groups inside the country and fighters in Somalia, where Ethiopia sent troops in 2006 to support the government. "Ethiopia has displayed considerable patience towards Qatar's attempts to destabilise our sub-region and, in particular, its hostile behavior towards Ethiopia," an Ethiopian government statement said on Monday. "Qatar has left no stone unturned to cause harm to Ethiopia's national security." The statement said Qatar had provided "direct and indirect assistance to terrorist organisations in Somalia and other areas". But it also noted that Qatar had consistently rejected claims that it was supporting anti-Ethiopian groups. The statement said that "all diplomatic efforts have been deployed to try and persuade Qatar to change its destructive activities," but that Ethiopia now had "no alternative" but to cut ties with Qatar. "Apparently blinded by arrogance, the source of which is clear enough, Qatar has remained deaf to all our efforts," the statement said. There has been no official response from Qatar. Media worries Ethiopia also said that its complaints included its support for Eritrea and "the output of its media outlets". In recent days Al Jazeera has broadcast several reports on the conflict in Ethiopia's ****** region, where ethnic Somali rebels are fighting government forces. "Al Jazeera is using inaccurate and misleading information, fabricated by opposition elements backed by a state which makes no secret of its efforts to destabilise not only Ethiopia but also the entire sub region," the Ethiopian foreign ministry alleged in a statement. The Ethiopian authorities have imposed a news blackout on the region, which is populated by Somali-ethnic Muslims and has restricted humanitarian work in the area. "the output of its media outlets". freedom of the press must be a very strange Phenomena for ethiopia. they just can't comprehend why aljazeera can broadcast their crimes and get away with it. war yey is modheen
  17. TALISKA TPLF OO CASILEY GENERALO. Adis-ababa 22/04/08.Waxaa Taliska TPLF oo liicliic ku jira todobaadkii la soo dhaafey ay xilalkooda ka qaadey 5 major general oo isugu jira Oromo & Amxaaro,kuwaasoo lagu badeley niman Tigre ah taasoo muujinayso kalsooni darada ka jirta Ethiopia. TPLF ayaa dhaqan u leh ineey ka ilaaliso saraakiisha ciidanka qowmiyadaha kale si ay u sii haystaan Tigrega tirada yar oo hogaamiya Ethiopia. Waxaan halkan idinku soo gudbinayna magacyadii iyo jagooyinkii laga qaadey. 1-Major general ALEMSHET DEGHEFT From Orom (Airforce) 2-Letenon general ABBEBAW TADES From.Amhara 3-Major general BACHA DEBELEM From Orom 4-Major general GHEBRE ZGHIABHR 5-Major general ABRAHAM G/BIHER. Jagooyinka ragii lagu badeley &jagooyin kale. Tigrians Replaced EASTERN COMMAND. 1.Major JOHANUS GHEBREMESKEL (Military security center Admenistration) 2-Major general GHEBREGHIABILE (Military Activity Cheif) 3-Major general TADDESE WOREDE (Military staff school chief) 4-Major general MOLLA HAILEMARIAM(Air force) 5-Major general SIYUM HAGOS(Eastern military chief). Shanta nin ayaa ah 1 Ahmar ah iyo 4 Tigre ah,waxaa meesha ka cad in ay Ethiopia ay kala dhaqaaqeyso oo ay ku socoto sidii ay ku burburi jireen dawladaha afrikanka ah Taliska TPLF ayaa ragiisi saldhiga u ahaa xabsi iyo dil iyo musaafurin mutaystey mudooyinkii la soo dhaafey,oo qomiyada Tigrega ahaa. Waxay taasi abuurtey in ay gobola Tigreegu ka abuurmaan jabhado dagaalamo oo dagaalo adag kula jira TPLF oo ay isku qoomiyad yihiin. Maxaa xigi doono ayaa la is dhexmarinayaa,waxaa kale oo intaas dheer jabhada ONLF ee udagaalanta sidii ay xoriyad waaarta u gaadhsiin lahaayeen dadka somaaliyeed ee ku sugan ******ya,ayaa waxaa baryahan socdey tabaabusho xoog leh oo ay ugu jiraan isbadelada ka soo socda Ethiopia sidii ay uga taxadari lahaayeen in aana sacab dambe loo tumin qoomiyad kale oo Addis-ababa ka dhisanta. Addis-abab Hanqadh
  18. NAIROBI, April 22 (Reuters) - Ethiopian rebels denied on Tuesday government allegations that Qatar was supporting them, after Addis Ababa cut diplomatic ties with the Gulf State and accused it of backing terrorism and destabilising the region. Ethiopia, a U.S. ally and the biggest military power in the Horn of Africa, said on Monday it had earlier expressed concern in private about Qatar's "hostile behaviour" several times. It said Qatar was backing its arch-foe Eritrea, as well as helping Islamist insurgents in Somalia and Ethiopian separatists like the ****** National Liberation Front (ONLF). But the ONLF said that the charges were designed only to divert attention from what it called an "unfolding African genocide" by government forces in its remote eastern region. "Qatar has played a constructive role in Africa , the Arab world in general and the Horn of Africa in particular," the rebel group said in a statement. "If there has been a destabilising factor in the Horn of Africa, it has been the regime currently in power in Ethiopia." Ethiopia's support for a Western-backed interim government in Somalia has been a major source of contention in the region, and brought calls for jihad from some extremist groups. The statement from Addis Ababa on Monday said Qatar's hostile behaviour "included the output of its media outlets", a presumed reference to the Al Jazeera Arab satellite TV network. Al Jazeera has in recent days been broadcasting reports on the conflict in the ****** region that have been critical of the military's role against local rebels. Qatar, a member of the OPEC group of major oil producers and the world's biggest exporter of liquefied natural gas, is also an important American ally and hosts a large U.S. military base. On Monday, a Qatari government official in Doha dismissed the Ethiopian accusations as "frivolous and irresponsible" and said the emirate had always done its utmost to fight terrorism.
  19. ADDIS ABABA (AFP) — An Ethiopian rebel group on Tuesday criticised the government for breaking diplomatic ties with Qatar, saying the reasons it did so were "far from reality". Addis Ababa severed relations with Qatar on Monday citing the Gulf State's "strong ties" with its arch-foe Eritrea and support to armed opposition groups within the country. It also accused Qatar of becoming a "major source of instability" in the Horn of Africa region. "If there has been a destabilising factor in the Horn of Africa, it has been the regime currently in power in Ethiopia," the ****** National Liberation Front (ONLF) said in a statement. "The Ethiopian regime's severing of diplomatic relations with Qatar is based on accusations which are far from reality and designed to divert attention from yet another unfolding African genocide in ******." The ONLF, operating in Ethiopia's southern ****** region, is fighting for the independence of ethnic Somalis in the region, who they say have been marginalised by Addis Ababa. Ethiopia also charged that Qatar was using its media to undermine it, after the Qatar-based Al-Jazeera news network aired a series of reports earlier this month on the ****** region, where a news blackout has been imposed. "Qatar follows Norway as the latest victim of the Ethiopian regime's paranoia in its dealings with the members of the international community," the ONLF added. It said Ethiopia "can no longer conceal the systematic and deliberate persecution of an entire people solely because of their ethnic heritage and desire for self-determination". " The regime can also no longer conceal the fact that it is not in effective control of ****** ." Ethiopia expelled Norwegian diplomats last year, explaining it was
  20. "This has gone beyond Qatar's strong ties with Eritrea. It has indeed provided direct and indirect assistance to terrorist organisations in Somalia and other areas." ethiopia declares qatar state sponsor of terrorism LOL. should we expect regime change or operation enduring freedom. with urals at the fanguard of operation shock an awe.
  21. Gumeysiga Itoobiya oo ku gowracay dad rayid ah Masjidka Al-hidaya ee xaafada Waxar Cadde { 20 Apr 2008} waxaa la daabacay Sun 20 Apr 2008 13: 05: 45 Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa caawa waxa ay ku gowraceen ugu yaraan dad gaaraya 20 ruux Masjidka Al hidaaya oo ku yaala Xaafada Waxaracadde, dadkan ay gowraceen ciidamada gumeysiga ayaa ahaa rayid oo iyagu ku sugnaa gudaha Masjidka Al hidaaya. Arintan ayaa ka danbeesay ka dib markii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay gudaha u galeen Masjidka Alhidaaya ka dibna ay iskuu soo aruuriyeen jameecadii ku tukaneysay Masjidka iyo dad ay ka soo qab qabteen aaga ku teedsan Masjidka ka dibna ay surka ka gowraceen. Dad iyagu ku sugnaa gudaha Masjidka oo u waramayey qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada gumeysigu ay qudha middi uga jareen wax allaale iyo wixii rag ahaa ee ku sugnaa gudha Masjidka isla markaasna ay jiraan dad ay ka soo qab qabteen nawaaxiga Masjidka oo iyana ay ku gowraceen beynaada ay isicmaalaan ciidamadu. Dad goob joogayaal ah oo ay la xiriirtay shabakada Warbaahina ee dailypunland ayaa sheegaya in dadka la gowracay ay daadsanyihiin Masjidka dhexdiisa iyo hareeraha Masjidka,sidoo kale waxaa ku weheliyey ciidamada gumeysiga Itoobiya gowraca ay u geeyseen dadkaasi, ciidamada Soomaalida ee loo yaqaano "kobiga Itoobiya "laguna soo tababaray gudaha Itoobiya. dadkan la gowracay ayaa intooda badan waxa la sheegayaa in ay ahaayeen culumada Tabliiqa oo iyagu Masjidkaasi wax ku bari jiray dadka ay doonayan in ay ka qayb qaataan Dacwada Islaamka,Masjidkan ayaa waxaa caan ku ah Culumada Tabliiqa ee aadka looga yaqaano dalka Soomaaliya. Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa hada waxa ay ku sugan yihiin xaruna loo yaqaano Daarul-Culuum oo iyadu ku dhex taala Masjidka isla markaasna waxa ay dusha ka saaran yihiin dhismaha darbiga Daarul-Culuum oo ay culimada tabliiqa wax ku bari jireen dadka. Arintan ayaa ah fal ka baxsan bina Aadnimada waxaana ka muuqata colaad gaamurtay oo ay ciidamadu gumeysigu u qabaan shacabka Soomaaliyeed,waxaa la wada ogsoon yahay in ciidamada Macatab ku dirirka Itoobiya ay ku soo duuleen Dalka soomaaliya si ay ula dagaalamaan Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo xasuuq noocaan oo kale ah ay gaystaan Saliibiyiinta Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqda ciidamada gumeysigu in ay ku jabeen dagaaladii ka dhacayey labadii bari ee ugu danbeeyey magaalada Muqdisho, taas oo keentay in ay ka aarsadaan dadka rayidka ah,dhanka kale Nuur Cadde ayaa sheegay in ay ciidamada gumeysigu yihiin kuwo naftooda difaacaya oo xaqa ku taagan. Bile Rooble Bileroble@hotmail.com Dailypuntland News Muqdisho
  22. (20-04-2008) Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa caawa masjidka Al hidaaya waxa ay ku gowraceen dad rayid ah waxayna sidoo kale ka qafaasheen tiro dad ah iyadoo ciidamada tigreega ay kabaha la galeen masjidka Al hidaaya oo ah masjid ay isugu yimaadaan dhamaan jameecada Tabliiqa iyadoo tirada dadkaasi ay gaarayaan 20 Ruux oo rayid ah. Ciidamadaan argagixisada oo ka caraysan jabka soo gaaray ayaa waxaa la xaqiijiyay in ciidamada gumaysiga maydadkooda ay daadsan yihiin agagaarka Shaneemo Cabdi waayeel ee degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho. Goob jooyaal ayaa waxa ay Shabkadda Wararka dalkanews.com u xaqiijiyeen in ciidamadaan ay gowraceen dad rayid ah oo ku sugnaa masjidka Al hidaaya dadkalena ay ku haystaan gudaha masjidkaasi. Xaalada Xaafada Suuqa Xoolaha iyo WaxaraCadde ayaa caawa waxa ay tahay mid xaaladeedu tahay mid kacsan waxaana maydadka ciidamada tegreeda ay dad sanyihiin Xaafada SOS Wadada warshadaha Qabuuuraha Barakaat. Goob joogayaal ayaa Xaqiijiyay in dagaalka shalay iyo maanta waxa ku geeriyooday aan la soo koobi karin dhaawacna uu ka sii badanyahay. dhanka kale Dagaal culus ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay Wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyo garooonka Istadiyo muqdisho iyadoo dagaalka la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Dagaalkaan ayaa waxa uu dhaxmaray dagaalyahanada xureynta dalka hoyo iyo maleeshiyaadka Cadawga Tegreeda waxaana dagaalka uu bilaawday Salaadii maqrib ka hor. Maleeshiyaadka Cadawga itoobiya ayaa ka yaaban qasaaraha ay gaarsiiyeen dagaalyahanada xureynta dalka hoyo maalintii labaad dagaal kula jira Ciidamada cadawga. Dalkanews.com, Muqdisho.
  23. Ciidamada Ethiopia oo galabta Masjidka Al,Hidaaya ku Gowracay ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah dad kalena ay haystaan Ciidamadasi. Submitted by wararka on Sun, 04/20/2008 - 17:07. Muqdisho. 20. April .2008. (Sh.M.Network)-Ciidamada Ethiopia ayaa galabta Masjidka Al hidaaya oo ku yaala Xaafada Waxaracadde ay ku goraceen ku dhwaad 20 Ruux oo Rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan ciidamadaasi iyadoo la tilmaamay in ciidamadaan ay kaabayaan kuwa dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia. Ciidamadaan oo aad u fara badan ayaa gudaha u galay masjidka AL hidaaya waxaana la tilmaamay in si ka baxsan bina Aadnimada ay u gooraceen ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan Ciidamada. Mid ka mid ah haweynka deegaanka Waxaracade gaar ahaan Masjidka Al hidaaya ayaa Shabelle u sheegtay in ciidamada Ethiopia ay ugu hanjabeen in hadii Bari la Soo Weeraro ay gooracayaan haweynka islamarkaana ay sheegtay in horteeda lagu gowracay 20 Ruux tiro intaasi ka badan waa ay haystaan,waxaana gabadhaasi ay aheyd mid ka naxsan falka Ciidamada Ethiopia ay kula dhaqaaqeen dadaaasi radidka ah Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa kaabaya Ciidamada DFKM gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Ethiopia waxaana jirin cid ka hadlaysa dilalka ay ciidamada Ethiopia u geysanayaan Shacabka Somaliyeed. Falkaan Gowraca ah oo galabta ciidamada Ethiopia ay ugu geysteen inta u dhaxeysa Ex,contorol ilaa Xaafada SOS ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Saakay ciidamada Ethiopia ay gowraceen 6 Qof oo u badan Odayaal da'ah tiro intaasi ka badan ay toogteen. Somali shabelle.net
  24. Ciidanka Itoobiya oo in ka badan 20 Qof ku goowracay Masjidka Al hidaaya ee Xaafada Waxara cade Soomaalinews.com 20 Apr 08, 21:40 War hada nasoo gaaray ayaa Sheegaya in ka badan 20 Qof oo maanta Ciidamada Itoobiyaanku ku goowraceen Masjidka Hidaaya ee Xaafada Waxara cade. Ciidamadaan oo aad u fara badan ayaa gudaha u galay masjidka AL hidaaya waxaana la tilmaamay in si ka baxsan bina Aadnimada ay u gooraceen ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan Ciidamada. Falkaan Gowraca ah oo galabta ciidamada Ethiopia ay ugu geysteen inta u dhaxeysa Ex,contorol ilaa Xaafada SOS ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Saakay ciidamada Ethiopia ay gowraceen 6 Qof oo u badan Odayaal da'ah tiro intaasi ka badan ay toogteen. La soco Soomaalinews.com wixi kusoo kordha