Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Koora-Tuunshe


  1. Nimanyahow xaqiiqda meesha taala waxay tahay in Cade Muuse uu dhabar jab ku yahay beelaha walaalaha jiritaankooda..... Nimankaan colaadoodana waxay muujiyeen waqti dadka uu saan saan colaadeed ku jiro ayay aarsi iyo maalaa yacni bilaabeen. Waxa kaliya xal lagu heli karo waa in wiilasha maalin walba la qabanaaya oo la odhanaaya waa ALshabaab in la joojiyaa... Taasi line shaqal ah qof walba ay ku soconeyso ma aha ileen waa inagiiye.... hadii kale yaaanan la eedin.


  2. Garyaqaan haduu hadalkiisa miisaamo qalad maha ama uu edit gareeyo....

     

    Laakin Azmaya Hashi ayaa ka wadani san Cade Muuse.. Waayo Cade Puntland kala dilkeeda iyo dadxun la dalaalan ma sameeyeen Hashi... Cade waa xoolo...Taasina waa iga fikradayda adigoo raali ah....


  3. Hunguri lollllllllllllllllll

     

    Waad iga qoslisiisay walahi. Waa wax dhici kara arintaasi oo yaab leh.

     

    Garyaqaan: Hadii uu caqligaaga kusiiyey in beelaha ka mid ah bah wadaagta mid lagu duulo, taasi waxay socon weydey baan ku iri Majiyahan oo aad tacsi badatey kala kulantey....

     

    Reer Majiyahan kama soocna dadka intiisa kale, ee qaladaadka ayay saxayaan iyo anaa kaligay talinaaya...Taladii Majiyahana wax lagama weydiinin sidii reer Garoowe markii Nuugaal salaadiintooda looga weydiiyey.... In majiyahan wax laga weydiinwaayo waxay dhalisay waad aragtey. Tan Boosaaso ayaa ka daran hadii ay joogsan weydo.... Alow yaa nabada dhowra col nuxur lagawaaye


  4. Garyaqaan: Hadii warmo laysku riiqo, ma nin waabtaaan ahay

     

    War taariikhda dib u raac. Maamulka Puntland shacab baa dhisay, Shacabkii baan ka mid ah. Awoodna wax hadii la iiga qaadaayo "Majiyahan in laga cabiwaayey cidi makuu sheegtey"...Maamulka wuxuu ka koobanyahay talada shacabka qabaa'ilada dhistey. Qabiilna qabiil kama adka haduu talada weydaarto. Meeshaad oranlahayd alaha kala qaboojiyo...ayaad sidii fulay u hadashay...

     

    Rag waa is yaqaanaa, rugta iyo reerkana waa loo simanyahay. Bal ugu dambeyntii iyo duuga bal aan dhowrno....

     

    Ala yaw sheega, Yawu sheegaaaay: "nin walboo is deydeyro oo dib iyo xoogsheegta, guul lagama soo daadahshee dad xun yawu sheega"


  5. Waxaan u malaynayaa in difaaca Laascaano ayay Cade heybtiisa dhabarjab ku yihiin. Waa kan iyaga shacabka madaafiicda u qaatey.... Waanu eegi doonaa cida wax ka dheefta... Ragii Majiyahan ayaa la rabaa in been been lagu soo xiro.

     

    Ala yaa u sheega inaan la joogin waqti aarsi la sameeyo. oo ay iyagu guul kasoo daadihin doonin.

     

    "Allahayow eexna hanooga tagin aqoondarina hanagu cadaabin”


  6. Xurguf kaama gelin reerahaad, ku xadgudbaysaaye

    Xiqdiga iyo aabiga afkaad, kala xunbaynaysid

    Kaa xuubtay boqornimo hadday, kugu xinneeyeene

    ...........................................

    ..........................................

    Xiddigta iyo calankii kuwii, xanan ku jeexjeexay

    Qabiilnimo xammaysani kuway, xero ku soo oodday

    Xinku waa belaayee kuwuu, xoonshey laba tuulo

     

    Nimankii xaruurnaa haddaad, daba xushlaynaysid

    ”Xudduud baannu leenahay” haddaad, nagu xaruumaysid

    Rag aan xaarin kaa qabin haddaad, xinif ka doonaysid

    Halkaan ka aqriso gabaygii


  7. JB: Wali ma maqashay abwaankii la hadlay Hadraawi oo ku yiri:

     

    Waryaa Hadraawi

    Adoo harar jooga

    Hawaawi murqaanka

    Injiida haraadan

    Qulaan ku horeynta

    Waxaa ka hagaagsan

    Adoo halkan joogo

    Kacaanka U heesa

     

    Marka kale ayaan ka sheekeyn doonaa silsiladii suugaantaas.

     

    Ula jeeda kale kama lihi, way uun igu soo dhacdey dheh.


  8. Waxbaa isaga kiin qaldan. Horta difaaca Laascaano waa Muqadas… Oo taa qadiyadeyda meel kasta waan ku cadeeyaa….

     

    Laakiin nimanka ka hadlay arimihii Majiyahan. Majiyahan waxaa difaacay muwaadiniin, waxaana laga difaacay calooshood u shaqeysato oo aan qabiil lahayn. Tan Laascaano way ka duwantahay, waxaan dabiyo xoog ahayna daawo lagu waa….

     

    Mar nin reer Majiyahan ahaa ka hadlay difaacii Majiyahan wuxuu tiriyey waagas gabay ahaa ilaa iyo dhowr iyo tobon beej waxaana ka mid ahaa meerisyadan qaar:

     

    Waxaan ka bilaabay meel dhexe......

    ……………………..

     

    Dadku umasinee yaan godobta wada dabaalsiine

    Ninkii dadabsadaa eeda waa inuu digsiiyaaye

    Darsin gaara adigaan Cadow kuu dulmarayaaye (Cade Muuse)

    Dubaaqaaga gali gabayga waa inaad dareentaaye

     

    Duqnimadii Puntland maalintii shacabka kuu doortey

    Diricii hayane maalintuu adiga kuu daayey (Diricii: Cabdulaahi Yusuf)

    Nin dooraa qabsadey baan lahaa oo damiir badane

    Daddaal buu sameyn baan lahaa doqoni waa liide

    War meeshii dalooshaan lahaa waa da’dayayaaye

    Dadka maqan haaartiga baan lahaa doona buu orane

    .........................

    ……………………………………….Meerisyadaas way badnaayeen

    Waan ka booday oo hadana meel kale aan kasoo qaato

     

    Haarti kala dilkiis maanta sow duubka uma qaadan

    Dabshid iyo dulaal sow manoqon dunida saameeyey

    War reer degaankii sow Yuhuud doolarka ma siisan

    Waarsangali dirbiyah sow cayaar uguma soo duulin

    Amniga oo diriiskii sita oo dab iyo gaadiid leh

    Sow naguma daadihin hubkii dibada loo heystey

    Anagays difaacnayee waxaad damacdey sow maaha?

     

    ………………………………………Meerisyadaasna way dheeraayeen.

     

    Hadan aan u sii boodo qeyb kale……

     

    Daan daansi iyo faduul sow laysku dila maaha?

    Doraad Ciise Maxamuud Sow doore kama leynin?

    War sow Cali Saleebaan Dudaa daahir uma maagin?

    Shirshooorihiina sow kuma day dayin xaalad doqoniino?

    Nina inaan degaanka uu fadhiyo cidi ku daar daarin

    Dariiqa iyo dastuurkii qornaa sow ma dumin maanta?

    War Sow maamulkii inuu dumo iyo kala dareer maaha?

    ………………………………………Meerisyadaasna way dheeraayeen.

     

    Hadan aan u sii boodo qeyb kale……

     

    Ma wax daalac loo tagay libaax dibinta ruugaaya

    Ma wax loo durbaan tumay ragii duurka hoganaaye

    Ma wiil daanka qaad ugu jiraa doontey midaan heysan

    Daan daansigii hore miyaa dacar la taabsiiyey

    Dib miyey u laabteen markii duubka laga xoorey

    …………………………

     

    ………………………………………Meerisyadaasna way dheeraayeen.

     

    Hadan aan u sii boodo qeyb kale……

     

     

    Sow dara-jadaadii ma dhalin daano iyo qeylo?

    Dagaal oogahaa sow manoqon laga dacwoonaayo?

    Dadka oo nabad u yaal sow mindiyo daabcad uma dhiibin?

     

    Nina ha’wu daneynine Cadow adiga duunkaaga

    Dacartanaaad walaaqdayee ragaad daqantey jiirkiisa

    Dusha godobta kaa saaran iyo dariskan reemaaya

    Bal ka dabaalo dambigaad gashay iyo daynka kugu aasan

    Dibna waxaad ka faa’ido iyo duuga bal aan dhowrno

     

    ……………………………

    ………………………… Hadaan ka boodo taas

    ………………………………Markale isagoo u digaayo ayuu wuxuu ku yiri

     

    Waarsangaliga dowyada Sanaag daalashka u jooga

    Walow uu diwaanka ugu jiro daabaca iyo buuga

    Ee deex iyo ilaa Ceerigaabo degayo reerkoodu

    Ee Bariyo dibir Nugaaleed iyo jira duudihii Soolka

    Oo aan duulna magantood ahayn e Qaran ku daaqaaya

    Oo aad shalayto soo doonatee weerarka u duubtey

    Difeertada kasoo bixi karta iyo digada qiiqeysa

    Kala didan waxaad damacday iyo diiga ciyayaaye

    Waa shan hal oo digniin kuu filan ee maad iskaga deysid

     

    Dayibta iyo xidiga iyo cashaa dahabka yaal yaala

    War darsanka iyo dhaymantaa damucu kuu qaadey

    Ingiriisba wuu day-dayayoo daah ka furi waaye

    Sayidkii ku daan-daan wuxuu ciidan soo dumaye

    Iqwaankiina waatii uu dagayoo ay duhur kasaareene

    Deyrbaa isaga meyrsan iyo dabiyo baaruude

    Dacarna lagu dhintaa weeye iyo muriyo deebaaqe

     

    War ninkastoo is deyr-deyro oo dibiyo xoog sheegta

    Guul lagama soo daa-dahsho ee maad isaga deysid

     

    Abwaanku shanta dignin uu u direy Cade Muuse waxaan maanta kasoo qaatey halkaas oo aan jeclahay inaan maanta uga haro kobta ay joogto. Abwaanka gabaygaas sameeyey waa reer Majiyahan, Baraagaha iyo Taleex waxaana layiraahdaa Maxamuud Maxamed Indha Ruqur waa rugcadaa gabyaayey tan iyo 1960kii....

     

    [ October 07, 2007, 10:26 PM: Message edited by: Koora-Tuunshe ]


  9. Lol Qaran afka qalaad waa laga badshaa. Waxay wax u qoreen qaabkii discussionada Soomaalida...lol

     

    War qoraalka luqadaha xidko loo maro ayaa jira. Gartana xag-xagashada kuma fiicna...

     

    Sheekha Jaceylka: maqaalkaas ninka la baxay ama ku riyooday Sanaagbari ayaa qorey, ee adiga soo qor kaa mid dhaama oo aan hordhigi karno economist. Hadii kale ninkaasi saaxiibul paltalk ah yaanu idin ku ceebeyn meesha.

     

    Taasi waa taladii aan isku lahayn...


  10. LoL Bariga….

     

    Caamirow niney cuqdad dishey waygu ceeb inaan u celiyaa… Oodweyne iyo JB iyo ragii aqoonta lahaa maanta waan u jawaabi lahaa..… Kana cuqdada waxaa galiyey buurta oodda loogu rogay iyo balowda hoohaare… waxba haka waaline u aayar, waayo waxa maqaalkaas ku qoran oo dhan intaa yarta ah ee "Maakhir" baa wadnaha goysay oo weedhaas ugu wacan.... War Caamirow idinkaa isyaqaanee maxaad ku sameyseen miskiinkaas?

     

    Waxaanse garan la'ahay in SOL administration ay fasaxeen cayda iyo inkale?


  11. Bosaso:- Diyaaradan oo Qaadka ka soo Qaadi jirtey Wadanka Somaliya Deriska la ah ee itoobiya laakiin uu ku ganacsado ganacsade Jabuuti ah ayaa lugu soo waramayaa in ay iminka gacanta u gashay kooxo hore uga ganacsanjirtey Qaadka oo iyagu si afduuba diyaradaasi ula wareegay ayaa waxay Dayaarada ku Dejiyeen Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag waxaana dad iminka kusugan Mdaarka Magaalada Bosaso ay Xaqiijinyaan inuu ka dameeyey Dhaca Diyaaradaasi Nin ka ganacsan jirey Qaadka oo lugu Magcaabo Maxamed Taar oo ah Nin si caana looga yaqaan Gobolada Sool iyo Bari kana soo jeeda degmada Laasqoray dhalasho ahaan.

     

    Godoomiyaha Degmada Laasqoray Mr Yuusuf oo ku sugan Magaalada Bosaso ayaa waxaa uu warbaahinta Dhahar.com u sheegay in Dhaca diyaaradaasi uu ahaa markiisii Hore mid ka dhexeeyey Kooxo isku bahaystay iibinta Qaadka ka dibna Khilaaf soo kala dhexgalay iyo lacago ay isku lahaayeen, Dhinaca kalena Gudoomioyaha Gobolka Bari Muuse Gelle Yuusuf Ayaa sheegay in diyaradaasi dib loo soo celinayo oo wada xajood wax lugu eegayo.

     

     

    Diyaarada ayaa waxaa saarneyd lacag gaareysa 200, 000 oo doolarka mareykanka, ayaa waxaa hada howl sheeda ku jira maamulka Maakhir iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanka Laasqoray sidii gacanta loogu galin lahaa diyaarada cidii lahayd.

     

    Waxaan isku daynay inaan Xiriir dheraada la samayno kooxa ku dejiyey Diyaarada Magalaada laasqoray ee Gobolka sanaag waana ay noo suurtoobi waydey,

     

    Maxamed Axmed Ciise

    Dhahar.com


  12. Dhahar Online: Abwaan Hure oo ah abwaan marba marxalad ka gabya oo runtii xidkaha maansada marba siday laabtiisu qabato ilaah ugu fududeeyey afka ayaa wuxuu isoo gaarsiiyey gabay aad iyo aad u qiimo badan, gabaygaasoo aan jeclaaday inaad heshaan erey-bixintiisa iyo sharaxaadiisa hase yeeshee, Abwaan Hure ayaa iga codsadey inaan halkaa ku dhaafo wuxuuna yiri “tixdani uma baahna tafsiir akhristuhuna isagaa isku filan saan filayo” Laakiin Abwaan Hure ayaa wuxuu intaa ku darey “Waxaan ku hadal qabsadey Abdulaahi Spanish oo ah abwaana oo degan cariga Spain oo aan aad u jeclaystay unii ragaas maruun wax yidhaaho”…..

     

    Abwaan Hurre wuxuu yiri:

     

    1 Abdulaahi dheegow qalbigu wuu idheeliyaye

    2 Dhutin socodka iga muuqda iyo dheeha iga duulay

    3 Dhafooradan isoo yare gotiyo dhogor xumaantayda

    4 Dhukaan cudur sidaan qabo waxaa dhuubay sabarkayga

    5 Dhadhabkiyo waxaa iigu wacan dheelalaw hadalka

     

    6 Dhaandhaan sidiisii waxaa ii dhaqabateeyey

    7 Hadaan dhumuc lahaan jiray waxaa dhabankan ii yeelay

    8 Dharaar socod hadii aan iqiin dhuumashaan ahaye

    9 Dhoobi reer sidaan ahay waxaa dhaxanta ii seexshey

    10 Dhakafaar ayaa iga hadhiyo dhabana hays uune

     

    11 Dhadhamada ragaa doontay iyo xabag dhunkaaleeda

    12 Raguu dherigu naga qaatay iyo dhuunigiyo soortu

    13 Dhan dhanaanka nimankaa bartiyo heenka dhuridiisa

    14 Dhegxumada ragaa noogu wacan dhimasho yeelkeede

    15 Dhaawaca ragaa nagu dhigee dhinaca jiifshey

     

    16 Dharab cararka nimakaa ahee dhedada roob moodey

    17 Dheelalawga niman kaa socdaan meela dhuganaynin

    18 Dhulkii iyo dadkoodi ragaa dhinac ka weydaartay

    19 Dhirbaaxada ragaa nagu dhigiyo ceebta nagu dhaashan

    20 Dhudhumada ragaa naga jebshiyo dhaadadkiyo xoogga

     

    21 Dhaameelka nimankaa gurtaan xumaha dhaadaynin

    22 Ehelkiyo dhashoodii ragaa siistay dhala baasta

    23 Nimankaa dharkii tuurayee sharaf ka dhaanteeyey

    24 Nimankaa dhufayska ugu jira dhagarta reerkooda

    25 Dhiigii walaal kood ragaa dheeriga uqaatay

     

    26 Caanaha dharkaynkiyo ragaa dhamaya waabayda

    27 Ragaa dhiraha ciin daaqayiyo dhicirtu waayaabe

    28 Iyaga iyo dhuxulaysatadu waxisma dhaamaane

    29 Labaduba dhegteenii diliyo dhalasha deeniiye

    30 Dhaqan laawayaal weeye aan ceeb ka dhiidhiyine

     

    31 Nin weliba wuxuu dheefsadaa wuxu dhitaystaaye

    32 Nin kastaa wixii uu dhigtuu dhab ugu aayaaye

    33 Dhaxalkii adoogood kaqade dhurana maayaane

    34 Cadowgaa dhexdeeniyo ku jira dhudaha aan joogno

    35 Dheel dheesha nimankay latahay dhudi baroor teedu

     

    36 Dhibaatada ragaa doonayoo dhacaya geellooda

    37 Dhayal maaha xaalkoodu oo dhawrid siima lehe

    38 Nimankaa dhaleecaysan iyo dhidaradaa waashay

    39 Gacalkood waxay dhaafsadeen dhuuni maalinahe

    40 Waa inaan dhabuga fiirsanoo dhagax kutuuraaye

     

    41 Hadaynaan kadhiidhiyinin oo dhebiga loo qaadin

    42 Dharaar taynu joogniyo hadiyo saacadaha dhaaban

    43 Dhuunta hadaan lajarinoo ragaa eeba lagu dhaabin

    44 Dhurwaa iyo dawoco iyo hadaan hadku dhilan waayin

    45 Dhedigeenu guurbeel hablihii dheemanta ahaaye

     

     

    Hurre Dabayl

    hurreaxmed@yahoo.co.uk

     

     

    Waxaa diyaariyey Saalax

    Dhahar Online


  13. JB:

     

    Baruurtii tukaha doonatee daamanka u buurey

    Oo dalaq kasiiyayoo laqayoo daacay maraqeeda

    Dabcigaaga maahmaahda waa laga dareemaaye

     

    Adigaaba baruur ahee maxaad dadka is adkee tiraahdaa!!!

     

    Isla hadalkaas ayaa waxaan isna kusoo xusuustey, ileen waxba waxbaad ku xusuusataaye. Nin reer woqooyi galbeed ahaa oo u boola-xoofeeyey reer woqooyi bari ayaa yiri "Ishubsada Haaartiyoow yaan hoobal kuu tumine"...

     

    Jawaabtu markaas waxay ahayd:

     

    Hay'haataa laga arkaa qoorta Haajaha e

    Maja hoolan bay leedihiyo baalal heerya ahe

    Maxaynu hubsanaa ileen goroyo waa haade

     

    Afeef: Waxaan u isticmaalay ereyga qabiilka anoo sameynaaya minguurin toos ah "Direct Quote". Taasi asxaabta ha iga raali noqoto.

     

    Erey Bixin:

    Boola-xoofeyn: Waa Falax-goodan oo caata ah, ma aha hanjabaad run ah.

     

    Kaftanka waa furanyahay…..


  14. Runta daaha mooyee daacad sheega maan arag....

     

    War meesha Soomaaliland ka yaacdey, dadkoo nabad iskaga yaal ayay dig dig layimaadeen. War ma anaga kaliyaa "Islam" ah oo nala soo weeraraa Ramadaanka iyadoo la isleeyahay ka faa'ideysta way soomanyihiin... Yaab!


  15. Anigu shaqsi ahaan waxaa iigu yaabka badnaa mar aan tagay dalka England, ayaa waxaa guri aan deganaa igu soo garaacay laba nin oo ah Tabliiq Soomaalilanders Durbadiiba waxay igu bilaabeen dacwada Soomaaliland, meeshii aan ka sugaayay Kalimatu Laa'ilaaha Ila Lah.

     

    Jeebabkooda ayay waxay kasoo saareen calamo yar yar iyo Istiikaro. waxay yiraahdeen "Iibso walaal, Support garee Soomaaliland".

     

    Waxaan aad ula yaabay ragan dacwada ka dhigtey faa'finta Soomaaliland, iyagoo u faafinaaya sidii Diin. Guryahana dadka ugu garaaca sidii....

     

    Adigu Maxaa kuugu Yaabka Badnaa???


  16. Armchair Politician: I love it pal...

     

    As far as professionalism goes, this is very proficient cartography; I carefully checked the latitudes and longitudes of the boundaries, and it seems accurate. I would make the fonts stronger to be comprehensible.

     

    Caamir: I agree with you on expansion part…….