Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Koora-Tuunshe


  1. Dhahar: Ciidamada ilaalinta dhirta iyo deegaanka iyo la dagaalanka xaalufka ee degmada Dhahar ayaa labadii bilood la soo dhaafay si xoogleh uga howlgalay badbaadinta dhirta iyo deegaanka gobolada Sanaag iyo Bari, kusoo oo la filaayay in ay nastaan bisha Ramadaan ee barakaysan, Ayaa howshii wali sidii u wada, kadib markii ay qowlaysatada dib ugu soo noqotey deegaankii laga ceyriyey.

     

    Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xabsiga magaalada Dhahar lagu soo xirey ugu yaraan tiro gaareysa dhowr iyo labaatan nin oo maxaabiis ah kuwaasoo qaarna si nabad galya ah lagu soo qabqabtey qaarna dagaal kaga hor yimaaday ciidanka lagadaalanka xaalufinta, maxaabiistaas oo ilaa iyo hada ku xiran degmada Dhahar.

     

    Wareysi ayaan waxaan la sameyney qaar ka mid ah maxaabiista Dhahar ku xiran sidan ayayna yiraahdeen. Maxaabiista qaar ayaa ku dooday in ay iyagu wax dambi ah lahayn oo ay aruursanayeen dhuxushii ay ka carareen ciidamda Puntland oo dhulkaasi wax ku gubi jirey.

     

     

    HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGA

     

     

    2517.jpg

    1_6.jpg

    3_2.jpg

    gaarigalagaqabtey.jpg


  2. Caamir: Very good topic…

     

    I remember one of the past speeches of president Putin, where the first time he accused the US for trying to establish or wanting to become “uni-polar”, which plainly means one single power for the universe. Given the tone and the content, I knew that Mr. Putin was working on something like “father of bomb”…..

     

    You are right, it seems like we are going back to the cold war, but we all know Russia is still too weak “economically” to compete with US.


  3. Hada ka hor waxaa la yiri goobta habar dugaaga lagu haayo/xereeyo oo afka qalaadna loo yaqaano “Zoo” ayaa waxaa majaajilo “joke” sheegay DAAYEER, kadibna waxaa wada qoslay habar dugaag oo idil marka laga reebo DAMEERKA, maalintii xigtey ayuu dameerkii bilaabay inuu kaligii qoslo kkkkk.

     

    Nin goobta joogay oo ahaa dadka daawashada usoo tagay dugaagaas ayaa wuxuu weydiiyey ilaaliyihii dugaaga “zoo keeper” kii, sababta uu dameerkan kaligii u qoslaaya maanta. Ninkii ayaa wuxuu ku jawaabay “Dameerka wuxuu ku qoslayaa “Joke” uu Daayeerka shalay sheegay, ayuu hada fahmay, taas ayuu ku qoslayaa”. Macnaha It took him that long to understand the joke.

     

    Aduunyada waxaa ugu daran ninka intuu shir usoo labistey kana qeyb galay, hadana markii shirka laga soo baxay dadka weydiiyay maxaa la sheegay! Waar maxaa shirka laga lahaa, yiraahda.

     

    Rudyow hadalkaas ma waxaa kuu geeyey Faham la’aanta, mise waad ka hurudaa dulucda isdhex muquureysa. Dhowr jeer ayaa laguu sheegay maamulku ma aha micnihiisu kala qeybin iyo burbur, ee waa hagaajin “Development”. Nin yiri aan Closetkayga hagaajiyo, muxuu dhimay?

     

    "Alahayow eexna hanooga tegin, aqoon darina hanagu cadaabin"


  4. Tensions between Iran and the West, mainly the United States, have risen sharply, but Iran is way too strong to be touched. World’s technical experts believe that Iran’s periodic claim of enrichment breakthroughs is not exaggeration.

     

    Just like every other European country, France wants tighten up their relationship with the US. However, this is just another European country to impose harsher sanctions against Iran.


  5. 2409.jpgDhahar:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Maakhir State ENG Axmed Guure Aadan oo haatan ku sugan Degmada Dhahar ayaa shaaca ka qaaday inay meel fiican marayso hawshii Maamulka Maakhir, Gudoomiyihu waxa uu sheegay inaanay jirin wax la taaban karo oo haatan hor taagan Maamulka Maakhir ayna dhamaan aad u la shaqeeyeen dadweynaha mandaqada.

     

    Gudoomiyaha oo aanu xafiikiisa Degmada Dhahar ku soo booqanay ayaa waxa kale uu sheegay in maamulka uu aad waxa uga qabtay hawlihii Dhuxul joojinta oo ay Guul fiican ka gaadheen isaga oo aad Mahad Balaadhan ugu soo jeediyay dhalinyarada aadka u fir fircoon oo utafa xaydatay inay wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayey dhirta iyo Deegaanka.

     

    Eng Guure waxa uu ugu baaqay kooxa yar yar oo ka soo horjeeda Maamulka fikrad ahaan inay ku soo biiraan iyagoo aad loogu soo dhawaynayo ku soo biiritaanka Maamulka ayna la sheeqeeyaan Qaybaha kala duwan ee Maamulka Maakhir.

     

    Eng Axmed Guure waxa uu ka dhawaajiyay inay Dawlada Maakhir ay Taalaabiyin badan oo wax ku oola ay qaadayso isaga oo intaas raaciyay.

     

    Waxaa Dhowaan la soo Magcaabay Xubno Cusub oo ka Tirsan Maamulka Dowlada Maakhir state Xubnahaasi ayaa Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay Qayb ka yihiin Hanaanka Geedi Socodka Maamulka Maakhir state ,Dhanka kale waxaa laga Dareemayaa Shacabka Reer Sanaag tageero Xoogan oo ay ugu Jiraan Maamulka Cusub ee Maakhir state waxana ay Dadka intooda badani ku faraxsan yihiin talaabada Muhimka ah ee ah Dhuxul joojinta taasi oo Dhamaan laysku raacay inay tahay Mid aan Wanaagsanayn,

     

    Isku soo Duboo hadalka Gudoomiyha ayaa ku soo hagaagay xili ay Dowlada Maakhir soo Magcowday xubno Cusub oo ka mida Qaybaha kala Gedisan ee Maamulka Maakhir state.

     

    Maxamed Axedm Ciise

    Maakhir State

    Dhahar.com


  6. Kan Maakhir Diidanow Waxaad Maagtey Mooji

     

     

    Nimanyahow dhibku wuxuu ka taaganyahay inyar oo saaxibul Hinaase ah. Dadku waa inay gurigooda kasoo bilaabaan, nabada iyo xadaarada iyo kala- dambeynta maamul. Kadib ayuu qofka la dhaqmi karaa dadka kale. Taasina waa ay ka hirgalin waayeen maamulada dariska ah. Sababta keentey maxaytahay in layiraahdo ha is nidaamin, hana noolaanin. waxaan oranlahaa hadalkii ahaa "Inta hoos daloolada wadiyo horor ka gaashaanta" Inta wanaaga wadana waad ku mahadsantihiin garashada walaaltinimo.

     

    Tani tagtayee Tukala ka hadal


  7. Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababey oo dhex marey Ciidamada ladagaalanka xaalufinta degmada Dhahar iyo koox Qowlaysato ah..

     

    Dhahar: Sep/07 Saaka subaxnimadii ayaa dagaal ku dhexmaray ciidanka ilaalinta degaanka iyo ladagaalanka xaalufka ee degmada Dhahar iyo koox qowlaysata budhcad ah, halkaas oo labo askari oo ciidanka ilaalinta degaanka ah ku dhaawacmeen iyo nin budhcadda ka mid ah uu dhaawac ka soo gaadhey.

     

    Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidanka ilaalinta degaanku ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis tiradooda lagu sheegay 10 qof iyo hal baabuur iyo weliba hubkii ay adeegsanayeen budhcaddaasi.

     

    Waa markii afraad oo intii labada bilood ee ugu danbeysey ah oo dagaal noocan oo kale ah uu dhex maro ciidanka ilaalinta degaanka iyo budhcaddaas xaalufinta degaanka. taasoo ay ugu danbaysey horraanti asbuucan oo lagu soo qabtay 10 budhcad ah , oo hadda u ku xidhan magaalada Dhahar.

     

    Weriye Maxamed Axmed Ciise oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa noo sheegay in dhaawacii ciidanka ilaalada lo qaaday dhanka magaalada Ceergaabo si loogu soo daweeyo, halka kii kale ee budhcadda ka dhaawacmayna loo gudbiyey dhanka Sheerbi.

     

     

    Source Dhahar.com


  8. Maakhirian: Very well spoken. We need to support those who are protecting the nature and fighting against depletion. Upon recognizing this, we need to know the civil liability. Dhulka waa in hororka laga badbaadiyaa marka hore. We should advocate and support these men all the way down. Naf iyo maalba waa in loo huraa. Tixdii Qamaan Cabdilwaaxid Meerisyadii aan ka hurdi waaye oo runtii dhaxalgalka suugaaneed u ah dhamaan umada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:

     

    Dhulku waa halbawlaha naftiyo, hooya aan gurine

    Waa hoy dadkiyo duunyaduba, ka haqab-beelaane

    Hanti weeye laysaga dhintiyo, dhaxal lahaystaaye

    Waa hibo indhaha daawadaa, u hanqal taagaane

    Waa hays-barwaqiyo wanaag, laga helaayaaye

    Wa haleela kuu curatayoo, ubad ku heemaaye

    Waa huga dharkaagoo Ilaah, kaaga dhigay hoy’e

    Waxaad haysataan xoolahaa, laynugu hubaaye

    Ma ogtahay hadhkiyo geedku, waa himiladoodiiye

     

    The demand for leadership and administration is clear enough.


  9. Gabay: Dhulku Waa Halbowlaha Naftiyo HOOYO aan Gurine...By Qamaan Abdil Waaxid

    2367.jpg Maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/07 ayaa waxaan xiriir la sameeyey Qamaan Abdilwaaxid oo ah Abwaan aad ugu maansooda suugaanta noocyadeeda kala duwan, haatana mudo gaaban kasoo maqan Magaalada Dhahar oo magaaladiisii ah.

     

    Abwaanka ayaa waxaan weydiiyey in suugaan uu ka sameeyey la dagaalanka Xaalufinta oo maalmahaan dagaalo ku dhexmarey ciidanka ka hortaga iyo ladaalanka xaalufinta iyo ciidan Qowlaysato qarameysan. Abwaanku wuxuu I weydiiyey qalin inaan heysto: Arintaasi fajac iguma noqon, suxufi sidiisii ayaan ana qalin ku boobay.

     

    Gabaygan hoos ku qoran waa gabay ka hadlaaya dhibaatada iyo hormar la’aanta haysata dadka reer Sanaag/Galbeed Bari oo haatan aad moodid iney hurdada ka kacayaan. Abwaanku wuxuu aad u iftiiminayaa Dadka u hub gurtey sidii ay u xaalufin lahaayeen dhirta iyo deegaanka ilaahay dalka ku manaystey iyo arimo kaloo xiisa badan oo aad gabayga kaga bogandoonto…

     

    Hilaad gabay baryahaan Saalaxow Haanso malahayne

    Humaageeda waataan dhigaye hooris keedaba e

    Haasaa-sehaa ila galee kuma hanbaaseene

    Iisoo-hogtooy waxa ladhacay ma hurtadeeniiye

     

    Dadku waa hanaan iyo inay talo hagaysaaye

    Hortaydaa banaan uumiyuu kuma hagaagaane

    Habqana laguma noolaan karo waa hantaqa-weyne

    Hindisaha bulshadu waa inuu hurumar yeeshaaye

     

    Habsan baa ku dhacay reer toloow himiladiiniiye

    Dadku wuxuu ku haasawayaa maanta heer qarane

    Waxay ku herdamayaan inay calan haleelaane

    Hanna-qaadyey ina Yuusufkii haystey reer Bariye

     

    Waakaa hogaan maamul iyo jooga heer sara e

    Hir-difaagi wakaa tan iyo haysta Baydhabo

    Soomaali wakaa hor kacay hagina dooneeye

    Hankaaguu ku siiyaa Ilaah heerka uu yahaye

     

    Ka hadaafyey qeyrkiin intaad hogo-shideyseene

    Maan taad hidii-diiliyo haykal sida-taane

    Maantaad habkii gobi lahayd ku herdameysaane

    Maantaad hilad dawladnimo haybsateen ficile

     

    Hurumarinta xeebaha, badaad ka harqan doontaane

    Waa hodon dhulkeenuye dadnima haw hanbaynina e

    Hanaqaad kadhiga MAAKHIR waaloo hanweyn yahaye

    Inta hoos daloolada wadiyo horor ka gaashaanta

     

    Afar taa hanaan maamul iyo hiilan gabayaa dheh

    Afar kalena hadaftii la jaray hadimadeedii dheh

     

    Inkastood hamuun badan qabtoo gaaja hidin weydo

    Hayinkaaga lama gawraciyo heetista irmaane

    Waxaa la haybah hadaftoo baxdiyo hodonka geedaha e

    Dhulku wa halbawlaha naftiyo hooya aan gurine

     

    Waa hoy dadkiyo duunyaduba ka haqab-beelaane

    Hanti weeye laysaga dhintiyo dhaxal lahaystaaye

    Waa hibo indhaha daawadaa u hanqal taagaane

    Waa hays-barwaqiyo wanaag laga helaayaaye

     

    Wa haleela kuu curatayoo ubad ku-heemaaye

    Waa huga dharkaagoo Ilaah kaaga dhigay hoy e

    Waxaad haysataan xoolahaa laynugu hubaaye

    Ma ogtahay hadhkiyo geedku waa himiladoodiiye

     

    Afarta hilaadshee hadaan hore u wey daarto

    Waa wada hawaar SOOL ninkey dani ka haysoow e

    Hurgumaa lamoodaa dhirtii hadaftu saarnayde

    Huluc iyo birbaa lagaga dhigay gale habaas weyne

     

    Hadhbaad qiiqa moodaa kobaha huraya maantiiye

    Habeenkiina belelkaad sidii hir u arkeysaaye

    Sida had bakhtiga ugu dhacaa col u hob-sheeyaaye

    Haawey shisheeyiyo Abow Heeranaa tubane

     

    Sida awr hayina ood hayaan reera kaga guurtey

    Ama maal hadhiinoobey oo looga haray meyti

    Waxa nacabku kala hooshayaa mahurta-diiniiye

    Loona Hamran mayoo adaa gabay halkaagiiye

    Adinkaa ka hawl galay in taad hiil ugeli layde

     

    HIRIIDiyo wixii SOONAYAAL hadaf galool taaley

    FAR-SHABEELO hawd bey ahayd lagu habaabaaye

    Maantana higliyo lagama helo hiilkaney tahaye

    HAYAAQLE iyo BOOXAARO maleh geed harloo galo e

    Waa wadada hurgumo wixii indhaa ka hor-yimaadaaye

     

    CANAANIYE gabaad lagama helo hamash wixii yiile

    Hohe LABA-DUGSIILIYO la goyy duudi HADHACWEYNE

    Hanfibaa ku dhaca xeeradiyo hoosadii BURURE

    Dhir hulaaqda mooyee kobaha looma dayo hoose

     

    Ka hayaame xoolihii BALIYO kumana hoydaane

    DAMAL-GOREY indhuhu kama helaan geed hadh loogalo e

    Habari xaaba kama qaado XIMAN higil wixii yiile

    Haldhaa iyo wixii dabis-garow bayrac hoganeysey

    Haadki majoogaan dhulkii haybada lahaaye

    Hadimada dalkaa gaadhey iyo huluca saameeyey

    Huqbaad kala kul meysaa ninkii dhiig ku harayoow e

     

    Hadal han mabuuxshee tolow la idin haaranye

    Hanba qabasho mooyee warkale haatan agab beelye

    Hubka qaata oo dila Jahliga idin halaakeeyey

    Hurin-hurin intaad ugu baxdaan Hawsar ku afuufa

     

    Insha-alaahu hadafkeenu weynoo hir gelayaaye

    Haka daalinine oo waqiin hawga soo kicina

    Nina libin haysaga doonina hura naftiinoo dhan

    Hormo iyo labay diin hadhee hororka naafeeya

     

    Iminkuu daruur la harqadiyo roob ku helayaaye

    Iminkey habsami noogu bixi hiilihii go’aye

    Iminkey haraadkiyo ka bixi holoci naareede

    Iminkey dhulkii haakah oran hiilka loo galaye

    Hoobaan fufaysiyo hadey geeda soo bixiye

    Weynoo hagaagtaye toloow nabad kusoo hoyda

    Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda

    Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda

    Weydiin hagaagtaye tolow nabad kusoo hoyda

     

     

    Fure:

     

    Hiriido, Soonayaal, Booxaaro, Far-shabeelo, Baliyo, Hayaaqle, Laba-dugsiile, Hadhac-weyne, Canaaniye, Dowda-Burur, Damal-gorey, Ximan: Waa Deegaano iyo tuulooyin ku yaala Gobolada Sanaag, Sool, iyo Bari.

     

    Curintii: Abwaan Qamaan Abdil-Waaxid

    Qamaan579@hotmail.com

    Qalinkii: Saalax Nuur Saalax


  10. Paragon, dadkani waxay isugu jiraan dabley, iyo shaqaale. Todobaad ka hor ayaa waxay ku dileen oday ka mid ah odayaashii goobtaasi wacyi galinta u tagay. Markii ayaa waxaa loo direy ciidan Baldoos ah gamcaha kusoo dhiga...

     

    Howl galkii kan ka horeeyey oo ahaa dhowr maalmood ka hor waxaa lagu soo qabtey 12 oo ay 8 hubeysnaayeen. Hubkii ayaa laga qaadey isla goobtii ayaa lagu fasaxay oo la siidaayey. sababtoo ah iyagu dagaal iyo rasaasba ma furin, si nabad galyo ah ayaa looga qaadey hubka, meelahay ka imaadeen isaga noqda lagu yiri...

     

    Laakiin kuwa hada lasoo qabtey way hubeysnaayeen maarana waa loo waayey waxaana ka dhacdey "rag idaa kaagama hadhee dab u fagaareeya"... dhowr ayaa laga dhaawacay nina waa laga diley...


  11. Dhahar: Ciidamada la dagaalanka xaalufinta degmada Dhahar ayaa waxaa shalay dagaal kaga hor yimid koox qowlaysata ah oo meeshaasi gubaayey keymaha deegaanka Farshabeello ee xadka Sanaag iyo Gobolka Bari.

     

    Dadka dhuxulaysatada ah ayaa ahaa ciidan hubeysan markii ay xabada fureena u baxsaday deegaanka Qardho iyago watey gaari Toyota ah oo qori ku xiranyahay. Isla goobtaas ayaa waxaa lagusoo qab qabtey 9 ka mid ah qowlasatadii gubeysay dhirta oo halkaas hub ka dhigis lagu sameeyey. Sideed ka mid ah ayaa waxaa la geeyey xabsiga magaalada Dhahar halka mid dhaawac ah lagu dabiibaaya isbitaalka guud ee degmada Dhahar.

     

    Dadka lasoo qabqabtey ayaa waxaa ka dambeeya ganacsato waa weyn ee ka ganacsada dhuxusha kuwaasoo dadka dhuxusha gubaaya ku daro ciidan sharciyeysan ee ah kuwa Puntland. Taas ayaa waxay dhalisay in xoog iyo gacan ka hadal looga joojiyo baabi'inta dhirta iyo kaymaha gobolada Sanaag iyo gobolka Bari.

     

    Waxaa kaloo xusid mudan in taliyaha gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland uu todobaadkii hore u hanjabay Ciidanka Ladagaalanka Xaalufinta laga aasaasay Dhahar, taas oo uu ku tilmaamay inay sharci daro tahay hadii ay qof dilaan, waayo ayuu yiri qofkaanan ahayn Booliis Puntland ah oo cid disha in ay sharci daro tahay.

     

    Hadalkaasi ayaa waxaa aad uga carooday Ciidamada ladagaalanka xaalufinta Dhahar kuwaasoo ku tilmaamay hadal loogu xalaalaynaaya dadka inay dhuxusha gubaan, sidaa darteedna aan loo joojin doonin. waa sida ay hadalka u dhigeene.

     

    Gudiga la dagaalanka xaalufinta degmada Dhahar ayaa waxay la wareegeen hubkii ay wateen dambiilayaashan iyo 90 kiintaal oo dhuxul ah, ay u diyaarsadeen inay qaataan, waxaa kaloo laga aasay labaatan tog ay u diyaarsadeen dhuxusha. Dadka hoos ku qoran, qaar ayaa Oroma ah qaarka kalena waa Soomaali, waxaana idiin soo gudbiney magacooda sadexan iyo dhalashadooda Soomaali iyo Oromo.

     

    maxaabiis1.jpg

    asadahmedcali.jpg

    kadiirahmedgandhow.jpg


  12. Runtii eeda malaha Puntland. Anagu waan jecelnahay hormarka gobolada Bari Mudug iyo Nuugaal, Dhibna nagama heysto waa dad aan wada dhalaney isku deegaana aan nahay. Hormarkooda waa hormarkeena. Wadanka guud ahaan malaha dhaqaala badan. Waxaa ugu badan waa JNA da ama NGO yada iyo guud ahaan deeq bixiyaasha caalamka waxay ku maalgaliyaan wadanka. iyo xoogaa yar oo ah canshuuro iyo ay ugu weyntahay dekeda, taas aan soo dhaafin Raga majaraha u haya maamulka sare.

     

    Dhibka heysta deegaamada Maakhir wuxuu uga yimid Somaliland. Waayo deeqbixiyayaasha UN ka waxay wax usoo marsiiyaan Hargeysa, Goobtaas oo lagu kala qeyb sado. Qaad iyo Qaxwe. Hadii lasoo marsiin lahaa Garoowe iyo Boosaaso wax way kasoo gaari lahaayeen dadka reer Maakhir. Puntland wax qabad ay wax u qabato Maakhir waa mid tolnimo ah aan si kale waajib u ahayn. Eeda waa Jaceyl baro iyo asxaabtiisa.

     

    Ma aqaan inaad xusuusatid Doodii iyo shir weynihii deeq bixiyayaasha Caalamka iyo maamulka Puntland ka dhacay Boosaaso mudo laga joogo lix bilood. Doodaas ayaa waxay deeq bixiyayaashu diideen in Puntland eey usoo wareejiyaan deeqaha Maakhir. Markii dambe waxaa la isku af gartey in hadii dadkani ay maamul shicibkooda ku dhawaaqaan, ay deeq bixiyayaashu markaas ay u soo marin doonaan maamulkaas ay dadka Maakhir sameysteen.

     

    Hadaba hadii hindisaha Maakhir hirgalo sida ay kawada hadleen reer Maakhir iyo deeq bixiyaasha caalamka, wixii Hargeysa lagu cuni jirey Badhan ayaa lagu cunayaa.

     

    Inkastoo sababaha loo dhisay Maakhir ay badan yihiin hadana waxaa ka mid ah waxbadan oo aan halkaan kusoo koobi karin.


  13. Emparor: Arintaas iyadoo aan tixraacaaya arimihii ugu dambeeyey aan kaaga jawaabo.

     

    1) Biyo galintii Gaalkacyo waxaa ku baxay $1.5 million. Puntland waxay bixisay 700,000 meesha ay hayadaha deeq bixiyaasha ka bixiyeen 600,000 inta kalena ay bixiyeen dadka deegaanka. Biyo galintii dhahar waxaa ku baxday lacag intaa kayar. Puntland waxay ku bixisay 0.0000. halka ay wax qeyb sadeen dadka deegaanka iyo deeq bixiyayaasha.

     

    2) Puntland waxay mishaar joogta ah siisaa macalimiin gaaraaya 270 gobolada Mudug, Bari, Nuugaal. Meesha Sool iyo Sanaag ay lacagtaasi bixiyaan Qurba joogta. Aynan xitaa ogolayn waxay xaqa u lahaayeen.

     

    3) Ciidamada Xaalufinta Degmada Dhahar iyo kuwa kalee booliska sanaag. Dadka deegaanka ayaa wax siiya. Meesha ay degmooyinka aad sheegtey ka jiraan boolis lacag ku qaata canshuurta laga qaado boosaaso.

     

    ....Intaas waan kasii wada karaa... mana rabo inaan tol kula xisaabtamo NET ka. ee ha i kalifin Amparorow ina adeer. Kuman wax baan tabanayaa oo aan kow taaban....


  14. Emparor

    "Anigu Dhul waan katagayaa ee dad Somali ah kama tagaayo"

    Hadalkaasi xigmad weynaa oo odaygu yiri Alaha u naxariistee. Si fiican u dhuux aan kuu bidhaanshee, Dhul wuu ka tagay oo waa aragtaa dhulka bilicdiisa uu ka tagay. Dadse kama tagin ee xoolo ayuu ka tagay. Oo wali dilka wada, oo is gubaaya, oo is dilaaya, is aaneynaaya. Ina Yeyna howl badan ayuu qabtey howl badana waa u dhimantahay. Isagana waan sugaynaa.


  15. Inkastoo aan nebcahay inaan ka hadlo marxuumka, tixgalin iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee. Waxaanse jeclahay inaan Walaalkey Duke u sheego "Halyay kasta oo caalamka soo mara, Gaf iyo qalad kama marna" Siyaad Barre wuxuu ahaa Halyay, inta danbi uu galay waxaa ka badnaa oo halyay ka dhigaaya intuu wax ka badalay. Hadaba eeg sida wadankasta halyaygiisa u leeyahay iin iyo eed.

     

    Siyaad Barre intuu galay iyo intuu geysteyba, wuxuu taariikhda kaga jiraa Baalka Dahabka ah. Bal Soomaali car u tali adigoon dhangad la dhicin!