VivaSomaliaa

Nomads
  • Content Count

    69
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by VivaSomaliaa


  1. London:Wasiiru-Dawlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo Booqashooyin Rasmi ah ku Tagey Dalalka Britain iyo Netherlands lana kulmay Madax Sare

    17. may 2011

     

    Allpuntland.com:- Wasiiru-Dawlaha Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Abdulkadir Abdi Hashi ayaa martiqaadyo rasmi ah oo uu ka helay dalalka Holland iyo Boqortooyada Midowdey ee Britain iyo Waqooyiga Ireland ka dib wuxuu booqasho afar casho qaadatay ku tagey magaalooyinka Hague iyo London. Sawirada hoos ka daawo

     

    Prof. Hashi ayaa intii uu joogey labada dal oo si weyn oo heer sare ah loogu soo dhaweeyey wuxuu wadahadalo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladahaas.

     

    Dalka Holland wuxuu Wasiirku shirar kala duwan la yeeshay madax kala duwan oo ka kala socdey wasaarado kala dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Arrimaha Dibedda, Gudaha iyo Gaashaandhigga kuwaasoo ay kawada hadleen danaha Puntland iyo dalalkaas iyo sidii iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya loo sii ballaarin lahaa.

     

    Waxaa Wasiirku bisha May, 10keedii, 2011ka kula kulmay magaalada Hague ee Caasimadda Hooland Wasiirka Arrimaha Yurub iyo Iskaashiga Caalamiga ah u qaabilsan dalkaasi Md. Ben Knapen oo si diiran u soo dhaweeyey Wasiiru-dawlaha Puntland. Waxaa Prof. Hashi uu si qotodheer uga waramay Wasiirka horumarka baxadda leh ee dawladda Puntland ka gaartey dhinaca adkaynta amniga iyo la dagaalanka burcad badeeda oo Maamulka uu hoggaamiyo Dr. cabdiraxmaan Maxamad Faroole uu Wasiiru-Dawluhu sheegay inuu si weyn uga dabargooyey gayaanka Puntland.

     

    Wasiir Hashi wuxuu maalintii bisha May ahayd 12ka ee 2011ka kula kulmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska Wasiirka dalkaasi u qaabilsan Arrimaha Qaaradda Africa Md. Henry Bellingham oo uu dhex maray kulan dheer oo si weyn la isugu afgartay. Wasiiru-Dawlaha Puntland ayaa labada Wasiir si gooni gooni ah ugala hadlay sida loogu baahan yahay in Puntland laga kaalmeeyo baahinta iyo adkaynta dadaalada ay dawladdu horay uga samaysay dhinacyada fidinta dimoqraadiyada, tayanta iyo baahinta waxbarashada, Caafimaadka, daryeelka xoolaha, ilaalinta deegaanka, gaarsiinta biyaha macaan daafaha Puntland oo dhan iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada hawl la’aanta baahsani hadda ku hayso dalka. Wuxuu Wasiirku sidoo kale kala hadlay labada mas’uul inay ka kaalmeeyaan Puntland la dagaalanka Burcad-badeeda iyo sugidda Amniga. Dhanka Soomaaliya waxaa Wasiiru-Dawlaha Puntland ka codsaday labada dawladood inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa xilliga kala guurka dhammaadka bisha August, 2011 sidii horay loogu ballamay ayna tageeraan dadaalka uu arrintaas ka wado Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga.

     

    Wuxuu Hashi si gaar ah uga mahad celiyey dawladda Ingiriiska go’aanka ay ku gaartey inay di u furto safaaradii ay ku lahaan jirtey Soomaaliya.

     

     

    sawirada http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2011/05/wic1-300x199.jpg

     

    http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2011/05/wic-e1305632099872.jpg


  2. Boosaaso: (Allpuntland)-Wafti sare oo kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka anbabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Dawlada Puntland iyagoo kusii jeeda safaro dalka dibadiisa ah gaar ahaan wadamada deriska la’ah soomaaliya oo ay casumaado kaladuwan ka heleen ayna uga qeybgalayaan shirar kaladuwan oo ay la la qaadanayaan Safiiro & Hay’ado caalami ah oo xarumo kuleh wadamada ay booqanayaan.

     

    Wafdigan oo isugujiray Wasiiro & xubno kale ayaa ka koobnaa laba qeybood oo ay kala hogaaminayaan Wasiiru-Dawlaha Qorsheynta & Xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi & Wafti kale oo uu isna horkacayey Wasiirka Tastuurka & Arimaha federaalka ee Dawlada Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale,waxaana ay u anbabaxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo xubnaha qaarna ay uga sii gudbiyaan dalka Jabuuti.

     

    Wasiiru-dawlaha Qorsheynta & Xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa APL u sheegey inay casumaad rasmi ah ka heleen qaarkamid ah Hay’adaha caalamiga ah,ayna shirar kula qaadan doonaan magaalada Nairobi,isagoo intaas kudaray in Safiirada wadamada caalamka ee Nairobi ay xubno kamid ah is arki doonaan.

     

    Wasiirka Tastuurka & Arimaha Federaalka ee dawlada Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale ayaa isna dhankiisa sheegey inay tagi doonaan Kenya & Jabuuti,islamarkaasna ay wadanka Jabuuti uga qeybgalayaan shirar caalmi ah oo quseeya danaha Puntland ee caalamka gaar ahaana dhanka gobolaysiga maadama ay Puntland tahay deegaan xasiloon oo u hogaansan habka gobolaysiga Caalamiga ah.

     

    Safarka Wufuudan sarsare ee Puntland ka socota ay wadamada deriska ah ugu anbabexeen ayaa imaanaysa xili ay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed maalmo ka hor shaaca ka qaaday inay jirtay islamarkaasna joojisay xiriirka wada shaqeyneed & kaalmo ee ay siin jirtay dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

     

    Cabdiqani Xayir

    Allpuntland


  3. Waxaa maanta Caasimadda Puntland ee Garowe soo gaaray wefti Caalami ah,weftigan ayaa waxa ay ka soo degeen Garoonka Cusub ee Caasimadda Puntland.

     

    Weftigan ayaa waxa ay ka koobnaayeen afar xubnood waxayna kala ahaayeen :

    1. Lt.col.Peter wright British Miletry Representation to Somalia.

    2. Emmannel Besnier Ist Secretry, Franch Embassy

    3. Colonel Pane Kewett Security Advisor EU Delegation to Somalia

    4. Jeremie Robert Political Advisor EU (Representative to Somalia Georges Mare Andre)

    5. Marcelino Benett EU Field Officer Puntland.

    Weftigan ayaa maanta kulan qaatay dhowr saacadood waxa uu la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Puntland sida Wasiirudowlaha Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga Cabdiqaadir Cabdi Xaashi,ah oo isagu shirka manta shir guddoominayey,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdi Faarax Juxaa,Wasiirka Warfaafin,Isgaarsiinta,dhaqanka iyo Hidaha,Cabdixakiim Axmed Guuleed,WasiiruDowlaha Madaxtooyada ee Maamul Wanaagga Maxamed Faarax Ciise(Gaashaan),Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Ammniga Cali Saalax,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada CaliBare Jamac Gibil.Agaasime ku xigeen guud Axmed Caydiid iyo xubno kale.

     

    Shirka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayey arrimaha Ammaanka,Siyaasadda iyo Arrimaha Bani�aadanimada.

     

    Madaxda Puntland ayaa waxa ay weftigan ka siiyeen warbixino arrimaha aan kor ku soo sheegnay.

     

    Hadaba dood dheer iyo falaqayn ka dib ayaa waxaa laysla gartay sidii arrimahaasi si dhakhsa ah wax looga qaban lahaa dowladda Puntland looga taageeri lahaa.

    Ka dib kulankii ayaa waxaa weftiga loo sameeyey qado sharaf heer sare ah.

    Qadada ka dibna xubnaha weftiga dhammaantood waxa ay madaxda Puntland uga mahadnaqeen soo dhoweynta fiican iyo xog waranka ku qotomay mid caqli gal ah.

    News202991219102260706.JPG

     

    News202991219102260706.JPG

     

    News202991219102260706.JPG


  4. Clearly you do not have your facts set out for you. He was a P.H.D Candidate in 08 and he just finished his Ph.D. thesis and is and expecting his doctorate degree cermony this fall. His research interests included International Conflict, Terrorism, African Politics.

    This Article was dated 2008 and if you read at the bottom is states that he was a PhD Candidate in 2008! http://www.hiiraan.com/op2/2008/oct/kipkorir_s_rhetoric_short_circuits_proposed_igad_somalia_confere nce.aspx Once one succesfuly completes the material often they may find teaching positon at a university and thats just what he was doing in Canada for the past couple years. I'm sure you will see hear of his arrival for the cermony.Thanks for your 2 cents tho!


  5. MINNEAPOLIS:- Waxaa caaweyn oo ku aadan oo sabti axadna ay soo hulaalayso July 4 lagu soo dhaweeyey Magaalada Minneapolis oo ka mida Gobalka Minnesota ee waqooyiga America Ambassador Professor Abdulkadir Abdi Hashi Wasiiru Dowlaha Xiriirka Caalamigaa iyo Qorshaynta Dowladda Puntland, Wasiirka ayaa lagu soo dhaweeyey Casho sharaf aad loo soo agaasimay, waxaana casha sharaftaan howlwadeeno ka ahaa Ururka loo yaqaano Puntland Diaspora Forum, dhinaca kale waxaa casha sharaftaan ka qayb galay Jaaliyadda Soomaliyeed ee dagan Gobalkan Minnesota.

     

    Waxaa goobta ka hadlay inta uusan wasiirku hadlin Siyaasiyiin Maraykan ah oo iskugu jira Soomaliya iyo Cadaan ku Waas oo codsi u soo jeediyey dadweynaha kulanka ka soo qayb galay in ay doortaan oo codkooda siiyaan, waxaa Sidoo kale ka hadlay Sheikh Dr Saadiq Eenow oo ah Dhakhtar ka yimid Magaalada Boosaaso, iyo Madaxda Ururka PDF ENG Mohamud Xaamud iyo ******ow, waxayna sheegen in ay sidiiran oo kal iyo laaba ay u soo Dhaweynayaan wasiirka waxayna xuseen in wasiirku ahaan jiray Gudoomiyaha PDF.

     

    Waxaa sidoo kale ka hadlay Wakiilka Boqorka ******* Abdullahi Ahmed Khayr, iyo Odayaal dhaqameed kale, Kaalinta haweenka ayaan meesha ka marnayn iyo suugaanta sida gabayada oo iskugu jiray Afsoomali iyo English Waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xafladdan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka ah, Xafladdaan ayaa ka Dhacday Bariga Minneapolis Hotelka Ramada Plaza , Xafladda waxaa xiriirinayey Abdifitaax oo ah Nin dhalin yaraa oo aad u kaftan badan isla markaana ka mid ah Ururka PDF.

     

    Khudbada waxaa wasiirka ku soo dhaweeyey ******ow wasiirka ayaa khudbadiisa oga hadlay been abuur loo gaystay Dowladda Puntland isla markaana wuxuu dhaliilay Dowladda Somaliland oo uu sheegay in ay jiraan dad u raadinaya Madax banaani iyo in Somaliland ay gooni iskaga taagto Jammuuriyadda Soomaliya laakiin ay rabaan in ay Puntland Meel si xun u tusiyaan Caalamka wasiirku wuxuu yiri “haddii Somaliland goosato anaguba waan goosan karnaa”

     

    wasiirka ayaa sheegay in dhawaan safiiro ka socda safaaradaha yurubta ay tageen Puntland iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Dowladda Federalka ah ay kawadahadleen sidii Puntland Sal dhig looga dhigi lahaa Ladagaalanka Burcad Badeeda iyo waxa uu ugu yeeray Argagaxisata hase yeeshee waraysi ay SomaliMidnimo.com la yeelatay oo aad Dhawaan maqli doontaan ayuu ku sheegay in uusan Argagaxiso ka wadin ee uu u waday cida saldhiga loo Samaysanayo in ay yihiin Burcad badeedad .

     

    Wasiirku wuxuu Jaaliyadda Puntland ka codsaday inay Dowladda Puntland taageeraan sharuud la,aan wuxuuna Tilmaamay in xaaladda amni ee Puntland sida ay saxaafadda Enternetr ku u buun buuninayso aysan ahayn, sidoo kale Dhawaan ayaan idin soo gudbinaynaa Waraysi aan la yeelanay Wasiirka. Wasiirka khudbadiisii iyo Taariikhdiisa si aad u dhagaysato Halkaan ku dhufo ama guji. Halkaan ka Daawo Masawiro ama Guji

     

    Dhawaan Gabayadii laga tiriyey xafladda iyo khudbadihii laga jeediyey ka dhagayso SomaliMidnimo Radio Barnaamijkii Qurbajoogta ee Hassan Sunni iyo Dalboon.

    SomaliMidnimo.com waxay Saxaafadda Soomalida u fasaxaysaa in ay qaadan karaan Masawirada iyo Cododka haddii Ay sheegayaan Isha Wararka oo ah SomaliMidnimo.com

     

    SOMALIMIDNIMO.COM


  6. 3. Dr. Da'uud Maxamed Cumar - Qorsheynta & Xirrirka Caalamiga ah

     

    Minster of Planning and International Relations

     

    4. Prof. C/Qaadir C. Xaashi - Wasiiru dawlaha Qorsheynta & Xirrirka Caalamiga ah

     

    Puntland State Minister of Planning and International Relations

     

    5. Eng. C/risaaq Yuusuf Cilmi - Ku xigeenka Qorsheynta & Xirrirka Caalamiga ah

     

    Assistant Minister of Planning and International Relations